| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
Digiin: Iska Diid Dagaalka Sokeeye - Faallo uu qoray Inj. Max'ed Cali Cibaar
The Qaranka online
Inj. Maxamed C. Cibaar
-“Nacabkeed dab uu shiday iyana digo ku nooleyso
Dagaalladii sokeeye ee Soomaalidii hore arrimaha inta badan sababi jiray ayaa waxaa ka mid ahaa: biyo-ku-dirirka, xoolo-ku-dirika ( siiba geela), daaq-ku-dirika, magac- ku- dirirka iyo dumar-ku-dirika. Dagaalladaas sokeeye wixii ay doonaan ha ka billowdeen, sidii la doonnana ha loogu riiqdee, marka dambe xal nabadeed iyo heshiis ayaa laga gaari jiray. Waxaa geed hoostiis arrimaha heshiisiinta ku gorfeyn jiray guurti garyaqaanno ah oo laga soo xulay garabyadii dagaallamay iyo guddi dhexdhexaad ah oo aqoon iyo waayo-aragnimo durugsan u leh xallinta khilaafyada. Waxaana garta la geli jiray iyadoo halkudheggeedu yahay “ Gari Ilaah ayay taqaan”, akhiyaarta goobta soo gimgimtayna ay wada garwaaqsanyihiin in nabadla’aani ay tahay nolo la’aan. Arrinku markuu sidaas Alifka uga toosana ilaa Albaqra waxba ma xumaan jirin oo garta guul iyo guddoon ayaa badanaa lagu soo gabagabeyn jiray.
Waxaa marmar dhici jirtay in garabyadii dagaallamay oo ciilka iyo cuqdadda aan xadka lahayni ay u dhaxeysay ay goobta ka dareeraan iyagoo xigaal iyo xidid ah. Dammintii colaadda ka sokow ayaa haddana laysku waafaqi jiray in xinjirihii daatay xab lagu bedelo!! Waana tii Soomaalidii hore ku maahmaahday “ Meel xinjiri taallo, xabna ha yaallo”. Oo loola jeedo goobtii geesi godkii aakhiro loogu diray, geesi kale ha lagu gardaadiyo. Waxaana dhici jirtay in labadii qoys ama qabiil ee maalmo ka hor is tirtirayay ay dib isku tarmiyaan oo abti, adeer, eeddo, aayo iyo ehelo ay wada noqdaan.
Arrinka kale ee ay taariikhyahannadu tilmaameen waa in Soomaalidu ay u midoobi jireen, xurgufaha iyo xafiiltanka dhexdooda ahna ay xakameym jireen, marka arrimahooda uu shisheeyuhu faraha la soo galo, amaba ay colaadi dhexmarto. “Hadduu libaax meesha soo galo, waraabe waa nin cidda ah”. Arrimuhu mudnaan ayay kala lahaayeen, khatartana waa la kala miisaami jiray. Sokeeyaha iyo shisheeyuhuna wey kala suntanaayeen oo sinnaba iskuguma khaldami jirin.
Nasiibdarro, dhaqamadaas dhaxalgalka ahaa waxay ka mid noqdeen arrimihii tiirarka u ahaa habnololeedkii Soomaalidii hore oo ay gumeystayaashii gunta hoose ka gooyeen, beddelkoodiina ay tallaaleen geedo dhunkaal ah oo dhala dhibaatooyin aan dhamaad laheyn. Waxaa si ogaal ah loo halleeyay habdhaqankii dadka. Wax kasta oo ummadda u wanaagsanaa waa loo xumeeyay, wixii u xumaana waxaa looga dhigay xariir. Gumeysigu wuxuu dadka baday waxaa ka sii waxyeello badnaa naxliguu baray, kuna barbaariyay. Abwaan Hadraawi ayaa qaybo ka mid ah maansadiisii caanka aheyd ee Daba-huwan uga hadlay hagardaamadii gumeysiga, waxaana ereyadiisii ka mid ahaa:
“Xaq bay garbaduubayeen
Nasiibdarro ummaddii Soomaaliyeed inteeda badani kumaba baraarugsana halista la soo gudboonaatay. Waxaana muuqaneysa in mariidkii loo qooshay uu dadkii ka dhigay wax uu salfaday iyo wax hadda ku sakhraansan. Allow yaraa inta weli caafimaadka qabtaa !!
Haddii dagaallada sokeeye ee Soomaalidii hore ay sababi jireen arrimaha aan kor ku soo xusnay, Soomaalida maantu waxay soo kordhiyeen dagaal geyigaba ku cusub oo biyo, xoolo, daaq, magac iyo wax kale midkoodna aan la isku haysannin. Waa dagaal yaab leh runtii. Dagaallada noocan ah waxaa huriya Dagaal-oogeyaal eryanaya dhuuni dhalanteed ah kuwaasoo aan badankooda waligood lagu arkin goob-dagaal. Dadka waxmagaratada ah ee dagaallamayaana ma yaqaannaan sababta ay u dagaallamayaan. Dagaal-doqomeedkaan marka la qiimeeyo ficilka daneystayaasha hurinaya oo doonistoodu aysan dhaafsiisneyn wax ay dalqada mariyaan, waxaa lagu magacaabi karaa dagaal Dalqo-u-diri ah ( wax dalqada la mariyo ayaa loo dirirayaa). Sidoo kale haddii magaca lala xiriiriyo qolada xaabada lagu shito oo aan aqoonnin sababta loo dilayo ama ay wax u dilayaan waxaa lagu magacaabi karaa dagaal iska-dirir ah ( dagaal ujeeddolaawe ah). Dagaallada noocan ah sida ay ku billowdaan aad ayay u fududdahay laakiin damintooda ayaa aad u culcus, waa hadiiba la damin karee.
Dagaalladaan lagu hoobtay ee Dalqa-u-dirirka ama iska-dirika ah, shaarkii la doono ha loo geliyee, ayaa marba marka ka sii dambeysa ku soo badanaya dhulka Soomaalida, dagaalladaas oo hurintooda ay door lixaad leh ka qaadanayaan quwado shisheeye oo gobolka dano kala duwan ka lihi. Guud ahaan dhulka Soomaalida ma jirto degmo iyo gobol aan laga barooran oo aan balaayo u soo martiyin, guri walbana holacu gees ayuu ka gaaray. Doqonnimada yaabka lahi waxay tahay in ayadoo laga wada dheregsanyahay cawaaqibxumidii laga dhaxlay dagaallada sokeeye, haddana weli loo caabboonyahay oo loo ciidan uruursanaayo dagaallo cusub oo holca.
Waa arrin la fahmi karo in shisheeye sharta Soomaalida ku caanomaalaa uu ka shaqeeyo burburinta dalka iyo baabi’inta dadka. Waxaase ayaandarro ah in Soomaalidii ay yihiin kuwii iyagu isdabarjarayay. Waxaa loo qeylinayaa oo layskula qumanyahay in lala qaaqleeyo qabyaalad, waxaana qabriga loo sii wadaa qarannimadii iyo jiritaankii ummadda. Hurinta colaadaha waa loo heellanyahay, laakiin waxaa laga hurdaa amaba la hilmaamay in laga shaqeeyo sidii nabad lagu heli lahaa, nolol horumar lehna loo hiigsan lahaa. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in muddo yar gudahood hab qabyaaladeed loogu uruuriyo malaayiin doollar si loogu huriyo colaad sokeeye. Dhanka kalena, waxaa dhacda in la waayo cid kafaalad qaadda agoon u baahan toban doollar bishiiba. Ogow agoonkaas aabbihiis waa loo ogolaa malaayiin doollar haddiiba loo helayo si uu uga qaybqaato colaadaha sokeeye ee iska-dirirka ah, laakiin agoonkii uu ka geeriyooday xitaa looma ogola 10 doollar oo uu ku noolaado!! Ka warran caqliga keenay in agoon iyo aabbihiis ay kala yeeshaan labo ehel oo midna la diyaar yahay malaayiin doollar, halka kan kalena uusan waxba quurin ? Waa waalli iyo labawajiilennimo!!
Gabagabadii Umadda Soomaaliyeed waxaa maanta la gudboon in ay khatarta soo foodsaartay ku baraabugaan, kana waantoobaan isqabqabsiga iyo dagaallada sokeeye oo halaag adduun iyo mid aakhiraba u horseedaya. Waxaa lagama maarmaan ah in ugu horreyn loo guntado sidii loo joojin lahaa colaadaha aan ujeeddada laheyn ee shacabka laga dhex huriyay, lagana wada shaqeeyo sidii dib loogu soo celin lahaa kalsoonidii Islaamnimo iyo Soomaalinnimo. Waa in la yureeyo oo aan la soo dhaweysan kuwa dheefsada dhiigga shacabka, waana in laga feejignaado marinhabaabinta kooxaha indhowgaradka ah ee ay la tahay in ay harsanayaan hooska cadowga.
Sidaan dhamaanteen la soconno, maanta waxaa caasimaddii waddanka ee Muqdisho ka taliya ciidamada cadowgeennii soo jireenka ahaa ee Itoobiya, waxaana waajib ah in lagu midoobo sidii aan u difaaci laheyn dalkeenna, dadkeenna iyo diinteenna ayadoo halgan dheer oo aan naxariis laheyn lala galayo cadowga ciiddeena ku soo duulay. Wadajirkeennu waa furaha guusheenna, tafaraaruqeennuna waa fursad aan u hibeynay cadowgeenna aan arxanka laheyn. Dagaal sokeeye oo sii socdaana waa annagoo gacmaheennii isku dooxnay. Ha la digtoonaado! Degdegna ha loo joojiyo dagaallada sokeeye.
Gabaygaan hoose oo aan qoraalkeyga ku soo gabagabeynayo wuxuu soo baxay sanadkii 1999kii, wuxuuna ka digaayay khatarta soo fool leh haddii aan laga waantoobin xafiiltanka iyo isxagxagashada Soomaalida dhexdeeda ah ayadoo la aaminayo walaalna laga dhiganayo cadow shisheeye. Annagoo og sidey wax u dhaceen sanadihii u dambeeyay, ayaan haddana weli rajo weyn ka qabaa inaan u midowno sidii aan u dhowran laheyn karaamadeenna iyo gobonnimadeenna gebiga ka sii laalaadda. Haddii talo towfiiq leh lala yimaado, weli wey jirtaa tabar aan cadowgeenna ku turaanturreyn karno insha-Allaahu.
Waa qayb ka mid ah gabaygii Damaq ee akhris wanaagsan:
Nacabkeed dab uu shiday iyana digo ku nooleyso
Iney haybaddeenii dam tiri daatay dhaxalkeennii
Daacuunku waa cudur xun iyo duumo faaftaaye
Darbaddaa haddaan meel u dayay downa qabadsiiyay
Duulkii ku caasiya ciqaab wow diyaar abide
Daruurahan innagu hoorayee doogga soo bixiya
Dildilloonka hirarkiyo berrigu wuxuu daboolaayo
Adaan kaa dalbeynaa Rabbiyow raxmad na deeqdaaye The opinions contained in this article are solely those of the writer & doesn't represent
Qaranka.com
Qaranka online
|