Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Siyaasiga Owliyo Dadweyne "UN-ka oo maraakib sun sida badeena kusoo fasaxay,shirka jabuti oo ay safiirka itoobiya soo dhex fariisisay iyo bulshada rayidka oo ay kala tashatay arimaha soomaaliya waxey la mid tahay col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay".

The Qaranka online
6 June 08

-
Siyaasiga Maxamed Xuseen oo loo yaqaan owliyo dadweyne ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in qaramada midoobay ay kusoo fasaxdaa soomaliya maraakiib uu ku sheegay in ay wadaan sunta nukliyerka iyo dhib hor leh isagoo dhanka kale ku tilmaamay in bada soomaliyeed aysan joogin burcad wuxuuna yiri" badda soomaliya ma joogaan burcad badeed ee waxaa jooga askar badeed soomaliyeed waxeyna badda ka ilaaliyeen sunta ay kusoo qubi jireen badeena wadama reer galbeedka sanada badan ka hor intaan loo helin ciidamada wadaniyiinta aan u aqaan ilaaheyna kuwaa hala jira".

Maruu ka hadlayey siminaarki saakay lagu dhex arkay safiirka itoobiya ayuu sheegay owliyo in ay tahay wax laga xumaado waxeyna cadeyneysaa ayuu yiri in aanan umadan loo rabin in ay dagto isagoo eedeyn kulul usoo jeediyey bulshada rayidka wuxuuna ka yiri " hadii umadan loo rabo in ay dagto lagalama tashadeen xaladooda kuwa sheegta bulshada rayidka ee ushaqeeya gacmaha shisheeye fuliyana ujeedooyin il ma`aragtay ah wana ogtihiin shirkii kanbala ayaa lagu soo mideeyey qoladan bulshada rayidka sheeganeysa si looga dhigo xoog sadaxaad waxey dalka kusoo kordhiyaan malin walbana waa wax diinta ka fog".

Owliyo dadweyne ayaa ku tilmaamay in bulsho rayid uu uyaqaan shacabka soomaliyeed ee banaanka jiifa balse bulshada rayidka ayuu ku eedeeyey in ay yihiin kuwa mudan in dadka laga qabto isagoo ku tilmaamay taladoodii ay kusoo jeediyeen in kooxdii ka hor timaada nabada qaramada midoobay ay cunaqabateyso in ay iyaga iska iloobeen ayna tahay in ay iska bilaabaan inta la cunaqabateynayo hadii danta dalka larabo.

Eedeymahan bulshada rayidka uu usoo jeediyey siyaasiga maxamed xuseen ayaa noqoneysa midii ugu horeysay ee xiligan loo soo jeediyo iyadoo bulshada rayidka ay ku sugan yihiin madaxdooda dalka jabuti oo uu ka socdo shir.

Maxamed Xuseen (Owliyo)
UK London
owliyo72@hotmail.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye