| Qaranka online Bogga hore/Home |
Somali links | Suugaanta | Somali Album | xiriir/contact |
MACADAWBAA RIYAALE LAHESHII MA SOKEEYAA ZANAAWI LAHESHII!!!
The Qaranka online
-
Q
aragtidaa waxay tahay in burburkii dalkeena ee dhacay horaantii 1991 ee burburiyay dawladnimadii,dhan dhaqaale,dhan siyaaso,dhan nabadgalyo intaba madama maamulkii dalku faraha kabaxay oo ay biloowdeen aafada dagaalada sokeeye.
Waxaa hadaba umuur layaableh ah in CADE MUUSE uu xiriir lasamaysatay ZANAAWI ayasagoo ah masuulka ugu sareeya maamulka puntland oo madaxweeyne ka ah,inuu ciidan kadalbaday oo soogaliyay puntland si ay ulaayaan shacab soomaaliyeed oo uu dadwaynaha reer puntland ugu sheekeeyay waa cadaw waayo waa reer hebel.
Hadaba soow ma aragtaan halka lageeyay soomaalinimadii in ZANAAWINA ehel dhaw laga dhigtay, RIYAALANA shisheeye laga dhigtay!!!! sow soomaalinimadii lama tuurayo ayadoo shisheeye loo adeegayo iyo cadawga soomaaliya ee soo jireenka ah. Waxaa hadana yaabka yaabkiis ah kaba soo qaad in cidii utagta somaaliland ay danbiile tahay,oo shacabka puntland aysan rabin cid alaale iyo cidii utagta somaliland haday tani jirto soowkan madaxweeyne laga dhigtay CADE MUUSE oo ah ninkii ugalay somaaliland xiriirkana lalahaa oo kasoo dagay hargaysa hub iyo lacagba lasiiyay maxaa looga raali noqday in uu khaa inu wadankaan puntland khiyaameeyay madaxweeyne noqdo??? Hadaba maxaa looleeyay xaabsade soomaaliland buu ugalayoo waa khalad in loogalaa somaaliland??? waa maxay dhibtu maxaa labadan nin ee ilamaadeerka ah ee harti nina loogu sacabinayaa markuu ugalo somaaliland nina loo ceebaynayaa markuu ugalo soomaaliland? hadii madaxweeyne nimada uurabo lasiiyo xaabsade ama darawiishta nin kamid ah ma dhibaa dhacilahaa jawaabtu waamaya,maxaa loodiidan yahay xalka oo loo dhica maryaaa? waxkale maha dhibku waa kursiga anaa leh wadaagna magalo waayo xeerkaa diidaya.dhibkale meesha mayaalo.
Marka waxaan qabaa isbadalka maslaxaa inoogu jirta iyo maamulwanaag hadii reer kaligii haysanayo uun kursiga maxaa siyaad loo ridayay oo loolahaa waa kaligii taliye kursiga uun fadhiya? markaa fadhiga badan waa laysku nacaa markay kursi tahay. Waxaa intaa dheer wax dan ah kuma jirto daraawiish isku dhamaata oo dagaankooda laysku cayrcarsado dhexdoodana layska horkeeno,waayo iyaga unbaa dhibku ku dhacayaa loomana baahna,madama xalka loo jeedo in la dhinacmaro oo waxaan socon doonin lagu daalo,cade muuse waana nin wayn,waana daalan yahay oo mashaqo ayuu ku dhex jiraa,waxaa uroon in uu dantiisa garto oo nasto kana dago kursigan macnaha aan lahayn. Deegaanka iyo dadkuba sidaa ku nabad galaan oo daraawiish nabad hesho.cade muusoow kursiga aad ku fadhido unbaa shacabka puntland marna ka dhiga puntland marna ka dhiga somaaliland sidaa daas oo kale shalay somaliland baad ahayd maantana puntland baa tahay.
xaqbuu uleeyahay in madaxweeyne ka noqdo puntland waayo waa dagaankiisii iyo dadkiisii,Xaabsade uma uusan galin ZANAAWI.Shacabka puntland waxay u ooman yihiin sinaan iyo cadaalad xaga kursiga ah.
Qaranka online |