Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Faalada Qaranka.com: Soomaalidu kama daalaan miyaa 17 sano Dibirta Gumeeysiga Kenya iyo Jabuuti?

The Qaranka online
Muqdisho
17 Dec. 07

- Waagu marku baryo waxaad maqlaysaa bimathal Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dawlad ku sheega loo yaqaan Taariikhda Madow ee Soomaaliya ama Koxda Imbagathi ayaa Nairobi Kenya , Sana'a Yemen ama Jabuuti ku wada hadli doona. waxaad moodaa Soomaalidu ineysan ka dalaan 17 sano Dibirta Gumeeysiga Kenya iyo Jabuuti.

Muddo 17 sano ah maalin walba waxaad maqlaysaa Kooxaha Soomaalida ee xukunka isku haysta bari Jabuuti ama Kenya bay u duulayaan si Soomaaliya ugu soo dhisaan dawlad Umadda Soomaalida ee muddo 17 sano dawlad aan haysan. Maanta waxaa cadaatay ineey Kenya iyo Jabuuti ay Qeyb libaax ka qaateen ineey Soomaaliya gacanta u gasho Gumeeysga Xabashida.

Waxaad moodaa ineey Qabqablayaashu Raashinka bilaashkaa iyo Hoteelada Kenya iyo Jabuuti Hamuunta 17 sano haysay iskaga soo gooynayaan xoogaa doolara oo Hub iyo Qaad ay ku gataana ka soo qaataan maadaama ay arkeen 17 sano in Kenya iyo Jabuuti ay halaag iyo Naar maahane ay Soomaalida waxba u qaban.

Runtii arintu waa bil cagsi oo Kenya iyo Jabuuti ayagaa Soomaalidu dawlad u soo dhistay. Maxaa yeelay dawladahuudu waxay ku soo dhismeen lacagta caalamku shirarka been beenta ee Soomaalida ku bixiyay oo lacagtaas waxay badanaa gashay dhaqaalaha Kenya iyo Jabuuti.

Dawlada Embagathi dhismaheeda waxaa ka dambeeyay Mareeykanka oo isticmaalay sadexda dawladood oo Soomaaliya dariska la ah: Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Mareeykanku Caalamka wuxuu ku yiri Sadexdaan dawladood ayagaa Soomaali badan ku nooshahay ee maadaama ay darisna yihiin fahma sida Soomaaliya ay nabad iyo dawlad ku heli karto sidaas awgeed Caalamku ha u daayo ineey xaliyaan dhibaatada Soomaaliya.

Sidaas awgeed markii Caalamku Sadexdaan dawladood Soomaaliya u soo gacan galiyay waxay bilaabeen ineey Soomaaliya ka dhigtaan Isbartiibo oo hadba mid kubada laado, Mareeykanka iyo Ingiriiskuna Aarbitarayaal ka noqdeen.

Wargeeyska Mareeykanka New York Times baa bishii Feb. 19, 07 wuxuu qoray Artiikal dheer oo uu kaga hadlay Siyaasada Faransiiska ee Geeska Afrika.

Waxuu Artiikalkaas Joornaalku ugu magacdaray:

What are Frech's interest in Africa, Where are French troops based in Africa?

[Of 12,000 French troops engaged in peacekeeping operations around the world, nearly half are deployed in Africa in both military and advisory capacities, according to the French Ministry of Defense. There are three main French bases in Africa. The largest is at Djibouti, with smaller forces at Dakar in Senegal and Libreville in Gabon. Their purpose is to promote regional security, though the base in Djibouti allows France to exercise a measure of military influence in the Middle East. (Also in Djibouti are about 1,500 American personnel of the Combined Joint Task Force—Horn of Africa, stationed at the former French base Le Monier since 2003.) There is also a small French force on Reunion island, a French territory located off the coast of Madagascar.]

Marka haddii Af Soomaali lagu badalo waxa Sababta Militariga Faransiiska ee Jabuuti fadhiya uu uga madax banaanyahay Dawladda Faransiiska [though the base in Djibouti allows France to exercise a measure of military influence] waxay tahay macneheedu Jabuuti Xor maaha ee Dawladda Faransiiska ay si daboolan u xukunta.

Sida New York Times cadeeysay Saldhigyaada Faransiisku Afrika ku leeyahay Saldhiga Jabuuti kaliya baa ka madax banaan Dawladda Faransiiska oo sirdoonka fadhiya Saldhiga Jabuuti siinaya awood Dawladnimo.

[Though the base in Djibouti allows France to exercise a measure of military influence in the Middle East.]

Xiligii Soomaalidu iska riday Xukunkii kaligii Taliska ee Siyaad Barre,odaygii xukumay Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon wuxuu soo sharaxay inuu Soomaaliya madaxweeyne uga noqdo Cali Mahdi oo aan waligiis siyaasada Soomaalida aan Xil ka qaban,

Caalamkana siduu u shaqeeyana aan wax weeyn ka ogeeyn. 17 sano oo Soomaalidu dhibtooneed Jabuuti isma oran war Soomaalida dhibaataysan isbitaal yar ama kaalmo yar aan gaarsiino.

Sababtu maahan ineey Soomaalida Jabuuti xunyihiin ee Militariga Faransiiska ee fadhiya baa awood dawladeed leh. Taas waxaa macneheedu yahay Jabuuti wali Gumeeysi baa haysta.

Tusaalo kale hadaan soo qaadano, Labadii sano iyo barkii Soomaalidu u fadhiday shirkii Embagaathi, Ismaaciil Geele wuu ogaa in Shirka Embagaathi ee la lahaa dawlad buu Soomaaliya u soo dhisayaa ay macneheedu ahayd sidii Mareeykanka iyo Ingiriisku ay ugu diyaari lahaayeen sidii Itoobiya ay Soomaaliya Gumeeysi ugu qabsalahayd.

Midda kale Shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay Dawlad ku sheegii Carta waxaa la soo sharaxay Cabdiqaasim oo xiligii Afweeyne diyaaradaha Suud Afrika ku baabi'nayay caruurta Soomaalida ee Hargeeysa ku nooleed ah wasiirkii Arimaha Gudaha.

Runtii Cabdiqaasim Salaad inkastoo oo yahay nin Amxaarada neceb Amarka caruurta hooyooyinka Soomaalida ee Hargeysa lagu laynayana aan bixin hadana waxaa meesha taal: Sida Mareeykanka iyo Ingiriisku usoo xireen wasiraddi Hitler ee Nurberg Trial u soo istaajiyeen oo dil ama xabis nololeed ugu xukumeen ama sida wasiirada Sadaam Xuseen maxkamad loo soo taagay maxaa yeelay waxeey la shaqeeynayeen Sadaam Xuseen xiligii u sunta ku rusheeynayay caruurta kurdiga.

Marka Soomaaliyeey miyaadan ka daalayn dhagarta iyo dibirta Gumeeysiga Kenya iyo Jabuuti?

Hadda waxaa baryahaan dambe soo shaac baxaya in Soomaalidu iskugu tagaan Kenya iyo Jabuuti si ay ku heshiiyaan.

Nasiib daro haddii taasu dhacdo waxaa laga yaabaa in dunida laga waayo dhulkii Soomaaliya la oran jiray ee Soomaaliyeey gacanteena markale ha isku dilanaha ee iska deeda Shirarka beentaa ee Gumeeysigu 17kii sano ku abaabulayay Jabuuti iyo Kenya.

Cali C. Xasan,The Qaranka com, editor
Email: ahassannn@yahoo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye