Qaranka online
Bogga hore/Home
Somali links Suugaanta Somali Album xiriir/contact

- Maxkamadaha Islaamiga oo amaanka Magaalada Jowhar kala wareegay Maamulkii Madaniga

The Qaranka online

11 July 08

` Xoogaga Midowga Maxkamadaha Islaamiga ayaa amaanka guud ee Magaalada Jowhar waxay kala wareegeen Maamulkii Madaniga ee Magaaladaas muddo ka howl galayay, tan iyo markii uu meesha ka baxay Maamulkii G/Sh/Dhexe.

Maamulka Madaniga oo ahaa mid dadka deegaanka iska soo dhex doorteen, kaasoo ay beelaha ku dhaqan Magaalada ka soo dhex xuleen Ciidamo amniga suga si amaanka meesha uga bixin ayaa la soo sheegayaa in Xoogaga Maxkamadaha ay hakiyeen howlihii ay ka wadeen Magaalada.

Wararka aanu saaka ka heleyno Magaalada Xarunta u ah Gobolka Shabellaha Dhexe ee Jowhar waxay sheegayaan in Koontaroolada looga soo galo Magaalada ay joogaan Ciidamo fara badan oo Maxkamadaha taabacsan, kuwaasi oo Magaalada soo buux dhaafiyay wixii ka dambeeyay gelinkii dambe ee shalay.

Lama oga tallaabada Maxkamadaha ugala wareegeen Howlihii Magaalada Maamulka Madaniga, iyadoona saaka Magaalada ay gaaf wareegayaan Ciidamo iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo la ii sheegay in ay yihiin kuwo ku cusub Magaalada.

Ma jirto wax canshuuro ah oo ay Ciidamada Maxkamadaha ka qaadayaan Gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Jowhar iyo Muqdisho, iyadoona Maamulka Madaniga uu horay gaadiidka uga qaadi jiray lacago canshuuro ah iyo Suuqyada Magaalada sida Seylada lagu iibiyo Xoolaha.

Guud ahaan jawiga magaalada ayaa ah mid degan, inkastoo maxkamaduhu saaka laga dareemayo dhaq dhaqaaq ka duwan kuwii horay loogu arki jiray marka ay soo galaan Magaalada.

Dhanka kale Ciidamadii Madaniga ayaa iyana la isugu keenay Saldhiga Magaalada Jowhar, kuwaasi sida muuqata lagu amray in ay saldhiga ku ekaadaan ilaa amar dambe, waxaana Magaalada haatan ku sugan saraakiil sar sare oo ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamiga.

xigasho: Mareeg.com

Qaranka online

 
                        © 2006 QARANKA.COM | Design by Ali E H Naleeye