Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Dawladaha Reer Galbeedka Soomaalida Qaxootiga ah ee 17-kii sano ku sugnaa dalalkooda sidee ula dhaqmaan?

The Qaranka online
Cali C Xasan Editor
Email: ahassannn@yahoo.com
30 Aug. 07

Intaanan u guda galin dalalka Reer Galbeed sida Qaxootiga Soomaalida ugu noolyihiin bal wax yar aan ka taabto ama sharxo kalimada Qaxooti ama Refugee la yiraahdo. Markuu dhamaaday Dagaalkii Labaad ee Dunida W.W. II baa dalalka Reer Galbeed yiraahdeen waa in ay dawladaha Reer Galbeed soo dhaweeyaan Yahuudii Hitler Germany ka Qaxday, oo ay magan galyo iyo meel ay ku noolaadaan siiyaan.

Nasiib wanaag markii Yahuuda dawladahaasu soo dhaweeyeen Prograamkii lama xirin ee dadyowga kale ee dhibaatadu dunida ku hayso baa loo fasaxay inay isticmaalaan.

Sharuuda kaliya ee la rabo inuu ka soo baxo qofta qaxooti dalbanaya waa: in uu cadeeyaa in hadii dalkiisi lagu celiyo ama uu ku noqdo naftiisu halis galeeyso oo la dilayo iyo in uusan soo marin dal qaxootiga aqbala. Labadaan Sharuud marka la akhrinayo ama qof maqlo wax sahal bay u eg yihiin lakiin runtii waxay Dawladaha Reer Galbeed qaxootiga u sameeysteen Wazaarado ama Hayado Qaxootiga maamula oo sidii wazaarad baa shaqaale fara badan ka shaqeeya.

Gabadha Soomaaliyeed ee ku soo caan baxday wax ka sheegida Diinta Islaamka, Ayaan Xirsi Cali, oo sababtaas awgeed Baarlamaanka Hollandina Xiladhibaanad looga dhigay, baa markeey Hollandi qaxooti ka dalbaneesay oo xaafiiska Holland laga dalbada qaxootiga gaartay tiri, si Qaxooti looga aqoonsado ...Ha! anigu Soomaaliya baan ka imid oo nin aanan doonayn baa guurkiisa cidaydu igu qasabtay, oo markii nafteeydu halis gashay baan soo cararay. Gabadha Soomaaliyeed sida dadka caalamkoo dhan sameeyaan, waxay diyaarsatay labo sabab oo ka jawaabaya labadii sharuudood oo imtixaan looga dhigay qaxootiga, qofti ku dhacdana la tarxiilo.

Nasiib daro markii si lama filaan ah Ayaan u gashay Baarlamaanka Hollandi oo ayaan kubad aan qaxooti ciyaarin ciyaartay baa nin Hollandees ah baaray Taariikhdeeda sida dunidoo dhan qoftii meel sare si lama filaan ku gaarta ragu dabagalo, oo miro u dhali karta qofta daba galaysa, hadii ay soo helaan in qofta guusha lama filaanka gaartay ay isticmaashay waxyaabo aan sharcigu ogalayn. Markuu ninku Kenya tagay, eheledeedina baa u sheegtay in Ayaan wax guura oo lagu qasbay aanu jirin. Wuxuu kaloo ninku soo ogaaday in Ayaan dalka Germalka qaxooti ka ahaan jirtay, magac kalana Isticmaali jirtay.Xisbigii Midigta ee gabadhan Afrikaanka madow oo Qaxootigaa ku daray Baarlamaanka Holland, EU, baa "Water Gate-Ceeb Qaran "ku dhacday,Xukunkiina doorasho lagaga riday, oo ilaa hada aanan ceebtaas ka soo kabanin.

Sanadkii 2002 baa Joornaalka The New York Times ee Mareeykanka qoray Artiikal uu kaga sheekeeynayo sida Mareeykanku Qaxootiga Dunida u qaabilo. Wuxuu Joornaalku yiri qof walba inta qofta kale uu ka been badan tahay baa Dawlada Mareeykanku Qaxooti siisaa. Wuxuu intaas ku daray Joornaalku Qaxootiga been isku soo dhoob dhooba, oo uu u sheega Xaafiiska Qaxootiga siyaabaha Sharcigu Mareeykanka qaxooti ugu anqoonsado, horaa laga aqbalaa.

Dalka Thailand oo Qaxooti badan ku noolyahay oo ka kala yimid dalalka jaarka la ah Thailand oo dagaaladu ka jiraan sida: Laaws iyo Kaamboodiya ayaa mudo labo sano ka hor ayadoo Madaxweynihii Thailand Mr. Thaaksiin oo ka qeyb galayay shirka UN-ta ee lagu qabtay UN Plaza New York oo sida Caadada u tahay Shirarka UN-ta, markuu la kala kulkulmayay Madaweynayada kale ee shirka isugu yimid, ugana warbixinayay sida Thailand gargaar bani'aadinimo oo weyn ugu fidisay qaxootiga badan ee Thailand magan galyo weediistay, baa qun yar si lama filaan ah loogu sheegay in Inqilaab Askareed dalkiisi Thailand ka dhacay, xilkiina Madaxweynanimada laga xayuubiyay, dibna uusan Thailand ugu laaban Karin.

Mad. Thaaksiin intaanan xukanka Thailand qaban wuxuu ahaan jiray Atoore Filamada diga oo tababar fiican ku soo qaatay sida Atoorayaalka filimada matala, intii shey guul weyn laga gaaro, hadana guushii si lama filaan ah loo burburiyo. Sidaas awgeed Mr. Thaaksiin markuu Inqilaabka maqlay ma yaabin oo sidii Atoore Filim buu islamarkiiba qaxooti ka dalbaday dalka Ingiriiska. Nasiib wanaag Thaaksiin labadii sharuud si sahal ah uga soo baxay ilaa idaacadahaa iyo wargaysyada dunida baa cadeeyay in naftiisu halisgalaysu hadii uu ku laabto Thailand. Sharuudii inuusan dal qaxooti soo marina waa loo fuutiyay ilaa dunida Bizinis business baa xukuntee. Tusaalahaan waxaan ula jeedaa mar walba qaxootigu maaha qof dalalka ajnabiga in dhaqaale laga caawiyo ka raadinaya, oo Thaaksiin wuxuu ka mid yahay dadka dunida ugu taajirsan.

Hadii aan nahay ummada Soomaaliya Qaxooti ka dalabka dalalka Reer Galbeed wallow Soomaali badan amaan iyo nabad ka heleen, hadana Ceeb iyo Duli weyn baa naga soo gaaray Qaxooti ka dalabka dalalka Reer Galbeed:
Xaafiisyada Qaxootiga laga dalbado ee Reer Galbeed markii Soomaalidu galaan oo dalbanayaan Qaxooti waa ineey cadeeyaan in ka yimaadaan qabiil dagaaladii sokeeye looga tabar roonaaday. Mararka qaarkood waxaa dantu ku kaliftaa qofkii Soomaaliga ee Qaxooti dalbanaya inuu raadiyo cid kala taqaan qabiilkaas "beentaa" oo hadii uusan Soomaaliga qaxootigaa sheeganin inuu yahay islamarkiiba laga yaabo in la tarxiilayo qaxootinimo iyo macaawino la siiyo iskaba daaye.

Cabsidaas waxay qaxootiga Soomaalida ku kaliftay inuu sidii Quraan ilaa dhowr maalmood qabiilkaas Dawladaha Reer Galbeed yiraahdeen hadii uu qof Soomaaliya oo qaxooti dalab ah sheegto waa siinaynaa aqoonsi qaxootinimo.

In Soomaalida la rabo in laysku diro lana kala gooy gooyo, sidee Shaqaalaha Reer Galbeed ee Xaafiisyada Qaxootiga ka shaqeeya Abtiriska Qabaailka Soomaaliyeed ku barteen oo kaga badiyeen xataa Soomaaligii u dhashay dalka. Bimathal waxaa lagu leeyahay Qabiilkaaga Soomaaliga sheeg? bimathal, Jawaab: Reer Xamar, Su’aal: Yaad ka sii tahay? Jawaab: Reer ow Shariif, Su’aal: Reer ow Shariif meeqa lafood bay u sii kala baxaan? Su’aal: Qabiilka aad ka sheeganeeyso side wax idiin gaarsiiyay? Su'aal: waqtigeebaad soo gashay dalkaana, sidee baadna ku soo gashay? Jawaab:Nin aanay horey u aqoon baa reerkeenu xoogaa lacag u aruuriyeen, baa markuu xalay diyaarad Eriboorka igu keenay iga dhaqaaqay. Wiil Qaxooti Soomaaliya baa igu yiri, markii Naagtii Su'aalaha iweeydiinaysay aragtay xabado badan oo jirkayga ka muuqda, itiri, "Adiga waa ku rumeeysanayaa oo xabadaha jirkaada burburiyay baan arkaa"

Runtii marka Soomaalidu xaafiisyada Qaxootiga laga dalbo aadayaan wajiyaadooda madluunimo iyo xoogaa naxtin baa ka muuqata, oo waxay ka walwalaan, abeeyow armaa sida ay uga sheekeeyaan sababaha ay qaxootia u dalbanayaan la rumaysan waayaa oo ilaa Soomaaliya dawlad ma jirtee, dal kale oo aysan waxba ku haysan loo tarxiilaa.

Qaxootiga Soomaalida ee North Amerika:
Nin Soomaaliya baa wuxuu arkay Soomaali fara badan oo ka soo baxaysa warshad Tennesse, Nashville, Amerika ku taala. Dadkii buu ninkii ku yiri, "xagee baad u socotaan?" dadkii waxay ugu jawaabeen, "guryahayagii baan u caraabaynaa si aan ugu soo nasano."

Jawaabtaan xikmadu ku jirto waxay ina tusaysaa in dadkii Mareeykanka tagay nolol aan shaqo ahayn inaysan heysan. Xataa Qaxootigii qarniyadii hore ee Yurub ka qixi jiray Mareeykanka shaqo bay u tagi jireen. Hadii lala yaabo maxay Soomaalida Mareeykanka tagtay wax u baranwaysay sababtu waa waxaa wax baro kara arday High School Diploma wata, nasasho iyo dhaqaale fiicana awooda, ruux 10 saac warshad ka shaqeeya si ardada Mareeykanka oo waalidkood wax walba u diyaariyay uu ula tartamo waa ku dhib.

Dawlada Mareeykanku Qaxootiga Soomaalida Labo nuuc bay ukala saartay. Nuuca hore waa Qaxooti uu Mareeykanku qarash ku baxshay oo Xerooyinka Qaxootiyada ee Afrika sida Kenya ka soo kaxaystay oo uu Interview-Baaritaan dheer oo ka bilaabanaysa maalinta qofta qaxootiga dhashay, caafimaadkeeda iyo nuuca dambiyada ay gashay oo xataa qofta Soomaaliya Madaxweyne inuu u noqdo isku sharaxa aan baaritaan nuucaasa lagu sameeynin. Qaxootiga Nuucaan wuxuu Mareeykanku ku magacaabaa Somali Refugee. Qarashka ku baxa qaadista qaxootiga Soomalida intaan Tikitka Diyaarada ka ahayn Dawlada Mareeykanka baa bixisa. Marka qofta qaxootiga shaqo bilaabo warqad baa dawlada Mareeykanka u soo diraysaa ay ka codsanayso in laga rabo in ay Tikitki Diyaarada Kenya ama Masar ka soo raacday bixiso, bil walba ugu yaraan wax un ka bixiso hadii aysan qoftu awoodin in ay hal mar wada bixiso. Dhibaatada jirta waa markii 5 sano kadib qofta qaxootiga Baasaboor Mareeykan weeydiisanayo waxaa la isweediiyaa Su'aal ah: ma jirtaa lacag dawladu kugu leedahay oo aadan wali bixin?

Labada biloodoo hore Ururada Mareeykanka oo dadka kaalmeeya, Kanisadaha iyo Dawlada Mareeykanka baa iska kaashada inay guri iyo Warqad ay qofta qaxootigaa Raashinka ku gadato oo la yiraa FOOD STAMP siiyaan qaxootiga. Food Stamp wax aan cunto ahayn oo lagu gado karo majirto, taasu waa amar Dawladu fartay dukaanleeyda ineey u hogaansamaan.

Wiil qaxooti Soomaaliya oo Jiis hal-lug leh ah oo Mareeykanku Atlanta, Georgia dajiyay baa waxaa lagu yiri markii dhowr bilood dawladu masruufaysay: waa in aad is dabirto oo shaqo qof jiis ah qabo karo baan kuu soo raadinaynaa, ama maadaama aad tahay nin dhalinyaraa Iskuul gal si aad shaqo fiican ku heshid. Markaas baan wiilkii weeydiyay sida uu iskuulka ku tagayo maadaama uusan maalin walba Taxi u yeeran karin. Wiilkii wuxuu yiri waxa jira siyaabo badan oo aan iskuulka ku tagi karo.

Xildhibaan Baarlamaanka Mareeykana ku jira baa sanadkii 2002 yiri Mareeykanku wuxuu qaxootiga ka yimaada dawladaha faqiirkaa u soo dhaweeyaa Sicir Bararka Inflation bay la diriraan oo ay hoos u dhigaan. Wuxuu Xildhibaanku yiri Qaxootigu warshadaha lacag yar bay ku shaqeeyaan sidaa darteed Shirkaduhu alaabta qaal kama dhigi karaan madaama ay ogyihiin in Shaqaaluhu mushaar yar qaato. Taas waa cilmiga dhaqaalaha oo ardada Jaamicadaha dhaqaale weey ka heli lahaayeen sida ay sax u tahay. Aniga laftigaygu isma lahay shirkaduhu inteeysan alaab sameeyn waxeey fiiriyaan mushaarka shaqaalaha.

Waxaad arkeeysaa dadka Reer Galbeed qaarkood markeey duqoobaan waxay u guuraan dalalka caalamka sadexaad la yiraahdo si lacagta yar oo dawladu siido ay ugu noolaadaan madaama shirkadaha ku yaal dhulalkaas ay alaabaha raqiisiyaan ilaa shaqaaluhu lacag yar bay ku shaqeeyaane.

Nuuca Labaad waa nuuca Mareeykanka gudahiisa iska dhiiba, wuxuuna ku magacaaba Asylee-qof Magan Galyo ku jooga dalkiisa oo aan wax macaawino in uu ka helo dalka mareeykanka xaq ugu lahayn waxaan ka ahayn warqada shaqada oo ayada sanad sanad loo cusbuusiinayo oo xataa Kambinayada aysan jeclayn maxaa yeelay waxay jecelyihiin in ruuxa shaqo raadinaya oo Green Card haysto.nuucan uu yiraahdo Asylee aad buu sharciga ugu dhibaa oo xataa qaar waa u diidaa oo wuxuu isleeyahay waa dad ilbaxa oo ayagu iskooda ku yimid Mareeykanka fahmayana qiyaamda Mareeykanku ku hayo ajnabiga.

Labada dhibaato ee Qaxootiga Soomaalida soo food saarta markeey Mareeykanka la geeyo waa sida Guri ay ku noolaadaan iyo Shaqo ay ku noolaadaan u heli lahaayeen. Qoftii kirada guriga Bisha labadeeda kala soo daaha ilaa Bisha 10-keeda maalin walba 50 doolar baa lagu ganaaxayaa. Bishu 10-keeda cidii Ijaarka bixin weeyda Kambaniga ama cida guriga iska leh nin Boliis ah oo Maarshaal la yira oo ay la socdaan niman la yiraa Alaab daadiyal bay guriga keenayaan. Hadii ruuxii guriga ijaarka ugu jiray shaqo ku maqan yahay guriga waa la jabiyaa alaabtana dariiqa agtiisa meel ay dadka dariiqa socda ka arki karaan si ay u qaataan marka booliisku iyo nimanku ka tagaan alaabta.

Dhibaatadanu waxay keentay in Soomaalida Qaxootiga ku ah Mareeykanka markeey meel ku kulmaan marka hore isweeydiiyaan Guri Apartment iyo Shaqo Gobolka ugu sahalan ee laga helo karo. Taas waxeey ku kaliftay Soomaalida Dalka Mareeykanku oo aad u weeyn in ay isku aruursadaan 6 ilaa 7 Gobol States oo kaliya oo ay soo ogaadeen Guri iyo Shaqo ama Guri bilaash ah laga helo. Sidaa awgeed Todobada Gobol ee Soomaalidu Mareeykanka ka dageen waa: Gobolka Minasoota magaalada Minyaabolis, Waxaa soo raaca Gobolka Ohio, magaalada Colombus, Gobolka Georgia, magaalada Atlanta, Gobolka Tennessee, magaalada Nashville, Gobalada isku dhagan Virginya iyo (magaalada Alexandariya), iyo Washington DC, Gobolka California, magaalada, San Diego iyo Gobolka Arizona, magaalada, Fiinakis(phoenix).

Gobolada aan qaxootiga guryo ay dagaan ku kaalmaynin Soomaalidu maadaama Mareeykanka halkii qol lagu ijaaro 600 doolar bishii ruuxa qaxootigana laga yaabo mushaarkiisoo dhan inuu yahay kun doolar, si ay ku awoodaan inay guri ku ijaartaan Soomaalidu halkii qol afar ilaa shan ruux bay iskula dagaan. Taa waxaa ka sii daran kambaniyada guryaha ijaara qaxootiga kunka doolar bishii qaata guri ma ka ijaaraan oo waxay isleeyihiin ma awoodo inuu ijaarka iska bixiyo kaligiis. Arintanu waxay ku qasabtay ineey Soomaalidu qaasahaan kuwa xaasaska leh iskugu aruuraan Gobalada qaxootiga guryaha jaban ama bilaashka ah siiya.

Shaqooyinka Soomaalida Mareeykanka ka shaqeeyaan Sadex nuuc bay u badanyihiin: Warshadaha (oo qaarkood habeenkii la shaqeeyo maadaama dadka Mareeykanka ogolayn inay habeen shaqeeyaan); Baaburta: Taksi ama kuwa Xamuulka culus qaada; iyo shaqooyinka loo yaqaan The Hospitality Industry: Nadaafada ama shaqooyinka Hoteelada IWM.

Runtii Soomaalidu shaqooyinkaan iskama dooran ee waa dawlada Mareeykanka marka ay u wayso dad Mareeykana oo qabta ama ka shaqeeya qaasahaan shaqooyinka lacagta yar lagu shaqeeyo oona adag oo dadka Mareeykanku diidaan inay qabtaan baa Dawlada Mareekanka Dunida Sadexaad ka raadisaa qaxooti shaqadaas qabta, ayagoo ku andacoonaya inay qaxooti dhibaataysan Ameerika nabad galyo ugu qaadayaan.

Bimathal Qaxootiga ka yimaada dalka Fiyetnaam waxay u badan yihiin inay ka shaqeeyaan Barbar Shoobiska timaha jara, Cidiyaha dhaa dheer ee Naagahana loogu fiiqo, Rinjina loo mariyo. Koriyaanka waxay u badan yihiin Dry Cleaning Service Shops, dukaamada dharka aan biyaha lagu dhaqin lagu nadiifiyo. Hindiga iyo Pakistaanku waxay ka shaqeeyaan Gaas Steeshinada iyo Dukaamada loo yaqaan 7/11, Meksikaanku waxay ka shaqeeyaan dhismaha guryaha, jidadka iyo khudaarta iyo miraha Beeraha laga soo jaro, Shiineesku wuxuu ka shaqeeyaa maqaayadaha loo yaqaan: CHINESE FOOD RESTAURANTS. Marka markaad fiirisid qaxootiyada dalalka kale shaqooyinka ay qabtaan, waxaad moodaa in uu Mareeykanku uu Soomaalida xoogaa u roonaaday oo shaqooyin fudfudud u raadiyay, intaan ka ahayn wiilasha Soomaalida oo Geesiyaashaa oo wadaBaabuurta Xamuulka culus qaada oo marta jidadka qatarta ah oo loo yaqaan High Way ama FreeWay, oo mindhaa wuxuu isyiri Soomaalidu waa dad caato ah oo maahan dad loo sameeyay inay shaqo culus qabtaan.

Minesoota magaalada Minyaabolis
Gobolka Minesoota magaalada Minyaabolis baa ilaa 50,000 oo Soomaaliya ku noolyihiina inkastoo Dawlad Goboleedka Minesoota Joornaalka weyn ee labada magaalo ee isku dhagan Mineapolis iyo St. Paul oo la yiraa: The Minneapolis Star Tribune baa sanadkii 2001 qoray in ay Dawlada Mareeykanka INS Immigration & Naturalization Service ay Gobolka Minesoota ku Rajiistigareeysay 17,000 oo Soomaaliya kaliya, Hayadaha Qaxootiga gargaarana waxay yiraahdeen 25,000 Soomaaliya baa magaalada iyo Gobolka dagan, halka ururada Soomaaliduna yiraahdeen 70,000 baa nahay.

Dalka Mareeykanka waa dal ku dhisan, Interest, tixgaliyana danaha nimanka warshada leh, sida Warshada Hubka Dagaalka sameeysa ee la yiraa Halliburn oo Madaxweyne ku Xigeenka Mareeykanka Dick Cheney Maamule u ahaan jiray.

kaliya Sababta Soomaalidu iskugu aruursatay Minasoota, Minyaabolis waa marka hore Gobolku aad buu u qabowyahay oo Kanada buu xuduud la leeyahay sidaas awgeed dadka Mareeykanku kuma degdegaan ineey aadaan oo ku noolaadaan. Ta labaad, Gobolka waxaa ku yaal warshadaha badan oo dawlada Mareeykkanka Qalabka militarigu u bahan yahay ka dalbataay ka dalbato, warshadahaa oo aan u baahnayn dad Cilmi sare leh maadaama alaabaha horey cad cad ugu sameeysnaa ama Robot- mashiin sida dadka u shaqeeya uu sameeynayo.

Ohio, Colombus
Magaalada Colombus, Ohio waxay sanadyadii 60-yadii caan ku ahayd sameeynta lugaha Baabuurta. Markii Dhaqaalaha Mareeykanka Informenshanka Electaroonik u wareegay oo uu Warshadihii Cuslaa u raray ama u wariijiyay Dalka Mexico iyo China maxaa yeelay shaqaalahooda baa aad u jabnaa, xiligaa oo ay ahayd tariikhdu 80-yadii iyo wixii ka dambeeyay magaalada Columbus oo warshadihii cuslaa ka guureen Mareeykan badan baa iskaga guuray oo magaalada guryo badan baa cidlo noqday, sidaas awgeed baa Soomaalida loogu Camiraa ineey dagaan guryahaas la cidleeyay ee Columbus Ohio. Markii hal qaxooti guri faaruq ahaa la dajiyo shirkadaha iyo Dawladda Mareeykanka buugooda dhaqaalaha bay u furanayaan oo qoftaas mushaarkeeda ilaa boqolkiiba 70% bay si ay sharciyeeysteen uga qaataan sida Social Security, Medicare, Biil Koronto, Teleefon, Ijaarka Guriga IWM. Mar marka qaarkood qoftii qaxootiga wuxuu noqonayaa qof muhiim ah. Macnaha waxaan ka wadaa markii Soomaaligii guri la dajiyo Wazaarada Guryaha ee dalka Mareeykanka HUD oo ka taagan House and Urban Development lacag bay dawlada ka helaysa ilaa mareeykanku waa isku dul noolyahaye, oo HUD hadii ay qof guri siido ruuxaas lacagta lagu bixinaayo baa lacag sii dhalaysa.

Georgia, Atlanta
Magaalada Atlanta, ahna Caasimada Gobolka Georgia waa Caasimada Mareeykanka Madow-(Black Americans) . Madowgu markeey Atlanta yimaadaan waxeey yiraahdaan maantaan Gumeeysi ka baxnay ilaa Jaamicadaha, Maxkamadaha, Gudoomiyaha magaalada iwm. Black Americans baa leh ama maamula. Atlanta 65% dadka ku nool waa madow. Soomaalidu marka hore waxay is lahaayeen madaama madow badan ku noolyahay magaalada Midab Takoor badan la kulmimaysaan. Laakiin sadex arimood oo Soomaalida horay Atlanta anay uga filanayn baa soo baxay: Marka hore dadka madow maadaama aysan Cilmi sare lahayn sida Soomaalida waxay aad u raadiyaan shaqo aan Cilmi lays weeydiinayn sida nadaafada xaafiisyada iyo maqaayadaha iyo warshadhaha alaabaha horay loo sameeyay oo cad cad iskugu rakibo. Ta labaad Madowga Atlanta waxeey aad u raadiyaan guryaha bilaashkaa oo dawladu bixiso taasoo abuurtay in Soomaalida sugto guryaha dawlada mararka qaarkood sanooyin. Ta kale caruurta madow waxaa ku jira kuwa Drooga caba, jecelna Muuskikada dariiqa marka la socdo dhagaha la gashado, garbaha la luxo, sidaas awgeed Qoysas badan oo Soomaaliy baa magaalada Atlanta inta caruurtoodu ka halaabi lahayd ka baqoolay magaalad oo u guuray Ohio iyo Gobolka New Hamshire iyo -Tennessee Nashville oo sadex saac iyo bar looga socdo Atlanta. Laakin mar walba inta ka guurta magaalada labo jibaarkeed baa soo gasha. Dawlada Mareeykanka hada waxay dajisaa magaalada Atlanta qaxooti Soomaali Bantu iyo Reer Xamar.

Tennesse, Nashville
Tennessee waa Gobol ku dhaqma Sharciga shirkadaha ee loo yaqaan the Right to Work ama Free Union State. Taasoo macneheedu yahay nimanka dadka shaqada siiya xor bay dawlada ka yihiin inay waxay rabaan ku sameeyaan shaqaalaha. Taas labo arin bay keentay: Warshadihii baa ku soo batay laakiin hadii qof shaqaalaa hal daqiiqo soo daaho shaqada waa laga iryi karaa. Taasu waxay keentay in Soomaalidu dhowrkii biloodba shaqo cusub raadiyaan madaama shirkadihii si xaquuq shaqaaluhu ugu yeelen yiraadaan 6 bilood shaqo ah baan haynaa. Shirkada Kombuutarada sameeysa Dell ee Nashville baa wiil Soomaaliya ku kuwii kale war nakeena aan soo dukanee, markeey salaadi ka soo labteen kuligood shaqadii waa laga eryay. Wiil Soomaaliya baa maalin maqaayad koofi oo la yiraa Dunking Donuts oo Soomaalidu ku kulanto ku kulanay. Wiilkii qaxootiga wuxuu igu yiri gacantaan ayaa iga jabtay anoo shaqeeyna. Shirkaduna lacag aad u yar bay ii ogashahay inay isiido. Wuxuu wiilku intaas ku daray waxaana ku fakaraya inaan kistayda lacaga ka qaato shirkada ilaa gobolkan waa Free Union State oo aan aado caruurteeydi oo dagan magaalada Minneapolis

Gobolada Virginya iyo Washington
Magaalada Virginya iyo Washington DC oo Caasimada Mareeykanka ah waxay isku yihiin sida Xamarweyne iyo ShengaaniSoomaalida ku nool Labdaan Gobol ee mataanaha ah Soomaalida kale aad bay uga duwan yihiin. Waxay u eg yihiin Soomaali xoogaa ilbax ah ama isku kalsoon. Waxaa ka dhex muuqda niman Soomaaliya oo waagii Siyaad Bare ka dhex shaqeey jireen arimaha labada dal. Madaama Washington iyo Virginya ay Dawlad Mareeykanku dagan tahay Soomaalidaan waxyaabo badan bay Mareeykanka ka fahmaan ila xataa qaarkood xaafisyada dawlada iyo Safaaradaha Caalamka ayeey shaqo ka helaan. Baar ku yaal Shopping Center: Sky Line oo Virginya Alexandariya ku yaal bay Soomaalidu maalmaha Week End Sabti iyo Axada ku kulmaan oo sheeko fadhi ku dirir isweydaarsadaan. Maadaama dhaqaalahoodu ka wanaagsanyahay Soomaalida kale Koofiga iyo Shaaha weey iska bixiyaan, marmarna qaarkood sida Washington caan ku tahay Jaakad iyo Karavaati bay soo xirtaan.

Labada Magaalayada San Diego, California iyo Fiinakis(Phoenix), Arizona
Labada magaalo: San Diego, California iyo Phoenix, Arizona, waxay ku yaaliin Xuduudka dalka Mexico, waana meelaha dadka Sud America iyo Central America ee u Tahribiya Mareeykanka ka galaan. 150 sano ka hor baa Mareeykanku ka iibsaday Goboladaas dalka Mexico oo wagaas dal faqiira ahayd.

Sidoo kale Soomaali Qaxooti Tahriib ah oo aan badnayn baa South Amerika iyo Central America Tahriib ku sii mara si ay u gaaraan San Diego oo xuduudka u muuqata. Xuduudkanu waa xuduudyada dunida ee laga tahriibo ka ugu qatarsan uguna dhib badan. Bimathal, Brazil Bas ka soo raac, hadba bus kale ku badal, askarta ka dhuu dhuumo, lacagtu ha kaa kala go'do ama ha lagaa xado adoo meel cidlaa marayaa, alaabta ama boorsada hakaa dhunto. Baska ama Tareenku wadan ama magaalo qalad ah ha ku keeno madaama luqad laysku fahmo aysan jirin iwm. Kuleeylku Saxaarada California wuxuu gaaraa ilaa 50 C. oo biyo la cabo aan lahayn, usbuuc walba Askar Xudeedka Mareeykanka Qaxooti oon, gaajo, iyo kulyl awgeed Saxaarada California ayagoo ku safraya naftu ka baxday bay soo aruuriyaan. Mararka qaarkood safarkii inuu sanooyin qaato baa dhici karta ilaa dalal aad u badan iyo masaafo aad u dheer oo leh dhul geedo dacar u badan ku yaaliin iyo hawo aad u kulul baa lagu safrayaaye.

Askarta ilaalisa Xuduudka Mareeykanka Usbuuc walba Tahriibayaalka ay markeey xuduudka dhaafayaan qab qabtaan dalalkoodi bay diyaarad inteey saaraan ku celiyaan. Lix wiil oo Soomaaliya inteey mar Askarta Mareeykanku ee xuduudka ilaalisa xuduudka ayagoo ka tilaabaya qabteen bay xuduudkaas saas u kulul dhowr sano ku xireen ilaa dawlad Soomaaliya oo loo celiyo majirtee.Markii dambe Soomaali Mareeykan dagan oo uu ku jiro Waziirkii Kiimiko ayaa aadeen si ay usoo damiintaan.

Qaxootiga Soomaalida markeey Mareeykanka dhulkiisa nabad ku soo galaan islamrkiiba shaqo ayeey galaan, si dulqaad iyo taxadr badan bay na shaqada ugu dhagaan si aan looga eryin shaqada ayagoo mindhaa isleh rafaadkii iyo dhibaatadii safarkii dheeraa ka soo kabsada.

Joornaal weyn Diario de Mexico`ee ka soo baxa Caasimada Mexico, (Il Cuidad de Mexico) wuxuu qoray mudo labo sano laga joogo in Urur Mexican ah oo magaciisa hada aan hilmaamay oo xuquuda bani'aadanka u dooda uu bilaabay in u diro shaqaale xuduudka u dhexeeya Mexico iyo Mareeykanka si ay ugu qeeybiyaan warqado dadka Mareeykanka u tahriibaya oo ka tilaabsanaya Xuduudka Mareeykanka warqadahaas oo Tahriibayaasha uga digaya dhibaatada iyo hooga ka horeeya dadka isku diyaarinaya in tahriibaan oo xataa tusinayaa dad meeyd ah. Dawlada Mareeykanka baa xanaaqday markeey maqashay in biyo iyo raashina ay Ururku siiyaan dadkaas maxaa yeelay wuxuu Mareeykanku yiri taasu waxay geesi galinaysaa qaxootiga inay Illegal Sharci La'aan ku soo galaan Mareeykanka.

Meesha Soomalidu Minyaabolis iskugu aruureen baa Kanada waxay dageen magaalada Toronto. Kanada waxay Mareeykanka uga duwantahay Kanada waa Socialist State oo lamid ah dawlad furfuran oo dadka caawinta sida Yurub. Dawlada kanada waxay u dhisantahay inay qof walba caafimaad iyo meel ay ku noolaato siiso. Taas waxay Soomaalida u sahashay in ay helaan siyaabo ay xoogaa ugu noolaadaan sidii Soomaaliya oo kale: Ruwaayadaha aadaan ama maqaayad Soomaali wax ka cunaan. Laakiin Kanada Iskuula fara badan iyo shaqooyin fara badan sida Mareeykanka oo kale maleh oo Soomaalida qaarkood markeey Baasaboorka Kanada qaataan Mareeykanka bay soo aadaan oo mindhaa waxay rabaan ineey xoogooda maalaan oo isku filnaadaan.

Qaxootiga Soomaalida ee Yurub
Inkastoo Markii ay EU isku darmatay ay siyaasadooda qaxootiga mideeyeen, hadana dawlad walba si gooniya bay Soomaalida ula dhaqmataa.
Afarta Dal ee Soomaalida Qaxootigaa aad u amaanaan jecelyihiin inay marka hore galaan Waa #1 Ingiriiska #2. Sweden #3.Holland #4.Finland Mararka qaarkood nambaradu waa dhaafaan maxaa yeelay siyaasadaha hal ama labo dal baa laga yaabaa in wax iska badalaan qaasahaan xiliga doorasho Baarlamaan dhacdo sida Holland 2000 ka hor ahayd #1 ama #2.Ama Norway ahayd # 2 laakiin markeey sida la yiri ay Soomaali Jaad un iska cunaya Soomaaliland u tarxiishay #4na hoos wax yar uga soo dhacday.
...Ha Hilmaamin in Shantaan wadan ay yihiin dalalka Mareeykanka ka soo xushay 193 dal oo dunida ku yaala, kuna magacaawday: THE SOMALIA CONTACT GROUP, UN-tuna u saxiixday Dawladaha in ay Soomaaliya maamulaan, oo aayaha ummada Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya uu maanta gacantooda ku jiro.

SABABTA AY SOMALIA CONTACT GROUP SOMALIA ISKAGA BAHAYSTEEN waa kuligeed waa dalalka dunida looga yaqaan PROTESTANT.Sida Muslimku Suni iyo Shica u yihiin bay Masiixiguna Karishtiyaan Katoolik iyo PROTESTANT ugu kala baxaan

Bimathal Germalku waa nus KAATOOLIK nusna waa PROTESTANT, laakiin sida Mareeykanka Germalka Diinta siyaasad gaashaanbuureysi uma isticmaalo. Inkastoo Mareeykanku dad Kaatoolik leeyahay hadana looma ogala in ay Madaxweeyne noqdaan

Waxaa Ummada Soomaalida dhawaan ku Baraarugi doonan ama ku waabariisa doonaan in Dalalkan oo si Gumeeysi Daboolan (Soomaaliya ayaa wax u qabanaynaa Mareeykanka kula bahoobay): in ay UN-ta ku Amri doonaan in Soomaaliya Ethiopia lagu daro, (sidii ku dhacday Ummada Soomaali Galbeed) ama in Askar Caalimiya UN Military Intervention geeystaan Soomaaliya. Soomaali badan baa ku ducaysanaysa Ilaahow Go'aankooda nooga dhig tan dambe, ee ah in UN- Force ay geeystaan Soomaaliya. In Sababaha Shantaan dal qaxootiga Soomaalida ugu roonaadeen oo dalalkooda gacmo furan ugu soo dhaweeyaan in ay la xiriirto Qaska ay maanta Soomaaliya ka wadaan qof Soomaaliya shaki am caad kama saarna.

Dalalka loo yaqaan SOMALI CONTACT GROUP AMA DALALKA DUNIDU U XILSAARTAY AMA MAREEYKANKU KA SHARCIYEEYSTAY UN-ta IN AY U XIL SAARAAN MUSTAQBALKA IYO AAYATIINKA UMADDA IYO DALKA SOOMAALIYA WAA DALALKA MARKA SOOMAALIDU QAXOOTO KA DALBANAYSA ISTCIMAALA AMA KU QASBA IN QOFTA SOOMAALIGA OO QAXOOTI SIINAYAAN cadeeyo ama qirto inuu EED ka sheegto qabiil Soomaaliya oo runtii aan waxba u dhimin si mindhaa ay Soomaalida dhexdooda ay colaad iyo Nacayb ugu dhex abuuraan MADAAMA AY MAR WALBA ay CALAAMADEEYSTAAN INEEY QAXOOTI U OGALAADAAN qaxootigii sheegta inuu qabiilkiisu yahay HAL qabiil ama labo QABIILoo kaliyah SIDA REER XAMAR IYO SHIIQAAL OO KU ANDACOONAYAAN IN hal ama labo qabiil oo Soomaaliya kaliya ay dhibaataysanyihiin oo QABIILADAAS KALIYA NAFTOODU HALIS KU JIRTO DALKA SOOMAALIA. Sirtaan Culus waxaa badanaaba soo hela Qaxootiga Soomaalida kuwa ugu horeeya ilaa ayagaa su'aalahaas lagu xujeeyaye.

Arintaan waxay dhalisay in markii Soomaalidu iskugu aruurta maqaayada Soomaalida Reer Galbeed jooga ay badanaaba ku kulmaan ama Amerika ha ku taalo ama Yurub ha ku taalo oo loo yaqaan MacDonald ay fadhi ku dirirka isku caayaan Qabiil Qabiil. Soomaalida ku nool dalalka Islaamka iyo Carabta ama xataa Soomaaliya jooga, fadhi ku dirir maantaasoo dhan ay Soomaalida walaalaha ah qabiil qabiil isku caynayaan aad bay u yartahay oo qaasahaan Soomaalida wax garadka way ka fogaadaan inay qof Soomaaliya oo aan waxba u dhimin qabiil ku caayaan. Sababtan waxaa keentay madaama dawladaha ku jira SOMALIA CONTACT GROUP sharciga ku bixiyaan Qabiil Qabiil oo aan qoftii aan sheegana sharciga loo diido.

Markii Qaxootigii Soomaalida uu tago dhul Qabow oo uunan afka lagu hadlo iyo dhaqanka waxba ka fahmayn oo ay cidlada iyo qabowga u sii wehliyaan guri la'aan iyo lacag la'aan oo isla markiiba dawladaha SOMALIA CONTACT GROUP sharci, guri, mushaar ama shaqo ku siiyaan maxaa yeelay hal qabiil ama labo qabiil oo ayagu ka soo xusheen qabillada Soomaalida buu qoftaas sheegtay la yaab maleh in 17 sano Soomaliya ay qabiil ka dagi waysay.

Waxaa yaab ah SOMALIA CONTACT GROUP waqtigaan waxay siiyaaan sharci qaxootigii Soomaaliya kaliya oo cadeeya inuu yahay Reer Xamar ama Jareer. waxaa qosol leh madaama labadaan qabiil yihiin qabiilada Soomaalida ugu yar oo xataa ay ka midyihiin kuwa SOMALIA CONTACT GROUP ay Mbagati Nairobi ku siiyeen 4.5ka tan .5 sidii Soomaalida ay sharciga siiyaan oo dhan ku noqdeen Reer Xamar ama Jareer? Taasu waxay na tusinaysaa in SOMALIA CONTACT GROUP yihiin kuwa colaada mudada dheer qabiilada Soomaaliya ka dhex taagan hurinaya.

MIDA KALE SOMALIA CONTROL GROUP WAXAY SANAD WALABA silciyaan oo ay KA TARXIILAAN dalalkooda KUMAANAAN SOOMAALIYA OO ay YIRAAHDAAN FARAHOODA BAAN KA HELNAY INAY SOO MAREEN DAL QAXOOTI BIXIYA. BIMATHAL SOMALIA CONTACT GROUP WAXAY dalka TALYAANIGA A SANAD WALABA KU SOO CELIYAA KUN SOOMAALIYA OO AY LEEYIHIIN FARAHOODA BAAN HALKAA KA SOO HELNAY. WIIL SOOMAALIYA BAA IGU YIRI MARKII NAAGTA INGIRIISKA TALAYAANIGA IGU SOO CELINAYSAY WAXAY ITIRI," WIILYAHOW MA IHID NIN NASIIB LEH, MAXAA YEELAY WAA LA OGNAHAY DALKA TALYAANIGA OO AAN QAXOOTIGA WAXBA TARIN BAAN KUGU CELINAYNAA WAANA SHARCIGA INGIRIISKA TAASU."

Marka inkastoo SOMALIA CONTACT GROUP ay u roonyihiin Soomaalida ay aqbalaan oo ay ogyihiin inay dhibaatada Soomaaliya ka taagan maanta ayagu hurinayaan (sida shirkii Soomaalida ee Nairobi Kenya ay Norway iyo Sweden badanaaba kharashka ka bixiyeen) hadana si dadban bay Soomaalida u silciyaan. Xataa Soomaali badan baa xabisyadooda ku xiran oo mindhaa ay meeleey u dhoofiyaan weeysanyihiin oo markaas danbi been ah dusha uga saaraan si xabiska ay ugu hayaan oo wax bini aadan oo u tagi kara ama daafici kara aysan jirin madaama ay yiraadaan waa Persona Non Grata ama qof aan dalka ka mid ahayn.

Dawladaha SOMALIA CONTACT GROUP Waxa ay rabaan in ay dhaqaalaha yar oo ay siiyaan qaxootiga Soomaalida ku badashaan dalka Soomaalida maxaa yeelay dunida waxay ku yiraahdaan sababta aan u nahay SOMALIA CONTACT GROUP waa maxaa yeelay waan daneeynaynaa xalinta arimaha Soomaalida maadaama Soomaali qaxootiya oo fara badan dalalkayaga ku noolyihiin. Khiyaamada dawladahaan isku kaashaday inay Soomaaliya xukumaan Soomaalidu maalin aan dheereen way ku baraarugi doontaa.

Bal sida SOMALIA CONTACT GROUP ula dhaqmaan Soomaalida bar bar dhig sida dawladaha ganiga ah ee Carabta sida Sacuudiga Soomaaliya ula dhaqmaan ama xataa hadii dawlad Soomaaliya jiri lahayd ay Soomaalida ula dhaqmi lahayd? Dadka Sacuudiga oo diin, dhaqan, iyo luqo walaatinimo oo kumanaan sano soo jirnay wadaagno ma rabaan in shacabka Soomaalida lagu sameeyo BRAIN DRAIN ama LABOUR DRAIN oo ah siyaasad Soomaalida ka barakicinaysa dalkoodi hooyo kana badalaysa dhaqankooda iyo caadooyinkooda. waxaa dhici karta Ruuxa Soomaaligaa oo dagaaladu dhibaateeyeen inuu xataa rumeeysto uu yiraahdo walaahi Sacuudigu waa dad xun oo Soomaalida TARXIILA oo America iyo Sweden baa ka fiican oo Soomaalida jecel. Fikirkaan qaldan waxaa keentay dal la'aanta iyo dawlad la'aanta ee runtii shacabka Sacuudiga iyo dawlada Sacuudiga ayaa la dhihi karaa dhibaatada Soomaalida way ka murugaysanyihiin kuwa Mareeykanka, Norway iyo Ingiriisku kalama jecla hadii Soomaaliyoo dhan ay gubato oo siyaasadooda Golfiga Cadan iyo Geeska Africa bay Soomaalida ku fushanayaan.

Dawladaha kale ee Reer Galbeed oo aan Soomaalida aad u soo dhaweeyn sida Germalka, Fransiiska, Talyaaniga( xusuusnaaw? Talyaaniga SOMLIA CONTACT GROUP waxaa ku daray odagii Berlusconi oo Bush saaxiib la ahaa ee siyaasada Talyaaniga ee Soomaaliya waa siyaasad Yuribiyaan ah sida mida Germalka ka leeyahay dalka Soomaaliya) iyo Austriya ayagu Soomaalida xataa hadeey farahooda dal kale ka helaan ma tarxiilaan, markii Soomaalidu qaxooti ka dalbanaysana kuma xiraan ama qasbaan in qofta Soomaaliga ah oo ay sharci qaxooti siinayaan uu qabiil Soomaaliya oo aan runtii waxba u dhimin EED ka sheegato; Been fara badan sidii ay sameesay Ayaan Xirsi Calin dalka Hollandina kuma qasbaan in qaxootiga Soomaalidu uu isku soo dhoob dhoobaan, inkastoo dhowr Su'aal oo caalankoo dhan weeydiiyaan qaxootiga sida xagee baad dalkeena ka soo gashay iyo meeqa lacag wadataa ay weeydiiyaan.

Dalalka Iskaandaneefiyaanka:
Madaama Ingiriiska iyo Mareeykanku ay dagaalkii W.W. II ay ka dhowreen inuu dagaalku ku fido ama wax gaarsiiyo dalalka Iskandaneefiyaanka iyo waliba xataa Lacagii Marshal-Plan ee Mareeykanku ku dhisay Yurubtii dagaalku burburiy- Qalabka lagu dhisay waxaalaga soo gaday warshadaha dalalka Iskandaneefiyaanka oo markii dagaalku dhamaaday ayagu caadi u shaqeeynayay. Marka Iskandaneefiyaanka amaal weyn bay Mareeykanka iyo Ingiriiska u hayaan, mar walba wey taageeraan siyaasad walba oo Mareeykanku dunida ka wato sida maanta tan uu ka wato Soomaaliya.

Laakiin Qaxootigii Soomaali oo farahiisa laga helo in uu dal kale iska dhiibay markiibay weey Tarxiilaan. Germalka ma Tarxiilo qaxootiga farahooda dal kale uu ka helo laakiin lacagtiisa qaxootiga baa ah mid ku eg Raashin iyo Guri. Laakiin Soomaalida jirin buu Germalku aad iyo aad ugu naxariistaa una daaweeyaa mindhaa wuxuu ogyahay inaan Soomaalidu Isbitaal haysan maanta.

Talyaaniga:
Dalka Talyaaniga wuxuu ka mid yahay dalalka loo yaqaan Dalalka Qaxootiga EU marka hore ka soo galaan sida Spain, Maalta iyo Greece oo Xeebta Mideterean ee Waqooyi Africa iyo Yurub u dhexeeysa. Dalalkaanu mar walaba EU-da waxay ku eedeeyaan in ayaga dhib weyn uu qaxootiga Dunida ku hayo. sidaas awgeed Dawlada Talyaaniga Benvenuto (welcome) Tutti Vita Dolce Bella Italia, qaxootiga sharci mooyee dhaqaale ma siid, inkasta Talyaanigu yahay G-7, Dalka 7-aad ee Dunida ugu dhaqaale badan. Badanaa gabdhaha Soomaalida baa shaqada guryaha Talyaaniga ka hela. Raga Somaaliga ee Qaxootiga ka ah Talyaaniga aad bay uga cabtaan waxtar xumadiisa. Cabashada waxaa keenay maadaama ay Soomaali badan Yurub soo galiyeen waxay ka soo galeen Talyaaniga oo farahaa markaas ka qaaday.Markeey Soomaalida u gudbaan dalalka kale ee qaxootiga caawiya, farahii inay Talyaaniga ka yimaadeen baa la arkaa oo badanaa Talyaaniga baa lagu soo celiyaa. Runtii Talyaanigu ma xiro Soomaalida dalkiisa loo soo tarxiilo, xataa sharciga wuu u cusbooneeysiiyaa.

Hollanda:
Dalka Holland siyaasadiisa Qaxootiga waxay huwantahay labo waji. Dhan siyaasada Mareeykanka ee Soomaaliya buu taageera dhanka kalana siyaasada EU ee Soomaaliya oo Talyaaniga iyo Germalku mar mar iska bahaystaan buu taageeraa. Madaama Holland ay ilaa 2000 Soomaalida baasaboorka Holland sii jirtay, guryo wanaagsan daji jirtay, oo Soomaali aad u fara badana ay xiliyadaas dagayn. Masaajidyaadadukaamada badan iyo dukaamo dad Marookiyiin leeyihiin baa Soomaalida u sahlay inay diintooda ku dhaqmaan. Laakiin 2000 kadib markii Xisbi neceb ajnabiga xukunka qabsaday Soomaalidii badanaa waxay u guureen dalka Ingiriiska. Laakiin maadaama Soomaalid iyo Hollandeesku is dhex galeen xilgaan la joogo ruuxii Soomaaliya oo Holland qaxooti ka dalbada oo farahiisan laga helin Holland aad bay u soo dhaweeysaa oo waxay mudo bilaa ku siida Baasaboorka UNta oo 8 sano ah oo dunida loogu safri karo

Ingiriiska:
Ingiriiska siyaasadiisa qaxootiga Soomaalida waxay ku lifaaqantahay tan Mareeykanku Soomaaliya ka leeyahay. Meesha Mareeykanku Minyaabolis iyo Ohio Soomaalida ugu soo dhaweeyay buu ingiriiskuna London iyo Manchester ugu soo dhaweeyay. Laakiin Soomaaligii fara laga helo isla markiiba wuu tarxiilaa hadii aysan si qarsoodi ah Soomaalida kale oo dukaamada leh ugu shaqaynin. Mida kale oo Ingiriisku Yurubta iyo Mareeykanka uga roonyahay waa wuxuu bixiyaa baasaboorka UN Geneve 1958 Convention oo 10 sano ah oo dunida meeshaad rabtid ku aadi kartid, meesha Mareeykanku ka bixiyo Refugee Travel Document hal sano ah, Yurubka kalana labo sano bixiyaan. Dhawaan ayaa Hollandina mid 8 sano bilaawday iney qaxootiga Soomaalida siiso mindhaa si aysan Baasaboorkooda ugu baahan.

Dalka Germalka:
Xiligii Soomaaliya burburtay ee bilaawgii 90-ka, dalka Germalka wuxuu soo dhaweeynayay East Germany oo malyuun Qaxooti ka noqdeen Germanyiyo Dalkii burburay oo Yogoslavia la dhihi jiray oo Geraalka Taariikh dheer ka dhexeeyso. Runtii Germalka albaabka kama xiran Soomaalida oo ayaguna 90-kii bilaabay inay Germalka tagaan, laakiin waqtigaas Germalku ma haysin lacag oo ummadahaasoo dhan oo mar qura qaxooti ahaan iskaga dhiibay uu siiyo ma haysin. Sidaas awgeed Soomaalidu waxeey bilaabeen inay Germalka ku hakadaan kabacdina u gudbaan dalalka Iskaandaneefiyaank, Danmark, Holland iyo Ingiriiska. Badanaa Germalka waxaa ku haray dadka xaasaska maadaama u caruurta lacag gooniyo Germalku ku bixiyo.

Hase ahaatee Dunida Soomaali meel kasta oy ka joogto Germalka bay Caafimaad iyo Daawo u soo raadsandaan. Gabar Soomaaliya oo 30 kun oo doolaar oo daawaa ku baxday Dawlada Germalka way bixisay. Waxaa laga yaabaa in Germalku Soomaalida ugu naxariisanayo madaama Dagaalkii Labaad markii Mareeykanku iyo Ingiriisku ay Germalka iyo Talyaaniga jabiyeen ay Soomaalida u kale googooyeen shan qeeybood ama Gumeeysi.

Waxaa intaa dheer Germalku Soomaalida sida Talyaaniga buu asna markuu faraha ka helo dal kale uusan u Tarxiilin.

Gobolka Hessen, Magaalada Frankfurt, oo Turki badan deganyihiin iyo Bonn baa Soomaalidu ku badan tahay, inkastoo baryihii dambe ay bilaabeen in ay dagaan Caasimada Berlin oo ah magaalo dulqaad badan oo mudo 40 sano ka badan labo dal u kala go'nayd: West Germany Berlin iyo East Germany Berlin.

Dalka Swiis Conferation ama Switzerland:
Dalka Swiiska waxaa taga qaxootiga Soomaalida oo siyaabo kala duwan EU Sharci Qaxooti ka waayay.Islamarkiiba Switzerland Soomaalida wey soo dhaweeyaan, sharciga shaqadana way siiyaan. Laakiin dawlada Swiiska qaxootiga Soomaalida Baasaboor inaba ma siido oo qoftii Swiis tagta safar waa iney iska hilmaato maadaama ayna EU Shengen ku jirin, ama si kale isku dabirto. Waxeey kaloo Swiss Yurub uga duwantahay Daaweeynta Soomaalida bukta. Swiiska iyo Germalka waa labada dal ee Reer Galbeed ee Soomaalidu daawo cudurka xanuun ka haya ay iskaga daaweeyaan ka hesho.

France:
Qaxootiga Soomaalida ee Fransisca jooga xoogaa yaab bay leeyihiin. Fransisco waa meesha Soomaalidu Ingiriiska ka gasho labada xuduud oo Tuunal ama Puunto isku xirto. Laakiin dhibaatada taala waxay tahay Soomaalida Yurub joogta Fiiso ay Fransiska oo ka mid ah EU-Shengen ku galaan uma baahna. sida qaxootiga ka yimid dawladaha kale Soomaalidu markii Tuunalka Ingiriiska dhowr jeer laga soo celiyo wey iska daalaan oo qaarkood Fransa bay iska dagaan.Siyaasa Fransiska ee Qaxootiga Soomaalida waa Laizes Faire-nin walbow naftaa! Soomaalidu waa dad meel kastoo joogaan isku xirin marka maadaama dad Reer Jabuuti oo dhaqanka iyo afka Fransiska si fiican u yaqaan France joogaan Soomaalida ayagaa hogaamiya oo tusa sida France wax looga qabsado. Runtii Fransisku Soomaalida sharci wuu siiyaa laakiin maadaama dalka fransiska Carab iyo Afrikaan badan joogaan oo shaqo raadis ah, ruuxa Soomaalida ee Fransa jooga waa dhibac biyaa oo badda ku dhacday.

Dalka Belgium:
Magaalada Madaxda Belgiya ee Brussel waa caasimada Baarlamaanka EU-da.inkastoo Belgia Qaxootiga Soomaalida ay soo dhaweeyso, nolashu jaban tahay, dadka Belgiguna ka muuqato inay asluubta la fisho Caasimad Eu laga dareemo, Maarookiyaan Caraba ay dukaamo iyo maqaayado aad u fara badan ku leeyihiin, hadana Soomaalida aad uma dagaan Belgiya. Sababto waxa ay tahay sharciga qaxootiga ee Dalka Belgiya wuxuu qorayaa inay qasab tahay in qof walba oo qaxootiya barto Labada Luqo ee dalka looga hadlo: Luqada Falaamishka oo sideedaba ah luqa adag iyo luqada Fransiska. Markaad gashid meel ama la kulantid qof Belgiya, labada luqo miduu doono baa laga yaaba inuu kugulo hadlo inkastoo badanaaba taasu ay ka dhacdo magaalada weyn ee Bruxelles. Caado ahaan inkastoo la yiraa Soomaalidu si dhaqsiya ah bay ula qabsadaan dhaqamada shisheeye markeey qurbaha joogaan, hadana waxaad muudaa in barashada luqudaha ajnibiga ay Soomaalida si khaasa dhib ugu tahay.Taas waxaa ugu sugan Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan waxay jecel yihiin ineey Afkooda Hooyo ee Soomaaliga ku sheekeeystaan.

Australia & New Zealnad:
Waxaa yaab leh iney dhib tahay in la arko qaxooti Soomaaliya oo leh anigu Australiyaan iskaga soo tagay oo ka soo guuray sida dunida looga arko qaxooti Soomaali oo leh anigu Amerika am Sweden baan iskaga soo guuray. Inkastoo Australia ay marna ka dheeraan taageerada siyaasada Mareeykan, hadana waxay qabaan qorshe sare ah Refugee Integration Progrqam qaxootiga loo fududeeyo si ay nolasha caadiga ah ee dadka Australia ula qabsadaan. Sida qaxootiga Mareeykanka markeey xooga lacaga aruursadaan oo dukaan Gas Station furtaan halkii markeey iibiyaa hal gaaloon oo 3 ila 4 dollar ku iibiyaan ay ka faaiidaan hal cent oo kaliya, waxaa laga yaabaa in Australia ay ka faaiidaan 20 ilaa 30 cent.

Qaxootiga Soomaalida ee South Amerika:
Qaxootiga Soomaalida dalalka South Amerika kuma badna. Soomaali qaxootiya oo Afrika, qaasahaan South Africa dhibaato awgeed uga soo guureen baa sanadkii 2000 kadib tageen dalka Brazil oo Koobka Kubada Cagta caan ku ah. Qaxootigii ugu horeeyay ee Brazil taga waxay ahay gabar Soomaaliya oo South Afrika ka soo gashay Brazil. Gabadhu markeey Eriboorka weyn ee Soa Paolo ka soo degtay waxay isku dhiibtay booliska Brazil.

Joornaalka maalmeedka ugu weyn dalka Brazil oo la yiraa Folha Da Soa Poalo ayaa wuxuu boggiisa kowaad ku soo sawiray gabadhii Soomaalida uu kaga sheekheeynayo inay isku dhiibtay qaxooti Brazil sababtoo ah waalidkeed baa ku sameeyay Child Genital Mutilation waa sida ay Reer Galbeed Gudniinka caruurta ku magacaabaan cilmi ahaan. Joornaalka aad baa loogatay sababtoo ah dadka Brazil waa dad la yiraa waa Emotional –dad aad u qiirooda ama qalbi jilicsan. Joornaalku wuxuu intaas ku daray in gabadha Soomaalida ee aad u soo dhibaatootay la dajiyay Hotel weyn ee Soa Paolo caan ka ah.

Umadaha Sud America inkastoo mudo labo boqoloo sano xuriyo haysteen, hadana waa ummado dunida ka go’doomay. Qof kastoo dalkooda taga ayaga inuu ka mid yahay bay u haystaan ilaa dad kale badanaa lama kulmaane. Bimathal Jaamicada Brazil sida North America ama EU maaha oo ilaa maalintaa dhalatay qaxooti awgeed laguu daba galayo. Wiil Nigerian ah baa igu yire Brazil baan ka soo dhigtay jaamicad wax Tuition ama sharci cidna ima weydiin.

Mida kale Brazil waa dal qani ah oo dibada u dhoofiya raashin fara badan sida Sonkorta, Qamadiga iyo Digirta. Sidaad darteed Raashinka iyo nolosha guud aad bay raqiis u tahay, oo Soomaalida waxaan Sharciga 6-bilood ah ee UN-tu bixiso oo aad u yar dhibato aan ka ahayn ma haysato. Magaalada Soa Paolo ee Soomaalidu dagan tahay waxaa bartamheeda ku taal maqaayad Hal doolar raashinka lagu cuno All You Can Eat-macnaheeduna yahay Hal doolar ku cun inta calooshaadu qaado qaadi karto, xataa koofiga iyo shaaha si aadan u hilmaamin irida laga baxo agteeda buu yaalaa. Halkii doolar waa 3.50 Riyaal, lacagta Brazil.

Digniin! Waxaan Akhristayaasha sharafta leh uga Digaynaa in Dalalka Reer Galbeed Sharciyada Qaxootiga had iyo jeer bad badalaan.
Wiil Qaxooti Soomaaliya oo Baasaboor Venezuela wata baab mar kulanay. Wiilkii wuxuu igu yiri markaan mudo 2 sano Caracas, caasimada Venezuela joogay baan u tagay Dawlada Venezuela halka Baasaboorada laga qaato. Wiilku oo Afka Spanishka si fiican ugu hadlayay wuxuu intaa ku daray, waxaan xaafiiska Caracas ee Baasaboorada Venezuela markaan ku iri: Nin Soomaali baan ahay. Labo sano ayaan dalkiina ku noolahay, waxaan idinka codsanayaa inaad Baasaboor Venezuelaana isiidaan? Waxay iigu jawaabeen Baasaboor waan ku siinaynaa.

CENTRAL AMERICA: Mexico, Guatamala & El Salvador:
Qarniyadii ina dhaafay baa nin Madaxweyne u ahaa jiray yiri," Dalka Mexico ilaaheey faqrina waa ka dhigay Mareeykana daris buu uga dhigay " Hadalkan cilmgiga weyn ku jiro macnihiisu wuxuu y ahay haddii Soomaaliya u dunida meesha uga fag ilaaheey ku abuuray ay Mareeykan maaro iskaga weeysay Mexico oo la daris la ah bal ka warama.

Sida Turkiya, Gariiga, spanya iyo Talyaaniga EU-da qaxootigu uga tilaabo baa Mexikana Mareeykanka loogu tilaabaa. Hase yeeshee boqolkiiba 99 dadka qaxootiga xuduudka Mexico ka gala Mareeykanka waa shacabka Laatiin Amerika ee Mareeykanku dalalkoodi geedihoodi ka jaray. Bimathal 90 geedihii dalka Haiti Mareeykanka ayaa jaray si uu Beero Koofi ugu abuurto. Sidoo kale Equato, Guatamaala, Costa Rica ayana geedahoodi si Beero Moos Shirkadahoodaha Mareeykanka ugu abuuraan baa dhirtii loo jaray.

Sidaas awgeed shaqo la'aan iyo gaajo darteed baa shacabkoodu xuduudka u dhexeeya Mexico Mareeykanka uga tilaabaan iyagoon sharci wadan. Soomaalida u tahriibta Mexico maadaama dhulkii aad u fogyahay Tikitkuna qaalyahay waa Soomaalida aad u karti badan oo ay ka inkaarsadeen DAGAALO SOKEEYA OOGAYADDA Somali warlords maxaa yeelay hadeeyba dhibka Mexico u dul qaateen DHULKOODA HOOYO U NABADA WAX WEYN BAY KA TABCA LAHAAYEEN.

Runtii ruuxii nabad ku gala Mexico haddii aan la marin habaabin ama uusan tuugada Mexico qaasatan kuwa Daroogada aysan dhicin waxay u badan tahay in ay u suurto gasho inuu galo Mareeykanka ilaa waxaa Mareeykankaa Soomaalida u ogolyahay SHARCIGA TEMPORARY PROTECTIVE STATUS kaasso leh in haddii qof Soomaaliya cagta saaro ciida Mareeykanka la siiyo nabadgalyo ilaa dalkiisi dhibaataa ka aloosani, Magaalda san Diego 20 daqiiqo baabuurku uga socdaa xuduudka Mexico.

Mexico sida Braaziil bay hada bilawday in ay bixiso guryo iyo sharciga UN-ka walow aanan ogeeyn in u 6 bilood yahay iyo in uu ka badan yahay.Laakiin sida Soomaalidu tiraahdu ishaad ka riday waxaa ku xigta in marka qaxootigu la siiyo sharciga U.N.-ka uu yiraa"waa xagee halka laga raaco Baska aada xuduudka Mareeykanka ama xitaa kan aada xuduudka xuduudka Canada...iyo NABAD GALYO MEXICO-keey."

Waxaa jira magaalooyin ku yaala xuduudka oo shacabka Mexikaanka iyo Mareeykanka si fudud iskugu kala socdaan oo KAARKA I.D. la yiraa un askarta xuduudka dusha xuduud ukala gudbayadu ka tusaan sida magaalada xuduudka ee lagu magacaabo CUIDAD TIJUANA ee San Diego Califorina ku taal. Week end kasta Mareeykanoo badan baa magaalada CUIDAD TIJUANA u guubta dhinaca ay dawlada Mexico leedahay ee magaalada maadaama ay Dalka Mecico u ogalyahay in Qamrada laga iibiyo wixii 18-sano ka yar.

Runtii Bush askar badan buu dhigay xuduudka oo 9/11 HOMELAND SECURITY la xiriira, taasana waxay saamo weyn ku yeela doontaa isku kala socodka shacabka hal magaalo oo labo dawladood kala xukunto ku nool sida magaalada CUIDAD TIJUANA.

Guatamala & El Salvador:
Guatamala iyo El Salvador waa labo wadan oo xuduud la leh dalka Mexico. Guatamala iyo El Salvador dabeecadahoodu kama duwana ku Mexico. Laakiin maadaama Guatamala iyo El Salvador aysan sida Mexico Betrool lahayn waxaa ku badan tuugada loo yaqaan CULT AMA STREET GANG oo dadka dhaca Turistahana afduuba. Waxaa taa wehlida maadaama dhulkoodu yaryahay guryuhu aad bay qaali u yihiin qasatan caasimadeeda El Salvadoor magaalada San Salvadoor.

Cuba:
Soomaalida badanaa waxay jaziirada cuba barteen 1977-78 Somali-Ethiopian war markii askar Ruushku ka keenay cuba dagaalka soo galeen ayagoo u hiilinaya Amxaarada. cuba waxeey u jirtaa Mareeykanka wax 100 mayl ku dhow.

Xaqiiqadii nolasha Cuba waa adagtahay mana adka. Shacabka dalka badanaa waa dad Afrikaan asalkoodu yahay oo Soomaalidu la kulmimaysa midab takoor dawladeed ama shacab oo midab ku dhisan. Laakiin dhibaatada jirtaa waxay tahay dalka Cuba waxaa saaran Cunaqabatayn Mareeykanku saaray xiligii Dagaalkii Qaboobaa ay Cuba Ruushka la jirtay. Inkastoo Radio Cuba Libere laga qaado heeso sida CUBA CAMBASIINO "wAXAAN NAHAY DAD DHULKOODA WAX KA SOO SAARTA OO ISKU FILAN" Hadana waxaad moodaa hor u mar dhab wuxuu u baahanyahay Cilaaqaad dhaqaale oo caalamka lala yeesho. Betrool la'aan awgeed nalka saacado yar baa maalintii la shitaa. Baabuurta la wato waa kuwii 1960-kii dunidu isticmaali jirtay.

Wiil Soomaaliya oo kuwa Nigeriyaana doon Cuba Mareeykanku ula raacay waa la xiray maxaa yeelay waxaa doontii laga helay Daroogo ay ku qarsadeen Nigeriyaanku doonta.

Inkastoo shacabka Cuba uu sida Soomaalida uu Mareeykanku u ogalaaday sharciga TEMPORARY PROTECTIVE STATUS hadana maadaama ay doomaha dadka geeya Mareeykanku aad bay u yar yaryihiin oo si fudud baa badu u liqdaa ila doon weyn waxaa laga baqayaa in ay arkaan askarta Cubaanka oo ay dib celiyaan.

Cali C Xasan Qaranka online Editor
Email: ahassannn@yahoo.com

The opinions contained in this article are solely those of the writer & doesn't represent Qaranka.com

Qaranka online

 
                       © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye