| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
C/llaahi Xuseen Maariyaa “Nin kasta oo ku lug leh dowlad ku sheega Baydhabo fadhida waa nin taariikhdiisa danbe loo cabsanayo”
The Qaranka online
“Riyada Mareykanka & Itoobiya waa in ay Soomaalidu sidaa u dabar go’do sida ay maalin kasta isu leyneyso qaarna Xabashidu u leyneyso, dhulkaas barwaaqada ahna ay dhaxlaan Itoobiya, kuwo dowladda la inooga dhigayna waa kuwaa Salaad Cali Jeelle shahaadada guddoonsiinaya.? Bal muxuu Salaad shahaado ku muteystay, dadka in dowlad la inooga dhigo la doonayo waa kuwaas, kuwa xildhibaanada ah & kuwo wasiirada ah dhammaantood waa isma dhaanto & dhashood, nin kasta oo ku lug leh dowlad ku sheega Baydhabo fadhida waa nin taariikhdiisa danbe loo cabsanayo, waayo waxey dalkii gacanta u geliyeen Itoobiya, waana dad dowladnimaduba ay intaa la tahay” ayuu yiri C/llaahi Xuseen Maariyaa, wuxuuna xusay in suxufiyiinta looga baahan yahay in ay hadaf Qaran yeeshaan, una guntadaan sidii ay dalka & dadka ugu shaqeyn lahaayeen.
"Saxaafaddu waa tiirarka ugu wanaagsan ee ummad kasta ku hogaamisa samaanta, ugana digta xumaanta, dal kastana waxaa badbaadiya dadkiisa aqoonta ehelka u ah, annaga Soomaali haddaan nahay midkeena wax bartay qabiilkiisuu ku difaacayaa aqoontiisa, kii aanan wax barran isagu danbi maba lahan, Soomaalidu ma ahan dad tiro badan, haddii ay qabiil isu kala qaad qaadaana waa ku lumayaan, waa in ay yeeshaan hadaf qura oo ah (Soomaalinimo) ayuu yiri C/llaahi, wuxuuna sheegay in dal kasta marka ay xaalad adag soo wajahdo ay ku baxsato bulshada wax baratay laakiin Soomaalidu waa dad ka gablantay dadkeeda wax bartay.
Xigasho: Dayniile.com
Qaranka online
|