| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
DUCADA BEESHA ISAAQ IYO TALOOYIN U GOONNI AH
The Qaranka online
Alloow dadka sidaas ku fekeraya ka saar uurxumada, degganaansho la'aanta, kuna toosi talooyinka midda ugu toosan ee kheyrka u ah.
Alloow Koonfur ka yeel walaalo hagaagsan oo qiimeeya wada dhalashada, walaaltinimada iyo isu-buro-deynta. Siiya walaalahooda W/Galbeed mudnaanta ay leeyihiin oo ay ka midyihiin 5tii maalmood oo ay xorryad-qaadashada kaga horreeyeen iyo deeqsinamadii iyo daacadnimadii ay dawladdoodii u keeneen Muqdisho, una yiraahdeen Koonfurey katali, udub-dhexaadna ugu noqdeen midowgii labada qaybood ee ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Haa, aad iyo aad ayey ugu ammaanan yihiin damintii dabkii naxdinta lahaa ee iyaga ka dhexqiiqay muddo gaaban iyo sidii wacnayd ee ay ugu heshiiyeen nadaamka nabadgelyo iyo horuumarineed ee hadda ka jira deegaankaas. Waxay kaloo bogaadin ku mutaysteen sida ay ugu cibaaro qaateen isagana ururiyeen foolxumadii 17 sano ka socotay koonfurta Soomaaliya markii laga reebo Puntland.
Walaalayaal, aniga oo hal qof ka ah shacabweynaha sharafta badan ee Soomaaliyeed ee aadka ujecel midnimada, wadajirka iyo walaaltinimada Soomaaliya, afkaygu ma karo in aan dhaho go'aankiinnu waa qalad ama waa sax, aragtidayda arrintaasina waa sida soo socota:
- aan dib u xusuusanno murtidii ahayd:
-Eebbe ka sokoow, gaf iyo godob la galo waxaa ugu xun midkii aad dalkaaga iyo dadkaaga ka gasho sidaan qabo. Hadaba, haddiiba aad talo ku gaarteen in aad noqotaan cidla' ka wareer iyo cidla' u carar, maxaa idiindiiday in aad magaceenna iyo calankeenna wada qaadataan idinkoo aan dudin kol haddii koonfur aad u dayacday kana gaabisay xilkii ka saarraa? Taasaa idiinka wacnayd in aad cabataan ama cillado tebisaan. Gabdhaha Reer Somaliland oo Riyaale Garoonka Hargeeysa ku soo dhaweenaya
markii aad idinku isu lugaduwateen oo aad dhisateen nidaamka maamul ee hadda jira, waxaad awoodi karteen in aad nabad ugu baaqdaan beelihii iyo dagaal-oogayaashii koonfur isku rifayey, dhexgashaan, isagana dabqaaddaan oo nabadeysaan, deedna isugu yeertaan oo gogol u dhigtaan Waadiga Hargeysa oo xadheeddu wadhantahay, deedna halkaas uga yeedhisaan nidaam dawladeed oo idinku hoggaanka u haysaan oo Hargeysa caasimadda dalka tahay, mana jirteen cid wax ka qabi-lahayd, deedna adduunka u bandhigtaan guushaas idinkoo ku hadlaya magaca Soomaaliya, inta kalena idinku dabafayshantahay. Wey' iyo waxba!
Deedna waxaad muujin karteen kartidii iyo hufnaantii aad ugu faani jirteen Koonfurta kolkaad shacabkeenna baahidu iska horkeentay u heshaan nolol fiican, idinkoo xusuusan murtidii aad 1960dii ku tiraahdeen:
"GAAJADA KA BAX BAAN GUNTIGA U FURTAYE, MA HADDAAN GALAY GAARASHKEEDII". Fulayoow, guuli kuu dhoweydaa.
Iminkana weli fari kama qodna oo arrimaha Soomaaliya waa murugsan yihiin, xilbaana idinka saaran ee walaalayaal bal idinku dib isugu noqda oo debecsanaan muujiya, ha inna kala reebina, waxaad doontaanna ku gorgortama, wax kasta oo aad sheegataanna waa mudan tihiin.
Jagada ugu sarreysa dalka isu sharraxa kuna dadaala, gaashaandhigga iyo taliska ciidammada qalabka sida iska qaata, si aydinaan mar dambe uga caban diyaarado idin-duqeeya.
Maaliyadda qaata si aad xeerada salkeeda u ogaataan, arrimaha dibadda qaata si aan dhoof iyo xarko soo xirid siyaasadeed la idiinka xegsan.
- ninna goonni ma u naaxi karaa?
- magaca aad ula baxdeen dawladda waa (Somaliland) kaasoo macnahiisa anigu aan u aqaan (dhulka Soomaaliyeed), waxaana siyaasiyiintiinnu marar badan sheegeen in aad Soomaaliya ka baxdeen, Soomaalina aydinnaan ahayn, marka magaciinnu waa maxay?
- maxayse labadaas magac kala yihiin? (Soomaaliland iyo Soomaaliya).
- xaggee baynnu ku xoorray, maxaynuna ku illoownay taariikhdii halgankeenna iyo habeennadii 26ka June iyo 1dii July, iyo
(SARREEYOOW MANUSQAAMOOW, SAAXIRKII KALA-GUURRAYE, AAN SIDUU YAHAY EEGEE, KAASNA SIIB , KANNA SAAR)?
Haddaba, waxaa iga su'aal ah, haddii xaalka Soomaaliya uu ku dambeeyey sidaas aan u wada jeedno oo ah ha dhiman ha noolaan, gobannimo iyo gunnimo dhexdood, inkasta oo aanay jirin wax u dhexeyn kara, haddii ay jirtona ah (balaa-balaa) sideenna, mid kale mayeellaa oo ma ku wada heshiinnaa waxay sheegataba ha weydee?
HADDAAN HANANWEYNEY XORNIMADII DIB MA UGU YEERANNAA GUMEYSTAYAASHII?
Waqtiga aan hadda ku jirro waa waqtigii is urursiga, isu tagga, iskaashiga iyo isbahaysiga iyo wax wada qabsiga, si looga guulaysto faqriga, gaajada, cudurka iyo jahliga.
Waxaa adduunka ku sii yaraanaya kala qoqobnaantii hore, kala qaybintii quruumaha iyo dhaqaalihii lagu aamusin jiray cid kastoo wax baryeysa, maxaa yeelay waxaa dal waliba ku hamiyayaa horuumarinta nolosha dadkiisa oo iyaguba u baahan hantidii ay hore u siinjireen dalalka saboolka ah, kuwaas oo aan weli ku riyoon in ay baryada ka baxaan.
Innaga haddii aan Soomaali nahay adduunku qaati ayuu innaga taaganyahay, waxayna innoo aqoonsan yihiin in aynnu nahay dad neceb in ay shaqeystaan, doonaya in ay been, dood, damac iyo baryo ku noolaadaan, dagaal iyo qaylo badan, ehel la noqday musuqmaasuq iyo muqaadaraad, waxba deeqin, mashaariicdii hore loogu dhisay burburiyey iyagoo aan ka faa'iidaysan, wixii hanti ah ee loogu deeqo dhawr qof jeebka u gelaya iwm, waana kuwii hore innoogu bixyey qabrigii baryada.
Walaalayaal, haddii aan runta ka hadallo, meelna iska dhigno caaddifadda iyo laab-la-kaca dhaqankenna intiisa qaldan ka mid ah, ma garanayo wax dhibaato ah oo idiin-goonni ah oo aad ummadda inteeda kale ku aaminiweydaan, kagana fogaataan.
Sidaan filayo, waxyaabaha aad badiba ka cabataan waxaa ka mid ah: caddaaladdarro, musuqmaasuq, cabburin iyo dagaal idinkaga yimid maamul dawladeed.
Intaas oo arrimood iyo kuwo kale oo badan waa dhab, waase dhibaatooyinka heeray oo la haray shacabka Africa, lamana saadaalinkaro goorta laga baxayo, imminkana maamulkiinna waa laga sheegtaa, ilaa iyo haddana idinkama maqal wax barwaaqo ah oo aad kaga raysateen Koonfur, shacabkuna weli ma gaarin wax dhaafsiisan xasiloonida Gobolku ku sugnaa hadda ka hor, iminkana waxaad u muuqataan kuwo u yeeranaya belaayo ka fog, markaad muruqa u tuujiseen deriskiinna aad walaalaha tihiin, ayna idiin hillaacday siyaasad damac ku dhisan oo aydinnaan hubin miraha aad ka guranaysaan.
Hase yeeshee, ma moogidin in waxaas oo dhibaatooyin ahaa dadka kalena idinla wadaagay ama qaarkood aad idiinka liiteen haddii aydinnaan arrinta ka eegeyn inta kale waa isla wanlaweyn iyo dan iyo heello kama lihi!
Midda kale walaalayaal, markaan runta idintaabsiiyo waad ogsoontihiin in la idinka bad, berri, barwaaqo iyo dad badanyahay ee maxaa belo-sheegga, baroorta iyo baqdinta aan beri qur ah baaqashada lahayn idinbaday?
Ugu dambeystii walaalayaal, waxaan si niyadsami ah idiinku waaninayaa in aydinaan dib dambe ugu fekerin in aad ku dooddaan, ku dagaallantaan ama u damacdaan deegaan dibadda ka ah geyiga aad leedihiin ee la idiin yaqaan, waxaana murti Soomaaliyeed hore u tiri:
"WAXAANAD ADIGUBA QAADATEEN QAYRKAA HA KULA
Waxaan rajaynayaa in aan talada kala qaadanno iyo in aan iska ilaalinno in aan ku oonno ama waqtigu innagaga lumo sheeko la mid ah waxaad ogtahay ma kuu sheegaa, waxaana wanaagsan in aan ku daallo qiimeynta xasilloonida iyo xaqdhawrka derisnimada waajibka innagu ah iyo walaaltinimada qaalliga ah. Haddaad dawlad gaar ah noqotaan iyo haddii kaleba waa isla innagii ee yeynaan isqoonsan, quruxdeenana kala kala qaadin.
LA SOCO
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Qaranka online
|