Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

QODOBBADA HESHIISKA JABUUTI EE SOOMAALIYA

The Qaranka online
10 June 08



   Cumar Geele
& Soomaaliya

. In Xabad joojin muddo 90 maalmood ah isla markaana la cusbooneysiin karo haddii loo baahdo.

. In ay muddo 120 maalmood ah Golaha Ammaanka ee QM u soo diraan ciidamo nabad ilaalin ah oo ayan ku jirin dowladaha deriska la ah Soomaaliya.

.Muddo 15 cisho gudahood ah ay shir isugu yimaadaan guddiyo labada dhinac ah, kuwaasi oo iyagoo ay shirarkooda guddoomineyso Qaramada Midoobay diyaarin doona shir 30ka July 2008 ay mar kale isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

.In ay Dhinacyada heshiiska gaaray ka codsadaan Beesha Caalamka in ay ku gacan siiso meel-marinta qodobada ay ku heshiiyeen, sidoo kalena ay Beesha Caalamka ka codsadaan in ay muddo 6 bilood gudahood ah isugu yimaadaan shirweyne looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

. In ay ciidamada Ethiopia looga saaro dalka Soomaaliya muddo 120 maalmood ah gudahood ah, marka ay yimaadaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay kuna filan howlaha nabad ilaalinta.

.In ay Isbahaysigu iska fogeeyo shaqsiyaadka hubeysan ama cid kasta oo ka hortimaada heshiiskan laga bilaabo 9ka June 2008.

. In muddo 15 maalmood gudahood ah la sameeyo guddi ilaaleeya xabad joojinta ayna hoggaamineyso Qaramada Midoobay.

Jabuuti
Geeska Afrika

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye