Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Xaalada Soomaaliya iyo Dawladaha Gumeeysiga ku Qabsaday

The Qaranka online
Ali E H Naleeye, Qaranka editor
Email: ahassannn@yahoo.com
14 April 2008

- Intaanan bilaabin Xaalada Soomaaliya iyo Gumeeysiga Dabuulan (Coverted Colony) ee Mareeykanku uu Soomaaliya ku haysto asagoo adeegsanaya quwadiisa militariga iyo Qaaramada Midoobay bal aan wax yar ka sharaxo Qaaramada Midoobay (QM)United Nations qaasatan Security Council Qeeybta UNka oo la yiraa waxay ilaalisaa nabada Caalamka iyo siyaabaha daahan ee ay u shaqeeyso:

Sidaas awgeed Dawladaha Soomaaliya Gumeeysiga ku haysta: Mareeykanka iyo Ingiriiska waxa ay Caalamka ugu sheekeeyaan in Xalinta dibaatada Soomaaliya laga xukumaa U.N. Security Council.

Sida UN-ka ay u aas aasmantay:
Dagaalkii Labaad W.W. II ayaa kolkii Jarmalka ay uga guuleeysteen Sadexda dal oo la dagaalamayay : Ingiriiska, Mareeykanka iyo Ruushka ay inteey 1945 ku kulmeen magaalada Berliin Jarmalka shirkii Postdam Conference hogaamiyaddii Sadexdan dal: kii Mareeykanka Truman oo ah kii amray in Hirooshiima iyo Nagasaaki Bam lagu gubo, birimo Ministarkii Ingiriiska oo ahaa kii hindisay in dhawr magaalo Jarmal ah sida Dresden dadka rayidka diyaarado lagu rusheeyo iyo kii Ruushka Staalin oo ahaa kii laayay dhawr milyan oo ruux oo a soo jeeday dalalkii Ruushku gumeeysan jiray sida Jejniya.

Sadexdan dal markay shirkka Postdam Conference iyo kuwa badan oo ku xigay waxay durbadiiba arkeen in dagaalku baabiyay quwadihii waaweeynaa ee xiligaas dunida ka tali jiray sida Faransiiska, Jarmalka, Japaanka iyo Talyaaniga.Markaas ayeey sadexdooba gaareen goaan ah in ay sameeystaan Urur Caalami ah -U.N.

Hadaba si 3-dan Dawladood ay Caalamka mustacmar qarsoon ugu xukumaan waxay sameeysteen fikrad uu Madaxweeynihii Mareeykanka Woodrew Wilson uu soo jeediyay oo loo yaqaan The 14 International Points- oo ah in 14-Qodob oo hinidise Gole Caalamku ku kulmo (QM)oo loo yaqaan United Nations la sameeyo. markaas dhawr iyo toman dawladood ayaa San Faransiisko kulan ay ku yeesheen ku sameeyay UN-ka kabacdina Caalamkoo dhan baa ku soo biiray.

Sida Security Council (UNSC) ay u Shaqeeyso:
Marka hore waxaa UNSC sameeystay sadexdii dal ee dagaalkii W.W.II ku guuleeystay: Mareeykanka, Ingiriiska iyo Ruushka, kadibna waxaa lagu daray faransiiska iyo Shiinaha.

Runtii inkastoo Ingiriiska oo dagaalkii labaad kabacdi mindhaa qasaare iyo naxtin ka soo gaartay la daciifay ayaa Mareeykanka isku lifaaqa si markuu maqaarka Mareeykanka uu gashado siddii wax quwad weyn looga baqo sidaas awgeedna meeshuuu Mareeykanka ku duulano iska daba gala) iyo Dawlada Ruushka.

Si 3-dan dal aan loo fahmin ineey (Security Council Veto Power) Caalamka ku gumeeystaan bay dalka Shiinaha Asia uga dareen , Yurubna uga dareen Faransiiska Si ay yiraahdaan Veto Power qaaradaha dhan dawlad baa ka matasha -ayagoo ku andacoonaya in sababta ay 5-tan dal veto Power u leeyihiin ay tahay ayagooo kuwa kaliya ee leh Hubka NIYUUKLAARKA. Nasiib daro waxaa la ogaaday ineey arintaasu been ahayd markii Indiya Niyuuklaar sameeysatay oo hase yeeshee loo diiday ineey UN-ka ku yeelato Codka Veto Powerka

5-tan dal Veto Powerka UN-ka ku leh macneheedu wuxuu yahay haddii 193 Dawladood ee UN-ka ay ka koobantahay ay 192 ka mid goaan isku raacaan laakin ay mid ka mid ah 5-tan Dawladood ee Veto Power UN-ka ku leh qeeybta nabada caalamka ilaalisa (Security Council) goaankii ay 192 Dawladood ee UN-ayka ku jira ay isku raaceen waxba kama jiraan oo waxaa soconaya goaanka halka dawlad oo Veto Powerka leh taasoo macneheedu yahay haddii ay goosato dawlada Veto Power leh ineey Veto Isticmaasho.

Runtii Faransiiska quwadiisa Veto waxay 3-da dal ee UNSC aas aasaty: Mareeykanka, Ingiriiska iyo Ruushka u ogoly inuihiin inuu u isticmaalo Dawladaha uu gumeeysa jiray ee Afrikaanka u badan ilaa axsaan weyn baa loo falaye oo Veto Power baa la siiyay, sidoo kale Shiinuhuna waxaa loo ogolaaday inuu quwada Veto u isticmaalo Tibet iyo arrimhahga dawladaha jaarka la ah.

Markii Dagaalkii Qaboobaa (Cold War) dhamaaday Mareeykanku wuxuu bilaabay inuu Ruushka Veto-da uu leeyahay ka dhigo tan Shiinaha iyo Faransiiska oo kale. Taasoo macneheedu yahay in maadaama Ingiriisku uu isaga iska daba joogo si uu xoogaa quwadii Colonial Power oo dunida ku lahaa jiray uu ugu ilaashado. Taas waxay na tusinaysaa in Mareeykanka kaliya uu yahay Quwada Dunida ku soo hartay oo uu yahay Dalka maanta Soomaaliya Gumeeysanaya ku haysta asagoo isticmaalay labo Quwad: 1. Quwadiisa Militariga oo uu Itoobiya ku qarinayo ama u adeegsanaya 2. Quwadiisa Veto-da ee Security Council ee ah tan ka soo hartay 5-tii Dawladood ee Veto Power ku laha UN-ka

Waxaa jira Soomaali la yaabsan sababta Carabtu uga aamustay burburinta Soomaalida. Markii la yiri 9/11 Niyuu Yoork waxaa ka dambeeya 22 nin oo Carab ah Carabtu waxay hadiyo ah Mareeykanka ugu siiday Soomaaliya, si uu u baajiyo inuu ayaga ku soo duulo oo uu 9/11 uga aarsado.

Nasiib daro Mareeykanku Soomaaliya wuu saluugay oo Ciraaq buu qabsaday, Suudaana iyo Siiriyana wuu u malab sanayaa.

Laakiin Soomaaliya haddii Caalamku iyo Carabta- oo dhaqan iyo Diinba isxigaan ay maquuniyeen, ILaaheey Soomaaliaya ma maquunin: Afar Arin ayaa ILaaheey Soomaalida maanta dhibaataysan ku yaboohay markii Caalamkoo dhan amarkii Mareeykanka qaatay kaasoo ahaa in Soomaalidu Argagixiso(Terrorist ) yihiin:
1. Isku duubnaasho Kacdoon walaaltinimo, 2.Hal farcan iyo Diin mid ah, 3. Bush oo ah ninka amray in Soomaaliya la baabiyo Ciidanka Itoobiya oo Soomaaliya burburinayan biila-Caalamkana ku qasbay ineey waxba ka oran Lix bilood ka dib bisha November xukunka wuu ka dagayaa, oo Mareeykanku 6-bil ka dib Madaxweeyne cusub bay yeelanayaan; iyo iyo ta 5-aad oo ah Ruushkuna uu ficil ahaan u cadeeyay ineey dhamaatay ku joog-joogsii uu Mareeykanku ku joog-joogsanayay ilaa iyo xiligii Soofiyootigu kala googay, oo wixii maanta ka dambeeya uu hubkiisa casriyeeyno.

Dawlada Ruushku waxay ku eedaysay Mareeykanka in markii ay Mareeykanka ka cawintay inuu Afgaanistaan iyo Ciraaq qabsado uu ugu amaal guday in Mareeykanku Hub Niyuukalaar Poland dhigaan ayagoo ku andacoonaya ineey Iran iskaga difaacayaan Yukareeyn oo xuduud iyo xiriir walaaltinimo la leh Ruushkana ay rabaan ineey Naato ku daraan.Halkan ulama jeedo in Ruushku Soomaalida ka naxayo ama uu jecel yahay hase yeeshee UN-ka kala aarsasho bay ku shaqeeysaa oo intaas Dawladaha Veto Powerka leh jilaafo bay isku dhigayaan.

Taas waxay sababtay in UN Security Council oo ku faani jirtay ineey Ciidamo "Caalami" ah y muddo Lix bilood gudahood ay ku tala jiraan ineey Soomaaliya u dirto Ciidan Caalami ah ay haatan bilawday ineey ka caga jiido arintaas.

Macnaha ha hilmaamin in Madaxweeynaha xilka ka digay ee Ruushka yiri UN-ka ayaan Mareeykanka ugu ogolaanay ineey Afgaanistaan iyo Ciraaq waxay rabaan ka sameeyan bal arka sida ay noogu amaal gudeen.......?

Sababtuna waxay tahay ayadoo ay UN-ka ceebta ugu weeyn ay tahay marka ay 5-ta dal ee Veto Power leh Veto Isticmaalaan marka ay 5-ta dal ee Veto Power leh ay u codeeynayaan in dal askar UN loo diro iyo inkale. Maxaa yeelay waxaa jira Dawlado fara badan sida Jarmalka iyo Hindiya oo sugaya in UN-ka kursi Veto Power laga siiyo haddii kalana ay UN-ku aysan ahayn Urur ku dhisan cadaalad. Marka isqilaafka 5-ta Veto Power leh waxay ifinaysa cadaalad darada ay dunida Gumeeysi ugu haystaan.

Sababta ka dambeeysay in Golaha Amnigu usbuucii hore isku raacay inuu Guddi 5 dal oo Soomaaliya ku jirto uu Goluhu Gudi soo indha indheeyo in Soomaaliya ciidama Caalami ah loo diri karo iyo in kale waa Mareeykanka oo ka baqaya in Ruushku ciyaaro (by the Book )ama isticmaalo Qawaaniinta u dagan UN-ka oo dhigayaa in loo diro dal Ciidamo Caalamiya ka dib markii laga quusto siyaasad cadaalad ah oo shacabka dalkaas loo bandhigo ay dalkaasu diido nabad galyada ka jirta dalkaasna ay qatar amniga dunida galinayso.

Arinta kale oo Soomaalida dhibaataysan oo maanta dunidoo dhan nacday ILaheey siiyay waa walaaltinimo . Ruux dayoobay ama kuwa dhuuni jiitay mooyee ma jiro qof Soomaaliya oo dhibaato ama gaajo ku daynaya qoys Soomaaliya.Aduunkoo dhan Soomaalida kaliyah baa dabeecada walaaltinėmada ILaheey siiyay Waxaad arkaysaa in magaalada Baydhabo oo Amxaarado islahayd dadku waa idi raacsanyahay ineey tahay meelaha Amxaarada aad looga NECEB yahay. Sida Idaacadda ama Webabka Soomaalida ay sheegeenba waxaa dhawaan la filayaa in kacdoon shacbi siddii Geesiyaddi SYL allaha wixii dhintay jandi geeyee in Shacabku Soomaalida iscafiyaan khilaafka cadowgu ku dhex abuuray oo hal meel Amxaarada kala wada diriraan.

Ugu dambeeysti waxaa hubaal ah in shacabka Mareeykanka oo 90% ku codeeyay ineey diidan yihiin dagaalka argagixisada Bush kula dirirayo maxaa yeelay dhaqaalahoodi ayuu dhulka dagay oo Bisha Novembar ama ha doortaan Mackayn ama Hillary Clinton uu madaxweynaghaas cusub danto ku kalifdoonto in dhageeysto codka dadkiisa oo Siyaasadda qalifsan oo uu Mareeykanku kula bahoobay Itoobiya in ay wax weeyn iska badali doonaan. Waxaa kaloo hubaal in dhiigya cabka Mele Zenaawe oo Bush u adeega uu inta aanan Bush xukunka ka dagin uu raadi doono sababo uu askartiisa Soomaaliy ugala baxo maadaama uu ogyahay lacagtii Bush siijiray in Dawladda cusub ee Mareeykanka ee Lix bil kadib Mareeykanka ka dhala doonta ay danto ku kalifi doonto ineey lacagta ka jarto iyo asagoo in kala qeeb- qeebintii iyo isku dirkii dadka Soomaalida oo walaalaha ah inuu ku fashilmay oo hadda kadib Soomaalidu dagaal kacdoon la gali doonto Amxaarada xooga ku haysta dhulkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Ali E H Naleeye, Qaranka editor
Email: ahassannn@yahoo.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye