| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Sababta Itoobiya ay har cad Soomaaliya Xoog ku Qabsatay iyo Sida Soomaaliya loo Xuraykaro
The Qaranka online
Markii ay sababtaas Itoobiya Soomaaliya ku qabsatay maanta Soomaalidu hurdadii way ka baraarugeen oo maanta meeshii labo Soomaaliya ku kulanto waxay ka doodaan sida Itoobiya Soomaaliya ku qabsatay oo Soomaaliyoo dhan hal maalin kuligood Qaxooti ku noqdeen.
Runtii hal sabab kaliya baa u suurta galisay in Itoobiya sahal Soomaaliya ku qabsato. Halkaas sabab waxeey tahay DIIN. Dalalka Reer Galbeedka Mareeykanka iyo badanaaba Dawladaha EU-da waxaa xukuma xiligaan Xisbiyo la yiraa: Karishtiyaan Dimoqoraat. Si siyaasad ah baa xisbiga Mareeykanka xukuma Republican Party bay magaceedi hore Karishtiyaan Dimoqoraat Party ugu badashay Republican Party si aan caalanku u fahmin.
Doorashadii ugu dambeeysay ee 2004 Mareeykanka ka dhacday dadka maamula ama aad ugu dhaqma Diinta Protestanka waxeey 90 Percent Codkoodi siiyeen Bush oo u sharaxnaa Xisbiga Republican Party ama Xisbiga magaciisa runtaa yahay Karishtiyaan Dimoqoraat.
EU-du ayagu wax qaris ama Siyaaso Amerikaan ma isticmaalaan oo maanta Xisbiyada Xukuma waxaa lagu magacaabaa Karishtiyaan Dimoqoraat intaanan ka ahayn Dalka Talyaaniga oo ayagoo Labadiisa xisbi ama dalkoo dhanba Diinta door weyn ka ciyaarto maadaama Popka masiixiga daganyahay dalkooda dhaqaala badana ay ku hesho sidaas.
Xitaa Dalalka Islaamka Xisbiyada xukuma maanta waxay dagaal kula jiraan faro ba'an ku haya niman loo yaqaan Islaamka Mayalka adag ama Talabaan ama Al Qaeda. Al Qaeda waxaa hadda aad ula diriraya General Mushaaraf oo Pakistaan xukuma, Boqortooyada Sacuudiga oo xili walba gaatiin ku disha nimankaas, Dalka Masar, Yemen, iyo Indoniishiya oo Al Qaacida ugaarsato meelaha Dalxiisku tago oo dhaqaale weyn ka soo galo dalalkan.
2003 anigoo dalka Germalka magaalada Boon Tareen magaalada mara oo loo yaqaan Strasse Bahn baan ku dhex jira baan yare ag fariistay kursi ay fadhiyeen Gabar iyo wiil Imtixaan Jaamicadeed isku diyaariynaya. Gabadhu Su'aalo bay wiilka weeydiineeysaa islamarkiina ayadu ka jawaabaysaa si labadooduba u xifdiyaan Su'aalaha laga yaabo ineey imtixaanka ku jiraan. Marka gabadhuwaxeey wiilka weeydiisay Xisbiga Karishtiyaan Dimoqoraatka ee Germalka ee Angela Merkel Xukunto Sadexda Qodob ee siyaasadiisu ka taagantahay: waxeeyna ku jawaabtay: 1. Faamiliga 2.Diinta 3. tixgalinta nimanka Kambaniyada Dhaqaalaha haya.
Hadana waxeey weeydiisay wiilkii Xisbiga Germalka Social Dimoqoraat ee Gebhardt Schroeder oo dagaalkii Ciraaq diiday xiligaasnailxukumay Germalka oo u dhigma Mareeykanka (Clinton) Dimocratic Party Sadexda qodob ee siyaasadiisu ka koobantahay: waxay ku Jawaabtay ayadoo mar marna uu wiilku xaraf xaraf u saxayo:1. Tixgalinta Shaqaalaha iyo ururadooda 2.Ilaalinta Nabada Caalamka 3. Daryeelka guud iyo Caafimaadka shacabka.
Mar walba oo Dunido qal qal gasho waxaa badanaaba Doorashada ku guuleeysta Xisbiyada Karishtiyaanka ama sida Turkiga iyo Soomaaliya Xisbiyada Islaamka k soo jeeda ilaa haddii la wareero ama la baqo dadku waxeey ku dhawaadaan diinta oo ay isleeyihiin ayado muddo aad u dheer bay waartay maxaa yeelay dariiqa saxdaa bay ku taagantahay.
Dhawr Casho intaanan Itoobiya Soomaaliya ku duulin waxaa Shabelle.net soo sawiray nin Soomaaliya oo si xun uu u qisaasayo wiilkii uu dhalay ninka la dilayo ninkuu dilay .
Dhibaatada ugu weyn ee Mareeykanka iyo EU-da dhextaagan maahan dhaqaale iyo dagaal ee waa EU-da oo ka soo horjeeda dadka la yiri dad bay dileen oo korontada ama sunta Mareeykanku ku dilo.
Marka Mareeykanka iyo Itoobiya Imbagathi Cabdulaahi Yuusuf waxay dilkaas foosha xun ula tageen EU-da iyo Carabta oo ay ku leeyihiin Soomaalida waa dad muddo dheer dhibaataysnaa oo aan Alqaacida oo ku soo duushay iska dhici karin ee waa in Itoobiya lagu fasaxo si ay nimanka Al Qaacida uf sifeeyso si AY Dawlad Soomaalidu ku hesho.
Maadaama EU-da Xisbiyada Xukuma Karishtiyaan Dimoqoraatx Diintu tahay udabyada ay ku dhisanyihiin xataa waxeey ogolaadeen in kharshka Imbagathi ku baxa bixiyaan maadaama Mareeykanku dhaqaalaha Ciraaq iyo Afgaanistaan bixiyo.
Carabtana waxaa lagu yiri idinku Al Qaacida dawlad iyo dhaqaale aad iskaga dhicisaan baad leedihiin ee inteey Al Qaacida Soomaaliya inteey qabsato sidii Afgaanistaan idinku soo duuli lahayd Itoobiya ku daaya Soomaalida ha ka dhicise Al Qaacidee.
Nasiib wanaag marka dhibaato xun dhacdo wax baa laga fa'iidaa oo maanta Dagaalka Xamar ka socda Shacabka Soomaalidu weey iska sifeeyeen nimanka mayalka adag ee dartood Itoobiya Soomaaliya ku qabsatay.
Runtii Haddii sida hadda Shacabka Soomaalida ee Xamar ka dagaalaya ay bilaabeen ay ku dagaalamaan waxaan rabnaa Xuriyo si ay Faamiligeenu nabad iyo horumar Caalmaka kula noolaadaan waxay Soomaalidu garab ka helaysaa ugu yaraan qaar ka mida xisbiyada Karishtiyaan Dimoqoraat oo uu udubkooda koowaad iyo sadexaad yahay Daryeelka faamiliga-Qoysaska iyo gaaritaanka horumar Dhaqaale.
Markaas Beenta Mareeykanka iyo Zenaawi iyo Cabdullaahi Yuusuf in Soomaalidu tahay Al Qaacida la diriraysa nolosha Faamiliyada iyo horumarka dhaqaalaha Yurub.
Waxaa loo baahanyahay Soomaalida aan jihaadka ku jirin inay Caalamka u cadeeyaan in Dagaalka Soomaaliya ka socda in aysan ahayn mid ka dhexeeya Al Qaacida iyo Dawlada Soomaaliya oo Itoobiyaan saacidayo sida ay Mareeykanka iyo Itoobiyaanku dunida har iyo habeen ku faafinayaan, ee uu yahay dagaal dhex maraya Ciidamada Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo Shacabka Gumeeysidiidka ee Soomaaliya.
Runtii waxaa Itoobiya iyo Mareeykanka dan ugu jirtaa in Soomaaliya ay hogaamiyaan niman Al Qaacida ku fikrad ah sida Abu Mansuur iyo Xasan Turki si ay Caalamka uga helaan sabab ay Soomaaliya uga tirtiraan Caalamka. Ruushku markuu Jejniya caasimadeeda Goroozni baabinayay wuxuu sabab uga dhigtay Sadex nin oo Ingiriis ah oo niman mayal adag oo Jejniyaan ah ay madaxyada inteey ka jareen dariiqa soo dhigeen. Taas waxay sahashay in Ruushku yiraa Jejniya waa Al Qaacida si dunidu uga aamusto inuu baabiyo. Sidoo kale sababto Caalamku uga aamusay in Itoobiya Soomaaliya baabiso dalkeedana la wareegto waxay ahayd markii ay Mareeykanka iyo Itoobiya Dunida usoo ban dhigeen Xasan Turki iyo Mansuur oo leh Gaalada waa in la baabiyaa. Xasuusnaaw Qodobka Labaad ee Xisbiyadda maanta Xukuma Dawladdaha Reer Galbeedka: Ilaalintqa Diinta Masiixiga. Waxaan lagama maarmaan ah doorka nimanka Diinta ay Dagaalka jihaadka ee Soomaaliya lagu Xoraynayo ay kaga jiraan. Laakiin ayaga iyo Shacabka midna dan ugamo jirto in Soomaaliya daraadood looga tirtiro Caalamka sida ay bilaabeen kambiniyaada sameeya Qariidida dunida durbaba oo ay meeshii Soomaaliya lagu yaqaanay ku badaleen Itoobiya.Amaal Gud weyna markii Xuriyad Soomaaliya hesho Soomaalida wey ku leeyihiin Laakiin waa in ay urur ahaan ku dagaalamaan oo aysan oran Shacabka Soomaaliya baa Al Qaacida ama Taleban Taageersan Ama Diinta Islaamka ka daafacaya Gaaladda. Taa waa Habar Fadhida Lagdan la Fudud. Dagaaladda dunida ka dhaca Labo Sababood ayaa lagu kala guuleeystaa: 1.Quwadda Militiriga 2. Probagaanda Soomaalida Xordoonka ee Muqdisho ku dagaalameeysa Sababta Labaad ayeeysan isku hawlin, marka si deg deg ah waa ineey Soomaalidu Caalamku ugu cadeeyso Hadafka ay ku dagalamayaan. Itoobiya iyo Mareeykanku waxay ku bixinayaan maalin walba milyoon doolaris si ay ugu abuuraan Soomaaliya rag Diinta ku mayal adag sida Xasan Turki iyo Abuu Mansuur. Ha iloobin sababta Mareeykanku uu Soomaaliya ugu duulay: Wuxuu baadigoobayaa labo nin mid Suudan ah iyo mid Tanzaaniyaan oo Al Qaacidaa oo bam ku qarxiyay safaaradahiisa jooga Kenya iyo Tanzaaniya oo uu u maleeynayo ineey Soomaaliya ku dhuumaalaysanayaan.
Email: Ahassannn@yahoo.com
Qaranka online
|