Labo Isma Raacdo: Bidaar iyo Timo iyo Baryo iyo Ad-Adayg

Naagu Nimaan Madaxooda Mijo u Rogin Nin ma Moodaan

Naago waa u Samir ama ka Samir

Naaguhu Hoosiis bay Hadh Moodaan

Nin ku Necebi Xantaa Og, Nin ku Jecelna Xogtaa Og

Xaqaan Xoog Wadan, ma soo Xiro Galo
-raggi idaa! kuguma daayo; aan isdeyno se wuu kugu daayaa

Caro Walaal waa lala Bariyaa; Caro Waalidse lalama Bariyo!
-carada walaal, qaraabo, ama saaxiib bari baad xali karta, laakiin carada waalidkaa isla habeenkii baa la xaliyaa

Deyro Hore, Deeq Kama Dhacdo!
-waxba kuuma hayo balan qaadyo maran way dhaantaa, laga yaabaa qofkii inaadan waqtigiisa qaaliga aadan ka dhumi laheyn oo dantiisi, mar hore meel kale uu ka daydaya lahaa

Baraare aan Bahdaa kula Qabin, waa bar Kuma Taal

Dhagax Meel Dhow buu ku Dhacaa Hadalna Meel Dheer

Dix Dhaaxood Dhagax ka Waa Hayeeysana Hangool ka Waa

Dantaada Darin Karkarin Waa Loogu Seexdaa

Xiiso iyo Xoorba waa Guraan
Baroorto Orgiga ka Weyn
-markii la rabo in xumaato ama dhagar dad lagu sameeynayo, oo -ciddii sameeysay iyo sababta loo sameeyay la qariyo, -buuq iyo jahawareeris baa la sameeyaa, si dadka looga sii jeedayo khiyaamada lagu hayo; Soomaalida maanta waxaa lagu sii jeediyay Shabaab, Amisom, Igad madaxw. Xasan Sh. gobol sameyn shabeele-hiiran, 4.5, Puntland, QM -UNDP iwm., si dalkooda iyo kheyraadkiisa loo dhaco

God Walaalkaa ha Qodin, ku Dhici Doontidaa Maad Ogide

Nin Fadhigaaga Arkaya, Looma Sare Joogsado
-ruux shartaada doonayo looma habacsanaado

Tabar Nin Lahaa Talo la Weydiiyaa?

Turunturooy Awalba Horaan u Socday
-nin taraanturoodaa ku cudurdaartay in awalba uu hore u socday

Dagaal Guri Dumay iyo Geeri unbaa laga Dhaxlaa

Bartii Yaqaan, Bar Xoolo uma Khordhaan

Dowrsato Dariiqeey ku Collowda
-labo maskiin oo is bar-bar fadhida, midba marka mid wax la siinayo ayuu eegaa

Doqon Usha Agteeda ku Dhufo, Hadeey Garanweydana ku Dhufo

Rag waa Barasho, Geelna waa Rarasho

Dhagar Qabe, Dhulkaa u Dhaqdhaqaaqa

Rag Naagaa Isdhaafshay
-ninka naag hufan qaba, ragga hal tilabuu ka horeeyaa

Runi Rag kama wada Qosliso

Sida aad Rabtid hadaad Weydo, sidaad ka Badin Weydaa la Yeelaa

Soomaalidu Been Kuma ma Maahmaahdo Beense waa Sheegtaa

Dhagax Taabasho iyo Tuujis waa Iskugu Mid
-qofka xaasidka ahi, qalbi-jileec wax kuma bixiyo

Gudineey Hadaan daabkeey kugu Jirin ima Goyseen

Canaan La’aan Caruur ma Korto

Carraabo Fadhi baa Quusiyay
-caraabo xir-xirasho baa ka horeeysay

Carabkaada ka Adkaaw Intuusan kaa Adkaan

Saddex Xaaskaagaa kugu Naca:
Hanti La’aan, Hambo La’aan iyo Himilo La’aan

Soomaalida Maanta Cidna uma Maqna, Ceelna uma Qodna

Gari Laba Nin kama wada Qosliso

Gardaro Garab Og iyo Gaajo Guri Maran Og Labadaba Lagama Kaco
-Kiinya Soomaaliya ma soo Haweysateen hadaan Mareykan soo hubeeyeen,
-NFD-na Soomaaliya kama Goosateen hadaan Ingiriis garab siiyeen

Belaayo Inteey Adiga kaa Maqantahay Qayrkaa ku Maqantahay

Nin Soori kaa Qaaday waa Nin Seefi kaa Qaaday

Nin Sigtay ma Noola

Nin Shir ka Dudey Siigo (Bus) Yaraa

Nin Qoyan Biyo Ikama Dhowro

Naakiro Intey ku Nabto ayay Nebi Kaaga Hormartaa

Naago Nimay Yaqaaniin Col ma Moodaan

Misbax Mininkaada ka Mugdi ah, Minin Kale Laguma Nuuriyo

Libaax Nimaan Aqoon baa Lax ka Rita

Faan Lagugu Tubay, Tuur buu kuu Yeelaa
-haddii faan wax toosinayo nacas hooyo ma dhasheen

Xoolahaaada ha Bixin, hadaad Bixisina ha ka Shalaayin

Qaybshaa ama Qad ama Qoore Weynaa
-dadka wax qaybsha marna way qadaan marna wax badanaa u soo hara

Laf Jabtay Sideedi ma Noqoto

Lixdan Jir Laguma Helo Qiimigaa Labo Jir ka Weyday

Maalintii intii Ishaadu Gaadhaa la Hadlaa Habeenkiina inta Gacantaadu Gaadho

Madax Muuqda iyo Midi Sawira Midna Lagama Samro

Maroodi Takar Saaran ma Ar Qufac iyo Qosol ma Qarsoomaan

Kuu Sheekeeye, kaa Sheekeeye, Lama Sheekeeysto
-ruux xanta badan maalin unbuu adna kaa sheekeeyn

Kibir Rag iyo Koriimo Naagoodba waa lagu Jabaa

Labo Colowday Caano Isma Siiyaan

Maqal Sheeg waa Ceeb Sheeg
-wax kastoo dhagaahdu maqlaan lama sheego qof unbaa dhibsan

Gudiney ima Goyseen hadaanan Qeyb Iga Mida Kugu Jirteen

Naftii Gabe, Nolol Kale ma Kalkaalo

Dumarka la guursado waa Saddex:
DAHABO -Gabadha Ugubtaa oo aan Lagaaga Horeyn,
CARMALAADA SUUBAN -naag maal leh
iyo ABEESO -Hooyada Ubadka leh

Nin aan Isu Baqin waa loo Baqaa

Nin af-Leh ayaa Abaar ka Baxa
-ilmaha aamusaba hooyadu way hilmaantaa

Cadku ku Ceeji Xil iyo Geeriba ku Dil

Cid Wax ku Siisa wax badan baad Aragtaa Cid Kula Talisase Wax Yar

Cidlo Ciirsi ma Leh

Ciirtaa Dhamaa Caydaada Yaqaana

Ciyi Waa ka Beryay

Nin Doqon wax Taray, waa Nin Dambas Haraatiyay

Nin kaa Dood Badani, Dhaxalka Aabahaana waa ku Dhaafsiiyaa
-ruuxa kaa codkarsan xaqaada waa ku dhaafsiiyaa

Naago Nimay Lagdaan, Kama Kacaan

Nin kuu Digay Kuma Dilin

Nin Weyn Tag Lama Yiraahdo, wuxuu ku Tagaa la Tusaa

Wax Walaal loo Diiday, Wad unbaa Leh

Biyo kaa Badan iyo Dad kaa Badanba way ku Hafiyaan

Waxaad Naftaada la Jeceshahay Walaalkaana la Jeclow

Calafkaada Nin ku Rabaa Haya

Calool Adag Waa Alle Wehelkiis

Ceel Dad Liqi Ulbaa Lagu Dayaa

Hadal Badane, Danbaa Dhaafta
-hadalka badan dantaadu ku dhaafiya, hadali gunti nuxur ku leeyahay

Nin la Dhacay ama Duul ama Caytan ama Habaartan

Nin Kuu Digay Kuma Dilin

Nin Duulay Dantii kaa Og

Nin Dubaan Tumay Ilaaq Dalbay

Naaso Kor u Jeeda Nin Arkaa Kuwa Hoos u Jeeda ma Arko

-Ninkii Caruur Korsaday waa Kii Arka Naasaha Xaaskiisoo Dabcay

Hadii Hamigaado kuu Been Sheegto, Taagtaadaa kuu Run Sheegta

Ama Tallo Keen ama Tallo Raac

Awrba Awrka ka Horeeyuu Saantiisa Leeyahay

Af-xumo nabadna waa kaa Kaxaysaa, Colaadna wax Kama Tarto

Ammaano kugu Raagtay, Inaad Leedahaad Is-moodaa

Af Been u Bartay waa u Boholi Yoobaa

Ama Cayrow ama Ceebow
-nin cayra waxbuu diiday laguma caayo, ilaa wuxuu diido lagu caayo ma haystee

Ninkii Noolow Walee, Maxaa Aragti kuu Laaban

Ishiis laga Arkaa, Ushiis lagu Dilaa
-ruux walba siduu isku qiimeeyaa loo qadariyaa

Intii Calooshu ku Buki Lahayd, Cagtu ha ku Bukto
-wixii aad tabaneyso waa la goobaa

Labo ma Dhargaan:
Cilmi-doon iyo Hanti-doon

Ilaaheey Seddex Isma Raacsho:
Qurux, Geesinimo iyo Ragganimo

Saddex Dadkaa kugu Naca:
Baryo Badan, Been Badan iyo Bukto Badan

kee Tan Kaloo Arkaa

Martida Marka Hore Reerkaa ka Naxa, Marka Dambana iyada kala Naxda

Naag Godan u Dhalatay ama Gaajo la Godneed ama Cudur

Naagaha iyo Caruurtaba Sasab baa Lagu Hayaa

Naagi Naag Lala Qabo waa u Col

Naag iyo Ri'yaba Diifta ayay Isku Eryadaan

Naagaha Jil-Jileec iyo Naxariis Midna wax Kuma Laha


USII GUDUB BOGGA AFARAAD



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka