| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Sir culus oo Xabishidu Soomaaliya ku qabsatay
Qaranka online
Sargaalkan ayaa sheegay in jariiradda AFP ee laga leeyahay dalka Faransiiska, jariiradda/idaacadda BBC oo laga leeyahay wadanka boqortooyada Ingriiska, jariiradda AP oo laga leeyahay wadanka Maraykanka iyo jariirado iyo idaacaddo kale oo laga leeyahay wadamada ree Galbeedka inay wariyeyaal ahaan ugu shaqaynayeen saraakiil ciidan.
Saraakiishan ree Galbeedka oo ahaa khuburo milateri ayaa si ay u qiimeeyaan awoodda xoogagga la dagaalamaya ciidamada Itoobiyaanka loo soo galiyay shaati suxufinimo ayuu hadalkiisa ku daray sargaalka Masaariga ahi taasoo sahashay ayuu yidhi in fikir guud laga qaato awooddooda, hubka ay haystaan noocyadiisa, xarumaha ay leeyihiin iyo baaxadda aagga ay ka dagaalamayaan.
Arinkan uu sargaalku sheegay hadii uu u jiro sida uu u sheegay waxaa hubaal ah in dagaalyahanka Soomaalidu ay sameeyeen khalad la mid ah kii ay Maxkamaddaha Islaamiga ahi ay sameeyeen dabayaaqadii sanadkii tagay taasoo ahayd ogolaanshihii ay saxaafadda ree Galbeedka u ogolaadeen inay booqdaan oo wararka ka soo tabiyaan jiida hore, tagaanna xarumaha waawayn iyo saldhigyada mujaahidiinta. Saxaafadda ree Galbeedka ayaa la rumaysanyahay inay lug weyn ku lahayd arimihii soo dadajiyay jabkii Maxkamaddaha Islaamiga.
Hadaba waxaa loo baahanyahay in wakhtiga wax laga barto oo Soomaalidu indhaha furto. Caalamkan maanta la joogo Soomaalidu saaxiib kuma laha marka laga reebo dawladda Eritrea oo dhaleecaysay joogitaanka ciidamada Itoobiya ay joogaan Soomaaliya iyo xasuuqa ay ka wadaan sidaa daraadeed waxaa loo baahanyahay in wixii hadda ka danbeeya qori iyo qiiqiisaba la isla tuuro oo ree Galbeedka iyo saxaafaddoodaba la isla tuuro.
Hadalka sirta ah ee uu KismaayoNews siiyay sargaalka Masaariga ah runnimadiisa waxaad ku garan sababta keentay in dagaalka socda ay saxaafadda reer Galbeedku u soo bandhigi waayaan ciidamada Itoobiyaanka oo dagaalamaya, dhimashada soo gaarta iyo dhaawacooda oo la daldalayo halka ay ka soo bandhigayaan dagaalyahanka Soomaaliyeed oo raaca hore dagaalka kaga jira.
Xigasho:KismaayoNews.com
The opinions contained in this article are solely those of the writer & doesn't represent
Qaranka.com
Qaranka online
|