| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
MACADAWBAA RIYAALE LAHESHII MA SOKEEYAA ZANAAWI LAHESHII!!!
The Qaranka online
-
waxaad arkaysaa hadaad fayoowdahay oo ay san maskaxdaada saamaynin walaahoowga iyo huu haada beenta ah ee 17 sanadood lagu kala qoqobayay shacabka soomaaliyeed ee walaalaha ah isku diin,isku af,isku hido,isku dir,taasoo qofka ka dhigaysa in uusan soomaali ahayn laakiin yahay reer hebel.
aragtidaa waxay tahay in burburkii dalkeena ee dhacay horaantii 1991 ee burburiyay dawladnimadii,dhan dhaqaale,dhan siyaaso,dhan nabadgalyo intaba madama maamulkii dalku faraha kabaxay oo ay biloowdeen aafada dagaalada sokeeye.
Waxaa dadkii laga kaxeeyay inay soomali yihiin,oo reer waliba dagaal oogahooda gaalka uu wato ay raacaan miciinsadaan sokeeye dhawna ka dhigtaan halka ay kafogeeynayaan inay yihiin dad soomaaliyeed dalkana leeyihiin la burburinayo.
hadana waxa loogu sheekaynayaa XAABSADE oo utagay walaalihii soomaaliyeed ee dagan magalada hargaysa in layiraahdo XAABSADE waxa uu ugalay oo utagay cadaw ama dad aan haboonayn in lootago.
hadaba soow ma aragtaan halka lageeyay soomaalinimadii in ZANAAWINA ehel dhaw laga dhigtay,RIYAALANA shisheeye laga dhigtay!!!! sow soomaalinimadii lama tuurayo ayadoo shisheeye loo adeegayo iyo cadawga soomaaliya ee soo jireenka ah.
Hadaba maxaa looleeyay xaabsade soomaaliland buu ugalayoo waa khalad in loogalaa somaaliland??? waa maxay dhibtu maxaa labadan nin ee ilamaadeerka ah ee harti nina loogu sacabinayaa markuu ugalo somaaliland nina loo ceebaynayaa markuu ugalo soomaaliland? hadii madaxweeyne nimada uurabo lasiiyo xaabsade ama darawiishta nin kamid ah ma dhibaa dhacilahaa jawaabtu waamaya,maxaa loodiidan yahay xalka oo loo dhica maryaaa? waxkale maha dhibku waa kursiga anaa leh wadaagna magalo waayo xeerkaa diidaya.dhibkale meesha mayaalo.
marka waxaan qabaa isbadalka maslaxaa inoogu jirta iyo maamulwanaag hadii reer kaligii haysanayo uun kursiga maxaa siyaad loo ridayay oo loolahaa waa kaligii taliye kursiga uun fadhiya? markaa fadhiga badan waa laysku nacaa markay kursi tahay.
waxaa intaa dheer wax dan ah kuma jirto daraawiish isku dhamaata oo dagaankooda laysku cayrcarsado dhexdoodana layska horkeeno,waayo iyaga unbaa dhibku ku dhacayaa loomana baahna,madama xalka loo jeedo in la dhinacmaro oo waxaan socon doonin lagu daalo,cade muuse waana nin wayn,waana daalan yahay oo mashaqo ayuu ku dhex jiraa,waxaa uroon in uu dantiisa garto oo nasto kana dago kursigan macnaha aan lahayn.
XAABSADE shisheeye uma taginee xagbuu uleeyahay isagoo oday harti ah magac weeyna kuleh degaanada puntland beelaha oo dhamina ku raacsan yihiin mabaadiidiisa isbadal doonka ah in uu la heshiiyo walaalihii soomaaliyeed haday noqon lahayd waqooyi iyo koon furba waayo waa dadkiisii.
xaqbuu uleeyahay in madaxweeyne ka noqdo puntland waayo waa dagaankiisii iyo dadkiisii,Xaabsade uma uusan galin ZANAAWI.Shacabka puntland waxay u ooman yihiin sinaan iyo cadaalad xaga kursiga ah.
Xigasho:Liibaan Ali Bosaaso Somalia
Qaranka online
|