BUUGA: Hardanka Loogu Jiro, Hanashada Soomaaliya

W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )

HIBAYN:
Waxa aan u buuggan u hibeeyey hooyad Faadumo Maxamed Khalaf oo runtii abaalkeeda aanan sibana ugudi Karin,sidii ay I barbaarisay ii korisay iyo sidii ay uga qaybqaadatay in aan heerkaan soo gaaro.

MAHADNAQ:
Waxa aan u mahadnaqayaa aqoon yahanada kala ah Axmed Siciid Maxamed (Sarsarey), Cabdiraxman Maxamed Warsane ( guure ), Maxamed Faarax Cilmi ( Daqare ) , Abwaan Bashiir Cabdiraxmaan diiriye ( Quule )iyo cabdullahi cabdiraxman Xassan ( Beexaan ) oo dhamaantood kaalin mug wayn kasoo qaatay qoridii iyo dhamaystiridii Buuggan.

XUQUUQDA BUUGGA:
Xuquuqda qoraallada ku duugan buuggani waxa ay u xafidan yihiin qoraaga.Waxaa reeban in la min guuriyoo ama la tarjumo iyada oo aan ogolaansho laga helin qoraha.

HALKU DHIGA BUUGGA:

"Ingiriis Axmaariyo Talyaan wey akeekimiye
Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye"
Eebe Ha uraxmado Abwaan faarax Nuur

AFEEF:
Wixii aan haleelo waxa ay ka ahaadeen xaga ilahay,wixii aan khaldana waxa ay ka ahaadeen naftayda iyo shaydaan.Waxaa banaan ina la isaxo,la idhaliilo iyo in waliba la I naqdiyo,waxaa si wayn usoo dhawayn doono wixii sixid ama hoga tusaalayn ah ee ii iiga yimaada akhristiyaasha sharafta badan.waxaan kale oo si sharaf iyo xurmo ku jirto uga codsanaya in si hufan la iigu soo gudbiyo wixii talo iyo tusaale ah.

Qoraaga Buugga:
Buuggan waxaa qoray aqoon yahan Cabduqaadir Ibraahim Axmed (kambale ) oo shahadaada kowaad ee jaamacada ku diyaariyey cilmiga xisaabaadka iyo dhaqaalaha,waxaa sida kale oo uu aalaba wax ka qoraa xaaladaha soomaliya isaga oo in ka badan sodameeyo maqaal ka qoray xaalada siyaasadeed,dhaqaale,iyo bulsheed ee dalka soomaliya. Sawirka Qoraaga.

Tusmada Buugga:
1-Horudhac
2-Maxaa Soomaliya Duulanka loogu yahay?
Cutubka Koowaad(1):
Taxanihii Duulimaadyadii lagu soo qaaday soomaliya iyo iska cabintii soomalida
B-Duulaankii xabashida
T-Tariikhdii Ahmed Gurey
J- Iska cabintii Ahmed Gurey
X- Gumaysigii Reer Yurub 1884-1960
KH-Taariikhdii sayid Maxamed Cabdile xasan
R-Halgankii Sayid Maxamed cabdille xasan
S-Halgankii SYL iyo Hanashadii xoriyada

Cutubka Labaad (2):
Maxaa ka hirgalay Duulimaadyadii kala duwanaa ee lagu soo qaaday soomaliya B- qorshihii kala qaybinta shanta soomali
T- Raad tirka taariikhda soomaliya
X- kala erdhaynta midnimo soomaliyeed
R-Xirmo xirmayn xuduud beeleedka

Cutubka Sadexaad (3):
5-Qorshayaal dahsoon iyo duulaamo qaawaan B- qorshaha dahsoon ee wadama deriska sida eithopia iyo Kenya
T- qorshashaha dahsoon ee wadabka Ingiriiska
J- Qorshaha Dahsoon ee wadanka Maraykanka
X- Qorshaha Dahsoon ee wadamada carbeed
Kh-qorshaha dahsoon ee Iran
R- Qorshaha dahsoon ee Turkiga

Cutubka Afaraad (4):
B-Loolanka shirkadaha maalgashi doonka ah iyo saamayntooda sirgaxan

Cutubka Tobaad(5):
B- u hanqaltaaga ka habaabinta diinta suuban ee islaamka iyo faafinta diimo cusub. HORUDHAC
Ujeedada ka dambaysa in buugaan lagu magacaabo hardanka loogu jiro hanashada soomaliya aan qoro waxaa ay ka dhalatay,kadib markii aan daraseeyey in badana rog rogay taxanaha taariikhda soo jireenka ee ummada soomaliyeed ay nagida ku ahayd mandaqan geeska Africa in horay iyo gadaal toonaba in dhulka ay degtu qowmiyada soomaliyeed ay ku baratameeyeen quwada shisheeya oo uu ukala ordayay in ay hantiyaan dhulka Soomaalidu degto ee dhaca mandiqadan geeska Africa.


Buuggani waxaa uu wax ka xusi doonoo ka hor gumaystihii reer yurub in taa aanu imaan cariga Soomaliyeed sidii u ahaa dhulka Soomaliyeed iyo inta uu ka koobna dhulka loo aqoon sanaa in uu yahay dhul Soomaliyeed,iyo ujeedooyinkii uu daarana gumaystihii reer Yurub ee daba kaga soo riixay qabsashada iyo qaybsashada dhulka Soomaliyeed .

Waxaa uu iyana dib inoo xasuusin doona halgankii Ahmed Guray uu la galay boqortayadii xabashida iyo waxa xundhurta ama gunta u ahaa duulaankii xabashida ay kusoo qaadi jirtay geyiga soomaliyeed.

Waxaan iyana aan ka marnayn in aan dib u jaleecno taariikhda dad yowgii daganaa dhulka soomaliyeed iyo hadii ay jirto in cidi dhulkan horay u daganaan jirtay,waxaa kale oo si cilmiyaysan kuna dhisan taariikh toosan oo sax ah uga hadli doonaa doodaha oranaya in dhulkan soomaliyeed ay wax ka degi jireen qowmiyada kale , ama soomaliduba ay ka barakicisay dadkii asal ahaan ku noolaa dhulkan.

Waxaan dhamaan soo aruurin doonaa dhacdooyinka taariikhda ee soo maray geyigan soomalidu degto,iyadoo aan soo xigan doono taariikho maangal ah una dhow xaqiiqda dhabta ee uu soo maray geyigan soomalidu degto.

Waxa aynu xooga saari doonaa in buugani koobsado dhamaan taxanihii taariikheed ee geyigan soo maray,iyadoon dhan walaba aynu u rog rogi doonaa anagoo ka eegi doono jihooyin kala duwan si aan ummada soomaliyeed ugu soo bandhigo tariikhda dhabta ee uu geyigan soo maray.

Waxaan aan ku soo afmeeri doono waxaa udub dhexaadka u ah in badi quwadaha shisheya ay u soo han qaltaagan hanashada geyigan soomalidu degto,iyo ujoodooyinka qarsoon ee ay kalee yihiin in ay hantaan Geyiga soomaliyeed.

Maxaa Soomaliya Duulanka loogu yahay?

Waa su,aal ay adag tahay in si fudud looga jaawaabo una bahaan in dhinacyo badan laga eego jawaabta aynu ka bixinayno waydiintan, aragtidayda duulamada lagu hayo wadanka soomaliyeed waa uu noocyo badan yahay cida duulamada hogaaminaysaana waa ay kala qorshe duwan yihiin oo midba gaarkeeda ayay u rabtaa inay ufushato danaheeda.

Duulamada lagu hayo soomaliya waxaan ukala qaadaynaa afar qaybood oo kala ah duulaan dhaqaale,duulaan diimeed,duulaan damac dhuuleed,duulaan istaaratijayeed.

Duulaan diimed:
sida aynu wada ognahay ummada Soomaliyeed 100% waa muslim sunni ah,waxaa jira duulaamo lagula dirirayo in ummada Somaliyeed ay yihiin dad wada aaminsan hal diin waxaa jira afkaaro lidi ku ah diinta islaamka oo dalka si xawliga looga hirgalinayo sida faafinta diinta kirishtaanka,faafinta caaqidada khaldan ee shiicada,baahinta afkaarta cilmaaniyada iyo caqliinayada.Duulaan dhaqaale:

Dulaanka diintu waa mid si aan yarayn ugu socda ummada soomaliyeed,diintu waa shayga ugu qaalisan ee suga midnimada iyo wadajirka ummada hadii dadku ay kukala tagaan mabda,a diineed way adag tahay si ay wax uwada wadagaan ama ay uwada nooladaan dagaalku diintu waa mid si wayn ugu socda gudaha dalka soomaliya waana mid u baahan in lagu baraarugo lagana digtoonado.

Duulaan dhaqaale:
soomaliya waxaa ilaahay ku manaystay khayraad dabiici ah oo ay kamid tahay dhul beereed,macaadin,shidaal iyo bada labaad ee ugu dheer Africa. Waxaa isha si wayn ugu haya khayraadkaas dalkeenu leeyahay xoogag shisheeye oo iyagu baahi wayn u qabo kaa faa,idaysiga khayraad tuuban dalka,ukala tartamida ay wadamo shisheeye iyo shirkado ajaanib ah ay ugu jiraan dalka ayaa la oran karaa waxaa jiiraa duulan wayn oo dhaqaaale.

Duulaan dhuuleed iyo badeed: waxaa jira isna duulaan ka gun wayn kuwa hore aan usoo xusnay dulaankaas oo isagu soo shaacbaxay,wadamo deris la aha soomaliya oo ay ugu horeeyeen dalalka itoobiya iyo Kenya ayaa halgan ugu jira sidaa ay u hantiyi lahaayeen dhul iyo bad ay leedahay soomaliya.

Muranka badeedka u dhexeeya Kenya iyo soomaliya iyo muran dhuleedka udheexeye soomaliya oo dhinac ah iyo Kenya iyo itoobiya oo dhinac ah ayaa cadayn ugu filan inuu jiro dulaan dhuleed iyo badeed.

Duulaan istaraatijiyadeed: soomaliya waxaa ay dhacdaa geeska afrika khaasatan bariga afrika. Juquraafi ahaan waqooyi galbeed waxaa ka xiga jabuuti,iyo Kenya oo koonfur galbeed ah, iyo gacanka cadmeed waqooyi iyo badwaynta hindiya bariga iyo itoobiya galbeed.

Nicmooyinka ilaahay ku manaystay dalkan ayaa waxaa kamid ah halka ay juquraafi ahaan dhacdo oo ah goob muhiim u ah isku xirka iyo ganacsiga calaamka, saamaynta istaraatijiyadeed ee ay leedahay soomaliya ayaa suurto galiyay in xoogag shisheeya ay usoo hanqaltaagan hantiyida dalka sidaas daradeed waxaa jira daadalo badan oo ay quwadaha calamka ugu xooga waawayn ay ku rabaan inay somaliya gacan ku dhigaan sidaas daradeed waxaa jiraa duulan istaratijiyadeed.

Cutubka kowaad (1):

Taxanihii Dulamadyadii lagu soo qaaday soomaliya iyo iska cabintii soomalida

B-Duulaankii Xabashida.

Dagaaladii Boqortooyada xabashida ay qabiilada dhulkaas degganaa kula jirtay, waxa uu markastaba ahaa mid xukun iyo saldana raadis salka ku haya, si hadaba damacaasi ugu suurto galo waxa ay Boqortooyadu mar walba isticmaali jirtey diinta Kiristaanka oo ay calool jileec iyo taageero kagaga raadinaysay waddamada reer galbeedka ee Kiristaanka ah. Boqor kasta oo Xabashida maamulana waxa hal hays u ahaa “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Taas oo ay ula jeedeen in Kiristaanka dhulka deggan laga badan yahay oo ay ku dhex nool yihiin badweyn islaam ah.

Sababta Axmed Gurey ku dhalisay inuu xabashida la dagaalamaana waxay ahayd isagoo u arkayaay in ay wadaan fidno ay markaasi ay ku doonayaan inay dadka islaamka ah diinta kaga saarayaan , taasi xabashida waxay mar walba u aheyd fursad ay wadamadii xooga badnaa ee Kiristanka ahaa waqtigaa dunida ilaa iyo hadana ay wax badan iska bedelin xaaladaas iyada ah, uga gurtaan hub iyo saanad ay kula dagaalamaan muslimminta ayagoo mar walba ku beer laxawsanaya ineey difaac iyo fidin ugu jiraan diinta Kiristanka.

Markii la soo gaadhey sannadkii 1800 waxa Boqortooyada Xabashida maamulayey Menelik II (Menelik-kii 2aad), waxa uu hub iyo dhaqaale fara badan ka helay wadamadii reer galbeedka, wuxuuna sameeyey dhul-balaarsigii ugu weynaa ee dhulalka Muslimiintu deggan tahay, gaar ahaan Soomaalida ku qabsado. Mudadii 1880s waxa ay ahayd markii Xabashidu hubkii ugu badnaa ay hesho oo ay dhul balaadhsigii ugu weynaa ku dhaqaaqdo.

T-Taariikhda Ahmed Guray

Imaam Axmed Guray Magaciisa oo saxani waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi. sida aad u taqaanan ahmed gurey waxa uu ahaa nin magac wayn leh oo waxa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkii 1507 - February 21, 1543. Yaraantiisii Imaam Axmed wuxuu ku soo barbaaray dhul qiyaastii koonfurta kaga toosan Harar.

Waxaan shaki ku jirin in uu qawmiyad ahaan ka soo jeedo Soomaalida, sida uu Professor Maxamud Brelvi uu ku xusay buuggiisa “Islam in Africa” oo lagu daabacay Lahore, Pakistan sannadkii 1964kii. Qowmiyadda Oromada oo iyagu ku dooda in Imaamku uu dhankooda ka soo jeedo ayaa la rumaysanyahay in ay agagaarka Harar soo gaareen qiyaastii xilligii Amiir Nuur Amiirka ka ahaa Harar. Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya).

Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga.Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday ,mahadhana reebtay ,ilaa hadana laxasuusto lana ilaawi karinin. Imaam Ahmed gurey inu ahaa daaci Muslim ah asal ahaana kasoo jeedqay qowmiyada Soomalida waxaa iyana xaqiijyay buugga wayn nee “Futuxul Xabash”.

J-Iska caabintiii Imaam Ahmed Guray

Boqor Lebne Dengel, boqorkii Xabshida, oo ka faa’iidaysanayey khilaafkii ka dhex aloosnaa imaarada Zaylac, wuxuu sannadkii 1527kii amray Fanuel, oo ka soo jeeday Kirishtankii reer Dawaaro, in uu weerar ku kiciyo reer Harar. Fanuel iyo ciidankiisu waxay weerarkooda ku ekeeyeen goob u dhow goobihii uu Imaam Axmed Gurey kula sugnaa ciidankii uu kala soo tegey Harar.

Dagaalkaas oo ahaa kii ugu horreeyey ee si toos ah u dhexmara Imaam Axmed Guray iyo ciidanka boqortooyada Ethiopia, wuxuu Imaamku ka gaaray guul ballaaran. Ciidanka Fanuel waxaa lagu jabiyey goobtii lagu dagaalamay, waxaana dagaalkaas looga qabsaday illaa 60 faras, baqal fara badan iyo hub sida uu ku xusay Shihaab Al-Diin buuggiisa Futuux Al-Xabasha, baalka 12aad.

X- Gumaysigii Reer Yurub 1884-1960

Gabagabadii qarnigii 19 naad sanadihii 1884-1885 qaybsigii Africa ay qaybsadeen quwadihii reer yurub waxaa usuuro gashay in gabi ahaanba ay xoog ku qabsadaan dhulwaynihii soomaliyeed, wadamada Ingiriiska,Talyaaniga iyo faransiiska ay sadex waxood ukala qaybsaday dalkii baxaada wayn ee soomaliya.

Gobolada koonfureed ee dalka waxaa gacan ku hayntooda la wareegay mustacmarkii Talyaaniga halka ay gumaytayaashii ingiriiska iyo faransiisku ay la kala wareegeen gobolada waqooyi ee ( British Somaliland ) iyo jabuuti ( French Somaliland ).

Soomalida oo ahayd dad reer guuraha oo ku noolaa nolol xor oo ka maran gumaysiga iyo kala saraynta ayaa waxaa ay iska cabin ba,an kala horyimaadeen gumaystayashii dhulkooda sida xooga ah ku qabsaday, waxaa bilow day dhaqdhaqaaqyo badan oo gumaysi diid ah waxaana uguna caansanaa halgankii hubaysnaa ee sayid maxamed uu kaga horyimid gumaystihii ingiriiska iyo halgamadii kale ee Iyana hubaysnaa ee ay hormuudadka ukala ahaayeen sh Xasan barsame oo isagu dagaal fool ka fool ah la galay gumaystihii talyaaniga ee isagu gacanta ku hayay gobolada koonfureed ee dalka, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaqyo gumaysi diid ah kawada dhanka jabuuti rag ay ugu cansanaayeen alle ha uraxmadee Maxamuud xarbi iyo Faarax-Xaad oo iyagu si cad uga horyimid gumaysigii faransiiska ee sida xooga ku haystay dalka jabuuti.

Waxaa geesta kale halgan dhanka suugganta ah uga horyimid gumaystihii reer yurub ee xooga kula wareegay dalkii somaliyeed abwaano ay ugu caansanayeen Xaaji aadan afqalooc, cabdullahi suldaan maxamed ( Timacade ),ismaaciil mire cilmi iyo afmaalo badan oo geyiga soomaliyeed caankawada ah.

Waxaa sidoo kale iyaguna geestooda halganka uga jiray culimada diinta oo runtii iyaguna kaalin lama ilaawan ah kaga jiray halgankii gumaysi diidka ahaa,waxaan xusi karnaa alle ha uraxmadee sh bashiir sheekh yuusuf oo kamid ahaa culimada diinta ee hargaysa oo isagu naftiisa ku waayay kadib markii uu ka hor yimid gumaystihi ingiriiska.

Waxay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada soomaliyeed ay si siman uga qayb qateen halgankii xornimda doonka ahaa ee la isaga kicinayay gumaystaha sida gar darada ah ku qabsaday dalka.

Kh- Tariikhda sayid maxamed cabdille xasan

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu kudhashay baliga lamagacbaxay Sacmadeeqo oo qiyaastii 11km (7mayl) woqooyi kaxiga Buuhoodle.

Sannadkii uu seyidku dhashay waxay taariikhdu ahayd 1856, taas oo ahayd gu' barwaaqo ah oo la oran jirey Gobaysane.Hooyadiis waxaa la oranjirey Carra Seed Magan. Abaarihii 1892 wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxayna is raaceen 13 wadaad oo kale.1895 ayuu seyidku kusoo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna kasoo degey xeebta magaalada Berbera.

Waxaa taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: "Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?".Dabadeedna afceliyihii baa kuyiri ingiriiskii "waa wadaad waalane inaka daa". Sidaa daraadeed waxaa ingiriisku ku magcaabay wadaadkii waalaa.Tuducdaas taariikheed waxaan kasoo xiganay buug ay qoray wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya sannadkii 1973dii.

R- Halgankii sayid maxamed cabdille xasan

Halgame sayid maxamed cabdille xasan waxaa uu si toos ah uga horyimid heeryada gumaysiga isago oo u guntaday sidii uu ummada soomaliyeed uga kicin lahaan heryada gumaysiga, sayidku waxaa u dagaalo badan oo hubaysan kaga horyimid ciidamadi ingiriiska ee joogay goblada waqooyi ee soomaliya ( Bretish Somaliland ).

Sayidku waxaa uu asaasay ciidamo hubaysan oo u babac dhiga ciidankii mustacarkii gumaystaha ingiriiska cidmadaas oo la yaqaan daraawiiish,sayidku waxaa udagaal hubaysan kula jiray gumaystihii ingriiska qiyaastiii ku dhawaad 21 sano.

Sayid maxamed iyo daraawishiiba waxaa ay guulo la taaban karo kaso hoyiyeen dagaalo badan oo ay lagaleen ciidankii ingiriiska,waxaa kale oo ay fashiliyeen damacii gumaystaha ee ahaa inay si nabad geliyo ku maamushaan geyiga soomaliyeed waxaa ay muujiyeen In soomalidu ay tahay dad aan aqbalin gumaysiga diyaarna u ah inay udhintaan dalkooda.

Dagaladii ay ciidankii xaq udirirka ahaa ee daraawiisha ay la galeen dhigooda ciidankii gumaystaha waxaa ka xusi karnaa dagaal fardhidin oo dhacay 1901,dagaalkii beerdhiga oo dhacay 1902,dagaalkii jidbaale oo dhacay 1904 iyo dagaalo badan oo ay ka mid ahaayeen Gumburo iyo Daraatoole.

Halgankii ee daraawiish ee uu hormuudka u ahaa Sayid Maxamed waxaa laga dhaxlay is hortaagii gumaysigii ingiriiska iyo fashilintiisii damaciisii guracnaa,waxaa kale oo laga bartay in dadka soomaliyeed ay yihiin dad marnaba aqbalin gumaysi dadban iyo mid toos ahba.

Alle ha uraxmadii sayidka iyo dhamaan mujaahidiinta darawiish waxay bud dhigayaal u ahaayeen helida xoriyada caam ah oo wada gaarta geyiga soomaliyeed.

S-Halgankii SYL iyo Hanashadii xoriyada

Halgankii Ummadda Soomaaliyeed ay gashay ee uu hogaanka u hayey xisibgii SYL iyo qaar ka mid ah halgamayaashii dalka u soo halgamay waxay aheyd talaabo horay loo qaaday si la isaga dulqaado heeryaddii gumeysiga, isla markaasna Ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa xoriyad dhamaystiran.

Hanashadii uu qarankani Soomaaliyeed hantay xoriyad buuxda sanadkii 1960-kii waxaa loo soo maray halgan aad u dheer oo naf iyo maalba leh, isla markaasna halgamayaal fara badani ay naftooda ku waayeen, si ay Ummadooda uga dulqadaan duliga gumaysiga .

Dhaqdhaqaaq ay hormuud u ahaayeen 13 dhalin yaro soomaliyeed ayaa suurto galiyey in dal dhani uu ka hoos baxo gacan gumaysi oo aad u xoog badan,is barbartaag wayn oo ay ka heleen dadkooda soomaliyeed,kalsooni wayn oo ay ku qabeen nafahooda iyo aminaad ay aaminsanayeen in hanashada guushu u baahantahay Samir iyo alle talo saarasho ayaa suurto galiyey inay ka miro dhaliyaan hadafkoodii ay ku badigoobayeen xoriyad camimta dhamaan dalka soomaliyeed.

Magacyda 13kii xubnood ee dhaqdhaqadii xoriyad doonka SYL( Somali youth leuage )

1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markuu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi wuuxu jiray 24-sano.

2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markuu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

5. Cismaan Geedi Raage waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

6. Dheere Xaaji Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee obolka Banaadir sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

7. Daahir Xaaji Cusmaan waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

8. Cali Xasan Maslax waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 24-sano.

9. Maxamed Cali Nuur waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkii 1927-kii, xilligaasi wuxuu jiray 16-sano.

10. Maxamed Faarax Hilowle waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadkii 1925-kii, xilligaasi wuxuu jiray 18-sano.

11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1918-kii, xilligaasi wuxuu jiray 25-sano.

12. Huudoow Macalin Cabdulle waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadkii 1926-kii, xilligaasi wuxuu jiray 17-sano.

13. Maxamed Cusmaan Baarbe waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadkii 1910-kii, xilligaasi wuxuu jiray 33-sano.

Dadaal dheer kadib waxa ay ku guulaysteen sanadkii 1960 inay dalka gaarsiiyaan marxalad gobonimo iyo xornimo dhab ah,illaahay dhamantood ha uwada naxariisto janadiisana haka waraabiyo waxa ay sameeyeen wax taariikhda galay oo aan maranaba ka maran dooniin xasuusta dadka soomaliyeed.

Cutubka Labaad (2):

Maxaa ka hirgalay Duulimaadyadii kala duwanaa ee lagu soo qaaday soomaliya?

B- qorshihii kala qaybinta shanta soomali.

Qaybsiga afrika kadib sanadihii 1884-1885 hadana waxaa jiray laba qroshe oo kala ahaa sii kala qaybsiga soomaliya iyo sii kala qaybinta soomaliya,sadexdii wadan ee kala qaybsaday soomaliya ee kala ahaa wadamada ingiriiska,faransiiska iyo talyaanigu waxaa ay sinaayee in aragtida ah ( Divide and rule ) qaybi oo xukun oo ay uga gol lahayeen inaan waligeed la helihin dal ay wada leeyihiin ummada somaliyeed ee isku isirka iyo dhaqanka ah.

Itoobiya waxaa waligeedba halgan ugu jirtay hanashada dhulka soomaliyeed oo ay waligeed sheegan jirtay balse ay u wayday xoog iyo xeeleed ay ku qabsato,nasiib wanaag itoobiya waxa ay siwacan uga faa,idaysatay fursad ay ka heshay gumaystihii dalka qaybsaday oo ay ka codsatay in dhulka soomaliyeed qaybteeda laga siiyo.

Wallow aysan jirin heshiis cad oo itoobiya iyo gumaystuhu markii hore kuwada socdeen hadana waxaa sanadkii 1954 si rasmiya usoo shaacbaxay heshiiska uu ingirrisku dalka itoobiya ugu wareejinayay qayb kamid ah dhulka soomaliyeed waa dhulka loo yaqaan soomali galbeed ama ogaadeniya.

Mustacmarkii ingriisku oo aan wali ka daalin kala qaybtina dhulka soomaliyeed ayaa hadana mar labaad dhul soomaliyeed gacanta u geliyay dalka Kenya sanadkii 1963 waa dhulka waqooyi bari Kenya ama ( northeastern frontier district ).

Sadex kamid ah shanti soomaliyeed ayaa fursad u helay in ay madax banaanidooa ka qaatan gumaystihii reer yurub,wallow ay israac midnimo iyo wadajir dhex martay gobolada waqooyi ee uu gumaysan jiray ingiriisku iyo gobolada koonfureed oo uu gumaysan jiray talyaaigu balse ilaa hada waxaa wali lagu guulaysan israac dhab ah oo dhex mara shantaa soomali maadama uu gumaystuhu kala irdheeyey oo uu labo kamid ah ku darau wadamo kale.

Eeda kala geynta iyo kala fogaynta shantaa soomali waxaa masuuliyeedeeda dusha uridanaya gumaystihii reer yurub khaasatan wadanka ingiriisku oo isagu bixiyay gobolada ku maqan,si uu u uga hortaga soo bixitaan dawlad dhul wayn oo soomaliyeed iyo si uu abuuro colaad ka dhaxaysa soomaliya wadamada jaarka ah ee aygu qaatay dhulka soomaliyeed waa Kenya iyo itoobiye,e.

koonfurta Somalia: Italia, waqooyiga Somalia,British, D,jabuti: france

Soomali galbeed:Itoobiya, Waqooyi bari Somalia (NFD),Kenya

T- Raad tirka taariikhda soomaliya:

Taxanaha taariikhda dadka soomaliyeed waxay ahayd taariikh soo jireen ah oo ilaa mudo facwayn soo jirtay,soomalidu waxay ahayd dad leh afay ku hadlaan balse aan qornayn. Ummada leh af ay ku hadlaan oo hadana qoraal leh intaba way raagtaa taariiikhdoodu oo si fudud kuma dhunto, ummada soomaliyeed waxay ahayd ummad leh hab maamul wanaagsan,dhaqan suuban iyo akhlaaq toosan ma ahan ummada taarikhdoodu ay gaabantahay oo waa ummad qarniyo badan soo dhaqmaysay.

Bilowgii imaanshaha gumaystihi reer yurub waxaa uu usi dardar leh ugu hawl galay sidii uu raad goyn lahaa taariikda soomaliyeed sababtuna waxay ahayd gumaystuhu waxaa uu fahansanaa in taariikhdu tahay sheegtada wixii tagay iyo tabisada wixii jooga.

Sii ay ugu sahlanaato in maan guur maskaxeed uu ku rido dadka soomaliyeed oo ay hayin ugu noqdaan gumaysigooda ayay wax ay waxba kama jiraan uga soo qadeen taariikhdii hore ee dadka soomaliyeed oo xitaa waxay liideen oo bah dileen dhaqankii toolmoona ee dadka soomaliyeed ay fac ka fac kusoo dhaqmi jireen.

Dhaqankii soomaliyeed oo ay ugub ku ahayd in la is gumaysto marnaba ma uusan soo dhawayn gumaysi dadban iyo mid toos ah,waxaa ay ummada soomaliyeed caado ulahayd ka dhiidhinta wixii aan u cuntabin taas aayana keentay in gumaystuhu uu xooga saaro sidii uu tir tiri lahaa taariikhda dadka iyo dalka soomaliyeed lahaan jiray.

Waxaa ay raad tir ku sameeyeen wixii horay looga qoray dalkaa soomaliyeed waxaana ay dib u qoreen taariikh cusub oo ay iyagu hadba sida ay raab ay udhigayeen waana sababta loo waayay cid wax ka qortay dalka soomaliyeed oo aan ahayn gumaystayashii reer yurub.

X- kala erdhaynta midnimo soomaliyeed:

Gumaystihii reer yurub oo isugu labo mabda,a ku shaqaynayan waxaa mar kasta dhibaysay midnimada ummada soomaliyeed, waa mare marka hore gumaysigu waxaa uu ku shaqaynayay mabda,a ilaasasho dano khaas ah sida ka faa,idaysiga khayraadka dalalka ay gumaysanayaan iyo barida afafkooda dadyowga ay gumaysanayaan. Mabda,a labaad waxaa uu ahaa mabda,a diimeed iyo sidii ay dadyowga ay gumaystaan ay ugu badali lahayeen diimaha ay haystaan oo ay ugu dhigi lahaayeen dad kirishtaan ah taasi oo ay ka sameeyen horumar oo ay dadban ku guulaysteen inay ka dhigaan dad aaminsan diinta maasixiga.

Soomalida oo labo gore ka hor timid laba mabda,a ee gumaystaha oo iyagu dagaal hubaysan kala hor yimid gumaysigii reer yurub oo ka dhiidhiyey gumaysigoodii,geesta kalena ahaa dad 100% muslim ah oo aan sinaba u aqbalayn diinta kirishtaanka ayaa sababtay in gumaytayashii kala qaybsaday dhulka soomaaliyeed ay xooga saran sidii ay uga hortagi lahaayeen israac dhex mara dadka soomaliyeed oo ay iyagu u arkeeyeen inay noqon karta dal quwad leh oo islaam ah oo ka dhasha bariga Afrika inay saamayn wayn ku yeelan karta kobaca islaamaynta dadyow afrika barida iyo guud ahaanba afrikaba.

R-Xirmo xirmayn xuduud beeleedka:

Abeesaa waxay ku maahmaahday “lix jir nin kaan ku qaniino,lixdan jir baan kusoo ritaa”,maah maah kalena waxay ahayd ‘’ ayax tag eelna reeb’’. Kacdoonkii xornimo doonka ahaa ee sida siman uga bilowday wadamadii ku hoos jiray gacanta gumaysiga ayay is tuseen in gumaystayaashii reer yurub inaysan gacantooda kusii jiri Karin dhulalkii ay xooga ku haysteen. Gumaytayashii reer yurub waxa ay dajiyeen qorsha ay si wacan usoo agaasimeen oo ahaa in gumaysigii hore mid ka waxyeelo badan au geliyaan wadamadii ay haysteen oo uu dalka soomaliyeedna ka mid ahaa,taas ayaana dhalisay in boqolaal xuduud ay dhex meriyeen meel walba si khilaaf sababa dagaal iyo colaad aan harine ay udhexmarto hadba cidaha meeshaas wada degan.

Soomalida oo si wayn ugu dagantay qorshahaas ayaa ilaa iyo hada murano ka dhasha xuduudihii ay gumaystaayaashii reer yurub sameeyeen uu sababaa in marar badan ay dhacaan dagaalo ay dhiigag badan ku daataan oo marnaba xal waara laga gaarin.

Xirmaynta xuduud beeleedyada uuka tagay gumaysigii reer yurub waa aafada kaliya ee ilaa iyo hada soomalidu ka kaban la,adahay.

Cutubka Sadexaad (3):

Qorshayaal dahsoon iyo duulaamo qaawaan

B- qorshaha dahsoon ee wadama deriska sida eithopia iyo Kenya

Itoobiya: wadanka toobiya ayaa isagu ka leh soomaliya qorshe fog oo ah in dalka soomaliya ay ka dhigto gobol kamid wadanka itoobiya,sida aynu wada ogsoonahay wadanka itoobiya wuxuu kamid yahay wadama ugu dadka badan Africa, wadanka itoobiya maleh bad iyo shidaal farabadan waana sababta itoobiya ay waligeed ugu taamto ay dalka soomaliya ay gacanta ugu dhigi lahayd,itoobiya waxay faragalin toos ku leedahay soomaliya iyadoo dhamaan maamulada dalka soomaliya kajira ay sitoos u hoostagaan itoobiya ,waxaa kale oo itoobiya ciidamo farabadan ka joogan dalka soomaliya.

xuquudda sawirka waxay ureeban tahay Dr Raabeh,Farsamadana waxaa iska leh Cabdullahi Spanish,faafinttisana somalitolk.

Xuquuqda sawirka waxaa iskaleh farshaxamiiste Aamin Caamir

Kenya: dalkan Kenya wuxuu ka macaamashay burburka dawaladii somaliyeed iyadoo dhamaan hay,adaha qaramada midoobay iyo kuwa kale ee caaalmiga ah ee ka hawl gala soomaliya uu fadhiigoodu yahay dalka Kenya iyadoo Kenya ay ka heshay dhaqaale farabadan.

Qoryaasha Kenya waxa kamid ah in ay sharciyaysato qeyb kamid ah Badda Soomaaliya oo lagu tuhun san yahay inuu shidaal ceegaago.

T- Qorshayaasha dahsoon ee wadanka Ingiriiska.

Wadanka ingiiriiska oo kamid wadamada gumaystay qaybo kamid ah gayiga soomaliya, waxaa uu aaminsan yahay inuu xaq uu leeyahay in wadamada caalamku ugu danbeeyaan soomaliya ayna gudboontahay in wax laga waydiiyo xal uhelida xaalada qalafsan ee kajirta soomaliya.

Dawlada ingiriisku waxay ka walaacsantahay saamaynta uu dalka turkigu ku yeelanayo soomaliya ,iyadoo lawada ogson yahay xiriirkii fogaa ee dawladii cusmaaniyiinta iyo soomaliya,dawladu ingiriisku waxay tartan ugu jirta in ay qayb lixaadleh ku yeelato ka faa,idyasiga shidaalka dhex ceegaga soomaliya.

Dalka ingiriisku wuxuu doonayaa in aan laga xigsan kheyraadkaa muhiimka ah mustaqbalka dhow iyo kan fogba. F.G: dalka ingiriisku waa dalkii sida bahalnimada ah uu qaybiyay dhulkii somaliyeed isagoo qayb kamid ah dhulkii soomali galbeed gacanta u galiyay dalka itoobiyo sanadii 1954,isla sidaas oo kale ayuu dhulka NFD isagana gacanta ugu galiyay dalka Kenya.

J- Qorshaha dahsoon ee wadanka Maraykanka.

Wadanka maraykanka oo ah quwada ugu xogawayn maantay dunida aan ku nool nahay waxay qaarada Africa u dajisay qorshe loogu yeero (Africom),qorshahaasi loogu yeero africom waxaa ujeedooyinkiis kamid ah “Ilaalinta sida loo helayo HYDROCARBONS-ka iyo qorshayasha kale khayraadka ku duugan Afrika, taaso shaqooyinkooda ay ka mid tahay in la sugo ilaalinta waddamada aan awooda lahayn ee africa si hadhow aan cid labaad ula yeelan khayraadka Africa.

Hadaba si qorshahaas u hiraglo waa in wadama Africa loo diido firaaqo ay ku helaan nasniino ama ay uga fakaraan sidii ay khayraadkooda iyagu u maamulan lahaayeen , qorshaha La dagaalanka Argagixisada ayaa ah yool habaabin iyo jahawereer lagu qasayo in laga abuuro qaaradda Afrika xasilooni daro si loo xakameeyo ama loo yeesho khayraadka ku duugan Afrika.

Soomaliya oo kamid ah wadamada qaarada Africa uga tabarta daran waxay kujirtaa wadamadaas awooda yar ee uu ilaalinayo maraykanku,siyaasada maraykanka ayaa waxaa kamid ah in uu gacanta ku hayo wadanka soomaliya uuna kadhigo dal isaga daba dhilif u ah (puppet country ) .

Ujeedka ugu wayn ee maraykanku ka leeyahay soomaliya waa inuu gacanta kudhigo khayraadka dalka iyo inuu saldhigyo ciidan ka dhisto soomaaliya sii ay uga sahlaanaato in uu kormeerto ka noqdo wadama carabta iyo kuwa qaarada afrika.

X- Qorshayaasha dahsoon ee wadama Carbeed.

Saudi Arabia oo ah dalalka ugu uga awooda badan wadamada carabta ayaa ahmiyad gaar ah siinaya soomaliya,xulufada sacuudiga hoogaminaya ayaa waxaa kasoo dhex muuqday dalka soomaliya iyadoo ay soomaliya ogalatay in dhul badeedkeeda ay isticmaali karaan xulufada uu hogaaminayo sacuudigu.

Ahmiyada sacuudiga ee ugu wayn soomaaliya ayaa ah in soomaliya uu ka helo goobo uu weeraro kaga qaadi karo dalka yaman oo ay gacanta ku hayaan kooxda looyaqaan xuutiyiinta oo uu tageero dalka Iran oo ay xurguf kala dhaxayso dalka sacuudiga.

United Arab emirates: dalkan ayaa ah dal soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ay kamid yihiin agabka iyo qalabaynta ciidamada,qaybtina mucaawanooyinka iyo xaga horumarinta sida goobaha waxbarashada iyo arimaha bulshada.

Wadanka imaraatka carabtu ayay tahay ujeedadiisu sidii uu soomaliya ula yeelan lahaa xiriir wanagsan oo dhanka gacansiga iyo sidii uu maalgashan lahaa dalka soomaliya.

Masar: wadanka masar kuma cusuba saaxad siyaasada soomaliya isagoo tariikh midabo badan ku leh xaalada soomaliya ka aloosan, dagaalkii 1977 dalka masar wuxuu kamid ahaa dalalkii soomaliya isku garab taagtay dagaalki dhex maray soomaliya itoobiya.

Soo laba kaclaynta dalka masar ee soomaliya waxaa sabab u ah muranka u dhexeeye wadamada masar iyo itoobiya ee ka dhashay wabiga niil, sida aynu wada ogsoonahay itoobiya iyo masar waxay wadaagan wabiga niil ,dhawaanahan danbe waxaa soo shaac baxday in dalka itoobiya uu dhisayo biyo xireen wayn, biyo xireenkaas oo laga cabsi qabo inuu samayn ku yeesho awooda biyaha wabiga niil.

Si masar ay ugu taag hesho xal uhelida muranka wabiga niil,masar waxay ubaahan tahay goobo ay weeraaro uga qaadi karto itoobiya hadii ay ka dhaga furaysto joojinta dhisida biyo xiraankaas.

soomaliya waxa ay u tahay bartilmaameedka ay masayr doonayso inay ka dhisato xarumo ciidan oo ay itoobiya weerer uga qaadi karto.

Kh- Qorshaha dahsoon ee wadanka Iran.

Wadanka Iran ayaa sanadihii ugu danbeeyey kuso biiray loolanka logu jiro dalka soomaliya ,iyadoo ciidamada bada iran ay joogan xeebaha soomaliya iyaga oo kamid ah ciidama lagu sheego inay la dagaalamaan burcad badeeda.

Sida aynu wada oganahay dalka iran wuxuu wadaa is baahin uu rabo inuu samayn kuyeesho caalamka, isagoo samayn kuyeeshay wadamada Iraq,suuriya,lubnaan iyo wadanka yemen Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada sirdoonka soomaliya ay magaalada muqdisho kusoo bandhigeen dad lagu sheegay inay madhabta shiicada ka faafinayeen muqdisho.

Dalka Iran wuxuu safarad ka furtay soomaliya sanadki 2011 iyadoo hay,ado laga leeyahay dalka iran ay ka hawl galaan soomaliya.

R- qorshaha dahsoon ee wadanka turkiga.

Wadanka turkiga ayaa kamid ah wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida, wadankan ayaa ah wadan muslim suni ah, waxaa jira xiriir fog oo ka dhaxayn jiray dalka soomaliya iyo dawladii cusmaaniyiinta ee fadhigeedu aha dalka turkiga.

Sanadkii 2012 ayaa lagu xasuusta dalka turkiga gurmadkii uu u fidiyay dalka soomaliya ,xiligaas oo abaaro ba,an ay ka dhacday dalka soomaliya,iyadoo oo dalka soomaliya uu booqosho kuyimid raysal wasaarihii turkida Rajib Dayib ordagan, boqashada ordagan ayaa indhaha caalamka kusoo jeedashay soomaliya.

Wixiika danbeeyey sanadkii 2012 turkigu wuxuu si toos ah u biilabay caawinta dadka soomaliyeed isagoo mashaariic farabadan ka fuliyay dalka soomaliya.

Waxaa kamid ah waxqabad yadii turkiga, dhismaha tirminalka madaarka aadan cade,casriyaynta isbitaalki digfeer iyo deeqo waxbarasho oo uu siiyay arday farabadan oo soomaliyeed.

Wadanka turkigu waxaa uu doonayo inuu xiriir dhow la yeesho dalka soomaliya, sii uu hadhow markii dalku dago uu soomaliya ula yeesho xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhinacyo badan la xiriira.

Cutubka Afaraad (4):

B-Loolanka shirkadaha maalgashi doonka ah iyo saamayntooda sirgaxan(Blac water,SKA air logistic ,Pathfinders iyo Saracen international)

Soomalidu waxay hal qabsi ka dhigataa dal ba,ow yaa ku leh,ukala haliilka loo kala haliilyo soomaliya kuma koobna wadamada oo kaliya balse waxaa si xowli leh ugu kala baratamaya soomaliya shirkado shisheeye oo iyagu inta badan ku andoocada inay doonayaan maalgashi iyo sidii ay kobac koror dhaqaale u garsiin lahaayeen soomaliya. Balse su,aasha iswaydiinta mudane waxa ay tahay maxay yihiin qorshaha ay daaran yihiin iyo maxaa ka run ah waxay sheeganayaan inay wax ka qabanayaan.

Jawaab u helida waydiinta waxaa inaga kaafin kara oo kaliya hab dhaqanka shirkadaha oo muujinaya inay is diidayaan shegashadooda iyo sida wax u wadaan,tusaale shirkada Saracen international oo ka tageeraysa dawlada soomaliya dhismaha ciidan qaran ama shirkada sky air logistic oo la wareegtay maaraynta iyo maamulida madaarka Aadan cade ee muqidho soomaliya.

Maxay yihiin shirkadaha Saracen international,black water, Pathfinders,Africa oil iyo ska air logistic?

Shirkada Saracen waxaa iska leh nin lagu magacabo Mr.Lafras Luitingh oo asal kasoo jeeda wadanka koonfur afrika balse haysta dhalashada wadana austriliya,war bixin dheer oo uu tvga ABC ka diyaariyey Mr.Lafras Luitingh ayaa waxa ay si qotodheer uga hadleen shakhsiyadiisa iyo waliba shaqada shirkadiisa.

Markii ay hadleen shaqsiyadiisa waxaa oo ABC yiri “Mr. Lafras Luitingh waxaa uu horey uga mid ahaan jiray Ciidamadii Xukuumadii cunsuriga ahayd ee (Apartheid) ee dalkaasi Koonfur Afrika, waxaana warbixinta Telefishonka lagu sheegay in uu Mr. Lafras Luitingh uu shaqsiyan kamid ahaa kooxihii shirqoolada dilalka la beegsan jiray siyaasiyiintii kamid ahaa dhaq dhaqaaqii xoriyad doonka dalkaasi Koonfur Afrika.

Mr.Luitingh ayaa kamid ahaa saraakiisha sare ee Ciidamada Kamaandooska xukuumadii Apartheidka oo lagu magacaabi jiray Civil Cooperation Bureau (CCB). Ciidamadan ayaa la sheegay inay ahaan jireen kuwii fulin jiray weeraro bambaano iyo dilalka qarsoon ee xukuumadii cadaanka ee Koonfur Afrika la beegsan jirtay dhaq dhaqaaqii xoriyad doonka.

Warbixintu waxaa kale oo ay sheegtay in Mr. lafras luitingh uu ka qayb qaatay dagaalkii macdanka ee ka dhacay dalka Papua New Guinea.

Hay,ada daba gal cunoqabataynta saran soomaliya iyo ereteriya ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan ( monitoring group ) ayaa ku eedaysay shirkada Sarancen in ay ka dhistay gudaha Soomaaliya ciidankii ugu badnaa oo ugu hub culus marka laga yimaado ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Isku soo wada duub hawlaha shirkadani ay ka hayso dalka ayaa ah ilaa iyo hada kuwo aan cadayn, shegeeshadii ahayd maalgashina waxaa buriyey hawla muuqda ee socda. Raac oo raadi likigan si aad u dawatiid muqaalka uu ABC ka diyaariyey Mr.lafras luitingh mulkiilaha shirkada Saracen. http://www.abc.net.au/news/201 2-09-04/australian-accused-of- funding-private-somali-army/42 42778 Shirkada black water.

Black water waa shirkad laga leeyahy wadanka Maraykan waana shirkada difaaca gaarka ah ee dunida ugu wayn waxaana la aasaasay sanadki 1997 waxaa asaasay labada nine e lagu kala magacaabo Erik Prince and Al Clark.

Blackwater waxaa ay ka mid tahay shirkadaha calooshood u shaqeestayaasha ah ee caalamka dhibaatada badan ka geestay iyadoona Ciraaq ,Pakistan iyo Afgaanistaan ay Blackwater ku waxyeeleysay shacab badan Muslim ah oo kale duwan.

Dhawaan ayay ahayd markii Afhayeen u hadlay shirkada Blackwater oo lagu magacaabo Mark Corallo uu sheegay in heshiis dhismo ciidan oo gaaraya 2000 oo askari ay lagaleen dawlada Soomaliya, Mr Mark coralllo ayaa sheegay in uu in badan ku kalsoonyahay in shirkada black water ay kaalin wacan ka ciyaari karto xal uhedlida xaaladaha ammaan xumo ee ka jirta ee dalka Soomaaliya.

Shirkada black water wax ay astaan u noqotay hormuud unoqoshada qalaalasaayasha ka dhaca wadamo oo caalamka kamid ah,waana nasiib daro iyo uurku taalo wayn hadii ay soomaaliyaana isku dayayaan in ay ka hawl galaan.

Shirkadaha SKA air logistic iyo Pathfinders. Shirkada SKA air logistics

shirkada SKA (skylink Arabia) air logistic ayaa ah shirkad laga leeyahay wadanka maraykanka,waxay shirkadani ka shaqaysaa arimaha duulimaadyada waxaa ay mudo sadex sano ah gacanta ku haysay madaarka Aadan cade ka hor inta aysan favori kala wareegin gacan ku haynta gegiga Aadan cade.

Waxaa ay shirkadi SKA air logistic ku guuldaraysatay in ay kasoo baxdo heshiis ay la gashay dawlada soomaliyaa oo ahaa in shirkadu dayac tir iyo dib u habayn ay ku samaysay dekada maalagada muqdisho,nasiib daro mudo sadex ah oo laga dhursugayay waa ay ku guul daraysatay in kasoo baxdo howshaas waana tan sababtay in laga eryo shaqadii ay ka haysay madaarka Aadan cade.

Shirkada Pathfinders.

Shirkada Pathfinders company waa shirkad laga leeyahay asal ahaan wadana koonfur Africa (south Africa),waana shirkad inta badan ka shaqaysaa arimaha sugida amaanka gooba laga baarayo shidaalka. Waxay sidoo kale ka mid tahay shirkada si toos ah uga hawl gala wadanka oo ay shaqaalayaal badi ka joogaan dalka.

Shirkada Pathfinders waxa ay ka mid tahay shirkada aan horay looga aqoon geyiga soomaliyeed balse dhawaan kusoo biiray shirkadaha ka hawl gala dalka soomaliya. Waxaan sidoo kale wax badan laga ogayn hawlaha ay hayan dalka iyo cida ay ka amar qaatan toona mana cada shaqadeeda rasmiga ahi.

Shirkada African Oil

Shirkada Africa oil waa shirkad laga leeyahay wadanka Kanada oo qaabilsan sahaminta iyo soosaarida shidaalka cayriin,Africa oil waxay ka howl gashay wadamado badan oo aduunka ah khaasatan wadamada Afrikada bari sida Kenya iyo itoobiya.

Sida aan kasoo xigtay mareegtooda internet waxaa ay ku shaciyeen inay sahamin shidaal baaris ka wadaan dalka soomaliya gaar ahaan gobolada waqooyi bari (Puntland). Is afgaad dhex maray shirkada African oil iyo maamulka puntland ayaa usuurta galiya in african oil ay sahamin shidaal baariska ka bilowdo dooxada daroor(daroor valley) ee gobolka bari iyo dooxada nuugal (Nugal Valey).

Tixraac: http://www.africaoilcorp.com/s /Somalia.asp

Isku soo wada duuduubo shirkadaha shisheeye ee kusoo qamaamay soomaliya ayaa ah kuwa aan la tirin karin oo isugu jira kuwo la yaqaano iyo kuwo aan la aqoon,loolanka shirkadaha shisheeye eek u wajahan soomaliya ayaa yeelan karan saamayn sirgaxan hadii aan si wacan loo marayn.

Cutubka Tobaad(5):

B- u hanqaltaaga ka habaabinta diinta suuban ee islaamka iyo faafinta diimo cusub.

Ummada soomaliyeed waxay ka mid ahayd ummadihii horay u islaamay xili ku beegan kahor taariikhda hijriyada,kahor Suubane Nabi Muxamed (N.N.K.H) inta uusan u hujiroon madiina qaar kamid ah asxaabtiisii lagu dhibay makka ayaa uu amray in ay u hijroodaan dhulkii markaas la isku ‘’Ardul Xabash’’ oo ay soomalina ka midka ahayd.

Asxaab tiro ahaan dhamayd 101 qof oo kala ahaa 83 rag ah iyo 18 dummar ah oo uu hogaaminyay jacfar Bin abii Daalib ayaa soo gaaray ardul xabasho iyagoo ka bilaabay faafinta dacwada islaamka, dadka soomaliyeed waxaa lagu tiriyaa sida taariikhdu sheegayso in ay xiligaas islaameen oo ay qaateen diinta islaamka.

Dadka soomaliyeed waa dad 100% muslim sunni ah,rumaysanaanta ay wada rumaysanyihiin diinta islaamka waa mid kamid ah nimcooyinka Eebe ku galadaystay, hadaba waxaa jira duulamo badan oo ka dhan ah diintooda oo lagu hayo dadka soomaliyeed.

Mashruuca Kirishtaamaynta:Gumaystihii reer yurub ee gumaysan jiray soomaliya waxaa uu dadaal dheer galiyay dadka soomaliyeed sidii uu diintooda uga badali lahaa oo ugu dhigi lahaa dad masixiiyiin,waxaa uu ka dhisay dalka kaniisado uu ugu talo galay in uu dadka ugu badalo diintooda,waxaa gallad Eebe ah inu gabi ahaanba ku fashilmay arinkaas.

Sawiradii mid kamid ah kaniisadihii gumaystihii talyaanigu ka dhisay magaalada muqdisho.

Xuquuda sawirka: Radio Kulmiye Mashruuc kiristaamaynta ee uu gumaystihii reer yurub hormuudka u ahaa wali ma uusan istaagin,oo booskii gumaystaha waxaa galay qurbaha oo waxaa jira dadaalo xoogan oo dadka dibada ku nool ee soomaliyeed lagu doonayo in diintooda lagu badalo. Wallow uusan kani ufashilmin sidii kuu gumaystuhu dal ka fuliyay kol hore,hadana mashruucan qurbo joogta xooga lagu saaray isaga laftirkiis wax horumar oo wayn lagama samayn marka laga reebo qof qof aduunyo raac oo diintiisa aduun darted u badalay mooye.

Waxaa sidoo kale jira hay,ado sheegta inay yihiin samafalo oo iyaguna si qarsoodi ah u faafiya diinta masiixiga,isku soo wada duub mashruuca kirishtaamaynta dadka soomaliyed horayna waa usoo jiray hadana wajiraa waa duulan qaawan oo xaga diinta oo la dhaqayal san Karin una baahan in dadka soomaliyeed ay si dhow ulasocdaan diintoodana u ilaashadaan. Mashruuca Shiicaynta: ka hor inta aanan gudo mashruuca shiicaynta dadka soomaliyeed waxaa mudan inaan iswaydiino waa maxay shiico?

Culimada taariikhdu waxay isku raaceen in Shiicadu ay soo if-baxday kadib geerida Nabiga (N.N.K.H) waxayna rumeysnaayeen xilligaas in Maamulka khilaafada ay Aalu Beytka Rasuulka ka mudnaayeen Qureysh inteeda kale, oo waxay Saxaabada waa weyn sida Abuu-bakar iyo Cumar RC, ku eedeeyeen inay talada ka boobeen Cali Binu Abii Daalib RC, waxaana fikirkan asaasay rag uu hor boodayay C/llahi Ibnu Sabaa oo ahaa Yahuudi Islaamnimo muujistay markuu Muslimiinta iska celin waayay.

Fikirkaasi khaldani wuu faafay ilaa Shiicadu ay muslimiinta ku qilaaftay dhowr arrin oo asaas u ah Caqiidadda Islaamka, sida in wax laga bedelay Quraanka Kariimka, in saxaabadu badankood galoobeen markuu nabiga SCW, geeriyooday iyo inay Shirki caadeystaan.

Maxay shiicadu Sunni Ku khilaafsan yihiin?

1-Shiicadu waxay Arkaanta ugu waa weyn Islaamka kadib shahaadatayka u yaqaanaan “Imaamnimada Sayid Cali RC” iyo inaanay dhaafi Karin tafiirtiisa.

2- masdarka ugu way nee islaamku daliishado ama ku dhaqmo waa quraanka,shiicadu waxay rumaysan yihiin in qur,aanka uusan dhamaystirnayn oo waxay leeyihiin waxaa jira qur’aan aan la qorin iyo qaar qoran oo aan soo aroorin.

3-Masdarka labaad ee ugu wayn muslimiinta waa Axadiista laga wariyey rasuulka,shicadu waxay dafiraan axadiista rasuul in badan oo kamid ah ilaa iyo mooyee axaadista laga wariyey Aaalu Baytka rasuula Scw, waxa ay beenalayaal ku sheegeen saxabaada kale ee warisa xaadista rasuulka.

4- shiicadu waxa ay gaaleysiiyeen saxaabadii waa weyneyd sida Abuu Bakar Al-Sidiiq RC, Cumar Ibnu Khidaab RW, iyo Cismaan Ibnul Cafaan iyadoo sadexdaas saxaabii iyagoo nool uu Rasuulku ugu bishaareeyey janada.

Qodobaadaan aan kor kusoo xusnay waxay kamid yihiin afkaar badan oo khaldan oo ka hor imaanaysa shareecada islaamka oo ay aaminsanyihiin kooxda habowday ee shiicadu.

Hadaba waxaa jira in dhowrkii sano ee ugu danbeeyey uu jiro dhaqaaqaaq balaaran oo shiicayn ah uu ka socda dalka soomaliya gudihiisa,shicaadu wax ay musliimiinta ugu soo gabataa inay jecelyihiin nabiga iyo Aalu baytkiisa taas badalkeeda iyagoo oo ka anbaday wadadii toosnayd ee ahlu sunnuhu maray.

Dowladda Iran ayaa awood iyo dhaqaalo badan galisay Soomaaliya si ay uga faa,iidaysato dowlad la.aanta oo ay u shiicayso dadka soomaliyeed ee aqlabiyan ah dad muslim sunni ah. Hay’adda Samafalka ee Imaam Khumeyni ayaa ka dhistay machad magalada muqdisho iyaga oo sheegay in macadkaas lagu baranayo diinta Islaamka iyo xirfooyin kala duwan iyada oo dooneysa in dhallinta soomaliyeed ee aan diinta aqoonta durugsan u lahayn ay ku barto madhabka Shiicada.

Sawirka mahacadka ay ka dhiseen muqdisho waakan,waxaa ay ka dhiseen degmada xamar jajab ee magalada muqidsho.

Mashruuca shiicayntu waxaa uu ka khatar badan yahay kana faafid dhow yahay kan kirishtaanka,sababtoo ah shiicadu waxa ay dadka muslimiinta u muujisanayaan wax wanaagsan sida in ay jecel nabiga iyo Aalu baytkiisa,halka qofkasta oo muslim ahi haba cilmi yaradee uu og yahay baadida kirishtaanka oo usan ugu dagmayn afkaartooda qaloocan. Waana sababta wax ka badan qarni ay soomalida ugu socotay kirishtaamayntu balse aan wax badan laga samayn hormar. Waxaa muhiim ah in lagu baraarugo khatarta shiicaynta ay yeelan karto hadii aan laga hortagin.

Gunaanad iyo hoga toosaalayn.

Waxaan kusoo gunaanadayaa buuggan kooban in ummada soomaliyeed aan udiro fariin ku aadan sidii ay ugu fara adaygi lahaayeen una ilaashan lahaayeen dalkooda oo uu cadaawaha farabadani usoo dhigatay sidii u boobi lahaa una qaadan lahaan.


BUUGA
HARDANKA LOOGU JIRO, HANASHADA SOOMALIYA
W/Q: |Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )|
Email:Geeljire1900@gmail.com

Halkan ka akhriso Buuga


Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka