Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Ciidamada Qaramada Midoobay ee la keeno Soomaaliya oo la shaaciyay dadka ka imaan doona maxayse tahay ujeedada laga leeyahay in dalal gaar ah la xusho

The Qaranka online
Nuuradiin Macalin Mukhtaar nuradiin007@hotmail.com
1 July 08

- Qaramada Midoobay ayaa waxay doonaysaa in Ciidamada la keenayo Soomaaliya ay ka yimaadan dalal Islaam ah oo dhaqan iyo Diin la wadaagan dadka Soomaaliyed si loo yareeyo khatarta ku imaan karta Ciidamada Caalamiga ee tagaya Soomaaliya.

Iyadoo laga faa’iideysanayo waayo aragnimadii laga dhaxlay dalalka, Afganistan iyo Ciraaq oo laga dhaxlay dhibaatooyin fara badan oo saldhig u ah Ciidamada Shisheeye ee dalkaas la geeyay kuwaas oo u badan dalal aan haysanin Diinta Islaamka taasina sababtay in ay dalalkaas tagaan dad Jihaad doon ah ayaa Qaramada Midoobay waxay doonaysaa inay bedesho qorshahaas.

Waxay ku fikiraysaa Qaramada Midoobay in Soomaaliya Ciidamada la geynayo ay ahaadan kuwa u badan dalalka Islaamka, waxaase dhici karta in Ciidamadaas ay qeyb ka ahaadan kuwa ka socda dalal kale oo aysan haysanin Diinta Islaamka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo booqasho ku tagay dalka Turkiga ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay madaxda dalkaas isagoo kala hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Ciidamada la keenayo Soomaaliya.

Turkiga waxaa ay doonayaan in dhinaca taakuleynta Ciidamada ay ka qeyb qaataan, waxayna ballan qaadeen inay tallaabadaas ka dhabeyn doonaan haddii alla cidmo.

Waxyaabaha laga hadlaya waxa ka mid ah Ciidamada laga keeno dalka Urdun, Maleeshiya Indunosia iyo dalal kale oo Islaam ah. Ciidamadan ka imaanaya dalalka Islaamka ayaa laga yaaba inay u cuntimaan Soomaalida maadama waxyaabaha lagu diidanaa Ciidamada dalalka Islaamka ahayn ka imaanaynin keeni karaan dhibaatooyin kala duwan.

Laakiiin caqabada ugu weyn ee hor istaagi karto Ciidamada la keenayo Soomaaliya ayaa waxay tahay diidmada ka soo yeerayso Sheekh Xasan Dahir Aweys oo taageerayaal Islaami ah oo aad u hubeysan ku leh Soomaaliya iyo Ururka Al Shabaab oo isna wata awoodiisa adag.

Qorshaha lagu keenayo Soomaaliya Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay ma aha mid sahlan, laakiin Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya waxaa uu doonaya in 120 Maalmood ah oo loo qabtay inay Soomaaliya uga baxaan Ciidamada Itoobiya bedelkooda la helo Ciidamo Caalami ah.

Nuuradiin Macalin Mukhtaar nuradiin007@hotmail.com,(midnimo)

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye