Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

-Digniin Culus oo Badbaadaa oo Soomaalida ku Socota

The Qaranka online
Ali Hassan
21 Sept. 07

-Usbuuc intaanan Itoobiya bishii December Soomaaliya ku duulin Dawlada Mareeykanka waxay hor dhigtay UN Security Council in 5-ta wadan ee Veto Power (ay Mareeykanku, Ingiriisku, iyo Russia sameeyeen) UN-ta ku xukuma Ingiriiska, France, Russia iyo Shiinaha ansixiyaan UN Somalia Resolution 1774 si sida ugu dhaqsiyaha badan ummada Soomaalida ee mudada dheer dhibaatadu haysay oo Itoobiyana nimanka Maxaakiimta ah ee diinta Mayalka adag haysta Al Qaaacidana xiriir la leh oo Dawlada Soomaaliya ka dagi la'dahay meesha looga saaro.

Taasu layaab ma leh oo Ciraaq iyo Afganistaanba sababtaas ayuu ku qabsaday laakiin waxaa la yaab leh ummada Soomaalida oo wali xataa haddii dalkoodi la qabsaday oo uu gumeeysi diin awgeed ku galay fahamsanayn Daminka Mareeykanku u dhigayo oo ah inay yihiin dad haysta Diinta Mayalka adag oo al Qaacida xiriir la leh.

Soomaalidu ayadoo aan iska dhigin ama u hadlin sidii Al Qaacida bay Dalalka Islaamka cawinaad iyo Hub ka heli kartaa. Dawladaha Islaamka way ogyihiin maanta haddii Soomaaliya Islaam ahaan lagu maagay in ayaguna bari ku xigaan. Marka runtii dawlad walba oo Islaam ah diyaar bay ula tahay inay maanta garab siido Soomaalida.

Marka maadaama nimankii 9/11 sameeyay ay Islaam u doodayeen Dawladaha Reer Galbeed oo dhan cadow bay u arkaan wixii maanta Islaam u doodaya. Sababta maanta Soomaaliya Reer Galbeedku u qabsadayna waa taas.

17 sano ayeey ku qaadatay in Mareeykanku Soomaalida dunida ka jaro si ay Diinta ugu Soo laabato si uu ku helo marmarsiyo uu dalka ku gumeeysto. Waxaa kaloo jirta dawladaha Islaamka maanta waxay laftigoodu cadow u arkaan Al Qaacida wixii Diinta daafacaya oo waxay ka baqayaan in nimanka Mayalka Adag-wadaadada Garka dheer daysta ay xukunka ka ridaan sida dawlada Masar iyo Sacuudiga.

Taas waxay keentay in Soomaalidu ay dunidoo dhan ay cadow ku noqoto oo maanta aanan jirin wax u hiilinaya. Yaan been laydiin shiigin in Eritriya Soomaaliya Saaxiib la tahay. Mar aan la kulmay Safiirka Eritriya u fadhiya Mareeykanka Washington wuxuu igu yiri haddii aad doonaysid inaad dalkaada wax u qabato warqado u qor Brooklyn Institute iyo American Center for Strategic studies halkaas ayaa dawlad Mareeykanku sida ay cilaaqad ula yeelato dalalk fikradha ka qaadataaye. Markaan hadalkaan dhuuxay waxaan u fahmay in Eriteriya iyo Mareeykanku Cilaaqaad Hoose leeyihiin. Siyaasada adduunka way isbadashaa oo wacdaraha ayaa badala. Soomaalidu waa inay Siyaasad Diina dawladaha Islaamka cawinaad uga raadsataa.

Marka SOOMAALIYEEY OGAADA HADDII AAD XUKUNKA U DHIIBATAAN NIMAN GARDHEER LEH OO LEH AL QAACIDA HA NOOLAATO-dawladda badan oo jecel inay Soomaaliya garab siiyaan si dawlad ay ummada Soomaalidu u heshu dhib bay ku noqaynaysa inay Mareeykanka ku qasbaan in Soomaaliya dawlad loo dhiso, SAHAL BAYNA U NOQONAYSA MAREEYKANKA INUU ITOOBIYA KU SII HAYO SOOMAALIYA oo uu dunida ka dhaadhiciyo in Soomaalidu yihiin dad mayal adag oo Al Qaacida xiriir la leh.

Waxaa kaloo Soomaaliyeey ogaataan in Dunidoo dhan intaan ka ahayn Mareeykanka, Tigreega iyo Ingiriiska ay Soomaalida la jiraan oo ay doonayaan dhibka haysta ummada Soomaalida si cadaalad iyo nabad ah lagu xaliyo. Laakiin haddii Mareeykanku uu tuso in Soomaalidu dad diinta ku mayal adag cawinaadi ay isku dayi lahaayeen in dunidu Soomaaliya ka cawinto inay dawlad loo dhiso ma u suurtoobayso ama dhib bay ku noqanaysaa.

Sababta har cad Itoobiya iyo Mareeykan Soomaaliya ugu soo duuleen una qabsadeen una laayeen kumanaan Soomaaliya oo dunidoo dhan shib uga tiri waa Sababtaas shaati Al Qaacida uu galiyay Soomaalida.

Shirkii Carta Jabuuti iyo kan Hadda ka socda Casmara waxaa Mareeykanku u dhigay Soomaalida Dabinkaas wayna ku dhex dheceen oo hada shirka Casmara in Mareeykan yiraahdo Waa al Qaacida sahal bay u tahay runtii wuuna cadeeystay inuu Soomaaliya ku baabinayo sababtaas kaliya.

Waxaa hubaal ah haddii Soomaalidu Islaam Walaaltinimo iyo Isku bahaysi ama Gaashaanbuur Islaamnimo wax ku raadiso meesheey Al Qaacidaan difaacaynaa wax uga raadinayso in si sahal ah oo dhiig badan nooga daadan dalka Gumeeysiga Mareeykanka iyo Xabashida looga saari karo oo ay Soomaaliya Xuriyad noqon doonto.

Waxaa haboon in si deg deg ah ay iskugu tagaan shacabka Soomaalida oo isyiraahdaan ma waxaa noo dan ah in sida Al Qaacida iyo Cusaama Bin Laadan aan u dirirno Diinta Islaamka mise waxaa noo dan inaan Dawlad helno. Ogaaw diin u dirir ma xuma laakiin taas maanta cidii qirata Mareeykanka ayaa ku duulaya oo baabinaya sidii Ciraaq, Afgaanistaan iyo Soomaaliya.

Waxa maanta Itoobiya Soomaaliya ku burburinayso kuna isticmaarsanayso oo xataa Sacuudigu iyo Dawladaha Islaamku kaga aamuseen oo xataa Boqorka Kuwait oo Zenaawi Red Carpet ugu soo dhaweeyay markeey Ku kulmeen dalka Kuwait waa cabsi laga qabo in ay raacaan jidkii ay mareen Ciraaq, Afganistaan iyo Soomaaliya.

Dawladaha Islaamkoo dhan oo Soomaaliya ka wada xoog badan Diintooda waa haystaan Mareeykana kuma soo duulo oo ma daan daansadaan oo ma yiraahdaan sida Soomaalida waa in Islaamku Gaalada Mareeykanka la diriro. Soomaalidu waxay tiraa Cawska Jiilaal waa lama huraan. Maanta la joogo dunida Mareeykan baa ugu xoog badan oo wax iska difaaci kara ilaa aan ka ahayn in loola diriro sidii Fiyetnaan oo ay uga dhimatay 7 miliyan oo Fiyetnaamiisa ma jirto.

Xitaa ayaan hore har cad buu CIA Mareeykanka xoog kaga dhoofiyeen dalka Germalka gudihiisa niman uu yiri waxay xiriir la leeyihiin Al Qaacida.Soomaalidu waa in ay ogaadaan Dawlada Mareeykanka waxaa dan ugu jirtaa in Soomaalidu difaacdo diintooda si uu dunida marmarsiyo uga sameeysto dhibka uu ku hayo ummada Soomaalida oo aysan waligood dawlad ugu dhalan oo Amxaarada loogu daro.

Markii Xabishidu Soomaaliya si sahal ah ku qabsatay ay Sarkaal Masriya oo magaciisa aan la shaacin sheegay:Sargaalkan ayaa sheegay in jariiradda AFP ee laga leeyahay dalka Faransiiska, jariiradda/idaacadda BBC oo laga leeyahay wadanka boqortooyada Ingriiska, jariiradda AP oo laga leeyahay wadanka Maraykanka iyo jariirado iyo idaacaddo kale oo laga leeyahay wadamada ree Galbeedka inay wariyeyaal ahaan ugu shaqaynayeen saraakiil ciidan.

Saraakiishan ree Galbeedka oo ahaa khuburo milateri ayaa si ay u qiimeeyaan awoodda xoogagga la dagaalamaya ciidamada Itoobiyaanka loo soo galiyay shaati suxufinimo ayuu hadalkiisa ku daray sargaalka Masaariga ahi taasoo sahashay ayuu yidhi in fikir guud laga qaato awooddooda, hubka ay haystaan noocyadiisa, xarumaha ay leeyihiin iyo baaxadda aagga ay ka dagaalamayaan.

Hadda waxaa hubaal ah in Nimanka Maxaakiimta ee Mareeykanku Soomaaliya awgood ku burburiyay gumeeysina ku galiyay ay qaarkood yihiin CIA Itoobiya iyo Mareeykanku gardheer daysteen si ay duufsadaan ummada Soomaalida uguna sahlaan in Mareeykanku u helo sabab uu Soomaaliya ugu duulo. Dagaalada dunida ka daca badanaaba marmarsiyo iyo khiyaano bay ku bilaawdaan si ay ku yaraato khasaaraha soo gaaraya kuwa duulaanka guul sahlana ay ku gaaraan.

Soomaalida maadaama Xabishidu iyo Mareeykanku ka gardaranyihiin ayagoon dhihin diin baan daafacayna bay Dawladaha Islaamka diyaar ula yihiin inay waxay isku daafacaan siiyaan ilaa way ogyihiin in barito ayaga lagu soo jeesan doono hadii maanta Soomaalia Muslimnimo loogu soo duulay.Waxaa wanaagsan in Soomaalidu xiriir siyaasadeed oo gaashaan buur ah ay la sameeysato dawladaha Islaamka si cawinaad militari oo sharciyeeysan uga helaan dawladahaas.Aduunka Gaashaan buurnimo difaac iyo mid dhaqaale waligeedba dunida way ka soo jirtay sida NATO iyo ECOWAS ee Afrikada Galbeed.

Sidoo kale Soomaalidu xiriir wanaagsan wanaagsan dunidoo dhan way la yeelan kartaa qaasahaan kuwa daneeya ama xiriir taariikhiya la lahaan jiray Soomaaliya sida Talyaaniga.

Sanadkan Dhaqdhaqaaqa Caalamka qaasahaan dawladda Talyaaniga ee Arimaha Soomaaliya ma xumayn taasna waxaa keentay Dawlada Talyaaniga oo Soomaaliya gumeeysanjirtay oo uu RW u noqday Romano Prodi oo ah ninkii Yurub isku daray, Afrika iyo Asiya caan ka ah. Ninkii sanadkii hore uu Prodi xukunka kala wareegay Berluskoni wuxuu Bush ku ahaa sidii Tony Blair. Taasu waxay keentay kala qeeybsanaan siyaasada Caalamka iyo tan Mareeykanku iyo Berluskoni oo Bush oo Soomaaliya waa Al Qaida ku hayay iska daba joogay.

Bishii May 20, Haweenayda ku xigta Waziirka Arimaha Dibadda Patrizia Sentinelli waxay ka dagtay Muqdisho oo ay tiri sida ugu dhaqsiyaha badan waa ineey Itoobiya Ciidankeeda dalka Soomaaliya kala baxdo, ka horna Adis Ababa bay Zenawi ula shirtay.

10 Sept. Bishaan waxaa Roma ku shiray Dawladaha loo yaqaan SOMALIA CONTACT GROUP.

Runti maanta wax Talyaanigu uu ka badali karo Siyaasada Bush ee Soomaaliya ma jirto laakiin Talyaaniga Hal YAKE buu gacantiisa ku haystaa. Ciidamaada Talyaaniga waxay hogaamiyaan Ciidamada Mareeykanku ama NATO ee jooga Lebanon. Sidoo kale Ciidamada Talyaaniga waxay ku mid yihiin kuwa ugu badan ee Mareeykanka ku cawinaya Afganistaan ee Argagixisada la diriraya.

Talyaanigu Soomaaliya Dan Dhaqaale buu ka leeyahay Mareeykankuse mid siyaasadeed buu Soomaaliya ka leeyahay taas nas nasiib wanaag waxay yareeynaysaa isqilaaf maadaama mid walba uu arintiisa asagoo midka kale ka hor istaagin uu gaari karo.

Turabka kale ee uu Talyaanigu uu ciyaari karo hadii dantu ku qasabto waa Bush oo sanad ka dib shaqada ka tagaya markaasna ay siyaasadu Soomaaliya ay sidii Daruur Cirka saaran noqon doonto oo ay dhacdo in Dawladda cusub ee Mareeykan u dhala doonta ay badasho siyaasadeeda Soomaaliya.

Mida kale Maadaama uu Prodi ahaa ninkii EU madaweeyne horey ugu ahaan jiray EU waxay ku Faataxaysatay Siyaasada Talyaaniga ee Soomaaliya, taasan waa miisaan culus maxaa yeelay Mareeykanku si fudud ugama hor yimaado Siyaasadaha EU-da ee dunida.

Dagaalkii 9ka casho Bishii May xabishidu ku laysay kumaanaan Soomaaliya Safiirka Germalka u fadhiya Kenya warqad buu u quray kooxda Mbagati uu ku yiri, "Xiligaan Germalka ayaa haya hogaanka EU-da dagaalka shacabka aan waxba dhimin lugu laynayo ee Muqdishu haduu sii socdo lacagta waan idinka jareeynaa." Germal siyaasad saas u tilaabo dheerSoomaaliya waligeed taariikhda ma soo marin in Soomaaliya uu ka ciyaaro, marka waxaa la dhihi karaa Saaxiibkiis Talyaani baa isha ku fiirshay oo u baaqay in Germalka tilaabo ka qaado arinta cirka isku shareertay ee Soomaaliya.

Nasiib wanaag maadaama Soomaaliya ku taalo halka Afrika, Asiya iyo Badda Hindiya ku kulmaan ahna Bartamaha Caalamka in 2009 Shacabka Soomaalida si madaxbanaan u doortaan dawlad sidii 1960kii. UN-tu waxay damacsantahay in Ciidamo Afrikaan, Carab la geeyo Soomaaliya si ay doorashada amaankeeda u sugaan. Laakiin nasiib daro haddii Maraykanku isyiraahdo Shacabka Soomaalidu waxay doora doonaan nin diinta Islaamks ku mayal adag Turubkiisi uu 17-sano Soomaaliya ku ciyaarayay buu la soo bixi doonaa oo ahaa Soomaaliya Al Qaacida baa dawlad u noqotay ama ku soo badanaysa.

Ugu dambeeystii walow dunida oo dhan ogtahay in ay Soomaaliya ahayn meel Al Qaacida isku aruursato hadana ma jiro dawlad runta u sheegi karta Mareeykanka intaan ka ahayn Ruushka oo hada laga yaabo inuu COLD WAR dib u soo celiyo. Haddii Dagaalkii Qaboobaa maanta dunida ka jiri lahaa Mareeykanku asagaaba Soomaalida u baahnaa lahaa.

Email: Ahassannn@yahoo.com

The opinions contained in this article are solely those of the writer & doesn't represent Qaranka.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye