Dhibaatooyinka laga dhaxlidoono dhismaha safaaradaha Shisheeye Xeebaha Somalia

(Tusaale) Safaaradan Xeebta ku agtaala Submariinkan sida safaarada xeebta
Somalia ayuu habeen madow Safaarada iyadoo cidina arkaynin sidii Kaluun
badda dusheeda afka ka furto ayuu soo deji kara 100 diyaaradaha dagaalka,
50 Taangiyada dagaal, ciidamo 2.000 askari dhaafaya iyo hub nuuc walba leh

Hordhac

Sanadki 1920 ayaa Dowladihii Dagaalki Koowaad Dunida (W.W. ONE) galay ku sameeysteen Paris urur ay ku magacaabeen Ururka Wadatshiga Safaaradaha (Conference of Ambassadors inter-Allied Organization), 1925 ururkaas Safaaradaha wuxuu isku badalaty The League of Nations (LN), Dagaalki Labaadi Dunida kadibna ururkaas wuxuu isku badalay Qaaramada Midoobay.

Safaaraduhu waa cadow lagu magacaabay magac qurxoon: ERGO Dowladu inoo soo diratay dhambaalna noo sida, halka runtu tahay in Safaaraduhu yihiin Sirdoono iyo Jaansuusyo magac qurxoon loo bixiyay oo sidaas darteed aan Xeebaha iyo ilaha muhiimka ee dalka sida agagaarka Airpoorka, Xaruumaha ciidamada, iyo Dekedaha loo ogolaan iney Guryo ka dhistaan.

Waxaad arkaysa dunida inteeda badan waxay Safaaradaha dajiyaan dhul u eg Xero Qaxooti oo la yiraa ZONING, Guryo isku dhow dhow ama darbiyadoodu isku dhaganyihiin ayaa la dajiyaa.

TUSAALE: Safaarada Somalia ee dalka Belgium magaalada caasimada Brussel waxay ku taal Dariiqa wayn oo hadaad saacad ku socotid wax bani'aadana oo logaynaya aadan arkaynin oo lagu magacaabo ROOSAVELT.

Waxaa Safaaradan Soomaalida daris la ah Safaaradu ku dhow dhow ama ka badan BOQOL (100) Safaaradood oo kale. Hal qof oo meel dheer wax ka ilaalinaya ayaa arki kara qofki soo gala ama ka baxa safaaradahaas oo dhan.

Xitaa hadaad dadka Belgiga waydiisid dariiqaas waxay ku leeyihiin Oh! ma Zoonkaas Safaaradaha rabtaa ama u socotaa?

Sababta Safaaradahan layskugu keenay waxaa weeye in la ogaado dadka soo gala iyo dadka ka baxa Safaaradaha, si hadii loo baahdo Sirdoonadu u dabagalaan oofki galgaltankiisu ku badiya iyo sida ay sahal ogu ogaadaan hadii Shaqaale safaarad qabanayo howlo ka baxsan shaqadi loo ruqseeyay oo ahayd inuu ka shaqeeyo xoojinta cilaaqadka labada dal.

Tusaaleyaal Cadaynaya in Safaaraduhu ka qatarsanyihiin Ciidamada Dagaalka:

Dagaalki Labaad ee Dunida (WW TWO) heshiiskii Ruushka iyo Jarmalka iney Poland qolaba dhinaca xiga qaadato, labada dalna aysan isku soo duulin, inkastoo Hitler markii dambe jabiyay, waxaa Jarmalka u saxiixay safiirkoodi Poland fadhiyay.

Heshiiskii dalalka Hungary iyo Jarmalka Dagaalki Labaadi Dunida WW TWO waxaa Jarmalka u saxiixay safiirkoodi fadhiyay Budabest, Hungary.

Joornaalka ugu weyn dalka Spain oo la yira EL PAIS (Dalka)ayaa 4 January 2017 ku qoray bogiisa kowaad Qoraal muhiima oo cinwaankiisu ahaa :

El Gobierno destituirá a Trillo en el próximo relevo de 70 embajadores

Af-Soomaali hadaan ku fasiro qoralkan Spanishka ku qoran waa:

Dowlada Spain waxay sanadkan badalaysaa Trillo ( oo ah safiirka Spain u fadhiya Ingiriiska) iyo 70 Safiir oo kale.

In Spain mar qura badasho 71 safiir ku dhowaad bar ama in ka badan barkood safaaradaha ay Caalamka ku leedahay waxay marqaati u tahay sida safaaradahu qatar ugu keeni karaan dalka Spain hadaan wax kasta dalku u hurin qiimayntooda iyo daba galkooda ay nolosha dalka Spain halis gelayso.

Ninki Wikileaks sameeyay Julian Assage 5-sano ayuu safaarada Ecuador ee London dhex jiifaa. Ingiriiska oo dunida meel uusan ka soo talin ama uusan ka soo amar taaglaynin ay yartahay ayaa caasimadiisa dhexdeeda nin uu leeyahay waa dambile wayn ugu gali karin, maadaama Heshiiski QM ee Safaaradaha uu dhigayo sida Erayadan afka qalaad ee hoos ku qoran dhigayaan.

(Vienna Convention on Diplomatic Relations 1961) awgeed:

Vienna Convention extended immunity to diplomats’ families (Article 37) and forbids a host country from entering another country’s embassy unless invited in.

Erayadan Ingiriiska af-Soomaali waa:

Kulanki Viena 1961 QM ee diblomaasiyiinta iyo qoysaskooda lama maxkamadeykaro, (Qodobka 37) wuxuuna dalka martida loo yahay ka mamnuucayaa iney galaan safaaradda dal kale casuumid la’aan.

Sanadki 2003 waziirka arrimaha dibada Mareykanka General Colin Powel khudbadadii uu Golaha Amniga ee QM ka akhriyay ka dhaadhiciyay Ururka Safaaradaha Dunida QM in Sadaam Xuseen Hubka Sunta Kiimikada iyo Niyuuklar haysto oo uu dunida qatar ku yahay, sidaasna Mareykan QM ugu cudurdaartay inuu Ciraaq ku duulo.

Sanadki 2006 RW Itoobiya Zenawe oo Mareykan iyo EU-dy garab siinayeen waxay Ururka Safaaradaha Dunida U.N. u sheegay in Maxaakiimta Soomaalida ay ka barbar dagaalamayaan ciidamo Eritriyana gaaraya ilaa 11.000 kun askari sidaasna qasab ku tahay Itoobiya iney Somalia ku duusho si ay isku difaacdo, sidaasna QM Itoobiya ugu fasaxday iney ku duusho Soomaaliya, inkastoo markii Xabashidu Soomaaliya ku soo duushay la waayay meesha ay galeen 11.000 kun askartii Eritriyaanka.

Sanadki 2014 safiirka Sacuudiga Adel al Jubayr ee Washington, oo Mareykan garab ka helayay uu QM u sheegay in Xuthiga Yemen Inqilaabka ku qabsaday ay dowlada Iran soo hubeynayso, dalkiisana oo Yemen xuduud dheer la wadaagana nabadiisu qatar ku jirto, ayaa sidaasna QM ugu sheegay iney daruur tahay iney iskadifaacaan qatarta kaga soo foodleh dalka Yemen, sidaasna QM ugu fasaxday in Sacuudiya ku duusho Yemen

Nasiib daro, walow kolkii Sacuudiga 2014 Yemen ku duulay la soo ogaaday in hubka Xuthiyiintu ku dagaalamayeen ay ka soo heleen xiro saldhigii ciidan ee Mareykank kaga tagay hub iyo hub ay ka heleen xulfadoodi dagaalka Madaweynihi hore Yemen Cali Cabdalla Saalax.

Odaygii Kaaboyga Filimada Mareykanka dhigijiray Reagan markuu Mareykan madaxweyne ka noqday 20 January 1981, 5 daqiiqo kadib markii loo dhaarshay madaxwaynimada Iran way sii daysay maxaabiistii safaarada Mareykanka ee ardadu afduub ku haysteen, ilaa Atoore xabad la rido maahane wax kale ma yaqaane.

Arrimahan waxay cadeeynayaan in Safaaradaha Shisheeye ee Xeebaha la dejiyay ay maalin Soomaaliya 5 daqiiqo ku burburidoonaan iyagoo Hal ciidan uga dhiman.

Tusaalayaashan iyo kuwa kaloo hoos ku qoran waxaan oga goleeyahay in Soomaalidu ogaaato hagardaamooyinka ay kala kulmidoonaan dowladaha shisheeyaha Xeebaha Soomaalida safaaradaha ka dhisanaya.

Maxaa Reer Galbeedku xeebaha Somalia u boobayaan?

Joornaalka Jarmalka Die Welt (Dunida) ayaa 2014 qoray khudbad uu xildhibaanka Fransiska Jean-Luc Mélenchon uu barlamaanka Fransiiska u jeediyay ku yiri:

Das erdgebundene Mutterland, 97 Prozent des maritimen Territoriums liegen in den Überseegebieten

Erayadan Jarmalka af-Soomaali waa : 97% dhul xeebeedkeena Dhulkeena Hooyo dibadiisa ayey ku yaaliin, taasoo macneheedu tahay waxay ku yaaliin dhulalka Fransiisku gumeysto.

Hadaan si kale u sharaxo waa xeebta dhulkeena HOOYO France waa 3% xeebwaynta Fransiisku ku leeyahay dacalada Caalamka.

Warkan xildhibaanka Fransiiska yiri wuxuu la mid yahay Somalia oo Caalamka ku tiraa: dhirirka xeebta dhulkeena Hooyo waa 3% dhulxeebeedka Soomaalida ee dacalada Caalamka aan ku leenahay.

Sow wax lala yaabo maahan in dhulbadeedka Fransiiska 97% dhul dalalkale laga soo boobay yahay, Xasan Shiikhna ku yiri xeebteena caasimadeena xeebteeda labo km. ka dhiso safaarado.

Die Welt wuxuu kale uu qoralkiisa ku yiri: „Die Erde ernährt, das Meer beunruhigt“ Das Meer ist die Zukunft der Menschheit.

Af-Jarmalkan hadaan Af-soomaali ku tarjumo:

Kolki Dhulku caatoobo ama abaarsado, badaa ayaa walwalsha, oo mustaqbalka Baddu waxay noqondoontaa HOOYADA Bani'aadanka maadaama kheyraadka dhulka dhamaad ku dhowyahay.

Sidaas darteed Reer Galbeedku dhismaha Safaaradaha xeebaha Somalia waxaa la rabaa in mustaqbalka dhow laga kontroolo wax kasta oo ka dhex dhaqaaqa ama soo gala Badwaynta Hindiya qaasatan Raas kaambooni ilaa Bab el Mandab Jabuuti.

Safaaraduhu waa dowlado yar yar oo dalkaada dhexdiisa dalkoodi usoo raray oo waxay u shaqeeyaan sidii dowlad, waxayna qabaan laamaha dowladuhu ku shaqeeyaan oo dhan: Safaarada waaxda Attache Gaashaandhiga, Cilaaqaadka, Beecmushtarka, Sirdoonka, Dacaayada Probogaanka iwm.

Xeebu Xad la ilaali ama la difaaci karo maleh, sidaas awgeed waxaa roon in Safaaradaha Shisheeyaha laga fogeeyo.

Sababtaas ayaana keentay in dowladaha dunida ka mamnuucaan in Safaaradu degaan dhulka ku teedsan ama ku dhow dhow ilaha muhiimka ee dalka sida Xeebaha, Airpoorka, Dekada, iyo Xerooyinka Militariga waxaa ka mid ah:

Dagaalki Labaad ee Dunida wuxu Dhamaaday oo Jarmalka la Jabshay
kolki kadis Badda Xeebta Fransiika Normandy Duulaan looga soo galay

D-Day Invasion of Normandy 1944

Before the day was over, 155,000 Allied troops would be in Normandy Beach, W.W. II


Af-Soomaali qoraalkan Ingiriiska ee Sawirkan la socda waa:

6 June 1944 subaxaas kaliya ayaa 155,000 Ciidamo Mareykan iyo Ingiriis u badan Xeebta Fransiiska NORMANDY BEACH maraakiib iyo diyaarado saacado yar gudahooda mar qura si kadisa kaga soo dageen.

Dagaalkan oo la yiraa wuxuu ahaa kii ugu qatarsanaa ee Dunida dusheeda ka dhaca ay Maraykan-Ingiriis ku jabsheen ciidamadii Jarmalka oo ilaalinayay Xeebtaas, dabadeedna waxat Ciidamadaas kaga soo gudbeen xadka Belgia-Jarmalka u dhaxeeya, sidaasna Dagaalkii Labaad W.W. II Jarmalka lagu jabshay dagaalkina lagu soo afjary.

50% Shaqaalaha Safaaradaha Caalamka waa Sirdoono shaqaalaha isku dhexqarinaya

Bil kama soo wareegato Safaaradha Dowladaha waawayn iyagoo aan dhihin Safaarad Heblaayo labo ama in ka badan ruux oo u shaqeynayay joogitankooda dalka waa loo diiday (persona non grata ) waa iney 24-saac ama 72-saac gudaheeda isaga baxaan dalka maadaama diplomaasiyiinta aan la xir xiri karin.

President Obama ordered the expulsion of 35 Russian "persona non grata", and gave them and their families 72 hours to leave the US., suspected spies and imposed sanctions on two Russian intelligence agencies over their involvement in hacking U.S. political groups in the 2016 presidential election.

Af-Soomali Amarkaan dowlada Mareykanka soo saartay ee Ingiriiska ku qoran waa:

madaxweyne Obama wuxuu amray in 35 Ruusha oo Sirdoono ahaa iyo xaasaskooda in 72-sac gudaheedana laga cayriyo Mareykanka, labo guri oo diplomaasiyiinta Ruushku jaansuusnimo u isticmaalijirayna la xiro.

Hadii Mareykan eryay 35 diplomaasiyiintii Ruushka iyo xaasaskoodi, kuwa kalena Baandow iyo Cunaqabatayn ku soo rogay, labo guri oo waawayna ka xiray Ruushka isagoo leh waa goob sirdoonkoodu ku shiro, intaas in kabadana caalamka la qarinayo ama ay baxsadeen kolkii qowdi hore dhacday, sow ma cada in safaaradu ay yihiin guri Sirdoono?

Sida dusha ku qoran, guryaha ay safaaraduhu ka dhisanayaan xeebaha Soomaaliya waxay dhaxalsiindoontaa dhibaatooyin si sahala u burburi kara Qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Soomaaliya maleh dowlad uwaado iney si qarsoodiya u dabo gasha dadka safaaradaha ka shaqeeya, ilaa jini jini baa bixiyee.

Kuwa dab gala shaqaalaha safaaradaha waxay marka hore soo ogaadaan meesha uu markay magaalada soo aadaan galaan sida meeshay wax ka cunaan, ama wax ka gataan, iyo Soomaalida ay la kulmaan iyo sababaha ay ula kulmayaan.

Hadii la helo goob sida Baar ama Maqaayad uu dad kula kulmo cajalad dhageysiya ayaa duubta baa miiska hoostiisa ama meel u dhow lagu qariya si loo ogaado waxa uu kala hadlayay qofkuu la kulmayay. Mar marka qaar gabadh qurxoon oo il soo jiidasho leh baa Baarka la fariisayaa si ay intuu shukaansado ay u soo jaansuusto.

Sidoo kale, Shacabka safaaradaha gala iyagana waxay leeyihiin Sirdoono daba gala, qaasatan safaaradaha ay dalkaas tartan ama colaad siyaasadeed kala dhexayso.

Markii ruux uu safaarad Visa ugu soo laab laabto, ayaa diyaarada labo sirdoon oo dhidig iyo lab la agfariisay si xoogaa macluumaad safaradiisa badan dalkaas uga helaan, qaasatan Hoteelka uu ku degayo ama guriga uu taxi u qaadanayo iyo hadii cid Aipoorka ku soo dhaweysay, islamarkaasna waxaa la sii wargeliyaa sirdoonkii u joogay dalkaas si loo soo ogaado muwaadinkaan waxa uu dalkaas ka soo qabto.

Waana sababtaas ay safaaraduhu u yiraahdaan 24-saac gudaheeda ha uga baxaan shaqaalahaas safaarada dalkeena ka shaqeynayay. Maxaa yeelay nimankii jaansuuska ahaa ee dabagalayay shaqaalaha safaaradaha dabankoodi buu sirdoonko ku dhacay.

Dowlada Xasan Shiekh ee Soomaaliyana waxay tiri safaaradaha Dunida kuwooda ugu qatarsan: Mareykan, EU-da iyo Turkiga xeebaha caasimada Muqdishu ee bilicda magaalada keena, hawada qabowna ay magaalada ka soo gasho Safaarado iyo Bunkaryo Sirdoono ka dhista.

Waxaa la rabaa in si Soomaaliya markale burbur looga badbaadiyo lagu cadaadiyo dowlada dhalandoonta iney ka rarto Safaaradaha Shisheeye Xeebaha dalka.

Mar Xasan Shiikh Muqdishu uu shacabku muqdishu su'aalo ku weydinayay ayaa gabar weydiisay su'aal dhibaatada ka imaan karta safaaradaha Shisheeye ee Xeebta Soomaalida ka dhisanaya guryo Safaaradeed.

Wuxuu Xasan ku jawaabay,’’waxaan rabnaa inaan soo jiidano safaarado badan. Nabad marki aan helnana Safaaradaha waan ka rareeynaa dhulka xeebaha.’’

Safaaradu maahan guri xaafad ku yaal, Dheel Dheelna laguma rarikaro qaasatan kuwa quwada waawayn leh. Xitaa kuwii aqbala iney ka guuraan Xeebaha, waxay codsankaraa in intaasoo Milyan doolar lacagihii ay ku dhiseen safaarada loo soo celiyo.

Xili barqaa anoo kafee baar Talyaaniga ka soo qaatay ayaan soo agfariistay nin meeska isna kafee ku cabayay. Markaan iswarsanay maadaama isna uu ajnabi ahaa buu igu yiri anigu waxaan ka shaqeey jiray Submariinka Sovietiga, waxaana tagnay Xeebaha inta badan Caalamka. Ninkii ma’aan waydiinin inuu Visa qaada jiray ilaa magaca Submarinka ayaa Sirdoon ahe.

Qatarta Xabashida Xeebaha Soomaaliya uga imaan karta

Amxaarada oo sidii Gobolada Soomaalida iney yihiin wabiyada Jubba iyo Shabeele oo kale, Dowlad Goboleedka kasta oo Soomaaliya xuduudkan inuu Xeebta Soomaalida ku dhamaado ugu samaysay.

Taasoo ka dhigan in Amxaarado ay Xeebaha Soomaalida oo dhan ciidamo iyaga ka amar qaata u fadhiyaan.

Bal u fiirsada, Gobol Soomaaliya oo aan intuu Xuduud-beeneedka Itoobiya ka soo bilowdo aan Xeebaha Soomaaliya ku dhamaan ma jiro.

Hadaba waxa la sugo kaliya sow maaha tii KASHMIIR Pakistan iyo India 1947 ku dhacday oo kale inay Soomaalida ku dhacdo?

In mar dhow Xabishidu nin Oroma ah oo Af-Soomaaliga si fiican ugu hadla ay tiraa adaa gobolka Soomaalida Madaxweyne u ah dabadeedna uu codsado in Itoobiyo uu Federaal la sameysto.



Mar kale u fiirso, xitaa Gobolada leh waan ka go'nay ama muran ka taagan yahay waxay kuligood ks soo wada bilowdaan Xad Amxaareedka waxayna kuligood ku wada dhamaadaan Xeebaha Soomaaliya.

Sida Quora.com uu qoray:

In October 1947, Muslim revolutionaries in western Kashmir and Pakistani tribals from Dir entered Kashmir, intending to liberate it from Dogra rule. Unable to withstand the invasion, the Maharaja signed the Instrument of Accession on 25 October 1947 that was accepted by the government of India on 27 October 1947.

Af-Soomaali qoralkan Ingiriiska waa:

October 1947, kooxo Muslima Pakistaan oo kacdoona iyo qabiilka Dir Pakistan kaga soo duuleen Kashmir . Kolkaa ayaa Madaxweynihii Gobolka Kashmir MAHARAJA oo y qoloyinkan hubaysan xukanka ka tuuri lahaayeen xulfadiisa Dowlada India u saxiixay in KASHMIR ay qayb India ka mid noqoto, dowlada Indiya codsigi Madaxweynaha Gobolka KASHMIR MAHARAJA codsigiisi way u dhega jilacday oo way ka aqbashay. ila maanta KASHMIR oo dad Muslim u badan Pakistan uga haysataa.

Xitaa hadii ay coladan darteed Pakistan iyo India Hubka Niyuklarka ku samaysteen, wali India waxay ku cudur daaranaysaa inaysan Kashmir ka bixikarin maadaama Madaxweynihi Gobolka ka codsaday inay ilaaliyaan oo federaal samaystaan.

South Afrika Hubka Niyukalar ayay samaysatay baa la yiri, mar dhowna Amxaaro ka filo inay rabto inay Hubka Niyuklarka samaysanayna QM Codka VETO ha nala ka siiyo ku andacooto si Soomaali dambe aan looga maqal dhul baa Itoobiya naga haysataa.

Qatarta Maraakiibta Quusta Submariin Xeebaha Soomaaliya uga imaan karta

Kaluun iyo Guji (submarines) labaduba badda ayey ku dhexqarsoonyihiin oo dowlad xeebaheeda 100% ka ilaali karta ma jirto. Sidaas awgeed dowlada Sweden waxay soo saartay Qaraar sharci oo in Baddeeda Dhul ku Gal (Visa) looga baahanayahay iney soo qaatan inteysan maraakiibtu cagaha soo dhigin Badeeda:

Permission to enter Swedish waters is required for foreign state vessels (Admission Ordinance 1992:118). The relevant authority should receive applications not later than six (6) weeks prior to the requested visit in accordance with the following:

Naval vessels for unofficial visits to Sweden (all countries) as well as routine visits for non EU- and non NATO-member states.

Meesha laga dalbanayo Dhul ku Galka Badda Sweden:

Ministry of Defence SE-103 33 Stockholm >
Tel. +46 (0)8 405 10 00 >
Fax: +46 (0)8 723 11 89

Hadaan af-Soomaali ku soo gaabino Go’aankan Sweden ee Ingiriiska ku qoran waa: Go’aankan Amniga ee oofintiisa ciidamada dalka la wareegeen wuxuu qeexayaa in Dhul Ku Gal looga baahanyahay Maraakiibtu inta aysan soo gelin Biyaha Sweden.

Baryahaan waxaa Mareykan iyo Ingiriis wal wal ka muujiyeen Submariinada Ruushka oo xeebahoda soo gala:

Jornaalka Ingiriiska the Sun ayaa 29 December 2016 qoray erayadan: British Navy is struggling to monitor Russian submarines which are lurking around the UK’s shores. Putin’s warships could be stealing vital information from the Royal Navy.

Af-Soomaali qoralkan Ingiriiska waa:

Ciidamad Badda Ingiriiska dhib waxaa ku haya Submariinka Ruushka oo xeebaheeda soo buux dhaafinaya. Maraakiibta quusta ee Putin waxay rabaan iney xadaan Sirta Ciidamada Badda ee Ingiriiska.

Idaacada CNN qaybteed qoraalka edition.cnn.com) ayaa 29 October 2012 qoray erayadan:

When a Russian military Submarine called the Yantar suddenly crossed the Atlantic and started moving down the East Coast of the United States last month, it set off alarm bells inside the world of U.S. naval intelligence.

Af-Soomaali waa:

Submariinka Ruushka Yantar ayaa xeebta Bariga Mareykan bishii ina dhaaftay soo gaaray, taasoo walwal galisay Sirdoonada Ciidamada Badda Maraykanka iyo kuwa Caalamka.

Yaasiinka! Yaasiinka! Safaarada Turkiga ee xeebta Liido Caasimada Somalia
Abeeyow Safaarada Turkiga ma DALXiis baa? Bir intey kulushahay la jaraa
baa Soomali ku maahmaahdaa Turkigu Soomaalida maanta liidatuu ka fa'iiday

Tomanka Dowladood ee Aduunka uga Submariin badan: Turkey, South Korea,
iyo Israel min 14 Submariin, Japan 16, India 17, Iran 31, Ruushka 63, China 72,
North Korea 78. 6-da Dowladood oo leh Submariinada Dunida ugu Quwad Weyn
maadaama aysan Diesel Gas kushaqayn ee quwada Niyuklarka ku shaqeeyaan :
1. Mareykanka, 2. Ruushka, 3. China, 4.Japan, 5. Britain, 6. France

Sanadkii hore baan dalka Romania magaalada Bukarest Computer Software inaan ka soo iibsado u tagay. Suuq yar anoo agmaraya ayaan arkay dukaan saf loogu jiro. markaan arkay dadka safka dukaanka iney wax ka iibsadaan ay dhalooyin iyo caagag yar wataan baan isiri bal eeg Raashinka dukaanka lagu gadayo.

Durbadiiba waan rumeysanwaay waxa wiil dhalinyaraa iyo nin ku dhowaad 30-sano jir ahaa neefta ku celiyay oo ka nasawaayeen oo ay dukaanka ku gadayeen: Tixiri, Quraansho iyo Aboor midabyo kala duwan leh.

Dadka qaar waxay leeyihiin aniga ka nuskiilo iga sii, kaana rubac iga sii, kaana Tuman iga sii. Tixiriga qaar ciid caag weyn ku jirto bay ku dhexjiran, qaar jawaan bay ku jiraan, qaar caws iyo ciid iskuqasan bay ku jiraan, qaar biyo dhooqaa bay ku dhexjiraan.

Ninki dukaanka lahaa markuu arkay inaan la yaabanahay waxa uu gadayo, buu iyiri dalkeebaa ka timid? Dabadeedna ka warhelay in dadku tixiriga u gadanayeen iney Raashin ahaan u siiyaan Shimbiro iyo Xayawaano kale oo ay guryahooda ku hayaan.

Marka hadii Aboor iyo Tixiri nin ku fakaray inuu caruur ku korsado, maxaa Turki u diidaya iney inaga fa'iido hadeeyba inaga helayso?

Hadii Soomaalidu rabin iney dantooda gartaan oo ay isku raacaan iney dalkooda iyo Xeebahooda ilaashadaan, dalakalaa garadoona oo dantooda dhulkeena ka helidoona.

Dhowr Turki iyo Ugaandhees kale baa Xeebaha Soomaaliya iminka usoo malabsanaya oo sanadyada soo socda rajeynaya in QM mashruuc u siidoonto iney Soomaaliya nabadeeyaan, ilaa QM way ogtahay dowlad dhaqaale u baahane.

Soomaalidu waayihi hore markiiba Hal cadow baa ku soo duuli jiray kolkaas bay wadajir uga soo horjeesan jireen: mar Masar, mar Othmaniyiinta, mar Amxaaro, mar cadaan Ingiriis iyo Talyaani.

Maanta maadaama Globalization dunida ka jirto, codowgeedina maadaama Golbalization xulfo ku yihiin, sidaas ayaa u sahashay iney wadajir Soomaaliya u boobaan, oo ay garwaayaan jihada looga soo duulayo.

Tusaale, Talyaaniga waxaa la yiri adigu kabaha Amisom keen, Mareykan iyo Ingiriis QM wixi looga baahda soo diyaariyaan, Jarmalka Amisom mushaarkooda naga qabaa la yiri, Norway Badda Kenya kula heshii baa la yiri, Xabishida iyo Sawaaxilga ciidan , hub iyo Sirdoon xuduudyada ka soo galiya la yiri kii wadaniyana Khaarajiya iwm.

Website-ka Stronginworld ayaa qoray:

A country without adequate naval safeguards is always at the mercy of the invaders. Even the internal securities are concerning the developed nations to developing a strong and well-equipped navy to be watchful of the breaches.

Af-Soomaali qoralkan Ingiriiska waa:

Dalkii aan la lahayn ciidamo badeed ku filan oo ilaaliya, gacanta cadowgiisa ayuu waligiis ku jirayaa. Xitaa Amniga gudaha waxaa la sugi karaa markii si fiican Xeebaha loo ilaaliyo.

Madaxweynaha Ruushka Putin oo tijaabinaya sida Submariinku wax u basaaso
Waxa kaliya oo u baahanyahay Submariinku waa inuu sidii Yaxaaski Afkiisa
kaliya badda dusheeda ka furto, dadka ka soo muuqanayana loo maleeyo iney
yihiin ILKIHII yaxaaska, laakiin ilbiriqsi ayuu 2,000 ciidan, ku dhowaad 100
diyaaradaha dagaalka, intaasoo Taangi, Hub nuuc walba xeebta ku daji karaa


Joornaalka Fransiiska Le Monde ayaa 20 December 2016 qoray in dowlada Fransiiska ka iibisay dowlada Australia 12 Submariin:

La France et l’Australie signent un contrat pour douze sous-marins. 34 milliards d'euros pour la livraison de 12 sous-marins d'attaque a la marine australienne.

Af-Soomaali qoralkan Fransiiska waa:

Franansiiska iyo Australia waxay kala Qarndaraas ku kala iibsadeen 12 Submariin. 34 Billion ayuu lagu kala iibsaday Submariinada Dagaalka

Lacagtan 40 Billion oo doolar u dhiganta aad ayey Australie qaali ugu tahay, laakiin fa'iidada ay ka heliyaan baa ayudana xisaab lahayn sida ka ilalinta Qaxootiga, Submariinada Chinaha iyo Ruushka oo xeebahooda dhaadheer iyo markii loo baahdo oo Australia dagaal ka qaybqaadato.

Maraakiibta Gujiga qaarkood waxay qaadaan ilaa labo kun oo askari, boqolaal diyaaradaha dagaalka, waxayna badda isku dhex qarin karaan sanadooyin maadaama ay isticmaalaan quwada (Energy) ka harta marka Uraaniyuumka Bamka Niyuklaarka laga samaynayo ka harta oo iscusboonaysiisa.

Jidadka baaburtu marto qaar waxaa ku hoos duugan Kaybalo Computar ah oo qora Taargada baabuurta xawliga ku socota. Poliisku xaafiiskiisa fadhiyay wuxuu islamarkiiba heleya Taargada baabuurkii, qofkii baabuurka lahaa, da’diisa iyo adreeskiisa.

Sidoo kale, Submariinadu waxay xeebaha ku hoos duugaan Kaybalo Computar ah. Kolkii markab badaas soo maro, ciidamada badda waxay islamarkiiba helayaan Taargada markabka, meesha laga soo raray, nuuca xamuulka uu sido iyo meesha u raran yahay.

Waxaa kaloo Kaybalka Computar dhageysta qoraana Telefanada magaalada baddaas u dhow laga isticmaalo iyo dhaqdhaqaaqa ka socda magaalada xeebta u dhow.

Inqilaabkii Turkiga kolki cidamado dhaq dhaqaaq xeryahooda ka bilaabeen waxaa laga yaabaa Submariinka Ruushka ee badaha u dhow Turkiga ku jira iney Tuhmeen, kabacdina Ruushku wuxuu Teleefan u diray madaxweynaha Turkiga oo islamarkiiba dhaqsiyo uga cararay Hoteelkii uu ku jiray.

Maalin anigoo magaalo hal saac tareen u jirta Rooma, dalka Talyaaniga oo meel Bar kafee kacabaya ayaan sheekeeysanay nin isna miiska fadhiyay. Ninkii wuxuu igu yiri waxaa ka mid ahaa jiray ciidamada Ruushka ee doomaha Gujiska ka shaqeeya, uuna safar ku tagay xeebo badan oo dunida. Ninki mawaydiinin weydiinin wax kale maadaama shaqada Submariinka aan sifiican u aqaano.

Xogeeyihii hore QM Butroos Butroos Qaali, horayna u aha waziirkii arrimaha dibada ee Masar, kadibna noqday Xogeeyihii dowladaha Uruuka Fransiiska ku hadla (Organisation internationale de la Francophonie), siyaasada dibadana u yaqaanay sida calaacashiisa uu u yaqaan ayaa yiri, qarnigan dagaalada dunida dhulka kama dhacayaan ee Biyaha laysku qabsado ayay ka bilaabandoonaan.

Cuba, Ingiriiska, Japan, Singapore, Qatar iyi Taiwan laga yaaba dhulkooda hadii laysku daro in Soomaaliya ka wada wayntahay. Jaziiradahan oo dhan Qatar oo betrool leh kolki laga reebo, wax kheyraad malaha.

Hadana Cilaaqaadk Caalamka door libaax ayey ka qaataan, iyagoo ka fa'iidaystay Tayada ay ka helaan Xeebaha ku hareeraysan dhulkooda.

Tanu waxay inoo cadeeynaysa Tayada iyo quwada qarsoon ee Xeebaha dunidu leeyihiin.

Badwaynta Hindia (badda saddexaad ee caalamka ugu wayn ah) dalalka wadaaga Soomaaliya Saddex dal kaliyah baa ka badwayn: Indonesia, Australia iyo India.

Somalia badaas leh iyo waliba Caalamka xoolaha dabiiciga iyo xoolaha dawada lagu bacrimiyo markii laysku daro, Somalia iyadoo xoolaha dabiiciga lagu dhaqdo aan cuduro laga qaadin kaliya dhaqata ayey kaalinta koowad caalamka ka gashay markii Hal Neef Hal Qof loo tiriyo Dunida.

Hadii Kheyraadka Badda iyo dhulka ku jira laysku daro Soomaaliya waxay noqonaysaa Dalka aduunka ugu GANISAN oo leh Dadka aduunka ugu FAQIIRSAN.


W/Q: Ali E H Naaleeye
Qaranka editor



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka