Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Kuwa Soomaalinimadii Sharafta Lahayd Ka Doortay Daaroodnimo Aan Meelna Gaynayn.

The Qaranka online
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
26 August 08

Qeybtii Hore: Kuwa Soomaalinimadii Sharafta Lahayd Ka Doortay Hawiyinimo Aan Meelna Gaynayn.

Jariidada la magac baxday (The Independent) ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa waa hore waxaa lagu soo qoray in Daarood qof magaciisa wata ama ka dhashay inuusan Somaliya waligiis Madaxweyne ka noqon doonin.

Hadey Soomaalinimo jirto oo ay wax jira tahay bal waydii kumanaanka curyaanka ah ee Daarood ee maanta ku darxumaysan Koonfurta iyo Puntland iyo duurarka magaalo madaxdii hore ee Muqdisho.

Candhuuf bey kugu tufayaan hadey kaa maqlaan Daaroodnimo wax la dhaho. Waayo! Waxa laxaadkoodi tiray maanay ahayn qabyaalad iyo Daaroodnimo? Sababtoo ah, hadii aanay dagaal la gali lahayn Hawiye 1991, cagahooda iyo gacmahooda ayeey qabi lahaayeen.

Daarood! Soomaali oo dhan ayaa adiga ku dooratay. Wax walba ayaa adiga agtaada yimid. Soomaali oo dhan ayaa kusoo martiday oo ku tidhi na maamul. Waxaad iska noqotay: Dameer malab la saaray oo aan ogsoonayn macaanka uu malab leeyahay!

Aduun waynaha iyo dhamaan bulsho waynta Afrika ayaa wada ogsoon in qabiilka Daarood la yidhaah aysan ku jirin wax wadaninimo ah ama Soomaalinimo ah. Kuwaasi dan qabiil mooyee maxaa Soomaali u dan ah kuwa waligood ku fakaray ineysan ahayn ayaa la wada rumaysan yahay.

Daarood! Waxaad mooda in aad iyo aad lagaaga caqli badiyey oo waliba kaarkaagi lagu weydaarshay. Barnaamij la watay oo aysan wax dan ah adiga iyo ummada Soomaaliyeedba ugu jirin ayaad iska daba gashay, sidii xigmadii Soomaaliyeed ee ahayd: Dameeri dhaan raacday.

Itoobiyaanki adiga kuu kabo galiyay soow kuwii markii danbe hoos hoosta kuugu dhigay madaafiicda iyo xasuuqa ma ahayn? Haaa! Mise waxaad leedahay anigu Koonfur degaan ahaan uma lihi, oo waxa dhimanaya waa Hawiye!

Daaroodkan laguu sheegi waa kuwo hadey iyagu dhexdooda wax kasta col ku yihiin laakin mar walba heshiis ku ah in wax kasta oo Somaliya ku saabsan aysan iyaga dhaafin. Hadda waa wax walba hadey col ku yihiin, arrimaha Somaliya ineysan dhaafin qof iyaga u dhashay ayey aaminsan yihiin bal calaamada Ilaahay!

Daarood! Horte miyaaba ogtihiin, ileen hunguri mooyee mid miyir leh maba aad tihidee, dhaqanka foosha xun leh ee siyaasada Somaliya midka u badalay qabiil iyo inuu maamulka ummada Soomaaliyeed uu yeesho qabiil, dadka keenay soo idinka maaha. Malaha maba ogid?

Daarood waa kuwo hantida Soomaaliyeed iyo Dawlada Soomaliyeed qabiilka iyo eexada ku maamulaya, waxayna isu haystaan inay iyagu yihiin dhiiga dhabta ee Soomaali wax ka noqon kara, waxay kaloo ay aaminsan yihiin inay iyagu xaq u yeesheen maamulka Somaliya.

Kuwaasi waa kuwo aanad garan karayn wax ala waxa ay rabaan. Kuwaasi waa kuwo saxareeyay qofkii fiicnaa ee Ilaahay u dhaliyay qabiilka Daarood.

Kuwaasi waa kuwo qof kasta oo Soomaali ah oo siyaasada soo gala aragtida uu dadkiisa iyo dalkiisa u leeyahay khariba.

Kuwaasi waa kuwo Dawladnimadii Maxamed Siyaad isa siiyay, tan Cabdillahi Yuusufna isa siiyay, oo dhamaan dadkii Soomaaliyeed ka xigsaday.

Dadkan Daarood ee laguu sheegi waa wax dhintay oo uray! Waxay isu maleeyaan cid kale oo wax maamuli kartaa oo aan iyaga ahayn in aysan jirin. Waxay ila tahay arrintaas iney khalad iyo gaf wayn tahay. Sababtoo ah ninkii Soomaali ugu maamul fiicnaa intii talada dalka uu qabtay wuxuu ahaa Aadan Cabdulle Cismaan oo hadii qabiil wax loo fiirinayo ahaa nin Hawiye ah.

Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu dhinac dhaaftay, oo Soomaalinimadii sharafta lahayd ka doortay qabiilka yar ee ay u dhasheen, waa kuwo uu Ilaahay iimaankii ka qaaday oo haddey ogyihiin waxa ay isu gaysteen iyo waxa ay dhamaan ummada Soomaaliyeed u gaysteen hal galin ah ma aysan joogeen ee malaha weyba haajiri lahaayeen.

Kuwaasi waa kuwo ay Soomaalinimadu ku yar tahay oo ay ku weyn tahay qab xun oo aakharo iyo aduunba seejisay, oo waxaa ku weyn qabiilka ay u dhasheen ee Daarood.

Kuwaasi uma maleeyaan inay dad kale oo iyaga oo kale ah jiraan. Kuwaasi waa kuwo dadka Soomaaliyeed ee sharafta leh ee Hawiyaha ah ay yesi jireen natiijadeedina ay dhashay USC. Kuwaasi waxay isu arkaan inay iyaga kaliyah ay yihiin dhiiga dhabta ah ee Soomaaliyeed. Kuwaasi waa kuwo Somaliya ka xigsada qof kasta oo Soomaali ah.

Kuwaasi waa kuwo aaminsan inay iyaga kaliyah xaq u leeyihin maamulka Somaliya. Kuwaasi waa kuwo Soomaali u horseedey Amxaaro. Kuwaas siyaasiyiintoodu waxay ka mid yihiin kuwa Soomaali ka xumeeyay aasaaskii Dawladnimo ee wax walba ka dhigay daneysi iyo in qabiilka dabada la haysto.

Kuwaasi dan qabiil mooyee maxaa Soomaali u dan ah kuwa waligood ku fakaray ineysan ahayn ayaa la wada rumaysan yahay.

Kuwaasi waa kuwo iyaga iyo awoowgoodba dilay qabiil, isla wayni, magaagnimo, kali wax raadin, iyo qabyaaladayntii waligood lagu yiqiinay.

Kuwaasi waa kuwo malaha haysta Diinta dhurwaaga, danaysi iyo hadba wax aad la cararto oo aad qarsato mooyee ma wax kalaa lagugu yaqaan. Waxaana la rumaysan yahay tan iyo maanta raadka qaloocan ee siyaasadeed ee ay cid walba qaadeyso inuu kaagi caanka ahaa ee lagugu aqoon jiray yahay.

Ummada Soomaaliyeed waxay saarantahay bas uu darawal ka yahay nin uu Ilaahay xaalkiisa ogyahay, waa nin uu gumaystuhu soo tababaray oo ummada kusoo dhex daayay, ninkaa magaciisa waxaa la yidhaah Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo waxa kaliyah oo uu yaqaano ama cilmi u leeyahay ay tahay askarinimo, dib u jeeso, hob jac, laba kaclayn, dhabar jabin, daba gal, qalajin, qaniinyo, kala ilaalin, isku dir, amar qaado, isku dhufo, iyo in ala inta ibtilo ah ee Ilaahay dunida dhigay.

Soomaaligoow! Ma ogtahay maanta Dunidu waxa ay kuu aragto? Dugaag is cunaya oo is maamuli kari waayey wax aan ahayn miyaad tahay?

Somaliya oo Ilaahay ka dhigay korkeeda dalkii malabka iyo caanaha, ciideedana Ilaahay dhigay Batroolka Bariga Dhexe ku jira oo dhan mid ka tiro badan iyo macdan kala duwan oo tiro badan, ayaa calaamada Ilaahay, dhulkaa ay wax walbaa ku jiraan wuxuu ku abuuray 6 Malyan oo jahli iyo xasad awgii is xasuuqday oo dad isugu necbaatay.

Ariin Qosol Ah.

1940, Waagi ay dagaalamayeen reeraha ay ka kala dhasheen Cabdillahi Yuusuf iyo Maxamed Faarax Caydiid oo kala ah Khalaf iyo Jalaf, ayaa Talyaanigii gumaysan jiray ayeey cirro ka soo saareen oo naftii u keeneen, markasta oo qof la dilo iyo midka wax dilaba labadaas reer uun bay ahaan jireen. Talyaanigii markii uu ka yaabay dhibkooda iyo kadeedkooda, ayuu wuxuu yidhi :- Khalaf & Jalaf Dowe Bistirado (Farabuto). Oo macnaheedu yahay: Khalaf iyo Jalaf waa laba wecel, isagoo ula jeeda laba dhib badan.

Cinwaanka qoraalkan iyo kii horeba waaxaa iga caawiyay Qoraaga Abdullahi Dool.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Stockholm

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye