Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

- Tabar dari soo degdegtay iyo burburka taliska Zenawi oo soo muuqday. (Miisaaniyad militeri oo la kordhiyo guul xaga dagaalka ah ma lagu gaari karaa?)

The Qaranka online

10 July 08

` Tan iyo intii ciidamada Itoobiya ay soo galeen dalka Soomaaliya waxa taliska Meles Zenawi uu ku waayey dhaqaale iyo ciidan fara badan waxaana ugu yaraan bishiiba uga dhimata dalka Soomaaliya askar lagu qiyaasay labaatan askari, iyadoo sidoo kale dayuurado magaalada Baydhabo looga daabulo askar fara badan oo ku dhaawacanta dagaalada ay la galaan dagaalyahanada Soomaalida ah ee diidan joogitaankooda, tiiyoo dhaawacyadaasi inta badana la geeyo cusbitaalo militeriga u qaas ah si aaney saxaafaddu u arag. Fariisimo muhiim ah oo uu dhumiyey taliska Zenawi

Goobaha ay dhibaatadu ka soo gaartay ciidamadda Xabashidu ma ahan gudaha jamhuuriyada Soomaaliya ee burburtay ee sidoo kale waxaa jira degaano ka tirsan dhulka Soomaali galbeed oo ciidanka xabashida jab weyn uu ka soo gaaray kadib markii halkaa ay dagaalo kula galeen jabhadda ONLF, waxaana la sheegay in ay ka baxeen degaano fara badan oo muhiim u ahaa dagaalka ay kula jiraan jabhadaasi.

Fariisimadda Xabashidu ay isaga carareen ayaa la sheegay inay ka mid yihiin Shilaabo, Galaadi iyo Wardheer oo mudo ay dhibaato ka geysan jireen, inkasta oo aanan looga baran ciidamadaasi inay ka baxaan fariisimadaasi muhiimka u ahaa, ayaaney cadeyn inay ku soo laaban doonaan iyadoo qaar ka mid ah dadka degaanadaasi ku dhaqana ay u dabaal dageen ka bixitaankooda taasoo muujineysa inay dadka degaanka dhibaato weyn ku hayeen.

Tabar daridda Xabashida ka soo ifbaxday ayaa loo aaneynayaa dagaaladii is xigay ee ay kooxaha islaamiyiinta ah kula galeen gudaha Soomaaliya, kuwaas oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanayey, waxaana tusaale weyn ugu filnaa dagaalkii weynaa ee ka dhacay gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Inkastoo ay waxyeelo gaarsiiyeen dadka rayidka ah ee degaanka iyo weliba kooxihii la dagalaamayey misana waxaa muuqaneysa in jabka iyo dhibku uu u badnaa dhinaca ciidamadda duulaanka ku ah Soomaaliya, taasi waxaa kaaga filan hore uma aaney dhici jirin in goob ay xoog ku tageen ay sidaan oo kale uga soo baxaan iyaga oo aanan guryaha dadka rayidka baaran oo dhibaato kula kicin, waxaana iminka loo diiday inay degaanka ku faafaan.

Dagaalkii Guri ceel oo fariin u diray Xabashida iyo Dowladda federaalka ah

Dagaalkii ka dhacay Guri ceel ayaa astaan aaney ku farxin u noqday ciidamada Itoobiya iyo taliska maqaarsaarka ah ee C/laahi Yuusuf kadib markii dadka ku dhaqan gobalka Galgaduud degmooyinkiisa kala duwan ay meel iska dhigeen kala qeybsanaantii qabyaaladda oo ay gacan siiyeen dadka reer Guri ceel ee lagu soo weeraray ciidamada iyo hubka faraha badan, waxaana halkaa ka muuqanaya faham sare oo ku salaysan in xabashidu aaney gobal gooni ah u socon oo ay mid mid u weerareyso goboladda dalka si ay u wiiqdo awooda dadka kadibna ay u galiso gumeysi cusub.

Fursado ay helayaan dagaalyahanada ONLF

Dhinaca kale dagaalyahanada ONLF ee ka dagaalama dhulka Soomaali galbeed ayaa u arkay dagaalada taliska Addis ababa uu kaga jiro gudaha Soomaaliya fursad cusub oo u saamaxeysa inay horumar ka sameeyaan dagaaladdii aan horumarka muuqda lahayn ee ay mudada kula jireen taliska Zenawi, waxaana la xusuustaa in jabhadda ONLF iyo dagaalyahanada kale ee ka soo horjeeda Kaligii taliye Meles Zenawi ay la talaabsan waayeen dhibaatooyin dadka degaanka dhexdooda laga abuuray oo ay ugu weyn tahay in la jaajuuso cid waliba oo loo arko inay dagaalka ka dhanka ah Xabashida u ololeyneyso.

Miisaaniyad loo kordhiyey ciidamadda Itoobiya

Iyadoo ay jiraan dagaaladan is daba jooga ah ee taliska Zenawi uu cagaha la galay ayaa misana waxaa ku baxa aduun fara badan waxaana dhowaan baarlamaanka Addis ababa uu ansixiyey miisaaniyad cusub oo ah ku dhowaad 5.5 bilyan oo doollar sanadkiiba taasi oo ah miisaaniyadda guud ee dowladda taasoo ka sareysa boqolkiiba 24 intii ay ahayd sanadkii hore.

Miisaaaniyadan cusub ayey ciidamada Itoobiya ka helayaan 1.7 bilyan sida la sheegay inkastoo 200 oo milyan loo qoondeeyey in lagu kabo cuntadda, waxaana arintan ka soo horjeestay mudanayaasha asxaabta mucaaradka ah ugu jira baarlamaanka Itoobiya iyaga oo ku doodaya in miisaaniyadda difaaca loo qoondeeyey ay aad u sareyso marka loo eego gaajadda baahsan ee ka jirta dalka Itoobiya.

Meles Zenawi oo ah kaligii taliye Mareykanku uu taageero ayaa difaacay qorshihiisa, isagoo ku dooday in lacagta difaaca loo qoondeeyey aaney badneyn marka loo barbar dhigo miisaaniyadda guud.

Hadaba markaad eegto calaamadaha ka soo muuqanaya ciidamada Itoobiya ee ah inay galeen dagaal aan dhamaad lahayn isla markaaana ay kula jiraan dad niyad ahaan ka wanaagsan, waxaa markiiba kuu sawirmaya astaanta lagu yaqaano talisyada macangaga ah marka uu burburkoodu soo dhowaado, waxaana si fudud loo dhihi karaa Taliska Zenawi wuxuu qaaday wadadii burburka hadiiba gudaha dalkiisa iyo dibadaba uu dagaal uga furmay.

Jabriil Cabdulle Macalin (Jabra)
Stockholm-Sweden
jabraa77@hotmail.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye