Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Meles Zenawo oo shaaciyay in Dowladda Itoobiya ay Ciidamadeeda kala baxayso Gudaha Dalka Soomaaliya

The Qaranka online
28 August 08

- Ra'iisal Wasaaraha dowladda Itoobiya Atto Meles Zenawi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kala bixi doono, hadii ay Xittaa aysan Tabaraysan dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya,

ee ay iyagu taageeraan, wuxuumna warkaan sheegay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya mar uu wareysi siinaayay Wargayska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriska.

Sidoo kale wuxuu Meles Zinaawi sheegay in dawlada Itoobiya ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Dawlada KMG ah ee Soomaaliya, balse waxa uu sheegay in masuuliayada ay tahay mid ay saran tahay Mas’uuliyiinta Soomaalida.

Ra'iisal Wasaaraha dowladda Itoobiya Atto Meles Zenawi wuxuu sheegay in Mas’uuliyada dagaalada ka socda Soomaaliya ay ka dambeeyaan sida uu yiri Meles Zenawi dalalka Reer Galbeedka, isagoo sheegay inaysan wax taageero ah siinin oo dhinaca Maaliyadda iyo Siyaasadda ku aadan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga.

Waxa kale uu sheegay Ra'iisal Wasaaraha dowladda Itoobiya Atto Meles Zenawi inay dhibaato ku tahay inay Ciidamadoodu ku sii sugnaadaan Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in wadankooda ay ka jirto baahi loo qabo Ciidamadaasi.

Dhinaca kale waxaa jira cadaadis xoogan oo Dowladda Itoobiya uga imaanaya Beesha Caalamka taasi oo ku aadan sidii uu dalka Soomaaliya uga saari lahaa ciidamadooda, wuxuuna hadalkaani u muuqdaa mid ka duwan hadaladii horay u sheegi jiray Ra’isalwasaaraha Itoobiya ee ahaa inaysan ciidamada Itoobiyaanka ka bixi doonin Soomaaliya ilaa iyo inta ay cagaheeda isku taagayso dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Hase yeeshee hadalkan uu siiyay wargeysa Financial Times ayaa aad uga duwan ballanqaadkii uu horey u sameeyay. Inkastoo ay jiraan faalooyin kale oo laga qoray hadallada Meles Zenawi oo ay qaarkood sheegeen in laga yaabo in uu ula jeedo si dowladda kmg ah ay xoogga u saarto dhinaca dib u heshiisiinta.

Arintu si kastaba ha ahaatee waxaa marag ma doonto ah haddii ciidamada Itoopianku ay waqti xaadirkan ay ka baxaan Soomaaliya in dowladda kmg ah oo u muuqata awoodeeda inay soo koobantay ay u dhammaan doonto. Sababtoo ah Ethiopia ayaa ah awooda keliya ee ay ku taagan tahay dowladda kmg ah, marka laga reebo ciidamada Amisom oo iyagu maamula goobo cayiman oo magaalada Muqdisho ka tirsan.

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye