SIYAASADIHII DHEXDHEXAADKA IYO DIBADDA SOOMAALIYA


Bidix:Pr.Federal Rep. Yugoslavia Marshal Josip Broz Tito. Prince Saiful Islam of Yemen, PM Cambodia Prince
Norodom Sihanouk PM Lebanon Saeb Salam, Pr. of Somalia Aden Abdullah Osman, Chairman Supreme Military
Council of Sudan Ibrahim Aboud, Min. of Foreign Affairs of Saudi Arabia Sheikh Ibrahim Soweil, Pr.of Cyprus
Archbishop Makarios, King of Morroco Hassan II,PM of Ceylon -Sri Lanka Sirimavo Bandaranaike, Pr. of Tunisia
Habib Bourguiba, Pr. of Indonesia Ahmed Sukarno,Pr. of Cuba Dr Osvaldo Dorticós Torrado Pr. of Ghana Kwame
Nkrumah, Pr. of the United Arab Rep. Gamal Abdel Nasser, Emperor of Ethiopia Haile Selassie, P.M. Afghanistan
Sardar Mohammed Daud Khan, Pr. of Mali Modibo Keita.Belgrad, Yoguslavia 1961


Sida aad arki doonto qoraalkani waxa aynu ku eegaynaa mabaa’diida dhexdhexaadnimo, ka dibna waxa aynu isla eegi doonnaa baahiddii loo aasaasay ururka dowladaha dhexdhexaadka, xooggagii dhaliyey iyo guud ahaan ujeeddada laga lahaa in ay dowladi noqoto dhexdhexaad. Qoraalkani wuxu kaloo qiimo weyn siinayaa in uu falanqeeyo dajinta siyaasadda dibadda Soomaaliya oo u adeegta siyaasadda gudaha, ayadoo la tixgalinaayo qorshaha siyaasadda loo isticmaalayo in qaranku heshiisyo caalami ah kula galo adduunweynaha, kuwaasoo loo marayo wadooyin diblomaasi si loo xaqiijiyo danaha qaranka ee lagu hormarinaayo dhinacyada dhaqaallaha, amniga, siyaasadda, dhaqanka, tacliinta iyo horukaca mujtamaca.

Qoraalka wuxuu kale uu farta ku fiiqiyaa dhinaca taarikhda, gaar’ahaan xiligii uu socday dagaalkii qobobaa ee soo kordhiyey colaadihii hubeysnaa ee ka jiray gobolka geeska Afrika oo xooggagii waaweyna ka faa’iideysteen dhibaatadi xuuduudaha ee dhex tiilay Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuu faallo sax ah ka bixinayaa sagaalki sano ee dawladdii rayidka iyo dowaladdii Kacaanka bislaanshihii iyo waaya-aragnimadii siyaasaddeed ay si buuxda ugu guuleysteen iyagoo kaashanaya siyaasadda dhexdhexaadka iyo tan dibadda, isla mar’ahaantana guulo ka soo hooyey difaaca danaha qaranka, nabadgalyada dalka, midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo sumcaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya ay waqtigaa ku laheyd adduunweynaha.

Qoraalkani wuxuu kaloo micno weyn siinaya madaxdii hore tallaabooyinki lexaadka lahaa ay u qaadeen dhinaca xornimadoonka, kuwaasoo hiil iyo hooba la garab taagna shanta qaybood ee waddanta Soomaaliyeed la mideeyo, dowlad kaliya yeeshaan, calan kaliyana kuwada hoos nooladaan iyo dhibaatooyinki ay kala kulmeen adduunweynaha. Ugu danebyn qoraankani wuxuu naqdi ku sameynayaa kuwa hunguri doonka aan wax garadka aheyn ee doonaya Soomaaliya inay dib u celshaan, oo aan ogeyn qiimaha xoriyaddu ay ku fadhido iyo dhibkii laga soo marey gobannimada oo kumanaan dad oo daacad ah iyo geesiyaal farabadan god u galeen. Qoraalkani waxa uu ahaan doona mid taxane ah oo loogu talagalay da’yarta in ay ku ogaadaan siyaasaddihii dibadda Soomaaliya sanadihii u dhexeeyey 1960-1990. Inta aad dul joogto qoraalkani, kuma arki doontid marxaladihii waqtigaa taagna ee ku saabsanaa go’aamadii siyaasaddeed ay qaateen madaxdi hore ee Soomaaliya inay qaldanayeen iyo xalkii waqtigaa loo baahnaa ay garab mareen.



Bidex: Moxamed Abshir Muuse, Enrico Anzilotti (laga yaabaa ninkan Anzilotti inuu yahay
ninki xaafadi Ansalotti ee Xamar, xeradii Ciidamada Afisyoni ee Siyaad Bare degay, caana ku
noqotay Xalane, loogu magac daray), iyo Alfredo Amera


Sidoo kale, inta aynaan guda galin qoraalka waxa waajib ah in aan cadeyno haddii dhexdhexaadnimadu tahay in aan loo kala hiilin dowladdaha dagaalamaya, sow ma haboona in aan isweydiino dhexdhexaadnimada siday ugu lug leeyihiin dagaalada iyo ujeeddada laga lahaa in ay dowladi noqoto dhexdhexaad? Su’aashan waa mid adag, lama fahmi karo raadkii dhaliyey haddii aan farta lagu fiiqin nolosha bani aaddamka heerki kala duwana ay soo martay xag dhaqaalle iyo xag siyaasad intaba.

Markaan dib u milicsano isbedelka taarikhda bani’aadamka soo maray kumanyaal sanaddood, waxay suurta galiyeen in bani’aadamku soo maro dhabbe dheer oo taarikhi ah. Waxa jirtay mar bulshada adduunku badow ahayd oo ay qaawanaayeen dhirtana cuni jiray, kuna hoyan jiray godod iyo dhirta dusheeda. Heerkii ugaarsiga iyo qaraabashada waxaa looga gudbay kii xoola dhaqashada iyo beero falashada oo suurta galisay in dadku ka nasto daydaygii uu ugu jiray baadi goobka cuntada illaa marki dambe bulshada ay gaartay heer nololeed oo looga gudbi karo dhibaatooyinka dabiiciga la xariiray.

Muddo markay ka soo wareegatay, waxay nolosha bani’aadamku horey u socotaba waxa dhashay waqti dadku ay gaareen heer ay qowmiyado u noolaadaan, waqtigaa oo ahaa markii ugu horeysay ee lagu magaacabi karo bilowgii nolosha bani aadanku aheyd waqti loo siman yahay nolosha iyo wax soo saarka. Markii la soo gaaray xiligii sancada waxaa isbadel ku dhacay noloshii wax soosaarka, dadku waxay yeesheen aqoon u suurta galisay inay fekeraan oo ay noqdaan waxyaqaan, waxa la dhisay warshado, kadib dhaqaalihii ayaa kordhay, waxa dhismay magalooyin waaweyn, ganacsi, ciidan amni, sharci lagu dhaqmo iyo isticmaalka lacagta. Marku dadku badatay, baahidiina balaaratay waxa ay dhalisay in dunidii ay isku furanto oo la helay dhul iyo dad aan horey war looga hayn. Taa waxay dhalisay in qaaradi Yurub, Afrika, Aasiya iyo Ameerika uu ka dhex dhasho ganacsi xoog leh.

Sida muuqata xiligaa hurumarka dunida laga sameeyey waxa lagu gaaray cilmi, wax wada qabsi iyo isbaheysi, taana waxey dhalisay in aduunkii kala hormaro oo uu noqdo dalal xoog leh oo haysta cilmi, teknoloojiyo iyo hanti iyo kuwa fara maran. Qarnigii 19aad horumarkii farsamada iyo kororkii warshadaha reer Yurub waxay u baahdeen alaabta ceyriin iyo suuqyo gata, si arrinkaa ugu suurta galo waxay weerar ku soo qaadeen oo ay qabsadeen adduunka oo idil iyagoo isticmaalaya xoog miletari iyo heshiisyo been ah. Waxaa halkaa ka abuurmay Imberaadoorido waa waaweyn oo gumeysi ah, in ka yar 7 dal ayaa waxay gacanta ku dhigeen sedex meelood laba meel dadyowgii ku noola adduunweynaha boqolkiiba 72%, iyo dhul balaarkiisu yahay boqokiiba 69.9%. Halkaa waxa ka dhashay dagaal gumeysi diid ah iyo halgan loogu jiro ka xorowga gumeysiga, wuxuuna soo taxnaa illaa bulshadii is-addoonsiga, imbiraaliyadda iyo tii gumeysiga.




Bidix: Glauco della Porta, Giulio Andreotti, Antonio Segni, Adan Cabdulle Cismaan, Cabdullahi Ciise


Haddii aan dib ugu laabano taarikhda dalkeena, waxaan filayaa inaad ka war qabtaan gobolka geeska Afrika muddo qarniyaal ah waxa ka taagnaa looltan diblomaasi oo salka ku hayey dano dhaqaalle, mid miletari iyo mid istaraatiiji intaba. Ummadda Soomaaliyeed waxa ay mar walba dhibane u aheyd juquraafiga ay ku taal, taana waxay u keentay in qarnigii 19aad, gumeystayaashi reer Yurub looltan ku dhexmaray dalka Soomaaliya, iyada oo qolo waliba ay dooneysay inay qabsato qeyb weyn, balse shirkii Berliin 1884-kii lagu heshiiyay in ay u qeybiyaan dalka Soomaaliyeed shan meelood. Nasiib daradii ugu xumeyd waxa ay ku dhacday dadka Soomaaliyeed oo ah dad isku mid ah, af-qura ku wada hadla, diin kaliya wadaaga, dhaqan iyo caado isku mid ah heysta ayaa marki ugu horeysay la kulmay iyagoo la kala qeybshay oo la hoos geyey sedex gumeysi.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka geeska Afrika isuma dhiiban isticmaarka ee way la dagaalameen, dagaal bay kula jireen gumeystaha muddo ka badan afar boqol oo sano. Haddii aan tusaalle u soo qaato gumeysiga qabsaday Soomaaliya, labada qayb Koonfur iyo Waqooyi ee maanta xorta ah wuxuu heystay 76 sano, 56 sano oo ka mid ah dagaalo ayaa dhexmaray Soomaaliya iyo gumeysiga, buuggaag badan baa laga qoray, gabayo badanna ayaa laga tiriyey, sidaa awgeed kuma dheeranayo.

Haddii aan horey u sii socdo, gumeysiga kuma ekeyn Soomaaliya iyo qaaradda Afrika oo kaliya, wuxuu ku fidsanaa Aasiya iyo laatiin Ameerika. Ummaddaha uu gumeysiga ku dul fadhiyey kama ayan raali noqon nolashii ay ku jireen. Dagaalkii 2aad ee aduunka waxa uu la yimid isbadel weyn dhinaca taarikhda ah, sababihii keenay labadii dagaal ee dunida ka dhacay waxay ka dhasheen tartankii dalalka reer Yurub ay ku tartamayeen dhul, ummadd ay gumystaan iyo suuq ganacsi. Tartankaasi waxa uu salka ku hayey dagaalo ay dowlad waliba ku dooneysay inay hesho barwaaqada Afrika, Aasiya iyo laatiin Ameerika. Wuxu kaloo looltanka keenay in dowlad waliba ay sameysato ciidan xooggan iyo maraakiib waaweyn si ay u maamulaan marinka baddaha ay isaga gudbaan maraakibta ganacsiga iyo suuqyada qaaradaha ay gumeystaan. Kolkii tartankii dhaqaallaha gumeystayaashu danahoodii iska hor yimid waxay taasi dhalisay si dowlad waliba danaheeda u ilaalshato inay xirriir difaac oo isgaashan buureysi la samaysato dowlado kale..

Waxa halka ka abuurmay isgaashan buursi oo marki dambe sababay xirriirki dowladaha reer Yurub in uu aad u sii xumaado, iyagoo qolo qolo isugu leexday ugu danbeytiina dhex maray dagaalo hoog iyo ba’a keenay sanadihii u dhaxeeyey 1914-1918. Sidoo kale dagaalkii caalamiga ahaa ee labaad ee dhacay sanadihii u dhaxeeyey 1939-1945, isaguna wuxu ahaa mid ka dhashay dhibaatooyinki keenay dagaalkii koowaad ee dunida iyo looltanki gumeystayaasha ay ku raadinayeen gumeysi, suuqyo iyo alaabta ceyriin ay warshahoodu ku socdeen. Dagaalkii 2aad ee dunida wixii ka danbeeyey xaalkii dunida wuu isbadalay, ummadahii gumeysiga ku hoos noolaa waxey bilaabeen inay ku fekeraan dhaqdhaqaaq iyo gobonimo..

Markii iskaashi wadajir ah yeesheen ummaddihii u halgamaayey dhaqdhaqaaga gobanimadoonka Afrika, Aasiya iyo Latiin Ameerika waxaa qarxaday dhaqdhaqaaq xornimodoon ah oo taarikh ahaan la oran karay wuxuu ahaa halgankii sinaanta aadamiga ee lagu gaaray kontomaadkii inuu bilowdo burburkii gumeysiga adduunka. Gayoodkii lagu diidanaa gumeysiga waxa uu soo afjaray awooddii siyaasadda iyo dhaqaalaha habki gumeysiga adduunka, taana waxey keentay gumeysigi caalamiga ahaa in uu ka dul kaco dadyowgii mudda dheer ku dul fadhiyey, ka alaab gurto meelihii uu adduunka ku haray.

Gobanimadii la helay kadib waxay keentay dalal badan oo ka mid ah adduunka inay xorobaan, Juqraafiga aduunka waxaa ka soo muuqday dowladdo badan oo ku yaal Afrika, Aasiya iyo laatiin Ameerika, hase ahaatee madaxbanaanidaas ma keenin wax isbadel ah oo aan ka aheyn magac gobanimo iyo maro calan ah. Sabatoo ah kolkii uu gumeysigii ka baxay albaabka, wuxuu ka soo galay dariishada isagoo wata hab cusub oo gumeysi ah (neo-colonialism). Gumeysiga cusub ujeedadiisa ugu weyni waxa ay aheyd sidii uu faraha kula sii jiri lahaa dalalki uu siiyey madaxbanaanida oo taliskoodi u waaro, iyagoo dhaqaalaha iyo siyaasadda wadamadaas ku xiray dhaqaalahooda iyo siyaasadooda, isla mar’ahaantaana madaxna ugu dhigeen dad ay iyagu doorteen oo dushana ka xukumaan, taana waxey u suurta galisay in waddamo badan ay noqdaan kuwa isaga ku tiirsan dhinac walba haddii ay ahan laheyd dhinaca dhaqaalaha, siyaasadsa, maamulka iyo difaaca intaba.


Permanent Somalia Mission to U.N. led by Hon. (Danjiraha Somalia u fadhiya Q.M.) Hassan Nur


Ummaddihii adduunka sedexaad iyaga oo wali la itaal xun dib u dhicii gumeysiga baday, gobannimadi dhalanteedka ay heleen iyo faragalinta lagu hayey aayahooda, ayaa waxa dagaalkii labaad kadib, adduunweynaha ka abuurmay dagaalkii qoboobaa (Cold War). Waxa uu keenay in aduunka ay soo food saarto cabsi weyn oo ka dhalatay hanjabaadda hubka atoomikada ah oo keenay adduunka inuu u kala jabo laba xoog oo waaweyn NATO iyo WARSOW. Waxaa jirtay in xiligaa adduunweynaha ay soo food saartay xasillooni daro siyaasad iyo cabsidii laga qabay hubka Atoomikada ah in la isku adeegsado oo isticmaalkiisu jugta hore ay dilayso malaayiin dad ah, kumaankun magaalo ahna carada u rogayso, hawada sare ee adduunkana xumaanayso. Sidaa awgeed farxaddii aadamiga waxay isu badeshay tiiraanyo, waxaana niyad jab iyo walwal ku dhacday ummaddihii xoroobay ee mudda dheer u soo halgamaayey gobanimda oo doonayey inay helaan nabadgalyo iyo xasilooni adduunku kuwada noolaado si ay u gaaraan horukac dhaqaale iyo mid siyaasadba.

Quwadihii waaweyna ee adduunka ka talinaayey iyo murugadii siyaasaddeed ee adduunka ka taagnayd, waxaa ka dhashay in lagu fakaray in la dhiso urur dhexdhexaad ah oo ka hortaga adduunka inuu u qeybsamo laba koox, dabadeedna dagaal dhaxmaro. Sida runta ah waxa xiligaa meesha ka maqneyd xoog adduunweynuhu leeyahay oo dhexdhexaad ah ee nabadda ilaaliya ama heshiisiiya dowlada dagaalamaya. Waxa kalo lagu fakaray in ururkaa dhexdhexaadka ahi ka shaqeeyo ciribtirka gumeysiga, ka hortaga dowladaha quwadda waaweyn inay soo faragaliyaan arimaha dowladdaha yaryar, joojinta faragelinta arrimaha gudaha ee dawladaha tabarta daran, in aan laga mid noqon isbaheysiga ciidameed ee loo sameystay xiisadaha ka dhexeeya labada quwadood iyo cadaalad wada saameysa aadamiga oo dhan.

Fikirka dhexdhexaadka ahi waxey soo shaac baxday maray madaxdi hogaaminaysay dunida saddexaad qayb ka mid ahi shir ku yeesheen magaalada Bandung ee dalka Indoniisiya. Shirka waxa lagaga wada hadlay ra’yi isdhaafsi iyo arimo ku leg leh dhibaatooyinki ka taagna aduunka, haagajinta nolosha dowladihii xoroobay iyo kuwii hayey jidkii ay ku gaari lahayeen xoriyadda oo labaduba wadaageen dano isku mid. Waxaa shirka Bandung si wada jir ah dhidibada loogu muday ururka dowladaha Dhexdhexaadka ah sanadku markuu ahaa 24kii Abriil 1955kii. Halyeeyadii ururka dowladaha dhexdhexaadka ah dhismihiisa xil gooni ah iska saaray waxa ka mid ahaa madaxdii Afrika iyo Aasiya ee jiilki 1aad ee gobanimada qaatay sida Jamaal Cabdi Naasir, K. Nkruuma, Nehru Sukaarno iyo madaxweynihii dalka Yugoslaafiya Marshaal Tito.

Fikirka dhexdhexaadka ahi waxey soo shaac baxday maray madaxdi hogaaminaysay dunida saddexaad qayb ka mid ahi shir ku yeesheen magaalada Bandung ee dalka Indoniisiya. Shirka waxa lagaga wada hadlay ra’yi isdhaafsi iyo arimo ku leg leh dhibaatooyinki ka taagna aduunka, haagajinta nolosha dowladihii xoroobay iyo kuwii hayey jidkii ay ku gaari lahayeen xoriyadda oo labaduba wadaageen dano isku mid. Waxaa shirka Bandung si wada jir ah dhidibada loogu muday ururka dowladaha Dhexdhexaadka ah sanadku markuu ahaa 24kii Abriil 1955kii. Halyeeyadii ururka dowladaha dhexdhexaadka ah dhismihiisa xil gooni ah iska saaray waxa ka mid ahaa madaxdii Afrika iyo Aasiya ee jiilki 1aad ee gobanimada qaatay sida Jamaal Cabdi Naasir, K. Nkruuma, Nehru Sukaarno iyo madaxweynihii dalka Yugoslaafiya Marshaal Tito.

Madaxdii ugu tun weyneed Shirka
Midig:
Nehru ee India, Nakruma ee Gana, Nasir ee Masar, Sokorno ee Indonesia, Tito ee Yogoslavia


Guushaas siyaasedeed ee shirka qaaya weyn leh lagu dhisay waxa ka soo qeyb galay 29 madaxweyne oo ka socday labada qaaradood ee Afrika iyo Aaasiya, iyadoo kulankaa lagu lafo guray arimaha ku saabsan dowladaha la gumeysto ee Afrika iyo Aasiya inay helaan madaxbanaani buuxda, inay ka heshiiyaan colaadaha iyo muranka iyaga dhexdooda ka taagan, inay doortaan habka xukunka ay ku dhaqmayaan ee iyaga raali galinaya iyo sidii lagu gaari lahaa iskaashi ku dhisan xariir siyaasadeed oo caalami ah. Komuunkii shirki Bandung laga soo saaray wuxuu noqday arrin taarikh iyo qiimo weyn adduunka u yeelatay, wuxuu u furay waa cusub oo micna taarikhdeed u yeehay aadamiga. Shirweynihii Baandung go’aannadi ka soo baxay waxaynu ka soo qaadan karnaa qaar ka mid ah:

In la xushmeeyo xaqa aadamiga ee asaaska ah iyo balanqaadka ummadaha Midoobay.

In la xushmeeyo madaxbanaanida ummadaha iyo nabadda dhulalkooda.

In la aqoonsado sinaanta aadamiga oo idil iyo sinaanta ummadaha yaryar iyo kuwa waaweyn.

In la diido faragalinta arrimaha gudaha ah ee dawlad kale leedahay.

In la xushmeeyo xaqqa ay ummad kasta u leedahay daafaca dalkeeda kali ahaan ama koox ahaan sida uu dhigayo balanqaadka dowladi culeys ama cariiri galiso dawlad kale.

In laga fogaado arrimaha keenaya hadidaad cadowtinimo ah ama in la isticmaalo xoog lid ku ah nabadda iyo madaxbanaanida siyaasiga ah ee dowlad kale.

In lagu dhameeyo muranka adduunweynaha si nabad ah ama sidii ay doontaan dawladahaasi.

Bayaankii ka soo baxay shirka wuxu intiisa badneyd khuseeyey dawladaha markaas ku jiray gacanta gumeysiga iyo kuwi xorta ahaa intaba. Shirkaasi waxaa xigay shirar kale oo isdaba joog ah oo lagu qabtay magalooyin kala duwan. Talaabooyinkaas oo dhan waxaa lagu doonayey in lagu fududeeyo dhibaatoyinka ka taagan cabsida, walwalka iyo baqdinta aduunweynaha ka jirtay iyo in laga hortago dagaalka qabow. Waajibadka lagaga mid noqonayo ururka waxa lagu xeeriyey magaalada Qaahira bishii Juun 12dii, 1961kii, iyadoo shirki Qaahira uu ahaa mid loogu diyaargaroobayey kulanakii magaaladda Belgrade 1961.

Lix sano ka dib kulankii Bandung, shirweynihii 1aad waxaa lagu qabtay magaaladda Belgrade, xarunta dalka Yugoslaafiya bishii Sebtember 1961. Kulankaa waxaa ka soo qeyb galay 25 dowladdood ay ka mid aheyd Dowladda Soomaaliya, Afgaanistaan, Algeria, Yemen, Myanmar, Cambodia, Sriilanka, Congo, Cuba, Qubrus, Masar, Itoobiya, Ghana, Guinea, Hindiya, Indonesia, Ciraaq, Lubnaan, Mali, Morocco, Nepal, Sacuudi Carabiya, Sudan, Suuriya, Tunisia iyo Yugoslavia.

Shirkaa isaga ah waxaa ummadda Soomaaliyeed ugu qeyb galay Madaxweynihii Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (AUN). Bayaankii ka soo baxay Shirkii Belgrade waxaa lagu gudoonshay in dalalka dhexdhexaadka ah la dagaalamaan Imberyaaliyadda, gumeysida iyo gumeysiga cusub iyo in dhexdhexaad laga noqdo looltanka dhex yaal labada dhinac ee xoogga waaweyn NATO & WARSOW.


Sawirada Madaxdii ka qeyb gashay Isbaheysigii Ururkii SIYAASADA DHEX-DHEXAADKA
la oran jiray Non Alignment Movement(NAM), Midig hoos Mad. Somalia Adan C Cismaan

Dadalkii shirkaa isugu yimid waxay qateen siyaasad dhexdhexaad ah, iyagoo ku baaqay in xaqa, cadaaladda iyo nabdadda lala safto oo taagero hiil iyo hooba la siiyo wada noolaanta iyo dhibaatooyinka adduunweynaha si nabadgalyo ah lagu dhameeyo, xirriir wanaagsanna uu dhexmaro adduunka oo idil. Shirkii dowladaha dhexdhexaadka waxyaalahi looga hadlay waxa ka mid ahaa:

In la sugu nabadgalyada adduunweynaha iyo adkeynta xaqa dawladuhu u leeyihiin madaxbanaanidooda.

In lala dagaalamo gumeysiga lagana hortago in dowladaha waaweyni ay soo faragaliyaan arrimaha dowladaha yaryar.

In la qiro xaqa ay dowlad walba u leedahay habka siyaasadeeda, dhaqanka bulshadeeda iyo dhaqaala dalkeeda ay u doorato inay qaadato.

In la adkeeyo qaranimada iyo madaxbanaanida dalalka sadexaad isla markaana laga hortago wixii manjaxaabin siyaasadeed, dhaqaale ama dhaqanba jirta.

In dagaal lala galo dibudhaca, lana gaadho hurumar dhaqaalle iyo mid siyaasadeedba iyadoo isla markaa la soo gaabinayo kala fogaanshaha dunida sedexaad iyo dalalka hore u maray.

Tallaabooyinkaas oo dhan waxa lagu doonayey in laga hortago mashaakilka dagaalka qabow ha ahaadeen; faragalinta quwada waaweyn ay ku hayeen arimaha gudaha ee dowladaha tabarta daran, saldhigyo miletari oo lagu yeesho dhul ay dowladi leedahay, iyadoo kaalmada miletari la siinayo dowladaha dariska ee muranka ka dhaxeeya iwm.

Waxaa lagama maarmaan ah in aan qeybtaan hoose ku lafa gurno guulihii isdabajooga ahaa ee siyaasadda dibadda Soomaaliya ay soo hoyeen dowladdii sagaalka sano ee rayidka iyo xukuumaddii Kacaanka oo labaduba dalka soo maamulayay muddo ku siman 30 sano. Siyaasadda dhexdhexaadka iyo midda dibadda waa mawqifka ay dowlad waliba ka istaagto arrimaha ka taagan caalamka, waxa ayna ku fadhidaa laba qodob oo muhiim ah. Midda hore waa qeyb u adeegta danaha qaranka, tasoo ilaalisa axdiga qaran galo dhab u hirgalinteeda, xushmeynta qanuun-dowliga ee guud iyo ixtiraamka fulinta heshiisyada dawliga. Midda labaad waa qeyb u adeegta danaha guud ee adduunweynaha ee la xariirta mas’uuliyadda qarankasta ka saaran sidii adduunweynaha loogu wada noolan lahaa nabadgalyo waarta, iskaashi iyo in khifaadka adduunweynaha ka dhaca lagu dhameeyo wadahadal iyo is-afgarad.

Siyaasadda dibedda ee dowlad kastaaba waxa ay salka ku heysaa hadba heerka uu gaarsiisan yahay nidaamka siyaasad dhaqan-dhaqaale ee dowladaasi dooratay in ay ku dhaqanto gudaheeda, taa ayaa siyaasadeeda dibadda adduunweynaha u muujisa sawirka qaraka. Midda kale horukaca ka socda dalka gudihiisa waa guulaha gundhig u ah siyaasadda gudaha, wuxuu si toos ah u taabanaya sawirka qaranka ee siyaasadda dibadda. Waxaan marka u soo noqonayaa in aan dul istaago oo wax yar waqtigeena ku lumino mowqifkii dowladihi hore ka istaageen arrimaha siyaasaddd dibadda Soomaaliya iyo kaalintii ay ka qaateen arrimaha xiligaa ka taagan adduunweynaha.


Diinta islaamku in ay tahay midda keliya oo rasmiga ah, sharciyada iy qawaaniintana iyada laga qaato.

Danta guud ee dadweynaha Soomaaliyeed in la ilaaliyo.

In xuquuqda shisheeyaha wadanka ku nool la ilaaliyo, haduusan ku xadgudbin qawaaniinta iyo danaha guud ee wadanka.

In la aqoonsado ujeedooyinka ummaddaha, xiriir wanaagsanna lala yeesho ummaddaha nabadda jecel.

Sanadkii 1959 markii ay dhamaatay muddadii tobonka sanadood ee xornima gaarsiinta, ayaa golaha guud ee ururka ummadaha midoobay ogolaadey in Soomaaliya ay xornimo qaadato bisha Juulay 1da 1960. Dalka Soomaaliyeed ee Ingariiska isticmaarsanayey markii ay iyagu ogaadeen inay gobanimo qaadanayaan inta ka horeysa 1da Juulay 1960-kii, ayaa madax ka tirsan gobolka Waqooyi oo markaa uu hoogaminaayo mudane Maxmed Ibraahim Cigaal la kulmay Cabdulahi Ciise oo markaa ahaa re’iisul wasaarihii ku meel gaarka Koonfurta Soomaaliya iyo mudane Adan Cabdulle Cusmaan oo isaguna ahaa gudoomiyihii ku meel gaarka golaha ummaada Soomaaliyeed ee Koonfurta.

Labada dhinac waxay markaa ku heshiiyeen in dalku yeesho hal calan, hal madaxweyne iyo dowlad kaliya. Halgankii dheeraa ee loo soo galay gobannimada ugu danbeyn wuxu keenay in sanadku markuu ahaa bishii Juulay 1dii 1960 ay dhalatay Jamhuuriyadii Soomaaliya oo ka kooban laba dal oo isu tagay oo ka mid ah shantii qeybood ee gumeysigu u qeybiyey ummadda Soomaaliyeed. Waxa la mideeyey labadi gobol, ciidamadi Waqooyiga iyo Koonfurta ayaa leysku daray iyadoo la mideeyey hogaankoodi, lacag ahaan shilinka Soomaaliga ayaa la qaatay, maxkamdihii iyo distoorki iyaguna hab wanaagsan ayaa loo dajiyey, kadibna Soomaaliya waxay ka mid noqotay Jimciyadda Ummaddaha Midoobay 20 Sebtember 1960. Bishii Juun 20dii 1961 waxa afti loo qaaday distoorki cusbaa, go’aankii ka soo baxay wuxu noqday 90% intii codkooda dhiibay ay ogolaadeen distoorka. Kadib markii distoorku hirgalay, waxa madaxweyne golaha guud ee ummadda u doortay mudane Adan Cabdule Cusmaan, isna wuxu resulwasaare u doortay mudane Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaake. Xukuumaddii uu so dhisay mudane Cabdirashiid wuxu wasiirkii arimaha dibadda Soomaaliya u doortay mudane Cabdulahi isse Maxamed. Xiligaa ma jirin siyaasad cad oo ku saleysan arrimaha dibadda Soomaaliya, balse waxaa lagu socday ujeedooyinki xisbiga SYL ee si cad u tilmaamayeen danaha ummadda Soomaaliyeed. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee ururka waxay ahaayeen kuwa soo socda.

In gumeysiga laga ciribtiro, lagana xoreeyo shanta qaybood ee waddanta Soomaaliyeed, ee ay gumeystayaashu si gardarro ah u qeybsadeen, kadibna la mideeyo, dowlad kaliya yeeshaan, calan kaliyana kuwa hoos nooladaan.

Soomaaliya oo dhan in ay noqoto Jamhuuriyad madaxbanaan.

In laga shaqeeyo sidii loo dabar gorn lahaa qabyaaladda, isbaheysiga iyo xeererka xun xun, loona abuuri laha walaaltinimo iyo iskaashi, kadibna la soo nooleeyo ummadda Soonaaliyeed ee gumeystayaashu kala daadiyey.

Ujeedooyinkaasi aynu soo sheegnay waxay ku soo arooreen nidaamkii siyaasiga iyo xeerarkii fulinta dowladdii rayidka. Dowlad kastaa ee dhalata waxay isku deydaa inay dhabbo gooni ah u marto sidii ay u adkeyn laheyd qarannimadeeda, una gaari laheyd horukac dhaqaalle oo dalku ku tallaabsado. Mabda’a ugu weyn ee dhabbaha horukaca lagu gaari karo wuxu yahay inay xukuumadaasi la timaado hab siyaasadeed ee dhaqan-dhaqaalle ee dalka loo dajiyo inuu raaco. Waxa kaloo meesha ka marneyn in aan waddanna horukac gaari karin haddii aan madaxda dalka hogaamisa u soo jeedin in la dhiso dhaqaallaha iyo nabadgalyada dalka.


16th NAM CONFERENCE (Shirki Dhexdhexaadka Tehran lagu qabtay) 26 August 2012 Iran


Inta aynan ka hadal dhexdhexaadnimada, waxa lagama maarmaan ah in aan isla garano oo si cad u qeexno dhexdhexaadnimda iyo doorka ay ku leedahay in laga shaqeeyo nabadda adduunka oo aan lagu biirin gaashanbuurta, tabaabulshada dagaalka iyo heshiisyada gardarrada ah oo dhamaantood loo sameystay xiisadaha dagaalka. Dhexdhexaadnimada waxa loo yaqaan marki dowlad ayan ka qeyb qaadan dagaal siyaasaddeed, mid dhaqaalle iyo mid miletari ka dhex socda laba dawladood iyo wixi ka badan. Dawlad kastaa oo madaxbanaan waxa ay awood u leedahay inay ka qeybgasho dagaalka ama meel aan dhaweyn iska taagto dagaalkaas midkood. Haddii ayan dowladdaasi barbar istaagin ama u hiilin dawladaha dagaalamaya midkood waxa lagu tilmaama inay tahay dawlad dhexdhexaad ah.

Xukuumad kastaa oo curdan ah inta ay ku jirto guurguurashada iyo saanqaadka waxay la kulantaa cadow kala duwan oo ka kooban guddaha iyo dibadda. Cadowga dibadda waa mid heer caalami u abaabulan oo faragalin ku haya arimaha gudaha ee dowladi ay leedahay si loo wiiqo dhaqaallaheeda, siyaasaddeeda iyo nabadgalyadeeda intaba. Cadowga gudahana waa mushkiladaha ka soo horjeeda nabadgalyada qaranka sida dhaca, boobka, dilka, sharciga oo lagu tunto, qofba intii qof ka awood badan yahay madaxa kaga istaaga, wadanka oo ku soo qulqula cadow iyo basaasiin si loo curyaamiyo qarannimada.

Haddaba kolkii xoriyadda la qaatay, Soomaaliya waxay la kulantay labada cadow aan kor ku soo sheegnay, sidoo kale daruufihii dalka yiilay waxa ka mid ahaa dhaqaallaha dalka oo aad u liitay, miisaaniyadda dowlada oo ahey masruufkii shaqaalaha dowlada waxay ku xirnaayeen tuugsi iyo kaalmo shisheeye, waxa aad u hooseyey tacliinta, waxa maqnaa qibrad qorsheyn dhaqaalle iyo mid maamul, ma jirin maalgalin mashaariic waaweyn ee horukaca dhaqaalaha dalka, xudduudaha dalka waxey ahaayeen kuwa albaabadiisu iska balaqan xagga cirka, badda iyo bariga, nabadgalyada dalka waxay ku jirtay khatar, waxaa kaloo halis ku jiray jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Xaaladda gudaha dalka oo sidaan u tiilay, in wax laga qabto mid sahlan ma aheyn, balse madaxdii dalka xukumeysay waxay ku dadaaleen iyagoo daacad u ah dalkoodi hooyo iyo ummaddooda inti tabartooda aheyd inay wax ka qabtaan dhibaatooyinki dalka yiilay. Waxay ku dadaaleen horumarinta dhaqaalaha iyo nabadgalyada dalka inay la kaashadaan ummadaha adduunka ee ogol in aan yeelano xiriir iskaashi ku dhisan wax wada qabsi labada dhinac. Talaabadii la qaaday waxay noqotay in la dhisto qaran Soomaaliyeed oo dhinac kasta isaga filan, dhaqaalaha wadanka sare loo qaado iyo in la hormarsho nabadgalyada qaranka.

Si arimahaasi wax looga qabto, xukuumaddii Cabdirashiid waxay la timid siyaasad dibadeed ah in xoogga la saaro laba qodob oo muhiin ah. Tan hore waxay aheyd, in kor loo qaado sharafka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga shaqeynayo inay na aaminaan dalalka Africa iyo Carabta inaannu nahay dad jiiraan ah, dad wallaalo ah, inaynu nahad dad isku dan ah iyo in aan helno kaalmo dhaqaale, mid miletari iyo mid farsamo iyadoo aan lagu biirin gashaanbuurta waaweyn ee dowladaha bariga iyo galbeedka, isla mar’ahaantana arimaha murugsan ee ka taagan adduunka laga noqdo dhexdhexaad. Ta labaad waxay aheyd in la xoreeyo sedexda qaybood ee maqan, kadibna la mideeyo, dowlad kaliya yeeshaan, calan kaliyana kuwa hoos nooladaan.

Xiligaa waxa aduunka ka jiray laba nidaam dhaqan-dhaqaale ee iska soo horjeeday, mid waxa u ahaa nidaamkii hantigoosiga uu hogaaminaayey Mareykanka, midka kalena wuxu ahaa nidaamki Hantiwadaaga uu hogaaminaayey Ruushka. Labadaa nidaam ee iska soo horjeeday waxa ka dhashay dagaalkii qobobaa ee gaashaanbuurta dowladaha Bariga iyo Galbeedka ee loo yaqaanay NATO iyo WARSO. Soomaaliya waxay la timid Siyaasad dibadeed ah in aan lagu biirin gaashaanbuurta waaweyn ee dowladaha Bariga iyo Galbeedka, balse looltanka iyo khilaafka ka taagan adduunweynaha loo raaco dhabbo siyaasad oo dhexdhexaad ah.

Qoraalka waa Qeybtii 2-aad, waa mid taxane ah ee la soco qeybta xigta




W/Q: Hassan Ahmed Sheikh
Canada
sinaandoon@outlook.com



Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka