Hadii Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke yiri Arusha Accord RW Cigaala Kenya NFD u saxiixay, madaxweyne Shiikh Shariif-na yiri MoU Badda Somalia RW CCC ayaa Kenya u saxiixay, RW go'aanada madaxw. kaliya fuliya sida Xasan Kheyre ayaa Somalia badbaadi kara

25 February 2017


Kolkii Gumeysiga Somalia ka tagay 1960 wuxuu uga tagay LABO Dowladood oo is barbar urdaya.

Mid wuxuu ku magacaabay Madaxweynaha Somalia midna wuxuu ku magacaabay RW Somalia.

Arintaan oo lagu hoos qariyay Dimoqoraadiyad WAKIILA Constitutional Representation. Taasoo Soomaalida loogu macneyay ama la ogaleysiiyay in hadii madaxweyne Koonfur laga soo doorto RW la siiyo xisbiyada waweyn ee Gobolada Waqooyi ama Bari iwm.

Waxay arintan abuurtay in madaxweynihi Soomaalidu doortay uu RW u soo doorto siyaasi mucaarad afkaar kala gaara ay leeyihiin. Hadaan soo gaabiya siyaasada Somalia LAGDAN ama Gash iyo Gow ma leh bay ka bixi waysay.

Caalamkoo dhan LABO dowladood oo Muslim Suni oo dhulkoodu meelo Istaraatigiyada ku yaalo ayaa siyaasadan guracan loo sameeyay: Turkey iyo Somalia.

Sanadyadii 70 iyo 80-timayadii ayaa Turkiya waxaa hareereeyay Inqilaabyo militari oo ka dhashay nidaamka siyaasadeed Dimoqoraadiyad WAKIILA.

RW Turkiga 2005 Erdogan siyaasad buu dalka u dajinaya, Madaxweynihii Turkiga Abdullahi Gul mucaarad gobol kala ka soo jeeda laga soo xushay asna wuxuu leeyahay maxkamd heblaayo waa qalad inay sharcigaas sameyso ama siyaasada dibada Turkey waa inay sidaas ahaataa!

Ilaaheeya mahad iska leh kadib marki Erdogan arkay in Madaxweynaha Turkiga iyo isaga siyaasadooda kala duwan uu cadowgowda dowladaha masiixiga ku hareeraysan ka fa'iideysanayaan ayuu Barlamaanka ka ansixiyay in Turkiya yeelato Dastuur siyaasadeed oo ku qotama in Turkiya yeelato HAL Go'aan iyo HAL siyaasad si cowdowga masiixiga ku hareereysan uusan uga fa'iidaysan lana joojiyo inqilaabyada dibada cadowgoodu ka soo abaabulayo.

Isku soo duub, taaso macneheedu yahay in RW Turkiga uu noqdo RW sida caruurta dugsiyada dhigata oo ubaxa loo soo dhiibo kolki wafuud shisheeye Airiborka ka soo dagaan, uu RW go'aanada madaxweynaha gaaro barqadii uu ubaxa u u lulo, si cadowga masiixiga ku hareereysan Somalia uusan marnaba u helin fursad uu ku kala qaybiyo dowlada Somalia.

Waxaa la yiri Madaxweyne Farmaajo 5 saac ayuu khadka Teleefanka Erdogan kula hadlay. Waxay u badan tahay in Erdogan kula taliyay Farmaajo inuu soo xusho RW go'aada madaxweynaha kaliya dalka dibadiisa iyo gudahiisa ka fuliya si Somalia u noqoto HAL Dowlad oo Caalamku ciseeyo.

Dowladaha Dunida 95% nidaamkan ayay ku shaqeeyaan. Xisbiga ama Madaxweynaha ama RW la doorto ayaa xisbigiia ka soo dhex xula Madaxweyne ama RW Cusub, si isqabqabsi Madaxweynaha iyo RW uga dhex dhicin oo dalku sidaas ku burburin.

Xitaa dowladaha leh RW leh quwadi Madaxweynaha sida Jarmalka iyo Israel, madaxweynayaashooda waxaa badanaa la soo xulaa xisbiga RW shacabku ee soo doortay.

Labada shey ee qabtaana waa kolkii madax dunida ka geeriyooda wafdi Tacsi dalkaas loogu diro iyo in maalmaha Taarikhiga ee dalka ay akhriyay khudbado qiiro leh. Marna faraha lama galaan siyaasada Dastuuriga ee dalka.

Waxaan xasuustaa 1969 kolki RW Cigaal dibada aadayo heshiisyo xisbigiisa u dana dalka uga soo saxiixayo, oo Madaxweyne Cabdirashiidna sidoo kale sameeynay, ayaa anigoo dhiganay fasakja 5-aad dugsigii MAGISTRALE Xamar Jab jab oo hada aan u maleeynay inay ahayd meeshii doorashada laga wareejiyay Iskoola Boolisiyo ayaa subax barqaa albaabkii weynaa ee Dugsiga inagoo gadoodsan oo careysan xoog ku furnay.

Anaga ku qaylinaynay Erayo aan wax qabad la'aanta dowlad uga cabnaynay ayaa kolkaan Coffee Nazionale gaarnay shacab yaabana, laakiin tuhusana sababaha aan u gadoodnay oo dhanka Ceel Gaab iyo Xamar Weyne u socday na soo horistaagay.

Wiil Majeerteena ayaa intuu horteena ka soo booday noo hadlay oo Shacabkii ku yiri: waxaan rabna inay dowlad noo sheegto waxa ummadda Soomaalida ay u qabatay. Musuq maasuqaa dalka la degay, noo sheega maanta waxaad dalka usoo qabateen. Wiil kale iyo aniga ayaa hore u soo booday oo wiilkii hadlayay garbaha ka istaagay, si aan shacabka ugu muujino in waxa wiilku dowlada uga cabanayo yahay CODKA ardada Soomaalida oo dhan.

Mid walbana Xisbi iyo Fikrado kala duwan ayuu sheegayaa inuu Somalia u fulinayo.

Mid walba heshiisyo gaara la soo galay dalalka dunida sidii in Somalia labo dal tahay, qaasatan Itoobiya iyo Kenya, Mareykan iyo Ingiriiska.

Mid walba markuu dibada u dhoofo intii lacag Somalia lagu cawinaya la soo siiyo, baa la leeyaaha Af wax-cunay xishoo, hade danaaha aan ka leenahay Somalia noo fuli. Deja Vu.

Waa meeshan Somalia oo ah dalka dunida ee hal jinsi leh ay ka caga dhigawaysay oo dalalka dariska oo cadowga Somalia ah, Reer Galbeedka iyo Carabtu ka heleen Somalia fursad qaaliya.

Madaweynahana ama RW wax kastoo jecelyahay ka balan qaada RW laga soo balan qaadayaa si ay danahooda gaarka Somalia uga fushadaan .

Ilaaheey mahadiis maanta Somalia xidigtii calankooda ay ku sawirteen baa ilaaheey cirka uga soo bidhaamiyay.

Hadalkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Mohamed Cabdulahi Farmaajo yiri in uu ku doortay Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa: waa nin danta dalka iyo dadka qilaaf la'aan uga wada shaqeyn karno.

Sidoo kale hadalkii ugu horeeyay ee RW Kheyre waa leygu soo doortay wuxuu ahaa inuu u shaqeynayo Madaxweynaha ummmada Soomaalida.

Dowladaha Turkiga, Fransiiska iyo Mareykan waxay leeyihiin RW-yaal ama Vice President ka shaqeeya danta oofinta go'aanada Madaxweynaha KALIYAH.


25 February 2016 RW hore dalka Turkiga Ahmad Davutaglu ayaa March 2016 EU
Brussels uga soo saxiixday in Turkey 3 bilyan Euro la siiyo, hadii Turkey ay 70
Qodobo ku jiraan joojinta qaxootiga fulisi laga masaabixi doono Dhul ku Galka
VISAHA EU-da. In Turki laga dalbado fulinta 70 Qodob meesha, EU Turkey 3 bln
iyo Visa 3 bilooda kaliya laga dalabaday, Turkey bahal hilib ciirin ma daayo ayay
u aragtay


Turkiya LABO hogaamiye ama Dowladood sida Somalia ilaa 1960 ay lahayd maaha.

Sidaas darteed LABO usbuuc kadib RW Ahmad Davutoglu shaqadi waa laga cayriyay

Qaladka uu sameeyay RW Ahmad ayaa ahaa isagoo isyiri sameyso quwad siyaasadeed oo ka madaxbanaan tan Madaxweyne Erdogan.

Nasiib wanaag, Turkey sida Somalia 8 Feb. 2017 ahaan jirtay MAAHA oo Madaxw. Shiekh Shariif yiri: saxiixa Badda Memmorandum of understanding MoU RW Cumar Cabdirashiid saxiixay aniga Madaxw. Somalia ahaana maba ogayn oo wax shaqaa oo aan ku leeyahay ma jirto.

Somaali badana hadalka Shiikh Shariif rumeysantay, laakiin sharciga Dastuurka Somalia wuxuu qoraya intuusan RW Somalia dibada Safar ku aadin inuu Madaxweynaha ummadda Soomaalida kala shiro sababaha uu RW safar dibada ugu aadayo.

Sidoo kale waxaa sharciga Dastuurka Somalia qorayaa kolki RW dibada safar uga soo laabto uu subaxa kowaadba la kulmo Madaxweynaha si ay uga wada hadlaan waxa uu RW ummadda Soomaalida safarkiisi uga soo hooyay.

Hadii sida Shiikh Shariif ku andacoonayo RW CCC ka qariyay inuu Kenya MoU Badda Somalia u soo saxiixay ka qariyay Madaxweynaha Soomaalida -taa macquul maaha oo dambi QARAN.

Tan kale, waziirka Badda Cabdishakuurna inuu safarkiisi Kenya u soo saxiixay Kenya MoU Badda Somalia isna Madaxweyne Shiikh Shariif ma ka qariyay?

Midda kale war Website-ka Somalitalk suuqa ka soo maqlay in Dowlada Somalia Kenya MoU Badda Somalia u saxiixday, ayaa Madaxweynihi Somalia Shiikh Shariif isna suuqa ama Webabka Soomaalida ka soo maqlay war macquula maaha.

Hadii Madaxweyne Somalia Badda Somalia marki dowlada Kenya oo waliba dhul horay Somalia uga haysatay kolki MoU Badda Somalia loo saxiixayau uusan Madaxweynaha Somlika Shiikh Shariif waxba ka ogayn, ma la dhihi karaa Shiekh Shariif Madaxweynihi Somalia ayuu ahaa? Taas waa Su'aal d'a weyn. Sida Soomaalida dhan isku raacday dalku Gumeysi buu ku jiray Shiikh Shariif Madaxweyne maqaar saara ayuu ahaa.


Wax kasta Turkey ka dhaca madaxweynaha Turkiga mas'uul ka ah, sidoo
kale wax kasta Somalia ka dhaca madaxweynaha Somalia mas'uul ka ah


Arintan Kenya MoU Badda Somalia RW u saxiixay, waxa kaliya laga fa'iidaysa karo waa in RW Somalia noqda qof go'aanka madaxweynaha kaliya fuliya.

Kolkii RW Somalia Moxamed Cabdulah Farmajo xukunka laga qaadayay KAMBALA ACCORD, Somalia lagu bahdilayay iney saddexda mas'uul ee Somalia ugu sareysay ay nin Jareer ah Madaxweynaha Uganda Museveni si ka liidata sidii eygiisa miis yaroo hortiisa yaala wada fariisayay, maxaa yeelay Eyga Museveni miis gaar u ah ayuu leeyahay.



Musharax Cabdishakuur ayaa khudbadiisi musharaxnimda ee Barlamaanka uu u jeediyay ku celcelayay in Xasan Shiikha Barlamaanka sidii Ey ula dhaqmay aad ugu celceliyay.

Taa waxaa dheer hadaad qunyar sawirakan u fiiriso waxaad arkaysa in miiska qaxwada Museveni uu khaas u yahay, halka saddexda mas'uul ee Somalia ugu sareeysa Madaxw. Shariif, RW Farmajo iyo Gudomiyaha Barlamanka xiligas Shariif SAKIIN, miiska uu Museveni ku shaqeynayay miiskoodi fadhiga looga dhigay, oo waliba miiskoodi qaxwada miiska museveni ku shaqaynayay looga dhigay, halka Museveni uu qaxwadiisa saartay miisaska yar yar qaxwada ee isaga u gaar ah, oo waliba sidii ciyaal iskuul Diritorki iskuulka uu ciqaabayo uu si aduunsinimo kiyo quursi ka muuqato farta ugu fiiqayo madaxadii ummadda Soomaalida.

Sababta ugu weyn ee Farmaajo ku soo caan baxay waxay ahayd carrada Soomaalidu ka qaaday in Museveni nin Jareer Ra'iisal Wazaarahoodi qiimaha iyo sharafta lahaa HAR CAD ku yiraado shaqadi waan kaa eryay nin kalaana kugu badalay albaabka ka bax.

ku gudahga iyo dibada joogto si carraysan ay uga mudhaharaadeen Kambala Accord, heerka gumeysiga ee Shiikh Shariif Somalia gaarsiiyay.

Waana sababtaas sababta Madaxweyne Museveni oo indhihiisa ka jecel inuu ka Qayb galo xafladaha Caalamka, qaasatan dalalka ciidamadiisu dagaalada ka wadaan uusan Caleema Saarki Farmaajo uga soo qayb galin, oo xaaladu waxay noqotay farta iyo meesha buktaa isog.

Sidaas awgeed hadii maanta Somalia yeelatay RW ah muraayadi madaxweynaha Somalia oo aan caado qaato shisheeye ahayn , waa GUUL aysan waligeed Somalia hore ugaarin jiritaankeeda.

Somalia uma baahna RW TAYO leh oo la tartama Madaxweyna ummadda Somalia, maxaa yeelay, wixii danta madaxweynaha Somalia ka horyimaada waa wax DANTA DALKA IYO DADKA ka horyimaada.

Waxaa xasuus mudan kolkii uu RW Somalia Cigaal safar ku tagay Mareykan March 1968, Aqalka Cas Washington waxaa loogu soo dhaweeyay sidii madaxweyne dal leeyahay.



President Lyndon B. Johnson welcoming Somali Prime Minister Mohamed Hagi
Ibrahim Egal and his wife Edna Aan Ismail, March 14, 1968 - (Remarks of
Welcome at the White House to Prime Minister Egal of the Somali Republic).

Raali iga noqda, waxaa labada Madaxweyne, ilaa waa anagi hore u cudur daartoo iri Somalia waligeedba Labo Madaxweyne ayay lahayd.

Taa anigoo uga jeeda 1laa 1960 Madaxweyne iyo RW Danta Dalka iyo Dadka Somalia si mideysan ugu shaqeeynayay ma jirin.

Bal sawirkan si fiican u fiirso, xitaa RW Mareykanka oo lagu magacaabo Vice President Hamphrey oo ka soo jeeda gobolka Minneasota ee maanta Somaalidu ku badanyihiin ayaa inksatoo uu qarinayo, la yaabsan RW Somalia sidii inuu yahay Madaxweynihi Somalia loogu soo dhaweynayo AQALKA CAS ee Mareykanka, Washington, DC.

Xitaa gabdhaha marka la shukaansanayo hadaad gabadha sharaf ama qiimo aysan lahayn u yeeshid, inaad tahay nin nacasa bay isla markiiba kuu qaadanaysaa.

Waxaa xusid mudan kolki Cigaal Somalia ku soo laabtay inuu Kenya u saxiixay Memmorundum of Undrestanding the ARUSHA ACCORD, taasoo Cigaal Kenya u saxiixay in Dagaalka NFD Somalia joojiso, khilaafka dhulka Somalia iyo Kenya isku haystaana si nabada labada dal ku wada xaliyaan.

Ilaaheey khiyaamda ma jecla, markiiba askar yar oo ciidanka Somalia ka mid ahaa baa xiray Cigaal, kolkii la dilay Madaxweyna Cabdirashiid. ARUSHA ACCORD Cigaal shaqo kuma lahayn, dalka waxaa madaxweyne u ahaa Cabdirashiid Cali Sharmarke, heshiis kastoo ruux dowladiisa ka mida ah dowlad dibada ka soo saxiixana, isagaa Cabdirashiid ma'uulyadeeda qaadaya.

Mahad ilaah baa leh maanta hadii RW Kheyre yahay gacan yaraha Madaxweynaha ummadda Somalia una shaqeynaya sida 95% RW-yaasha dunida u shaqeeyaan sida RW Turkiga Binali Yildirim iyo RW Faransiiska Manuel Valls.

Labadan RW-yaal waa RW-yaal go'aanka Madaxweynaha Dastuuriga fulintooda maahane aan wax kale qabanin. Caalamka dowlad la saaxiibi kartana majirto, ilaa iyagaa lagu soo doortay inay Garabka gacanti bidixda ee Madaxweynaha dalka yihiin.


ISHII BUKTAAY KU BIKAACSO, Somalia wadadii xuriyada ayay MAANATA cagta saartay.


WQ. Ali E H Naaleeye, Qaranka editor




Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka