Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

Dagaalladii qaraaraa oo galabta ka dhacay Xayle Bariise, Ifka Xalane,Towfiiq,Carafaad Cali Kamiin Isbartiibo, iyo Xararryaale oo hakaday, iyo khasaare badan cadowga la gaarsiiyey.

The Qaranka online

07 Nov. 08

- (07-11-2008)Dagaal aad u ballaadhan oo leysku adeegsaday hubka nooyadiisa kala duwan ayaa markale wuxuu galabta ka qarxay qeybo kamida magaalada muqdisho, waxaana dagaalkaasi isku herdiyey Xoogagga muqaawamada Soomaaliya iyo ciidamda cadowga Xabshida

Dagaalkaan oo ahaa kii shanaad oo maanta oo keli ah ka dhaca magaalada Muqdisho, ayaa geystey khasaaree aad u baaxad weyn oo hanti iyo nafba leh, waxaana wararku sheegayaan in la jebiyey ciidamda cadowga Xabashida oo iyagu ka soo baxay Isbartiibada, qaar kamid ahna lagu laayey.

Inta la ogyahay 12 kamida ciidamda cadowga Xabshida ayaa lagu diley dagaalkaas galabta ka dhacay qeybaha kor kuxusan, waxaase kaloo dagaaladaasi ku le,day 23 katirsan maleeshiyo beeleedyada kooxda mbagaathi ee gaashanka u ah ciidamda cadowga ee Xabashida.

Ciidamda Cadowga Xabashida ayaa madaafiic ku hurgufey Suuqa bakaaraha iyo xaafado kamida magaalada Muqdisho, madaafiicdaas cadowgu tuurayey oo geystey khasaare isugu jira burbur, dhimasho iyo dhaawac, waxaana la soo sheegay geerida 5 ruux oo rayid ah

Xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliya ayaa xaqiijiyey guushooda kadib markii ay jab u geysteen dibna u celiyeen ciidamda Cadowga wayaaniga iyo maleeshiyada carra-tuurka Amxaaro ay isku dayeen iney ku soo faafaan degaanada Xararyaale Xamar jadiid, iyo wadada soddonka.

Dagaallada silsiladda ah ee maanta ka qarxay magaalada Muqdisho laguna qaaday ciidamda cadowga ee wadankeena iyo diinteena ku soo duuley, ayaa muujineysa sida ay uga go,antahay Xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliya, ka xoreynta Dalkeena ee cadowga ku soo duuley.

Dalkanews

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM| Design by Ali E H Naleeye