Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Ammaan loo jeediyay xoogagga xaq u dirirka ee ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia iyo codsi loo jeediyay dadweynaha Soomaaliyeed.

The Qaranka online
21 August 08

- Darawallada iyo mulkilayaasha gaadiidka xamuulka ah nuucyadooda kala duwan una kala goosha gobollada dalk iyo xataa dalalka dariska nala ah ayaa ammaan iyo bogaadin fara badan u direen saraakiisha iyo ciidama Xoogagga kala ah shabaabka.midoowga maxaakiimta iyo kuwa jabhadda Islaamka Soomaliyeedba .

Qaybo ka kala tirsan darawallada iyo mulkilayaasha gaadiidka xamuulka ah ayaa wabsaydkaan waxaa ay u sheegeen in waqtigaan ay meesha ka baxday dhibaatooyin ay horay ugala kulmi jireen waddooyinka ay marijireen ,burcad waddooyinkaasi joogtayna uguna gaysan jireen dil iyo dhaawicid naftooda ,tan dadkii saarnaa iyo hantidii ay wadeenba.

Dhibaatooyinkaan ayay qaybahaasi sheegeen in waxka qabashadooda ay sabab u yihiin Ciidamada iyo Saraakiisha Xoogagga xaq u dirirka ah oo burcaddii intoodii badnayd ka dhigeen wax ay dileen.wax ay dhaawaceen.wax ay xireen iyo wax ka carareen waddooyinkaasi..ayna ka codsanayaan qaybahaasi in ay sii kordhiyaan dadaalladooda la xariira jahaadka ay ciidamada Ethiopia dalka ugaga saarayaan burcadna ay ugaga dhamaynayaan waddooyinka iyo xaafadaha kala duwan ee dalka Soomaliya.

Dhan kale wararka soo gaaraya wabsaydkaan ayaa waxaa ka mid ah codsiyo badan oo ka kala imaanaya Saraakiisha.iyo Ciidamada Xaq u dirirka ahkana soo horjeeda joogitaanka dalka ee Ciidamada Ethiopia iyo siyaasadda dowladda fedaraala ah kalana ah Midoowga Maxaakiimta ,Shabaabka iyo Jabhadda Islaamiga iyo xataa qaybaha kale ee taageeraba iyagoo si guud ugaga codsanayaan shacbiga Soomaaliyeed in aysan u qaban una qaadan in ay runtahay in iyaga qaybo ka tirsan ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka loo gaysto shacbiga Soomaliyeed qaar kood sida in la dilo dadka muhiimka u ah bulshada oo ay ka mid ka yihiin:- ganacsatada.culumo awdiinka ,madaxda hay,hada samafalka iyo in kalaba

Qaybahaan ayaa warbixinnadooda waxaa ay ku sheegeen in aysan suur gal ahayn in iyagoo naftooda iyo maalkoodaba u huraya si ay shacbiga Soomaliyeed ugaga difaacaan cadowyo badan haddana ay iyagu laayaan qaar badan oo ka mid ah kuwii bulshada ugu mihiimsanaa balse ay xaqiiqdu tahay in falalkaasi waxashnida ah ay ka dambeeyaan cadowyada dhabta ah ee ummadda Soomaliyeed sida Ethiopia iyo dabadhifyada u shaqeeyaba

Qaybahaan ayaa sheegeen in dhibaatooyinkaasi loo gaysanayo shacbiga Soomaaliyeed ay qaab toos ah iy qaab sirqool ahba uga dambeeyaan Ethiopianka iyo dabo dhilifyada u shaqeeya kuwa dilalka iyo dhibaatooyinka sida sirqoolka ah ugu qaystana dadka bulshada muhiimka u ah ay yihiin kuwo ay iyagu soo direen qorshaooduna uu yahay arrimo ay ka mid yihiin in la laayo dadka bulshada muhiimka u ah iyo in loo ekaysiiyo in qaybaha xaq u dirirku ay ka dambeyaan dhibaatooyinkaasi loo gaysanayo shacbiga Soomaaliyeed sidaasi darteedna ay dhinaca kalana ka codsanayaan dadweynaha in ay xoogagga xaq u dirirka kala shaqeeyaan sidii gacanta loogugu dhigi lahaa fidno walayaashaasi sida sirqoolka ah ku dilaya dadka aan waxba galabsan u adeegidda bulshadana muhiimka u ah si bulshad aloogaga qabto sharciga islaamku ciqaabka uu dul dhigayna loogu fuliyo.

Xigasho:falaar.com
falaar.com@hotmail.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye