Hadeey Deg Degsiyo Door Dhalaan, Kadsiiyana Maxaad Moodaa

Haliba Wiilkeey Korisa Wadkeeda Leh

Hangaraarac Laguma Dhutiyo

Hilib Beer Laga doorto waa Weyd

Hubkaaga iyo Hoygaaga labadaba Midna laguma Hodmo

Raggu waa Afar:
Kan Geesiga ah waa NIN, Kan Ficilka Badan waa Labo NIN,
Kan Bakhaylka ah waa NIN barkii, Kann Fulaygana waa NIN u yaal

Bakayle intuu Buur ku Jiro ayuu Bur kale daydayaa
- barwaaqada Gu' Jiilaalka ku xiggaa wax loo hambaystaa

Barasho Rag waa Marka ay Barwaaqo Tagto
-markaad ladantahay qof walba wuu ku jecelyahay, xiliga dhibkase kuwa haraa saaxiibkaada runta ah

Huuno Huuno Hadal Maaha, Himbiriirsina Arag Maaha

Inantii Hooyadeed Hudhuudhka Tuntaa, iyana Hufkiga Badarka Barataa

Biyo Meel Godon bay iskugu soo aruuraan

Talo-xumo, Talo-wanaag baa lagu Bartaa
-qasaaro hal mareey fa'iido dhashaa: markaad qaladkaas darsi ka dhigatid oo aadan markale ku celin

Hadba sida loo Jabaa loo Dhutiyaa

Talo Xiin Roob uun baan ku Garan Lahaa
-talada fiican sida roobkay xawli kugu dhaaftaa

Tuug wax ka Tuhun Badan
-tuuga waxaa lagu gartaa tuhun, digtoonaan iyo taxadar dheeraada

Hal Xaraana, -Nirig Xalaala ma Dhasho

Xoolo Quureed waa la Qaataa, Suur Quureedse Lama Qaato
-xoolo yaroo lagu siiyay wey kuu barakoobi karaan, cunto yarse ceeb uunba kaa raacda

Xantaada Xiinkeedaa Maqashaa
-ruuxii waxgarada daldaloolkiisa wuu ogyahay

Dagaal waa Galin Dambe
-dagaal colaad hor leh ayuu abuuraa

Dabeecad Xumo, Dad kaa Saartay

Doqon Xargaha lagu Xiro, Xusulkeey ku Sidataa

Rag Asaraar iyo Abaal Dhac baa ugu Daran
-inkiraada iyo abaal dhaca ayaa ragga ugu liita

Rag waxaad Walaal uga Weydaa, Waran ugama Heshid
-wax xoog lagu kala qaatay, xaaraan wax ma dhaamaan

Rugtaada iyo Runtaadaba Dadka looma Sheego
-sirta reerkaada dibada laguma dhaqo

Saqiir Naageed Sir La’aan ma Dhinto
-gabdhuhu wiilasha hadalka iyo sida loo noolaado way ka hor bartaan, si ay ilmahooda dunida ugu barbaariyaan ayaa ilaaheey kartidaas u siiyay

Sidaan Kuugu Lisay, iiguma aadan Hanbayn
-ruuxaan abaalki laga sugayay gudan

Finka caloosha ku yaal carrabkaa dila
- Soomaalidii hore colaada geed hostiis bay ku xalin jireen, maantase qowlaysatada xukunka dafay, gaalada kuwooda xag-jirka ah iyo Carabta kuwooda xag-jirka ah ayeey hub iyo ciidan Soomaalida lagu laayo ka raadsadaan

Waxaan Calaf Ahayn Lama Cuno, Waxaan Hed Ahayna Looma Dhinto

Xog Mooge Xaajo waa Dilaa

Xoolo Lama Cunee Dadkaadaa la Cunaa

Xoorkii Laga Dhamay Xagaagii iyo Xusuus baa Geel Lagu Xer Geeyaa

Xornimo Adaa ku Noole Iyadu Kuguma Noola

Shir Looma Wada Uunsiyo

Shan Nin Shido Qayb Leh Hal Shanshaa ka Baxda, Shan Nin Shido la Qayb Lahayn Shan Shanshaa ka Baxda

Ninba Kaskiisu Kor Tagaa

Nin Weyn Wadkiisa wuu Yaqaan

Soortaan ka Dhargi Doono Saansaankeedaa ka Gartaa

Shir Naagood oo Shan Dhaafay, waa Shar
-meel dumar soo dhoobtay xan lagama waayo

Dhulaan Dhulkaada Ahayn, Dareen ku Joog Waaye
-qorbe waa xabis la weyneeyay

Dhadhan Biyo, Meel Oon Leh baa lagu Bartaa

Dhib waxaan loo Marin, Dhayal Looma Helo

Dhaliil waa Ninkii Leh
-dhaliil iyo ninkeedu ismahuraan

Dad iyo Duurba waxaadan Filayn baa kaaga soo Baxa

Dhib, Dheef baa ka Dambaysa, Abaarna Aaran

Caano Yar iyo Ciidan Yarba markii la Waayaa la Tabaa
-markaad ladantahay wax yaroo macna lahayn ayaa kolkaad faqrido kula weynaada

Saddex baa Dunida laga Wareystaa:
Uur-ku-Ciroole, Adin-ku-Ciroole iyo Oogo-ku-Ciroole

Canaani Reer ma Dhaqdo
-muranka badan reer kuma dhismo

Waxaan Kashkaaga Galin Korkaaga yay Dhaamin

Xabaalo Waalidkaa Xoola Laga Dhexlaa

Xarago Dumar Xanuun ma Leh

Biyo Sare Tagay Waa la Sugaa

Biyo Sacabadaadaa Lagaga Dhergaa

Caano Baqay Hadaad Aragto Waa Bi'iso Naageed

Cadowgaada Looma Taahee Tun ku Adkeey

Ceelka Nin waa Qodaa; Boqolna waa ka Cabtaa
-samafalka ajar iyo xasanaad badan ayuu leeyahay

Runi Rag Kama Nixiso

Rag Wuxuu Kugu Bartuu Kugu Dilaa

Raad Arooryo Dib Looma Raaco

Qofaan Waxa Soo Socda Ogeyn Waxa Jooga ma Oga

Culimo Dad u Eki bay Kugu Dishaa, Abeesana Dhul u Eki bay Kugu Dsihaa
-culimadu ilaah ka cabsi ayeey ku noolyihiin, ruuxii intaasu dhibtana asaa dhiban

Doofaarka Ficil La'aan baa Lagu Cadaabaa

Doqoni Calaf ma Leh

Doqoni Cad Ciid Loogu Riday Caay bay Moodaa

Gartaada Intaadan Geedka Tagin baa la Noqsadaa
-ruuxa caqliga leh gar uusan helayn gogosha lama yimaado

Rag Saddex baa Ugu Liita:
Nin Maqan oo la Tabin, Nin Jooga oo aan la Tirin iyo Nin Tagayoo la Celin

Goor Xun Socdaa, Goor san Taga
-ruuxii isbara inuu aroortii kalaha, baa danahiisa gaara

Fulay Hooyadii ma Gablanto

Farta iyo Meesha Bugtaa is-og

Saddex Lalama Dego:
Fulay Daandaansi Yaqaan, Doqon Fiiro Taqaan iyo Bakhayl Damac Badan

Qaraabo ama Isxanaaneeysay ama Xabaalo Qodeeysay

Kolba Sidaa u Jabtaa loo Dhutiyaa

Kol kii Idaga Allaha Dago, Kol Labaad hadduu Idagana Anaa is Dagay

Labada la Isla Gartaa, Guurku u Hagaagaa
-guurka waalidka raali ka yahay badanaa waa toosaa

Lax Dhukan Abaar Moog

Madax Wadkiis waa Carab
-intaanan carabkaadu ku lagdin baa la lagdaa

Bartii Yaqaan Bar Xoolo uma Khordhaan

Markaad Kaliil Aragtid, Roob Filo
-Qof walboo aad la kulanto noloshaada, daqiidaha hore xariirkiinu bilowda ama dhamaadaa

Mukulaal Minikeeda Joogta Miciyo Libaax bay Leedahay

Meel Hoo u Baahan HadaL Wax Kama Taro

Naag La’aan, waa Naf La’aan
-maadaama nimanka wax dumarka dhib ku ah ilaaheey u fudedeeyay, dumarkana wax nimanka dhib ku ah ilaaheey u fudeeyay, qoysku nolasha ruuxay kaamishaa

Haani Gunteey ka Tolan Taa

Hadal Intaadan Oran buu Amaan Yahay

Hadal Yar iyo Howl Badan baa Guul lagu Gaaraa

Hadal iyo Hablaba Duco La'aan bay Tarmaan

Hadeey Curadii Durdurisay Aaran Maxaad Moodaa

Nimaad Dhashay Kuma Dhalin
-waxaa la yiri gabadhu markay dhashaa dhibka hooyadeed ka soo martay ogaataa

Nin Fiiro Gaaban, Ficiis ma Gaaro

Nin Habari Dhashay Hal ma Seegi Waayo
-qofku si kastoo ha u nasiib iyo caqli badnaadaba, maalin uun wax gaffi

Balan Habeenimo kalah arooryuu leeyahay
-fakarkaad ku seexataa maskaxdu habeenkii qorfeysaa, aroortiina xalkeeda ku dhaqaaqdaa

Ninaan kuu Furi Doonin Yuusan kuu Rarin

Naago Abaal ha u galin, Amaahse ha u Diidin
-habluhu amaantaada way buunbuuniyan gudida abaalkase way ku gaabiyaan

Nin Weyn Wedkiisa waa Yaqaan

Nin Dal Waayay, Duunyo Waa

Wax Rag kaa Galay, Rake kaa Gale
-adduunka amaahdaa ugu tabar yar. Ninka isagoo boqol jeer kuu dhaartay, laga yaabaa intuusan waxaad daymisay gurigiiisa la tagin ku hilmaamo, macnaha, wixii maskaxdiisa gubayaa ka fujiday, markay maskaxdiisu qabowdana waa qasab inuu ku hilmaamo

Biyo kaa Badan iyo Dad kaa Badanba way ku Hafiyaan

Wixii Uurka kaaga Jira Afkaa kaa Xada

Hadaan la Kala Roonaan Roob ma Da’o

Wax-laawe Wax Looma Dhiibto, Wax Ma-Kasena Wax Looma Sheegto

Hurdo Habar Kori Weyday Ma Aneey Hilib Igalin

Hooyo Doqon Ihi, Habaryar bay Dhaantaa

Af Wax Cunay Xishoo

Afkaaga iyo Adinkaagaba waa la Dhowrtaa
-qofka wax dhiba wuu hilmaamaa, qofka wax loo dhibese ma hilmaamo

Adeege ma Cabsadee Adeegsadaa Cabsada
-ninka fariinta wada ma baqo, ee ka fariinta fartaa baqa

Af Caytamay Ninkiisi buu ku Yaalaa
-ninki isagoo la caayin caytama, isagaa caayan

Erayga Hufan baa Irid Kasta Fura

Ilayn Naagu kula Tol Ma Aha
-waxaa la yiri habluhu reekeey u dhexaan bay ku talo iyo tol yihiin

Ilko (ama Gacmo) Wadajir bay wax ku Gooyaan

Is-qadaris Qoys kuma Dagaalo
-is ixtiraamka, is-qadarinta iyo is-xaqdhowrka ayaa qoysku ku dhismaa

Ilmo Shabeel Lama Qaado
-gacantaada layskuma dilo

Xaaraan Xiiro ma Buuxiso

Labo Labo Laguma Reebo:
Gar Hagar La’aan Laguma Reebo, Faqrina Faqri Laguma Reebo
-ruuxii waxa yaroo uu heysto kuu ogol, hadaadan u dhimaneyn lagama qaato

Waxyeelo Rag waxaa ugu Xun:
Asaraar ka-Dhac iyo Abaal ka-Dhac

Saddex Saddex baa lagu Kabaa: Aqal Xun: ardaabaa lagu Kabaa, Aduun Yar: iimaanaa lagu Kabaa, Aqoon Yarna: aamus baa lagu Kabaa

Geeri Nimaadan Aqoon iyo Geel Jire ku Roontahay

God Hamdimo ha Qodin Hadaad Qodana ha Dheerayn ku Dhici doontida Moogide

Gurbaan Garabkaada hakuugu Jiro ama Gacalkaa Hakuu Hayo

Guur Marka Hore waa Sino Dhuuban yahay, Marka Dambana waa Sino Balaaran Yahay


USII GUDUB BOGGA SADDEXAAD



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka