Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Sheekh Shariif: Nin aan kuu furaynin yuu kuu rarin

The Qaranka online
Dr. Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
21 June 08

- Friday, June 20, 2008 - Nabada in la qaato waa waajib,balse nabadi ma jirtaa ayaa ka horeeysa mase ka dhici kartaa somalia inta Tigreega uu joogo ciida somalia ??? Waxan jeclahay in aan maqaalkaan ku iftiiniyo waxa ka dhacay Jabuuti iyo sida umada somali loo marin habaabiyay,haddii aan fiirino sida wax u dhaceen:

Nabad waa eray qaali ah marka la maqlana qofwalba meel-walbaa ha joogee ku abuuraya kalsooni iyo horumar xag walb leh,UN ka ujeedadii loo abuuray 1945 ayaa waxaa eey aheeyd in aduunka lagu soo celiyo nabad,umadaha aduunkana eey ku wada noolaadaan nabad, ,waxaa wax laga xumaado ah in aanan marna lagu soo darin qodabadii lagu heshiiyay in ciidamada Ethiopia ee gumaadka iyo barakicinta shacabka wadaa in eey joojiyaan gumaadka dalkana kaga baxaan 24 saac,waxaa aadka looga xumaaday in heshiiska aanan logu soo darin dowlada Ethiopia iyo USA waayo waxaa eey ka mid yihiin kuwa duulaanka ku soo qaaday dalka iyo dadka somalia,Tigreega xamar joogaa nabad uma uusan imaan kamana amarqaato Maquuste iwm balse waxaa uu maalin walbaa ku dhaqaaqaa hawlgalo degmooyinka xamar,sidee nabad ku imaaneeysaa.

haddii dalka gumeeysiga madow ee Ethiopia uu joogo caasimadii qaranka somalia,riwayadii Jabuuti lagu alifay ee loogu magac daray somalia waa heshiisay Ethiopiana 120 maalmood ayeey dalka somalia uga baxeeysaa waa mid nabada in eey ka dhacdo dalka somalia looga beensheegayo xaqiiqdana aad ugu fog.UN ka ciidamo nabada soo celiya ama ciidamo ilaaliya nabada somalia uma uu soo dirayo xaqiiqdii sabbabo jira awadeed,ciidamada qaramada midoway waxaa loo soo diraa oo kaliya dalalka eey ka jirto nabad iyo xabad joojin dhab ah,isagana soo horjeedaan kooxo is-diidan xaga siyaasada, iwm,sidaas darteed inta Ethiopia eey joogto dalka somalia nabadi ma imaan karto,UN ka waxaan ka sugeeynay in eey dhaleeceeyso huwanta Ethiopia iyo USA duulaankii eey ku soo qaadeen dalka somalia iyo in eey jibiyeen qaraarkii tirsigiisu ahaa 1725 ee sheegayay in la ilaaliyo qaranimada,sharafta iyo cisiga dalka somalia laguna xadgudbin xuduuda dalka somalia,qaraarka waxaa uu si toos ah ugu wargeliyay in dalka Ethiopia eeyan marna xuduuda somalia gudaha u gelin iyo qaraarkii 733 ee cunaqabateeynta hubka somalia 1992,xiligaan Ethiopia waa dalka kaliya ee hubka u daabuleeya somalia waxeeyna ku xadgudubtay qaraaradaa.

Maquuste siyaasadiisa ku wajahan ka bixitaanka Ethiopia dalka somalia waxaa uu aamisan yahay ciidanka Ethiopia ee dalka somalia in eey ku yimaadeen rabitaanka baarlaanka Imbagaati cod aqlabiyad ah maantana eey waajib tahay in baarlamaanka Imbagaati uu cod aqlabiyad ah ku ansaxiyo ka bixitaanka Ethiopia,oo weliba haddii eey QM ogolaato in dalka somalia loo soo diro ciidamo nabad dhisa waayo nabada ma dhisna xiligaan,Sheekh Shariif iyo kooxdiisa madaama eey aqoonsadeen Maquuste iyo dastuurkiisa,xiliyada soo socda waxaa eey ka mid noqon doonaan dowlada Imbagaati iyada oo loo marayo qaacidada 4,5 nin walbana waxaa uu hoos tagaya qabiilkiisa,Sheekha oo ahaa somalia umada somaliana eey aadka ugu hami weeyneed waxaa lagu qasbi doonaa in uu ka mid noqdo xildhibaanada Mudulood ama kuwa Hawiye suáasha mudan in laga jawaabo waxaa eey tahay ma laga yaabaa in Sheekh Shariif iyo kooxdiisa ( Janaqow) eey hoos tagaan ama bedelaan kuwii eey xamar kula dagaalameen sida Qanyare,Musse Suudi,waxaa dhumay hadafkii iyo mabdaíi weeynaa ee ahaa shareecada Islaamka maadaama dastuurka dhaaquudka Maquuste eey aqoonsadeen,maxaa loola dagaalayay Qanyare iyo Muuse iyo ururukoodii argagixso la dirirka haddiiba hamiga uu ahaa ka mid ahaanshaha dowlada Maquuste,inta Sheekh Shariif iyo kooxdiisa iman Jabuuti waxaa dalkaasi tagay madaxda golaha dhaqanka Hawiye,ujeedada eey u tageen waxaa eey aheeyd in eey fikirkooda ku aadan gumaadka iyo barokicinta xamar ka jirto u gudbiyaan Un ka maadaama xasuuqa iyo gumaadka uu ku socdo dadka eey matalaan

Cumar Geele iyo dowladdiisa waxaa arinkaa ka diiday dowlada Ethiopia iyo USA u fadhida dalka Jabuuti halkaasna waxaa dib loogu soo celiyay xamar odayadii Hawiye,taasi waxaa eey ka mid aheeyd siyaasada Ethiopia ee ku wajahan geeska afrika.Habeenkii ka horeeyay heshiiska Jabuuti lagu sixiixday,waxaa safiirka Ethiopia iyo midka USA eey ka shaqeeyeen in labada koox kuwa matalaya oo Hawiyaha ah in eeyan midna midka kale ku dhiiran in Ethiopia eey dalka ka baxado,waxaa tuhun laga qabay in N:Cade iyo Axmed C/salaan iyo kooxda Sheekha uu watay isku aragti ka noqdaan Ethiopia maadaama gumaadka iyo barakicinta eey ku wajahan tahay reeraha eey ka dhasheen,balse waa eey dhici weeyday.

Sheekh Shariif iyo heshiiska uu qaatay,waxaanan marna laga fikirin in Maquuste oo xaraarug ah in dib loo soo nooleeyo lana aqbalo jiritaankiisa dowladnimo,taa waxaan ulla jeedaa halganka xoogaga muqaawamada oo jawaab u ahaa la dagaalanka, gumeeysi Ethiopia duulaankii eey ku soo qaaday dalka,dadka somalia in xiligaan la kala ji-jibiyo,siyaasada heshiiska ayaa waxaa uu salka ku haya siyaasad aad u hufan oo shaqadeeda eey u duurgaleen quburo aad ugu xeel dheer sidii somalia eey ugu mid noqom laheeyd dhulweeynaha Ethiopia Maquustene uu u noqon lahaa madax-weeynta kalinka 6 aad ee Ethiopia,Maquuste waxaa uu taagan yahay mar uun madaxweeyne i dhaha dalkana Ethiopia haka mid noqdo.

Maquustow Xagee-beey Naftu Kuula Socotaa
Maquuste oo ku faraxsan gumeeysiga Tigreega ayaa waxaa uu dhaliil dusha uga tuuray dowlada Eritrea oo xor ah,sow kaaf iyo kala dheeri maahin,Cadee Muuse iyo Maquuste gargaarka Jabuuti eey u fidiyeen ma mid siyaasada huwan buu ahaa mise mid wallaaltinimo,haddii uu aha amid wallaaltinimo waxaa quman in shacabka somalia ee gumeeysiga xasuuqa ku ahyo guryahoodii laga baro kiciyay in eey u gargaaraan,xaqiiqdii mucaawimida Maquuste iyo Cade Muuse waxaa eey aheeyd mid siyaasad huwan,laguna beegay heshiiska Jabuuti kaalinta eey ka qaadatay Jabuuti soo celinta iyo soo nooleeynta Maquuste oo xaraarug ahaa.Alow sahal umuuraha

Sheekh Shariif iyo kooxdiisa waxaan talo ahaan u so jeedin lahaa:
I. Midnimo ayaa lagu gaaro xornimo,Sheekha waxaan dhihi lahaa raadi midnimada inta gumeeysiga diidan,jecelna in dalka uu helo xornimo taam ah,soo celi rajadii umada kaa qabtay ee aheeyd shareecada ayaan xukunka yahay,dib ugu noqo goáanka ah in aad la heshiisay dowlada Maquuste waayo dowlad meesha ma jirto,nabad ma imaankarto inta xamar ama inta ciida dalka somalia eey joogaan ciidamada gumeeysiga Ethiopia xabad joojin ma dhaqan geli karto inta Tigree joogo ciida somalia.

II. Shiikh Shariif iyo kooxdaada waxaa idiin horyaal qaacidada 4,5 diyaar miyaad u tihiin in aad qaacidadaa la falgashaan mise waxaad u aragtaan qaacidaa 4,5 mid somalida u horseedi karta dib u dhac,xaqdaro,cadaalada oo laga fogaado,qaacidada federaalka miyaad ogoshihiin waayo intaba waxaa eey ku dhigan yihiin dastuurka Imbagaati,heshiiska Maquuste aad la qaadeen waxaa uu ka dhigan yahay in aad ogolaataan qaacidadaa 4,5 iyo midka federlaak ah iyo ku dhaqanka dastuurka calmaaniyada diyaar miyaad u tihiin

III. Un ka waa in eey nabada ka raadiso kuwa diidan nabada somalia,sida dowlada USA iyo Ethiopia haddii labadaa dal eeyan ka mid noqon kuwa lala hadlaya colaada iyo dhibka waxaa eey noqon doontaa joogto.Sheekh Shariif nabada aad la qaadatay Maquuste waxba soo kordhin meeyso marba haddii aadan haysan furaha nabada somalia.Ethiopia dalka somalia waxaa ku haya USA,Maquustene waxaa dalka ku haya Ethiopia waa sida xaqiidu tahay.Somalia waxa idiinka ceeyriyay ma aheeyn Maquuste balse waxaa xoog idiin sheegtay USA oo dabada ka riixeeysa Ethiopia,marka waxaa quman haddii aad heshiis qaadaneeysaan in aad la heshiisaan USA iyo Ethiopia ma´se mudneeyn in aad wax ka dhigtaan Maquuste oo xaruurug ahaa.

IV. Maslaxada caamka ah ee uu shacabka ku sugan yahay waxba ka bedeli meeyso nabada aad la qaadato Maquuste waayo caasimada dalka waxaa maalin walba ka dhaca gumaad iyo xasuuq,ciidamada huwanta Ethiopia iyo kuwa Maquuste waxaa eey ku jiraan howgalo ku wajahan in eey laayaan shacabka,hadaba sidee nabad u imaankartaa?????

V. Ragii aad isku fikirka aheeydeen aad-na soo wada kifaaxdeen ee kuu ahaa xoogii jibayay dhiigya cabyadii Muqdisho xaaraanta ku haystay 17 sanno in maanta laguu tuso in eey yihiin kuwa nabada diiday waa kuu foolxumo,haddii aad dhaleeyceeysana oo aad ku tilmaanto xagjir waa kuu sharaf xumo,Qofka waa xumaadaa ee mabdá ma xumaado,waxaad wada qaadeen in shareeca Islaam dalka lagu xukumo iyo in dalka laga xoreeyo gumeeysiga soo jireenka ahaa ee Ethiopia.

VI. Cumar Geele danta somalia waxaa kala weeyn mida dalkiisa ee ku aadn Ethiopia,welise lama garan,dagaalka Jabuuti iyo Eriteria ka dhex aloolsan Maquuste iyo kooxdiisa waxeey dhaliil dusha kaga tuureen dalka Eritrra halka dalka eey u dhasheen uu ku jiro gacanta gumeeysiga Ethiopia,nin gumeeysiga Ethiopia ku faraxsan miyaa ku farxaya xornimada dal-kale,Sheekh Shariif iyo kooxdiisa waxaa lee yahay haddii Maquuste,Daahir Riyaale,Cade Muuse eey jeclaadeen in gumeeysiga dalka uu weligiis joogo,sow ma argtiin in xoogaga xornimo u dirirka eey tihiin kuwa kaliya ee damiirka somalia uu ku danbeeyo in aad tihiin sow ma qumana in aad diidaan lana qaadaan balankii ahaa dalka waa in aan ka xoreeynaa amxaaro..

VII. Waxaan maqalnay in aad saldhig ka dhiganeeyso Jawhar oo aheeyd meesha xoogaga MMI eey hada joogaan,siyaasad ahaan waxaan ka warqabnaa in Ethiopiaanka siyaasad ahaan eey dib ugu soo baxeen Jawhar,waxaan kugu wargelin lahaa in Muqdisho iyo Hiiraan eey joogaan huwanta Ethiopia sahalna eey tahay in laguugu yimaado gobolkaa ama halkaas geeri goán lagaaga dhigo,waxaad kala doorataa Jawhar iyo Muqdisho,waayo Muqdisho waa caasimadii dalka,waa meesha lagaga diriray gumeeysiga Talyaniga iyo kii xabashida,guusha Muqdisho ayaa dhaw waana midii aad MMI madaxda ugu aheeyd,Muqdisho aad imaadaa waxaa eey geesinimo gelineeysaa shacabka waxaana isku dhawaanaya xoogag xaq u dirirka ah.

Kooxda Asmara waxaan dhihi laheeyn.
I. Kuwa Asmara jooga waxaan ka codsanayaa in eey yareeyaan dacaayada lagu kala sii fogaanaayo,waayo xiliga lagu jiraa waa xiligii isku ururinta iyo mideeyn xoogaga gumeeysiga ka soo horjeeda xaga fikirka iyo xaga ciidanka.nina kaligii waxba ma noqon karo haddii umadaada eeyan wax kaa dhigin.Sheekh Xassan Daahir iyo kooxda Asmara waxaan dhihi lahaay dalka dib ugu soo noqda,kana qeeyb gala halganka gumeeysi diidka ah,waayo xiligaan dalka waxaa 80% ka taliya xoogag xornimo doonka ah,Dalka aad joogtaan waxaa uu ku sii socdaa mid geeri goán ah sidaa darteed colaada lagu hayo dalkaa waxaa uu saameeyn ku reebayaa halgankiina xornimo doonka ah.

II. In aduunka laga gado siyaasada gumeeysi diidka ah ee ka jirta dibada iyo gudaha dalka somalia,maaha in aad hoyataan dalka Eritarea oo runtii ah dal aanan sahal aheeynin in laga gado dibadiisa siyaasada gumeeysi diidka ah.

III. Nin aniga dhahay dad iska saar waxaan foolxumo ah markii shirkii Jabuuti leeyskugu tagaayay in ninwalba oo MMI ka midka ahaa uu doc ka soo yeero,qasatan Sh.Xassan Daahir,Indha Cade,xaqiiqdii waxaa eey noqotay dadkana eey garteen in aad ka soo horjeediin ragii hogaanka idiin ahaa,haddii qilaaf jiro waxaa quman in si akhlaakh ah loo xaliyo,marka la hadlayana lagu hadlo wax umada laga gedi kar oo xaq ah,maaha aniga ma aqbalayo iyo looma dhama iwm.maaha akhlaakhda islaamka,maaha mida somalia,Zakariye waxaan leeyahay fadlan AAAAAAAAAAAMUUUUUUSSSSSSSS hadalkaaga waxaa uu yahay mid umada eey ku kala sii fogaaneeyso xaqiiqdii.Ilaahaa garan kara meesha somalia eey u socoto. Alow Sahal Umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye