Saddex Markaan Bartaa ka Gaboobay: Dab Olalintiis, Caruur Aamunsinteed iyo Awr Caraabintiis

Saddex Welwelkey Kugu Kordhiyaan: Faraska Xun, Naagta Xun iyo Hoyga Xun; Hadana Saddexdaasaa kaa Bi'iya

Soori waa in Xil Lagaga Tago ama in Xarrago Lagaga Tago

Tabcade ma Tuugasado

Balan Gal, waa Eed Gal

Been waa lagu Cabbaa, lagumase Rakaato

Talo Adaa ku Nool, Iyadu Kuguma Noola

Nin Baahi Qaba Faqa Lagama Qarsado
-ruuxa dhiban kolka agtiisa lagu hadlayo wuxuu ismoodaa in isaga laga faqayo

Hubsiino Hal baa la Siistaa

Tol Xeer Lihi, Caydh ma Leh

Jiilaal waa Ninkii Haye
-jiilaalku ninkii saboolaa dareema

Dameeri Isku Halayn bay Hoyadeed Dabada Uga Nuugtaa

Dameerleey Dad la Xeer Maaha

Dan Layskuma Noco

Dantaada Darin Karkarin Waa Loogu Seexdaa

Xiiso iyo Xoorba waa Guraan
-xiisaha waxa cusub iyo xumbada caanaha dhaqsiyey ku baaba’aan

Dawaco Meesheey Macal ugu Baratey Macaluul ugu Bakhtidaa

Banaaaankiis Mare Maradiisa Geed ma Qabsado

Barasho Horteed ha Inicin

Baryo iyo Isduluuc Layskuma Daro

Soomaalidu Way Baqdaa Laakiin ma Xishooto
-1967 Anagoo Kubad ku Ciyaarayna Dhagaxtuur Golihii Leegada Horteeda baa Adan Cadde oo Labo Maalin ka Hor Xukunki Madaxweynaha ka Degtay Isagoo Baankoor iyo Hoos Gunti Shaati Wata Nasoo Dhex Maray. Cunuga Kubada Fiirsanayaa Yidhi Bal Arka Aden Cade Shalay Madaxw. ahaa Maantana Meeshu Marayo Arka. Askar dhar cada Aden Gadaashiisa Socdaa Cunugi oo sidi Dabaysha u Haaday Cabsi Awgeed wuu Gaari Waayay.

Bowdo Rag Maalinba Midbaa Qaawan

Been Fakatay Runi ma Gaadho

Bil Saddex Reerkaaga Way kaa Kaxaysaa, Reer Kalana Kuma Gaydo

Bilaysani Bir ka Adag

Dabaan Kulaylkiisa la Arag, Dambaskiisa Lagama Leexdo

Saddex Saddex baa lagu Kabaa:
Aqal Xun: ardaabaa lagu Kabaa, Aduun Yar: iimaanaa lagu Kabaa,
Aqoon Yarna: aamus baa lagu Kabaa

Balan Habeenimo, kalah arooryuu leeyahay
-fakirka ugu dambeeya oo aad ku seexataa ku soo toostaa

Dantii Nimaan Aqoon, Maro Duuga Horteed buu Dhamaadaa

Tixiriguba Dantiisuu Qurunka ug Jiraa

Rag is Galay, kala Galad La’

Rag Maankii waa Labo Mudac Afki

Rag aan Madax Lahayn iyo Reer aan Gaadiid Lahayn Midna ma Reeyo

Rag Gogol Xun iyo Waraabe God Xunba Gu’gooda ma Gaaraan

Samo Fale, Sadkii ma Lumo
-wixi sadaqo ama axsaan aad falato goor unbaa dhowr jibaarkeed helin

af-la dooxay waa lagu daawoobaa, uur la dooxayse waa loo dhintaa

Saaxiibkaa Mar waa kuu Sahan, Marna waa Sahay, Marna waa kuu Sabab

Talo-qabeen waa Maal-qabeen

Sac Weyshii uma Hambeeyo

Shido la’aan waa Naruuriyo Nasteexo
-walbahaarka iyo cabsida badan cuduro badan, dhimasho cimri deg deg baa laga dhexlaa

Taladaan la Ruugin waa lagu Rafaadaa

Dheri iyo Naagiba Yaraan ma Leh
-digsi yar nin waa deeqaa, naagna yarna xilkeeda way gudan kartaa

Dhalasho, Barbaarin baa ka Horaysa

Dhul iyo Wax la Dhalay baa Marti loo Yahay

Caano Fiiqsi loo Dhamo iyo Hadalaan Fiiro loo Oran Labaduba Feerahadeey waxyeelaan
-wixi markii la falayo aan laga fiirsan waa laga shalaayaa

Cagtii Joogsan Weyda, Kolbeey Ceeb la Kulantaa

Xaqaan Xoog Wadani ma soo Xiro Galo
-raggi idaa kuguma daayo, aan isdeyno se wuu kugu daayaa

Cayri Caymo ma Diido

Col iyo Dhaanba Halka laga Eegayo Ayeey ka Yimaadaan

Kas Dumar oo Kadaloob Kaaga Dambeeyay Kaad ku Ogeyd Maaha
-gabaru kun nina koodisay kowna kala baxday

Gacantii Qaad Qaad Barata, Gumaadkaa Cuncuna

Bartii Yaqaan, Bar Xoolo uma Khordhaan

Gacmo Wadajir bay Wax ku Gooyaan

Qunyar Socde Qodax ma Muddo

Labo Labooshe Liibaan ma Gaaro
-ruuxi taladiisa aan soo koobi Karin ma Liibaano

Laab Meel Dhacday Lama Loodiyo
-ruuxii qawl iyo go’aan adag leh, hadafkiisa wuu gaaraa

Marti iyo Meydba waa loo Taliyaa

Maalin Colaadeed Labo Lalama Tashado:
Fulay iyo Geesi
-labaduba dareenkoodaa hogaamiya

Misbaax Mininkaada u Baahan, Minin Dadow Lama Geeyo

Ama Afeef Hore Lahow ama Adkaysi Dambe Lahow

Naag Been waa lagu soo Xero Geliyaa, Runna waa lagu Dhaqaa

Nimaan Dhul Marin, Dhaayo ma Leh

Saddex baa Boqornimo kaa Qaada:
Gar Weecsan, Gacan Gudhan iyo Guddoon Jilacsan

Qosol Quunsimaad Noqay

Qurux waa Ishaada, Qiimana waa Aayahaad

Rag La'aan Waxba Kuma Yeelee, Rag Xumaa ku Disha

Rag Walaalo Wuxuu ku Dhaamo la Waa

Belo Markay Adiga Kaa Maqantahay Gayrkaa bay ku Maqantahay

Been Fakatay Runi ma Gaadho

Bowdo Rag Maalinba Midbaa Qaawan

Barasho Horteed ha Inicin

Balaayo Madax la Qabto bay Leedahay Minjo la Qabto ma Leh

Arrin Xumo Abaar ka Daran

Amaano Dhulkaa Diiday Cirkaa Diiday oo Aadmigaa Qaatay

Addin waa la Dhibaa Ilna waa Dhowraa

Adhi (Ari)Magantii ma Barriiyo

Abaal Dad Galaa Badan Dad Gutana Yar

Af-Noo waa Hadlaa Eeyna waa Ciyaa

Ceeb Looma Dhinto Carrana Lalama Qarxo Cayna Looma Dhaawacmo

Dhidhir Xabaal Qoda Qudhun buu Ugu Dhacaa

Gari Ilaaheey bay Taqaan

Waari Mayside War ha kaa Haro

Raggu waa:
Walaalkii Dhale, Wiilkii Dhale ama Wadkii Dhale

Wax Khayr Moodid oo Khasaara Jira, Wax Khasaare Moodid Khayr noqdana way Jiraan

Hadal waa Run Kama Rayste

Hilmaan, Hadal Kuma Jiro

Hadii lagu Sheego waa Lays Sheelaa, hadii lagu Sheelana waa lays Sheegaa
-hadii lagu faaniyo laysma weyneeyo hadii lagu yasana waa lays muujiyaa

Afaadan Lahayn Lama Aamusiyo
-waano aan lagu weydiisan lama soo jeediyo

Rag Wuxuu Kugu Bartuu Kugu Dilaa

Reer Naag baa Kaa Raacda

Nin Qosol Badan iyo Nin Qoonsimaad Badan way Ismaandhaafaan
-qofka qoonsiga badan markii la qoslaba wuxuu isleeyahay adaa lagugu qoslin

Nin Daad Qaaday Xumbo Cuksay

Ninba Meeshii Bugta, Asageey Belbeshaa

Nin Aadan Saacad ku Barin, Sanad kuma Baratid

Aqoon Xumo, Abaarna ka Daran

Awr Awr Wado iyo Nin Naagi Wado, Midna Kaama Leexdo
-ninka talada naagtiisa wado, ragga hal tilaabuu ka dambeeyaa

Eray Xumi, Urug Kici
-hadalka xumi uurka ruuxa la xumeeyo muruguu ku reebaa

Af Daboolan waa Dahab

Ilaahayow:
Gar Eexan Hanooga Tegin, Garasho La'aana Hanagu Cadaabin

Isku Tol Toogtaada Looma Sheegto

Intii Isku Dan ah Ayaa Isku Dad Ah

Uli waa Qabowdaa, Eray Xunse ma Qaboobo
-xanuunka usha dhaqsiyuu ku dhaafaa, hadalka xunse boogaan bugsoon buu uurka ku reebaa

Raggu waa Afar:
Kan Geesiga ah waa NIN, Kan Ficilka Badana waa labo NIN, Kann Bakhaylka waa NIN barkii, Kann Fulaygana waa NIN ku sheeg

Qofba Intuun Cunuu Ciidamiyaa

Qosol Hiil Leh

Saddex baa la Yidhi: Lixdan Jir Lixi Jeclo ha la Wadaagin, Afartan Jir ha la Garamin, Labaatan Jirna ha la Legdamin

Saddex Ilaaha Waa Karaa Mase Suurtowdo: Guursanmaaye Wiil Isii, Shaqyansamaayee Xoolo Isii iyo ku Caabudi Maaye Janadii Igeey

Saddex Lama Raaco: ma Hambeeye, ma Horeeye iyo ma Haasaawshe

Arab iyo Waraababa Talo Xumaa Lagu Noolyahay


KU LAABO BOGGA KOOWAAD



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka