Yaa ka danbeeya dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya? War
Lords & War Criminal Liiska Dagaala Oogayaasha Soomaaliya
The Qaranka online
Q/Abdikarim Axmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom
Tel; +46739512789
3 June 08
-
Cabdullahi Yuusuf Axmed
Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere)
General Maxamed Darwiish
Xuseen Faarax Caydiid
Sheekh Aadan Madoobe
Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid)
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde)
Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan
Maxamed Qanyare Afrax
Muuse Suudi Yalaxaw
Barre Aadan Shire (Hiiraale)
Xasan Maxamed Nuur (Shaati Guduud)
Cismaan Xasan Cali (Caato)
Axmed Yuusuf Hagar (Dabageed)
Salaad Cali Jeelle
Hordhac:
Hadii aan wax ka tilmaamo dhibaatooyinka Soomaaliya qofka gaystay ama shakhsiyaadka ka danbeeya, runtii wajiyo badan ayeey yeelanaysaa, oo waxaa adkaanaysa sidii lagu heli lahaa shakhsiyaadka runta ah ee ka danbeeya arrintaas.
Dhibaatada Soomaaliya haysta maanta waxaan marnaba la iska indha tiri karin in ay Soomaalidu isu keentay, ha ahaato maamul xumada Dawlada, ha ahaato shacbiga, ha ahaato ciidamada Itoobiyaanka ah ee yimi dhulkii Soomaaliyeed, iyo daba dhilifyada ka danbeya imaantinkooda.
Maalintii uu Cabdullahi Yuusuf xukunka dalka hantiyay Oct 10, 2004, wixii ka danbeeyay wuxuu ilaa xad soo dhawaystay qabiilka uu ka dhashay ee Majeerteenka haba u badnaadaan beesha Cumar Maxamuudka, isagoo takooray qabiilada kale ee Soomaaliyeed uuna ka mid yahay Hawiye.
Dawladii Siyaad Barre iyaduna isla sidan uun bay ahayd oo Siyaadna wuxuu soo dhawaystay ilaa xad qabiilka uu ka dhashay ee Mareexaan. Ma la odhan karaa M.S.Barre iyo C/laahi Yuusuf in ay iska shabahaan xaga qabiil jacaylka, maadama ay isku Daarood yihiin? Anigu taa jawaabteeda waxaan u daayay Akhristaha.
Haddaba aan usoo jeesano xaqiiqdu waxay tahay, iyo meesha la isla fahmi la,ayahay.
Marka hore Cabdullaahi Yuusuf Dawladiisa waxaa lagu soo dhisay Nairobi, Cabdulaahi Yuusuf wuxuu xidhiidh dheer la leeyahay cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya, maalintii la dooranayay Cabdullahi Yuusuf waxaa hiil iyo hooba la hor taagneed Dawlada Itoobiya, doorashada madaxweynahan waxaa 50% taageeradeeda ka qayb qaadatay Dawlada Itoobiya.
Maalintii la caleemo saaray madaxweynaha cusub, laguna caleemo saaray wadanka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi, wixii laga filanayay inuu Cabdullahi Yuusuf soo wato, iyo dhibaatada maanta taagan ee uu u keenaya shacbiga Soomaaliyeed waa laba kala fog oon marnaba la isla meel dhigi karin.
Dadka qaar waxay qabeen in uu Cabdullahi Yuusuf uu xal u heli doono dhibaatadii lagu sooo jiray 15ka sano, laakin markii ay ayaamo jirtay Dawladiisu, dadka wixii caqliga lahaa waxay garaadsandeen in aysan meeshani wax la taaban karo ama shacabka faa,ido u ahi kasoo socon.
Taariikh ahaan Cabdullahi Yusuf waa dagaal ogayaasha Somaaliya oo waa shaqsigii ugu horeeyay ee weerar ku soo qaada Dawladii Maxamed Siyaad Barre ama Dawladii Sooamliyeed. Wuxuuna ka mid yahay dagaal oogayaashii ka qeyb qaatay dilkii shacab Soomaliyed in ku dhaw 500,000 oo waliba isagu kusii caan baxay wadaadadii uu ku xasuuqay gobollada Bari markii uu ka talinayay isagu.
Cabdullahi Yusuf xidhiidh dheer ayuu la leeyahay cadawga Soomaliyeed ee Itoobiya. Wuxuuna balan ku qaaday in uu Somaliya gobol gobol u iibiyo. Cabdullahi Yuusuf iyo Itoobiya waa cadawga koobaad ee qaranimada iyo ummada iyo shacabiga Soomaliyeed.
Taariikh ahaan
1:Miyaa la ilaabay in uu Cabdullahi Yuusuf ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka hor yimaada Dawladii Maxamed Siyaad Barre ama Dawladii Soomaliyeed?
2:Miyaa la ilaabay in uu Cabdullahi Yuusuf ahaa ninkii isku dayay 1979 in uu inqilaab ka dhigo Dawladii Maxamed Siyaad Barre ama Dawladii Soomaaliyeed?
3:Miyaa la ilaabay in uu Cabdullahi Yuusuf yahay dhiigyacabka ugu wayn Afrika ee inta ruux ee uu khaarijiyay ay ku dhawyihiin 600, 000 oo qof?
4:Miyaa la ilaabay in uu Cabdullahi Yuusuf yahay ninkii Todobada sano ku jiray xabsigii ku yaalay Itoobiya isaga iyo Caydiid, isagoo lagu eedeeyay in uu khalad ka galay Dawladii Soomaliyeed? 5:Miyaa la ilaabay in uu Cabdullahi Yuusuf yahay nin danbiile qaran ah oo in badan lagu qarinayay wadanka Itoobiya, gaar ahaan qabiilkiisu ku ilaalin jireen?
Su,aalahaas oo dhan jawaabahooda waxaan u dhaafaya Akhristahayga sharafta leh.
Haddaba xaalada maanta taagan dagaal oogayaasha Soomaaliyeed waxaa ugu horeeya Cabdullahi Yuusuf, oo haddana ah madaxwaynaha DFKMG, waa wax lala yaabo, nin shalay shacab xaqdaro ku xasuuqayay maantana ah madaxweyne, maanta maalin aan ahayn ayaa la garan doona. Intaan maalin kaleba la gaadhin dhibaatooyinka iyo xasuuqa uu ku hayo dadka Muqdisho deggen, iyo soo galitaankan ciidamada Itoobiyaanka ah ee uu isagu dabada ku wato ayaaba cadayn u ah in uusan dhibaato iyo kala fogaansho mooyaane aanu wax kale dadka u hor seedeen.
DFKMG waxay u badan tahay beesha Cabdullahi Yuusuf oo ah Majeerteen hadaan kuwa ugu muhiimsan kasoo qaadano waxaa ka mid ah;
1:Taliyaha ciidanka Sirdoonka NSA (National Security Agency) Gen. Maxamed Darwiish = Majeerteen
2:Taliyaha Ciidammada Cabdullaahi Cali Cumar = Majeerteen
3:La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca siyaasada Yuusuf Cumar Al-Azhari = Majeerteen
4:La Taliyaha Madaxweynaha dhinaca sharciga Jamaal Cumar = Majeerteen
5:Wiilka uu dhalay, ahna qasnajiga Madaxtooyada Axmed Cabdullaahi Yuusuf = Majeerteen
6:Afhayeenka Madaxweynaha ahna safiirka u fadhiya Brussels Yuusuf Cusmaan Baribari = Majeerteen
7:Madaxa ilaalada Madaxweynaha Cabdullaahi Dheere = Majeerteen
8:Taliyaha Airpotka iyo Dekeda Muqdisho Laba Xidigle Joocaar = Majeerteen
Iyo qaar kale oo badan oo aanan jeclaysan inaan halkan ku soo qoro.
Raggan liiska dagaal oogayaasha Soomaaliya aan ugu magac daray, ragaasu malaha haba yaraate wax ah dhaqan Dowladeed, garasho Somaalinimo iyo aqoon diineed intaba waa ka qaawan yihiin. Waxay cadow ka dhigteen diinta Islaamka iyo walaalahood Hawiye.
War Lord & War Criminal
Cabdullahi Yeey "Akbar Khain Fil Caalam" Taariikhdiisa maqaal horaan ka qoray ma doonayo in aan arrimihiisa siyaasadeed soo badhigo, balse waxay dhibaato ka taagan tahay sidii lagu fahmi lahaa siyaasadiisa gurracan ee uu kula dhex jiro ummada Soomaaliyeed, oo runtii khaatyaan fara badan ay ka taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho.
Cabdullahi Yeey oo Isbitaal ku lahaan jiray dalka Ingiriiska ayaa waxaa lasoo warinaya in uusan tagin Isbitaalkaas, maadaama lagu eedeeyay inuu isagu ka danbeeyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed. Beerka ku jira Cabdulaahi Yeey ayaa reerkii iska lahaa ka codsadeen Dawlada Ingiriiska in looga soo saaro, maadama reerka beerka iska lihi aanay ugu talo galin in lagu xasuuqo shacab. Taasna waxay noqonaysa mid walwal badan ku kenta Mr. Yeey.
Maxamad Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) waa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, isaga haba yaraate waxaan shaki ku jirin in uu baqdin wayn ka qabo Ciidama Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, inkasta oo dhamaantood dagaal oogayaasha oo dhami ay ka wada baqaan ninka la yidhaah Gabre oo isagu ah Gudoomiyaha Ciidamada jooga Soomaliya, Melez Zenawina uu usoo xil saaray ninkaas, hadana waxaa cad dhamaan dagaal oogayaasha ku sugan Muqdisho uuna ka mid yahay M/Dheere in ay si cad uga wada amar qaatan Gudoomiye Gabre. Maxamed Dheere waa doqonka cadaw ka dhigtay walaaladiisa Hawiye.
Maxamed Maxamuud Guuled (Gacme-Dheere) wuxuu dhashay 1954kii waana 54jir, wuxuu ku dhashay Degmada Hobyo. Wuxuu ka mid yahay ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay sanadkii 2000, balse lama dooraan, ninkan ayaa isna ahaan jiray Wasiirka Arimaha Gudaha, waxaana lagu badalay nin isagu Gaal Jecel ah. Gacmadheere imika waa xubin muhiima ah oo ka tarsin barlamanka DFKMG,wuxuna familigiisu degen yahay carriga Ingiriiska gaar ahaan magaalada London,wuxuuna ahaa oday caydha qaata oo aan weligiis u dhaqaaqin shaqo,ka hor intaanu noqon Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFKMG.
Waxaa la sheega in uu hay,ada QM u qaabilsan xaga cuntada ee marka magaceed lasoo gaabiyo loo yaqaan WFB (World Food Program) in ay raashin iyo daawooyin ugu deeqday dadka Muqdisho degen. Isagu wuxuu ka masuul yahay barakaca 1200 oo qof, oo loo waday raashiin, barakaca dadkaasna uu isagu ka masuulka yahay, balse uu isagu ku tilmaamay in ay dhacen raashinka iyo daawooyinka lasoo diray.
Yaa cilmi u leh oo caddeeyey in raashinku iyo daawooyinku dhaceen? Raashinka dhacay cilmiga lagu baaro waxaa loo yaqaan (Toxicology). Jaamiciga Somaaliyeed ee cilmiga (Toxicology) soo bartay waa kuma? Su’aashaan jawaabteeda waxaa laga rabaa Maxamed Gacmadheere.
Gen Maxamed Darwiish -oo ah madaxa hay'ada sir doonka Dawlada Federalka ee NSA (National Security Agency),ayaa intaan xilkaas loo magacaabin waxa uu qaxooti ku ahaa wadanka Ingiriiska,gaar ahaan magaalada Leicester. Waliba wuxuu ka shaqayn jiray meel dukaan ah oo la odhan jiray TESCO oo uu isagu qaabilsanaa xaga alaab rarista ama soo qaadista alaabaha la keeno markaa, shaqadiisu waxay ahayd qaybta xamaalka, maadama uu ahaa nin aad u xoog wayn.
Xuseen Faarax Caydiid wuxuu dhashay 1963kii waa 45jir, wuxuuna ka mid yahay raga ku sugan magaalada Asmara, Eriteria. Ee iskubahaystay in ay dhaleceeyaan Dawlada Cabdullahi Yuusuf ee Itoobiyaanka u adeegta.
Xuseen Faarax Caydiid oo isaguna ka mid ah dadka liiska ku jira ee dagaal oogayaasha Soomaaliya, ninkaas waxaa la sheega inuu kusoo koray wadanka USA ee gobolka California, wuxuuna ahaan jiray askari ka tirsan ciidamama loo yaqaan Marineska. Xuseen wuxuu kamid ahaa ciidamadii Mareykanka ee soo galay Soomaaliya sanadkii 1992 si ay wax uga qabtaan gaajadii ba'neyd ee ka jirtay dhamaan dalka Soomaaliya. Balse markii danbe kusoo biiray Dawladii aabihii (Caydiid) uu ka dhisay Muqdisha ee magaceedu ahaa (Salbalaadh), dhimashadii Caydii ka dib, aakhir waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha ururadii USC/SNA. Laakin maanta wuxuu ka tirsan yahay qolada Asmara joogta ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya la magac baxday.
Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ahaan jiray Wasiirka cadaalada ee Dawlada balse imika waa Gudoomiyaha Barlamanka DFKMG. Waxaana meesha keenay Cabdullahi Yuusuf si uu uga caawiyo arrimahan ku cakiran Mr Yeey, maadama uu yahay nin xanuusanaya walow uu gargariiro marka waraysi lala yeelanayo, badanaana Kamarada laguma qabto gacmahiisa kurbanaya.
Sheekh Aadan Madoobe waa rag inbadan kusoo dhex jiray DFKMG, in badana raadinayay in uu mar uun hanto Gudoomiyinimada Barlamanka maadama ay deeqi wayday lacagtii kasoo gali jirtay xilkii uu hore u hayay.
Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Waa Taliyaha Booliska DFKMG, wuxuu ka mid yahay kooxda hadafkeedu yahay Somaaliya inay weligeed ku jirto qas iyo jahawareer, si aan loogu maxkamadeyn dunuubtii ay galeen dagaal oogayasha Soomaaliya (War Criminal) isaguna ka mid yahay. Ninkan wuxuu aad u yaqaana sida loo dilo siyaasiyiinta ku sugan dalka, (Polotical Assasination).
Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo isna ka mid ah qoladan Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, balse hadana Maxaakimta Islaamiga u qabilsan xaga Difaaca oo ah xubin wayn oo ka tirsan Maxkamadaha. Waxaa la sheega intii aanay soo galin ciidamada Itoobiyaanka dhulka Soomaaliya, in uu yiri (Ciida waxaynu ku ciidayn Addis Abab), runtii taasoo baadilkeedi noqotay in ay caasimada Soomaliya ay u gacan gashi Ciidamada Itoobiyaanka salaada ciida ka hor.
Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan waa Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka war faafinta iyo Isboortiga DFKMG. Sida xaqiiqda ah waa ninkii ka danbeeyay Dilkii Xaashi Cayraw maadama ay isku reer Cayr yihiin, hadana waxaa la xaqiijiyay in uu isagu ka masuul ahaa dilkii wadaadkaas Xaashi Cayraw.
Mxamed Qanyare Afrax wuxuu ka mid yahay dadka imika awoodoodi daciiftay, hadal hayntiisina ay dhamaatay.
1991kii Dowladdii Cali Mahdi dhisay wuxuu ka noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, markii USC dhexdooda dagaal ka dhex qarxay, wuxuu si xoog leh ula soo saftay garabkii Cali Mahdi, wuxuu Idacadaha ka yidhi "Janalkii waalnaa ee Caydiid, waa laga adkaaday iyo mooryaantiisi oo waxa lasii eryanaya Afgooye" . Wuxuu usoo wareegay dhinaca Caydiid, Caydiid isla markiiba wuxuu u magaacabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, xishood la,aan wuxuu yidhi "Ciidamadii Cali Mahdi waa laga adkaaday oo waa la cayrsaday". Dawladii C/Qaasin waxaa loo magacaabay Wasiirka Kaluumaysiga, taasina waxay sabab u noqotay in uu si ba,an uga hor yimaado maamulkii C/Qaasim, maadama uu doonayay jago intaas ka wayn.
Dawladan Cabdullahi Yuusuf Wuxuu ahaan jira Wasiirkii hore ee ammanka Qaran-ka oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay Isbaheysigii la dagaalanka argagixisada & soo celinta nabadda dalk. Balse haatan imika awoodiisi way yaraatay, waxaanu yahay xubin ka tirsan Barlamanka jooga Baydhabo, ama Soomaaliya. Waxaanu ka mid yahay ragii isu soo sharaxay madaxweyne-nimada Somaliya sanadkii 2004, balse codkiisi uu yaraaday, halkaas oo Cabdullahi Yuusuf ka cod batay.
Muuse Suudi Yalaxaw wuxuu ka mid yahay dadka imika awoodoodi daciiftay, hadal hayntiisina ay dhamaatay.
Waa xildhibaanada ku jira Barlamanka jooga Baydhabo, ama Soomaaliya, waxaa uu ka mid ahaa oo kale Hoggaamiye Kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka ka itaalka roonaadeen isaga iyo Qanyareba, ee ay ku mideysnaa Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, wuxuuna tan iyo wixii ka dambeeyay markii laga awood roonaaday uu la soo baxay Siyaasad qunyar-socod ah oo aan dadka qaarkood aysan dareen wayn ka qabin.
Barre Aadan Shire (Hiiraale) Wuxuu ahaan jiray Wasiirka Gaashandhiga ee DFKMG, balse xilkaa laga xayuub, oo wuxuu imika ka mid yahay xildhibaan ku jira Barlamanka jooga Baydhabo, ama Soomaaliya. Wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada Qaran diidka ah ee ku jira Barlamanka Soomaaliya. Looma ogala wax dhaafsiisan Xildhibaan.
Xasan Maxamed Nuur (Shaatiguduud) wuxuu ka mid ahaa ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay 2000, balse ma calfan wuxuu kaloo ka mid yahay dadka ka wada qalalaasaha Soomaaliya wuxuu ahaan jiray xil kusimaha Wasirka Arimaha Gudaha, balse xilkaas laga qaad, Wasiirka Amniga Qaranka ayaa iigu danbeesay isagoo ah, ma garanayo inuu xilkas hayo imika iyo inkale.
Cismaan Xasan Cali (Cismaan Caato) waa Busness Man, hadana waa xildhibaanada jooga Barlamanka Baydhabo, isaga waxaa ayaan dhawayd qabtay Maxkamadah Islaamiga 30 May 08, balse isla markiiba waa lasii daayay, waxaana lagu sii daayay ayaamihii ay Maxkamadaha Islaamigu Muqdisho ka curteen wuxuu la soo saftay iyaga, wuxuuna ugu deeqay laba gawaadhi oo Tikniko ah iyo 40 AK47 ah iyo deeqo kale. Maxkamada Islaamigu hadii ay qabtaan nin ka tirsan DFKMG way khaarijin jireen, balse Caato sababtaas ayeey ku daayeen.
Ninkan waa gacan ku dhiigle wuxuu dilay Caydiid, waxaana usoo adeegsaday Maraykanka. Cismaan Caato iyo Caydiid waa isku reer waliba isku jilib, hadana dilkii Caydiid ka dib wax danbi ah oo lagu soo eedeeyay may jirin maadama uu Caydiid qalalaaso ka waday Soomaliya iyo Muqdisho. Taas ayaana keentay in aan looga daba tagin, maada ay iyagu isku reer yihiin. Lagana cafiyay.
Axmed Yuusuf Hagar (Dabageed) waxa weeyaan qabqable gudoomiye ka ah G. Hiiraan, wuu iimaan la yahay. Waxaa la sheegay in laga qaaday Gudoomiyinimada laguna wareejiyay nin isaguna u dhashay G. Hiiraan oo la yidhaah Maxamed Axmed Maxamed, balse uu Dabageed yidhi "Anigu ma jirto wax xil ah oo aan ku wareejinayo Gudoomiyahan cusub". Isagu xasuuq ka dhan ah ayuu u gaystay reer Hiiraan, hadana Hiiraan waxa ku dhaqan waa qoyskiisi. Itoobiyaanka ayuuna ka amar qaata.
Salaad Cali (Jeele) oo ka mid ah danbiilayaasha baaritaanka falalka xasuuqa ah ee Muqdisho kadhcaya uu ka mid yahay shakhsiyaadka gaysanaya xasuuqaas, wuxuu kaloo yahay Wasir ku xigeenka Wasaarada Gaashandhiga ee DFKMG, waana xubin la tirsan Barlamanka Soomaaliya.
Maadama ragani ay badankoodu ay yihiin rag ka tirsan DFKMG, reerahooduna ay wada degan yihiin carriga Ingiriiska UK iyo Yurubta kale, Cabdullahina uu yahayba Madaxweynihii dalka, maxaa haboon in la sameeyo ama lagu dhaqaaqo sidii looga badbaadi lahaa dhibaato tan ka badan oo ay u keenaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa wax lala yaabo ah in Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya, oo isaga lagu waday in uu ka dhaliyo nabad dalka Soomaaliya, uu isna noqdo mid uu shaydaan soo kala dhex galo oo uu kala qaybiyo, Sheekh Shariif oo isagu ahaa Gudoomiyaha rasmiga ah ee Isbahaysiga ayaa haatan wuxuu noqday Gudoomiyaha qaybta joogta Jabuuti, halka Daahir Aweys ka yahay Gudoomiyaha qaybta joogta Asmara, oo iyadu xarun u ahayd Isbahaysiga oo dhan markii hore.
Gabagabo:
Xasuuqa Somaaliya ka socdaa wuxuu ka dhashay seddax Dhiigyacab ah.
1:Madaxweyne Bush oo doonaya inuu Muslimiinta ciribtiro ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1993 dhexmaray ciidamadiisi Rangers iyo Jabhadii USC waliba garabkii Caydiid, ciidamadii Maraykanka ahaa ee ku dhintay Somalia waxaa lagu qiyaasa 31 Askari.
2:Meles Zenawi oo doonaya inuu Somaaliya gumeysto ka sokow, wuxuu si miyir la’aan ah u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1977 dhexmaray Somaaliya iyo Xabashida.
3:Cabdullahi oo doonaya in ka sokow, wuxuu si miyir la’aan u doonayaa inuu ka aarsado dagaalkii 1991kii dhexmaray Hawiye iyo Daarood.
Haddaba mashruuca ujeeddo badan ee loo qorsheeyey in Somaaliya lagu gumaado, seddaxda nin (Bush-Zenawi-Yuusuf) keebaa guulaystay oo hadafkiisii gaarey? Keebaa mudan in halyeey loogu yeero. Seddaxda hoggaamiye mid kasta ilaa xad waa ku guuleystay hadafkii dagaalka, laakiin aragtideyda Cabdullaahi Yuusuf ayaa billadda horyaalka hantay oo riyadiisii meelmariyey, sababtoo ah wuxuu si arxan darro ah oo bani aadamnimada ka baxsan ula dhaqmay beelaha Hawiye oo gaar ahaan ku nool magaalada Muqdisho, halkaas oo uu xasuuq iyo barakicin kula dhaqmay shacab iyo maato aan waxba galabsan ahna reer Muqdisho (Hawiye).
Waxa maanta dhacaya waxay ka yimaaden wixii shalay dhacay, waxaa loo baahan yahay in la saxo khaladkii shalay dhacay ee ay gaysteen qabqablayaasha maantana isku shegaya in ay iyagu u taliyaan Dawlada Federalka.
Waxaa loo baahan yahay in Maxkamad Islaami ah lasoo taago, wixii danbi iyo xasuuqba ka galay umadda Soomaaliyeed iyo shacabka 20ka sano dhibaatada kusoo jiray, uuna ugu horeeyo Dhiigyacab Cabdulahi yuusuf (Yeey).
Hadii ay Soomaalidu isugu yeedhaan shir ay iyagu ku heshiinayaan, oo ninkasta oo wax tabanaya laga soo qayb galiyo shirkaas, waliba lagu qabto dalka gudihiisa, waxaa laga yaaba in ay xal fiican u helaan arrinta sii liicaysa ee itaalka daran ee ay dadka Soomaliyeed la dhibanaayeen 20ka sano, wixii wadankii joogay PM baa madhiyay, kuwii soo tahriibay yaxaas bay casho u wada noqdeen, oo tahriiba baa lagu imtixaamay, Soomaali Ilaah baa u maqan, isaga ayaana ilaashanaya.
Cidina ma saadaalin karayso sida ay noqonayso iyo wadad loo maraya Mustaqbalka Soomaliya , waxaanse shaki ku jirin in uusan ka dhalanaynin dalka maamul Hantiwadaag ah oo laga xukumo meel kaliyah sida maamulkii Maxamed Siyaad Barre ( Af-weyne).
Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo dadka Soomaliyeed markasta ula hor taagan.
Q/Abdikarim Axmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom
Tel; +46739512789
Afeef qoraalkan waxaa leh shakhsiga ku saxiixan, lama coby gareen karo amar la,aan.
Qaranka online
|