Gacantaa Hadeey Dhudhubo Gasho Lama Dhufto ee waa la Dhirghiriyaa

Gadaal Gadaal Geed Looma Koro

Gar Dabadeed Gunuunuc baan Nacay

Geed Joog Gartiisa waa Yaqaan, laga Dhimayna Dhaxalkiisa waa Yaqaan

Geed walba in Gubta waa hoos Taalaa

Geel Jire Geela waa Wada Jiraa waana Kala Jiraa

Saddex Saddex Lagama Daayo:
Lo’ Barqo Lagama Daayo, Ari Shiro Lagama Daayo, Ragna Shir Lagama Daayo

Dawaco Meesheey Macal ugu Barateey Macaluul ugu Bakhtidaa

Col Naago ka Kaca iyo Caro Nirig ka Kacda Midna ma Qaboobaan
- colaada ka dhalata gabar la xumeeyo iyo geel la dhaco way waartaa

Beentaada Hore, Runtaada Dambey u Darantahay

Baryadaada Baahidaadaa lala Sugtaa

Talo Iskuma kaa Sheegto

Talada Dadkana Tix Gali, Taadana ku Soco

Toogo Meel bay kaa Ridaa
-haku degmin wax kastoo dhalaala dahab maahe

Jinni, Ninkii Kenaa Bixiya

Xaglo Laaban Xoolo kuma Jiraa
-fadhi wax kuma tabcaan

Xade lama Xado
-tuugu wax ka taxadar badan

Xeer waa Nagaadi
-xumaan iyo wanaag kaad iska hormarisaa mirihiisa gurataa

Doqoni Saaf Carro Loogu Riday Sad Bursi bay Moodaa

Hadii Tubaako Fa'iido Leedahay Habar Gidir baa Laqi Lahayd

Abgaal Calool lagu Deguu Leeyahay Cidhif la Dego ma Leh

Hadal iyo Hilbaba Kala Qalan

Hal Libaax Arkeysa ma Godlato

Rag Jiidin baa Walaaleysa

Soomaali Waxay Casarkii Kugu Aragto Cishihii Kugu Caydaa

Qaan Mareexaan Waa Qaaxo Kugu Maqan

Wadaanta Isha ka Xumaata Feylkey la Tagtaa

Warsangeli Ninkay Xamanayaan dila, Majeerteena Ninkay ku Uursanyihiin Dila

Saddex way Madowdahay:
Miiraale Roob, Habar Madigi laga Dilay iyo Meyd

Dad waa in Abaal Guda iyo in loo Abaal Gudo
-qof axsaan loo faleey gudaa, qofna axsaan bay falataa

Doqonimo Dawo ma leh
-ruuxii si xun ku soo barbaaray lama toosi karo

Dab Nin Haya, Daa Lama Yiraahdo

Daacadi ma Hungowdo

Rag waa Barasho, Geelna waa Rarasho

Ragganimo Meel Ciriiri ah bay ku Jirtaa
-ragga badanaa wey jecelyihiin iney hogaamiye noqdaan; inyar oo ku dhex jirtaana karti hogaaminimo leh

Xabiib Nimaan kuu Ahayn, Xaraf Kasta ha u Jeedin
-qofaad ku kalsoontahay maahane qofwalba dantaada looma sheegto

Rag Saddex waa iskaga Mid:
Magaca, Magta iyo Maganta

Talo waa Mar Aad Garan Weydo iyo Mar aad Gaari Weydo

Saan Dhaqaaqday si Walba Mudan
-qof safar galay inuu soo laaban lama Hubo

Rag waxa ugu Liita Calooshi la Ciyaar iyo Ciil kama Baxe

Sir ma Qabe Allaa u Sahana

Far Kaliya Fool ma Dhaqdo

Sacna Labo Semen Iskusi Maaha
-saco gu iyo jiilaal isku tabar maaha

Shisheeye Shiile Duxa ma Leh
-shisheeye kuuma naxo

Ergo waxaa loo Dirsadaa:
Nin Cay Dhurwaa uga Adag; Kudkude Gaajo uga Adag;
Kurtun Qorax uga Adag; Dhagax Qabow uga Adag
-hadii intaa la waayana Ergooyin kala leh sifooyinkan baa la dirsadaa

Dhubuq Dhubuq Hore Dhabano Hays Dambey Leedahay

Dherigii Fara Badiya waa Fuud Xaraaraadaa
-howl kasta dadka yaroo xirfada u leh baa loo daayaa

Rag bi’iisu ka Sheekeeyaa Haweena Baraarahooda

Caleen Qurac, Calool Geel wax kama Tarto
-ruuxii qadaris kaa mudan waa la qadariyaa

Ceebtaadoo Kun Ogtahay, Kow Lama Ogeysiiyo

Culimo Jilaal Joogta, Injir Lagama Qabto
- inaad wax hoo leedahuu moodin

Garow ii’daankiisu waa Gaajo

Geeridu Marbeey Nolosha Dhaantaa

Farsamo waa Faro ku Hayn

Bani'aadan Eedu kama Dhamaato

Fariin waa Qaan
-fariintu waa sida amaano laguu dhiibtay oo kale

Keligii Cune, Keligii buu Dhintaa
-ruuxaan dadkiisa wax la qaybsan markii tiisi timaado keligiis buu dhintaa

Labaatan Jir Intuu Geed ka Booduu Talo ka Boodaa

Qaani ma Qurunto
- qaanta bixinteeda waa lagugu leeyahay gooreey ahaataba

Libin Rag Kaaga Dambeeyo, Libin ma Aha

Masayrow Maskax ma Leh

Tol Yaraaday Tafo Naageed baa Laga Dayaa

Walaashaa Iskuma Hubtide, Seedigaa Haysku Ceebayn

Wax Aqoon Wax Looma Sheego

Wax la Dhalay iyo Dhulkabaa Dhaxal Loo Yahay

Wax la Qarshaa ama Qurme ama Qubte

Meeshaad Madaxeeda Tahay Manjaheeda Lama Noqdo

Miskiin, Misko la Fuulo ma Leh

Naag Nin Dhali Karaa Dhaqi Kara
-xilka culuse guurka waayo arragnimuu u baahanyahay

Nin Buka Boqol u Talisay

Ninkii Reerkiisa kaa Sooray waa Rag, Ninkii Reer Kale kaa Soorayna waa Rag ka Roone

Nimaan Tali Jirin haduu Taliyo, Nimaan Tagi Jirinaa Taga
-dadka dalkooda hogaankiisa u dhiibta ruuxaan hore wadaninimo iyo talo wanaagsan lagu baran, dadka iyo dalkaba burbur buu u horseedaa

Nin Habaaran ma Harsado

Ninna Maankiisa ma Saluugo
-nin walba qumanihiisaa qorta ugu jira

Nimaan Dantiisa Dhowrin, Mara Duuga Horteed buu Dhamaadaa

Ninba Bulshaduu Dhexgaluu, Dhaayaheeda Yeeshaa

Waa Lay Caayay Ceeb baa kaa Raacda
-Hooyaa kula talisay wiilkeeda inuusan Rag Hortii ku Caban, maadaama ninka calaacala loo arko nin daciifa

War Dhafoor buu ku Yaal
-wacdarooyinka kala duwan ee noloshaadu soo marto, wajigadaa laga dareemaa

Waxaan lagu Dhibtoon Lama Dheefsado

Saddex baa Rag ugu Liita:
ma Toshe, ma Tashade, ma Tashiishe

Waajib aad Gudatay waa Qaan kaa Hadhay
-wixii xaqa ama dayn ah qaan bay u dhigmaan

Hawo iyo Hoos Galbeed midna lama Gaaro

Cimri Tagay Ceeb Laguma Sagootiyo

af-Macaan, Gacan Macaan baa Dhaanta

Meel Hoo u Baahan Hadal wax kama Tar

Alle Lakala Baryi Og; Erayana Lakala Dhihi Og

Saddex kuuma Turaan:
Cadow, Nin Xun iyo Wedka

Arrad waa Dan, Usgag-xumase waa Doqonnimo

Hadaad Dhimaneyso Dhareerka waa Layska Duwaa

Hansi Gabdheed iyo Habaar Waalid Midna Kaama Haro
-Gabdhuhu waa Il kululyihiin, fara xumo aad u geeysato waa habaaroo kale

Haab Haabad waa Hagar La’aan
+ -qof wax haabtay tabar yaraa u geeysay

af-Jooga iyo Addimo Midna Looma Adeego

Far Buktaa Faro ka Dheer

Faras uu Reer Isaaq Nacay iyo Naag Reer Cabdille Nacay Midna Abdo Maleh

Fardo Laysku Haysto Layskuma Faansho

Gabadhi waa Meel Xun Joog

Aroos Laguma Raago, Lagamana Raago
-lamaanaha isku xiisa qaba waqtiga lagama dhumiyo oo booqashada waa la soo gaabiyaa

Ey Ninkii ka Qaylisiiya, Nacalad Eebaa ku Dhacda
-xoolaha daciifkaa waad ka tabar badantahay looma waxyeeleeyo, ilaa adna maalin baad tixirigu kaa tabar roonaandoonaaye

Talkaaga iyo Xaaskaaga Midna Looma Xog Weynaado

Tol ma u Talisay Mise Tuugtay

Tuhun Waa Sed

Waayeel ha Soocine Wax Aqoonta Sooca

Wadaanta Isha ka Xumaata Feylkey la Tagtaa

Walaalkaa Dhuux Tagoog baa Loogu subkadaa

Ilaahayow Saxiibkeey Iga Ilaali, Cadowgeyga Ana Iska Ilaaline
-cadowgaada waad ka digtoontahay, laakiin saaxiibka dulduleeladaada iyo meelahaad daciif ka tahay oo lagaa dhagri karo buu yaqaan

Sokeeye iyo Saaxiib Mar waa Sedkaa Marna Sababtaa

Beenu Raad ma Leh
-inta la eryo ama la raadraaco been baa ugu gaabisa

Iimaan waa Uur Muggii (waxay la mid tahay): Iimaanaa Uur Buuxsha

Ushaada Ninaad ka Qaada Karto ayaa loo Dhiibtaa

Reer Saddex baa Hoog u ah, Saddex hadeey gashana Hoog iyo Baas u sii ah:
Hogaan Xumo, -Odayga hadeey Gashana Hoog labaad dheh; Hawo iyo Hanyari Gaabani-Hordhiga hadeey Gashana Hoog labaad dheh; Hunguri Xumo –Habarta hadeey Gashana Hoog labaad dheh

Doqoni Xin Mooye Xisaab ma Oga

Doqoni waa Shil

Doqoni hadalkey dib u gocotaa

Duqsi Caano ku Dabaal Bartaa, Fuudse waa ku Gubtaa

Falaar Gilgisho Kaagama Hadho

Falaar Cirka loo Gamay Cid Kasteey Filo


USII GUDUB BOGGA LABAAD



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka