Nin la Sugayo Adna Yaad Sugin

Nin Soor Qaaday waa Nin Seefi Qaaday

Ninkii Uurka Dabana Ilaah baa Arka, Ninkii Isha Dabana Aadmigaa Arka

Nina Caadadiisa ma Daayo Bahalna Ciiriin ma Daayo

Guurku waa God Mugdiya oo Gacan la Galiyay
- guurka waara waa marka lamaanayaashu garowsadaan in sida kaliya ee aad qof kaa duwan ula noolaan kartid tahay la noolaashada dhaqan aadan lahayn

Reer Saddex baa Hoog u ah
Saddex hadeey gashana Hoog iyo Baas u sii ah:
Hogaan Xumo, -Odayga hadeey Gashana Hoog labaad dheh
Hawo iyo Hanyari, -Hordhiga hadeey Gashana Hoog labaad dheh
Hunguri Xumo –Habarta hadeey Gashana Hoog labaad dheh

Bartii Yaqaan Bar Xoolo uma Khordhaan

Bahal Cayriin ma Daayo, Ninna Caadadii ma Daayo

Baadi Lo’aad Biyaa loo Fadhiistaa
-lo' ceel xili dheer kama maqnaato

Talo Xumo Tog bay ka Ridaa

Saddex waa laga Tagaa:
Taliye Eexday, Tigaad Oomane iyo Taabid Caasi Garoobay

Talo Kasta Yeel, Talaabo La’aan bay ku Dhigtaa

Timir Laf baa ku Jirta
-wixii aad loo faaniyo meel uun bay la’yihiin

Tuugo kula Taala Tabtaada ma Weydo

Soomaalidu Been kuma Maahmaahdo Beense waa Sheegtaa

Jinni Ninkii Keenaa Bixiya

Xaasid, Xan Looma Sheegto

Khayr wax Kaama Dhibee, Shar u Toog Hay

Tixsi Biyo ku Dabaal Bartay, Fuud buu ku Gubtaa

Dahab Qof Walba Lalama Doonto
-hadaad qof walba dahab siidid, qaar unbaa ku eedeyn

Deyntii Gacantu Bixiso, Lugtaadeey ka go'antahay

Doqoni 12 Indhood bay Leedahay:
Hal ill Shisheeyaha ku Argataa, 11 Indhana walaalkeed bay ku Aragtaa

Rag waxaa ugu Liita ma Toshe, ma Tashade iyo ma Tashiishe

Rag Barashadi waa Jid la Mar, Jidiin-wax la cuno ama Jabad la deg

Hubsiino Hal baa la Siistaa

Run iyo Been kala Raad la’
-runta iyo beentu isku dariiq ma wada maraan ee waa iska dhuuntaan

Samraa baa Sed Weyn Hela

Sir Naageed Lagama Sal Gaaro

Shar Yareysi Maleh
-dhimbili kayn bay gubtaa

Dhar aadan Lahayn, Dhaxan kaama Celsho

Dhaqan Lama Doorsho

Dhoofaa kaa Dhimay
-ilaah unba og qof dhoofay inuu nolol ku soo laaban doono

Cayaar La’aan, Caqligu waa Cabuuqaa

Calool Dheregsan, Calool Baahan kama Naxdo
-ruuxa ladan ee garashada yar ma dareemo gaajada ruux faqiira haysa

Caruur Ciridkaaada Lama Tuso

Cimri Tagay Ceeb Laguma Sagootiyo

Ninkii Balaayadaada Raba Bowdkaadu Qori ka Jabshaa

Ninkii Dhimanaaya Dheg baa Dheer

Ninkii Geed Fuulay Isagaa ka soo Degi

Ninkii Tiisa Daryeelaa Tu Kale Daryeela

Garowshinimo waa Geel Siin
-qofkii loo gafay, haddii garowsho loogu soo hoydo wuu yeelaa

Gadaal ka Gaar, waa Goob Dumis

Saddex Dibay kuu Dhigaan:
Sirow la Saaxiib, Sabool Gabadh Guurso iyo Sabad Ceel Deg

Fadhi iyo Fuud Yicib Laysku Waa
-yicibtu meel jiq ciririya ah bay ka baxdaa, gurashadeedana dhibaa loo maraa. Waxaada ku dhibtoona lama dheefsado

Faqri baa Duco ku Bara
-markaad baahantahay qofki wax yar ku siiyaba waad u duceysaa: allow kheyr ku sii!!!

Qof Biyo Qaadeen, Xumbo Cuskay

Qosol Badan, waa Qoonsimaad

Kal Caano Galeen, Kas ma Galo
-ninka caqliga yar oo dheregsan, kan gaajoon ma arko

Labo Miro Isla Guratay ma Heshiiyaan
-labada dukaanoo is Barbar Yaal, tuhun tartan ah kama dhamaado

Dantaada Maqaar Eeyna Waa Loogu Seexdaa

Dantu Ceeb ma Leh Dadka Umbaa Isku Naca

Deero Waa Dal Madays

Deriskaaga Dagaalkaaga Rabaa Doraadaada Cesho ku Yiraahda

Markaan Tabar Hayana Talo Mahayn; Maantoo Talo Hayana Tabar ma Hayo

Meel Saantaadu ku badantahay, Suuradaadaa ku Lunta
-meeshii saantaadu ku badantahay ha ismoodin in ceebtaadu ka qarsoontahay

Miro Geed ku Jira, Miro Faraq ku Jira Looma Daadsho

Saddex Tol la’aan baa Leh:
Nin Hurdaan la Kicin, Nin Hadlaa la Maqlin, Nin Haraan la Sugin

Baqal (dameer-farow) Fardo la Miratay Barkeed Ismood
-dhaqanka shisheeyaho qaadato sokeeyo laguma noqdo

Nimaad Jeceshahay, Eediisana Jeclow
-ruuxaad jeceshahay, dhibaatada waa lala qaybsadaa

Nin Ani Yiri, Dad Iska Sooc
-ruuxa 'anigaa' badsada waa qof si wax ka yihiin ama waa qof isla-qabweyn ah

Nin Guursaday, Xuunsho Xoolo Mood

Libaax Lab God Lagama Kiciyo

Hawiye Ceeb Kama Baqo, Caydh buu ka Baqaa

Dan iyo Xarrago Isweyday

Dameeri Dhaan Raacday

Dameeraha Tan Ugu Xun baa Ugu Haraati Kulul

Dadqal Looma Garguurto

Caruur Kor Cabsooda bay Leedahay Kal Cabsoota Maleh

Caano Baqay Hadaad Aragto waa Bi'iso Naagood

Nin waa Madax ku Ciroole, Nina waa Maan ku Ciroole
-ruuxna da’ kaliya u korodha ruuxna caqligaa u kordha

Nin aad Waxar ka Doonaysid, Weyl baa la Weydiistaa
-gorgortanku waa dhaqanka Soomaalida

Dabkii Baxaya Dab baa Lagu Qabsadaa

Dacas Kaa Weyn Dhiiqaduu Kugu Fajiyaa

Dad Laqe Looma Garguurto

Dagaal Wiil Kuma Dhashee Wiil baa Ku Dhinta

Dal Aqoon La'aan Waa la Habaabaa, Dad Aqoon La'aana Waa la Qadaa

Abuurku Intuusan Kugu Tufin baa Lagu Tufaa

Abuur iyo Waano Abuur baa Horaysay

Alla Aamin ma IIsho

Nin Geeliisi la Dhacay, Ayaan Darnow Mooye! Orad Daranow lama Yiraahdo
- ilaa asagaa hurdinoo bidhaan kasta geeli moode

Hadaan Sacabka Xeeli ku Jirin Habeenki Maxaa loo Tumaa

Hadal Nin Si u Yiri Nina Si u Qaaday

Hadal waa Margi Hadba Meel u Jiidma

Ceeb ma Adkee Wax ka Adag baa Helay

Dhado Roob Noqon weysay

Dantaada iyo Madaxaada Midna Lagam Boodo

Nabsi Bil ha Jiro, Boqolse ha Jiro -Isha Baalkeeda ka Dhow
-dhibaatada nabsigu keenu waqtiga isdaba jooga kaagama harto

Walaalo Isnacay, way Xoolo Yaraadaan, wayna Xabaalo Bataan

War La’aan baa Col Hoday

Talo Adigaa ku Noole, Iyadu Kuguma Noola

Labo waa ku Hor Urodaa:
Hawo iyo Hunguri ; Labana waa Hareer Urodaa: Nasiib iyo Nasiib-daro;
Labo waa ku Daba Uradaa: Gabow iyo Geeri

Waxaad ka Naxdaa kaa Naxa

Calaacal waa Rag Ceebtii
-Hooyaa kula talisay wiilkeeda inuusan Rag Hortii ku Caban, hooyadu waxay ogeed in ninka ragga hortiisa ku dhex calaacala loo arko nin liita

Hadal af-Dhaafay Afaaf Dhaaf

Hadalka Dhabtaa Kaftan baa Keena
-qofka markaad tirha maxaad I tiri sidaas? wuxuu ku marmarsiyoodaa, war waan kula kaftamayay

Habar Fadhida Lagdan la Fudud

Nin Xil Qaaday, Eed Qaad

Arrin Nin Galay, Eed Gal

Ayax Tag, Eelna Reeb

af-xumo Raggu waa ku Kala Tagaa

Anaa ku Sida, I Dhig baa kaaga Filan
-qofka abaal sheegashada badan wuxuu kuugu abaal sheganayaa loo daayaa

Ey Iscuneysa, Waraabe Iskama Celiso
-ummaddaan garab isisiin, cadowgoodaa ka faa'iideysta

Iijiid, aan kaa Jiidee, waa Gacmo Daalis

Intay Dhogortaadu Dhaantaa la Dhowrsadaa

Ul Dameer ku Dhacda, Aakhireey ku Sugataa
-xoolaha ilaaheey xoog iyo caqli uma weyn ee bani'aadankaa ha ku caqliyeeysteen la leeyahay

Guurku waa God Mugdiya oo Gacan la Galiyay
- ruux daraadaa loo sameeyay ma jiro, guurka waara waa marka qoysku u dulqaato in ruuxa kale leeyahay naf tiisa ka duwan

Illi Ayaan Badanaa, Agteedana Ayaan Daranaa
- ishu way nasiib badan tahay, waxaa agteeda ku dhaca shilal fara badan oo mar walba iyada ilaaheey ka samatabixiyo

Nin waa Inta Naago ka Hadha

Nin wax Yaqaana Daaqsin Geela baa Wax Loo Mariyaa, Nimaan Wax Aqoona Qaanso Qurqurkeed

Ninba Gurigii Gaado ku Leh

Ninkaad Adhi ka Doonaysid, Geel baa la Waydiistaa


USII GUDUB BOGGA SHANAAD



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka