Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Bundada Qarniga oo Jabuuti & Yemen isku Xireeysa, oo Mareeykanku iyo Sacuudigu kula heshiiyeen Yemen iyo Jabuuti, Soomaaliyana aan lagala tashan waxna aan lagala socodsiin.

The Qaranka online
Xigasho: Corriere della Sera-Roma-Italia
By Massimo A. Alberizzi
malberizzi@corriere.it
14 July 07

Waxaa Artiikalkan Corriera della Sera oo ah Joornaalada Dalka Talyaaniga ka soo baxa kan ugu weyn turjumay Ali E Hassan
Qaranka editor

Bundada Asiya, Africa & Yurub Isku Xiraysa oo Xeebta Somalia,"former French Somali Caost" ama "Former French Somaliland" oo maanta loo yaqaan -Jabuuti- iyo Yemen u dhexeeysa "Bab El Mandeb" laga dhex dhisayo




Meesha Labada dhul aad iskugu
dhawyihiin 27 km isku jirta
-Bab el Mandeb- dhowr km.
Xeebta Soomaaliyana u jirta
Photo: Corriere della Sera

Roma, Italia: Corriere della Sera
Corriere della Sera waxa ay qortay in Mareeykanku iyo Sacuudigu ku heshiiyeen in Yemen iyo Jabuuti dhul isku xira Xeebta Bab El Mandeb laga dhex dhiso, sida Buundada isku xirta Badda u dhexeysa Sweden & Danmark ama Faransiiska iyo Ingiriiska oo laga dhisayo Bab el Mandeb Xeebta Somalia

Lo chiamano già «il ponte del secolo» Buundadda waxaa loogu magac daray: Buundadii Qarniga, maxaa yeelay Waxay isku xiri doontaa Africa, Asiya & Yurub. Waxeey noqoneeysaa Mushruucii ugu weeynaa ee Qarnigan adduunka laga fuliyo.

Wax kastoo Buugga Guineesku qoray tanu waa dhafeeysaa, maxaa yeelay Bab El Mandeb oo dhexaysa Soomaaliya, Yemen, Jabuuti iyo Eritriya, maahan kaliya meesha adduunka ugu maraakiib taraafiko badan ee waa meel waligeed saas ehayd.

Waana meeshii 80-kun oo sano sida Dna Anthropologigu xaqiijiyeen waa meeshii dadka bani’aadunki kaga tilaabsadeen markeey ka haajirayeen Africa o dunidoo dhan ku fidayeen, magaca Bab El Mandebna waxaa loogu baxxhay dhibka maraakiibta kala kulanto markeey marayaan halkaas. "Il nome dello stretto deriva dalla difficoltà che incontrano le navi per superarlo, ma qualcuno sostiene che provenga dalle lacrime versate quando un terremoto separò l'Asia dall'Africa. È uno dei tratti di mare più trafficati del mondo e non solo ora, giacché fa parte delle rotte del petrolio, ma da sempre. Secondo gli antropologi — che hanno compiuto studi sul Dna — da lì passò la prima migrazione degli umani che, comparsi in Africa più o meno 80 mila anni fa, si dispersero in tutto il mondo."

Sida Joornaalku leeyahay Bab el Mandeb waxaa Golfiga loogu baxshay dhibaatada maraakiibta markeey mareeyso ay la kulanto, culimada cilmiga baratana waxay leeyihiin 80 kunoo sano markii dhulkii kala go'ay baa meesha aad loogu hoobtay markaasaa loo baxshay Bab el Mandeb, Albaabkii Ooyinta.

Wuxuu kaloo Joornaalku leeyahay maadaama dhulku yahay dhul Istraatigik ah oo qiimo weyn u leh dunida qaabka iyo sharciyadda dhismaha waa sir qarsoon oo aan la ogolayn in dibada loo soo saaro.

Kambaniyada dhisiya waa Noor City Development ee California Valley oo ay hogaamiyaan rag Dawladda Mareeykanka ka mid ahaajiray Daniel R. Richardson oo la talijiray dawladda Mareeykana, Gordon Humphrey oo hogaamiya Humphrey Group International , xiligii 80-tanadii ahaa ku xigeenka Wasiirka Komershaha & Saudi Bin Laden Group oo Sacuudiga Matalaya. Faahfaahinta Dhismaha:

Dawladda Jabuuti iyo tan Yemen Kontoraadada weey saxiixeen. Waxaa ku kacaya lacag dhaafeeysa ilaa 20 Billion oo Doolarka Mareeykanka, 7 ilaa Sideed sano bayna qaadaneeysa. Dhirirkeedu waa 27 KM. waxeeyna ka bilaabaneeysa dhinaca Yemen Raas Manhe-li kuna dhamaaneeysa Raas Siyaan ee xeebta Jabuuti.

Buundadu waa labo Jid oo mid Baabuurto marto iyo mid Tareenadu maraan. Dhinaca baabuurta waxaa maalin kasta mari doona 100 kun oo baabuura, kan Tareekana waxaa mari doona Tareeno sida 50,000 oo qof.

Inkastoo Bab El Mandeb Soomaalidu la qaybsato Jabuuti iyo Yemen, Soomaalidda daqliga Buundada waxba lagama siidoono, maadaama aysan dawlad u dooda Soomaalida maanta jirin. Sidaa darteed faa’idada waxaa qaybsanaya Jabuuti, Yemen & Shirkadaha dhismaha iyo kuwa maamulka.

Ali E H Naleeye, the Qaranka online editor

The opinions contained in this article are solely those of the writer & doesn't represent Qaranka.com

Qaranka online

 
                       © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye