Qaranka oo 2 sano ka hor qoray qoromo haddii Itoobiya ay Masar oo leh ku dhowaad hal malyan Ciidan Niil ka xiratay, inay Soomaaliyoo Hal Askari lahayn webiga Jubba ka xiran



Sababta igu dhalisay inaan 2 sano ka hor webkan Qaranka Soomaalida uga digo in Itoobiya wabiga Jubba biyo-xireen ka dhisandoonto, waxaa igu dhaliyay anoo maalin ka akhriyay wargeyska Al Ahram ee Masar qoromo Codsi oo uu suxufi Masriya u qoray dowlada Masar.

Ninkaas oo dowlada Masar kula taliyay si Itoobiya u joojiso dhismaha ay ka wado biyo-xireenka Niil, waa in Masar uga dhisto biyo-xireen webiga Jubba, oo waliba khubarad iyo kharashka bixiso. Sidaan u fahmay talada ninka suxufiga ah waa meeshii ay 90 milyanoo Masriya ka dhiman lahay ay 10 milyanoo Soomaaliya ha ka dhimato.

Waxaan ka xumahay inaan Artiikalkaas mar hore Qaranka ka tirtirnay anoo islahaa qoromooyin cusub (update) ku badal.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Ood Xero Siday u kala Sareeysa loo qaadaa, haddii maanta Itoobiya Shabeele tijaabisay inay guriso, barina webiga Jubba gurin. Dhibaatda Itoobiya Niil iyo Shabeele ku hayso faraq weyn baa u dhexeeya: Niil qiyaas ahaan 30% bay biyihiisi damacsantahay inay leexsato, Shabeele se 100% biyihisi way gurisay.

Xogeeyihi hore ee Qaramada Midoobay Butros Butros Ghali baa laga hayaa inuu yiri: dagaalada dunida ee Qarniga 2000 waxay ka bilaaban doonaan Biyaha webiyada.

Maanta oo Cimilada Dunida kululaatay, Barafka Sibeeriyana sii dhalaalayo, Jaziirada Carabta qaasatan Sacuudiga oo Gaaska dhulka uu kala soo baxayo hawadana ku holcaya uu sii yareeydoono daruurihii roobka ee Geeska Afrika ee dhowr km u jira Jaziirada Carabta.

Sidaa Awgeedna sida khubarada cimilada ee dunida sheegeen Geeska Afrika waxaa ka dhici doonaa abaaro ugu badan ee kuleylinta cimilada dunida la xiriira, taasna waxay keeni doontaa in Itoobiya iyo Soomaaliya ay biyaha webiyada Shabeele iyo Jubba dagaal uga dhex dilaaci doono.

Runti, waa hadal raqiis ah in haddi labo dal webi wadaagaan oo dal uu biyahaas webigu ka leexsado ama ka xirto biyahaas dalka kale, ay taasu dagaal Har Cad dal lagu soo qaaday, maxaa yeelay dowladu waa isku duulaan, dhulna waa la kala qaataa, laakiin, biyo webi ee dal laga xirto waxay xitaa ka sii xuntahay Genoosiid, oo waa Soomaalidu laga dhigo Dinasuor (xayawaan waagi hore sida dadka dunida ku noolaan jiray).


Webiga Shabeele Soomaaliya: "Itoobiya waa walaalaheen ina gargaaraya", Xasan Sh.

Wabiyada Caalamka

There are currently 263 rivers that either cross or demarcate international political boundaries. A total of 145 nations include territory within international basins, and 21 countries lie entirely within international basins. While most basins are shared between just two countries, there are many basins where this number is much higher. There are 13 basins worldwide that are shared between 5 and 8 riparian nations. Five basins, the Congo, Niger, Nile, Rhine and Zambezi, are shared between 9 and 11 countries. The river that flows through the most nations is the Danube, which travels within the territory of 18 nations.

Af-Soomaali qoraalkan Ingiriiska ee aan Qaaramada Midoobay laanteeda Cuntada iyo Beeraha UN Food and Agricultural Organizaton (FAO) qortay: Caalamka waxa jira 145 biyoiIleed Caalamiya ee webiyeed, 21 dowladoodna Isha biyaha wabiga dhulkoodu dhan bay ku fadhisaa. Biyaha international basins badana labo dal kaliya ayey dhexmaraan (sida wabiga Shabeele iyo Jubba), laakiin qaar waxaa jira kuwa webiyo caalamiyeed dhowr dal dhexmara. 13 Ilasha Biyaha ee webiyeda ka soo bilowdaan waxaa qaybsada 5 ila 8 dowladood. 5 Isha Biyaha webiyeda: Congo, Niger, Nile, Rhine you Zambezi 9 iyo 11 dowladood bay ka dhexeeyaan. Webiga Danube ee Yurub dhexmara, Jarmalna ka soo bilowda wuxuu dhexmaraa oo qaybsada 18 dal.

Caalamka ka jira 263 webiyaal, oo ama labo dal xuduudkooda kala gooya ama xuduud labada dal soo wada dhaafa oo labo dal ama ka badan soo wada dhexmara.

QM Isha biyaha wabiga ee labo dal ama ka badan dhexmara waxay QM ku magacowdaa Isha Caalamka ( international basins) oo ay dowlada Isha biyaha ka sii bilowdan aysan lahayn biyahaas.

Itoobiya webiga Shabeel ma Xiran Karto
Qaraarka u dhigan Qaaramada Midoobay ee qaybsashada biyaha webiyada:

1. Watercourse States shall, in utilizing an international watercourse in their territories, take all appropriate measures to prevent the causing of significant harm to other watercourse States.

2. UN Convention on the Law of the Non-navigational Uses of International Watercourses: Article 7: Obligation Not to Cause Significant Harm international watercourse in their territories.

af-Soomaali qoraalkan laanta QM laga soo xigtay ee Ingiriiska ku qoran waa sidan:

1. Sharciga QM wuxuu cadeeynayaa inaan webi labo dowladood dhexmara aanan dowladu xiran karin biyahaas dowlada kale ee biyaha wabigu maraan.

2. Sharciga QM biyo qaybsiga caalamka Qaraarka 7-aad wuxuu qorayaa inaysan dowladi wax gaarsiin karin biyaha labo dal dhexmara Transboundry Arintan waxay ku tusinaysaa in Itoobiya aysan xaq u lahayn inay leexsato biyaha wabiyada Shabeele iyo Jubba.

Webiga dunida ee dalalka badan biyihiisa qaybsadaan waa webiga Danube oo dhulka Jarmalka ka soo bilowda, hase yeeshee, Jarmal biyaha webigaas gooni uma leh, mana guri karo ee 18-ka dal ee uu dhexmaro ayaa leh.

Biyaha webiyada waa sida biyaha Badda oo biyo sidoodaba xad ma leh

Gurida Itoobiya webiga Shabeele waa markii ugu horeeysay ee Taariikhda Afrika dal uu dal la daris ah biyo webi ka guriyay

Buuga Wikepidia ayaa Amxaarada ku sifeeyay sidan:

Amhara were an expansionist, militaristic people who ruled their country through a line of emperors, the Amhara people can now be found all over Ethiopia.

af-Soomaali hadalkan ereyadan Ingiriiska waa sidan:

"Amxaaradu waa dad abuur ahaan Shufto u dhashay oo waligoodba dariskooda ku haya boob iyo dhul balaarsi, sidaasna maanta looga helo dhulka Itoobiya oo idil."

Halkan ka akhriso Qoromadaas Ingiriiska oo dhan:

Dagaal waa la lagu kal adkaadaa, dhulna waa layska kala goostaa, laakiin wabiga Shabeele iyo Jubba la goosto waxay la mid tahay Soomaaliya oo Genosiid lagu sameeyay, maadaama 90% nolosha Soomaalida yihiin xoola dhaqato iyo beeraaleey.

Dagaalkii Carabta-Yahuuda 1967 wuxuu ka kacay Biyo-xireen webi:

Israel adopted a policy of diverting water from the Jordan River to the Negev Desert and this was became the cause of the tension. Naturally, this angered Arabs so much that they threatened to divert this flow into Lake Galilee. Syria was bombed by Israel in 1965 and 1966 soon after they began implementing their policy of diverting water from Israel.

Dagaalka Carabta iyo Yahuuda 1967 wuxuu bilowday kolki Yahuudi biyaha webiga Jordan biya xireen ka dhisatay Negev Desert, taasoo joojisay biyihii gaari jiray Jordan; taasna waxay ka caraysiiday Carabta oo iyana bilaabay inay biyaha wabiga Jordan ku duwaan biyo-galeenka Galilee ee Siiriya.

Halkan ka akhriso Artiikalka Ingiriiska oo dhan:

Iskaba dhaaf in Arintaan dagaal ka dhex kiciso Yahuuda iyo Siiriya iyo Jordan, 20-tan wadan oo ah dalalka Ururka Carabtya ku jiraa yaa dagaalka soo galay.Maxaa yeelay waxay ogaayeen in haddi Siiriya iyo Jordan la baabi'yo ay sahal noqonayso in Carab oo idil la burburiyo.

Dadka Soomaalida qaarkood laga yaabaa inay u fakarayaan haddii koonfur biyaha webiyeda Shabeele iyo Jubba laga xirto inaanan iyaga waxba kaga khusayn.

Haddii nolosha Soomaalida boqiilka 60% la burburiyo, waxaa sahal noqonaya in la burburiyo boqolkiiba 30%-ka soo hara maadaama ay noqonayaan qabiil yaro oo xukunka Amxaarada iyo Kiinyaatiga hoos taga oo ay gumeeystaan sida boqolaalka qabiiloo yar yar oo ay amxaaradu gumeeysato.

Inkastoo kolki Yahuuda ay Carabta webiga Jordan ka xiratay, Soomaaliya dagaalkaas Carabta la gashay, oo Ciidamada Carabta jiida hore dagaalka ku jiray la gaar siiay gargaar raashin laga keenay Soomaaliya.

Maanta oo Itoobiya ay Soomaaliya biyaha webiyeda Shabeele iyo Jubba ka xiraneyso , dagaal ay Carabtu Soomaalida kula soo saftaan iskaba daaye, wali lama hayo hal dowlad oo Carab oo xitaa Itoobiya kala hadashay biyaha Itoobiya ka gurisay webiga Shebeele ee QM ee webiyeda jabisay.

Laga yaabaa inay la yaabsanyihiin Madaweynihi Soomaalida oo Itoobiya ku amaanaya marka ay webiga Shebeele xiratay, Itoobiya waa dad walaalaheena oo dhibaatada ina haysata maanta inaga badbaadinaya.

Taasoo ay Carabtu u aragto in Soomaalidu gacantooda isku dilayaan oo ay raali ka yihiin in Itoobiya webiyeda ka xirato, una sifeeynayaan Itoobiya seeftii ay ku gowrici lahayd.

Xasan Shiikh meeshii uu duulaan Xabashida ku qaadi lahaa maadaama dal biyo wabi dal kale ka xiray, markii la fiiriyo xeerka caalamka ay la dhigan tahay, duulaan dal lagu qaaado iskaba ilowe, wuxuu sugayaa marmarsiyo uu dhibaatadan kaga gabado, sida ay caadadu u noqotay ay markay ay Amxaarada, Kiinyaatiga iyo Mareykan Soomaalida faas ku dhuftaan, ay dalka dagaalo sokeeye gobol uga kiciyaan si dadka loogu mashquuliyo dagaalkaas, saasna ku iloobaan dhibaatada cadowgu ka hayo. Waa sida Takhtarku intuusan qofka qalin uu ugu duro Anestasiya si ruuxu uusan u dareemin xanuunka qaliinka.

Kolkii Kiinya ka bilowday dhulka Soomaaliya dhismaha xuduud cusub, Gaalkacyo ayaa dagaal sokeeye laga kiciyay si Soomaalida loo hilmaansiiyo qiyaamda Kiinya oo shacabku Xasan Shiikh kacdoon ugu sameynin.

Dagaalka Al Shabaab Puntland ka kicisay waxaa laga yaabaa in Soomaalida lagu sii jeedinayo si aysan kacdoon ugu sameyn Amxaarada oo biyaha Shabeele ka xiratay. Bal u fiirsado mar walba oo Soomaaliya dhib weyn la gaarsiinayo, qalalaas ayaa meel kale laga ooga, si dadka looga sii jeedsho xanuunka dhibaatada shisheeyuhu ku hayo oo aysan u kacdoomin.

Sidoo kale Shirkii Shabeelle Hiiraan baa fashilmay Soomaalidaa lagu masihquulinayaa, si loo yareeyo in Soomaalidu wadajir uga horimaan gurida biyaha Shabeelle.

Haddii maanta Xabashidu biyaha ay wabiga Shabeele ka xirtay aysan Soomaalidu kacdoon ku samayn, oo aysan wadajir uga dhiidhiyin, dadku waa iney ogaadaan, in Amxaaradu barina wabiga Jubba ay biyaha ka xirandoonto, sidaasna Xabashidu Soomaali ku baab'indoonto iyadoo hal xabad uga dhumin.

Macalinka Ken Menkhaus oo la socday ciidamada 28.000 ee Mareykan ee 1991 Soomaaliya la geeyay ila hadana arimaha Mareykan ee Soomaaliya Muqdishu fadhigeygu ahaa wuxuu dhowaan khudbadiisi Jaamicada Syracuse University, N.Y. Mareykan ku yiri:

Itoobiya Biyo xireeno ayeey ka sameysaneysa webiyada Shabelle iyo Jubba si ay uga hesho dhoofinta awoodda Korontada, taasoo uu ka digay inay keeni doonto inay guraan webiyadaasi oo nolosha Soomaaliya ay ku xirantahay; dhibaatada ka imaan doonta arrintana uu aad uga welwelsan yahay oo aan hadda dhibteeda muuqan laakiin uu sheegay inay mustaqbalka soo bixi doonto.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dab aadan Kuleylkiisa Arkinin, Dambaskiisa kama aad Baqdid.


Madaxweynaha Masar Caziizi oo safar ugusii jeeda Sudan, si uu uga qayb galo Shirka
Niil ee Itoobiya, Masar iyo Sudan , oo hawada isku sawiray diyaaradaha dagaalka si uu
digniin ugu sii hormariyo Itoobiya, waxa dhici kara haddii shirku fashil ku dhamaado

Xalka Wabiga Shabeele: Cadowgayga Cadowgiisa waa Saaxiibkeey:

Madaxweynaha Masar Jeneraal Caziizi muddo sanad ah DAL AFRIKAANA oo uusan isagu booqan ama madaxweynahoodu ama ra'iizul wazaarahaoodu uusan Masar soo booqan waa fara ku tiris.

Sababta arrintuna jihaadka ka dambeysana waa haddii Masar ay Itoobiya DAGAAL NIIL ku qaado yaanan kolku uu Ururka Afrika ka shirayo dagaalkaas uusan Masar cunaqabateen ugu soo rogin ama uusan dhaleecayn, sida Caziizi mar walba saxaafada u sheego inay Masar seexashadi ay ka seexatay arrimaha Afrika ay ka shalaayday, asagoo mar mar tusaale u soo qaata sida Masar ay uga shalaayday hilmaamintii Soomaaliya.

Waxaa hubaalka in Burburinta iyo kala Itoobiya Soomaaliya ka wado ay tahay intaanan Masar kugu soo hubayn isku dir oo kala qayb qaybi.

Masar xiritaanka biyaha Shabeelle iyo Jubba waa Hadiyo cirka uga soo dhacday, maxaa yeelay Masar waligeedba Soomaalida waxay u isticmaashaa gaashaankaa dagaalka Niil oo ay Itoobiya kula jirto, maadaama ay Masar isleedahay haddii Itoobiya wabiyada ka xirato Soomaalidu way kacdoomin oo waxay dhisan ay dowlad iyo ciidan xoog leh.

Masar waxay ku hamineysa in haddii webiyeda Shabeele iyo Jubba oo Nolosha Soomaalida ku xirantahay la guriyo, inay Soomaalidu isdaba qaban oo dowlad iyo ciidan xoog leh sameysan.

Tusaale ahaan, haddii taasu dhacdo, oo Soomaalidu bariga Itoobiya dagaal kaga soo qaadaaan, Masarna ay Itoobiya oo Biyo-xireenkeeda Niil 40 km xuduudka Sudan u jira, dagaal uga soo qaadaan, Oromo weyna ku kacdoonto, Eritrriyana ka codsato Itoobiya inay iskaga baxdo magaalada Badma oo dagaalkii 1998 kaga qabsatay oo xitaa QM tiri waa in Itoobiya ay Eritriya u celiso magaaladaas, iskaba daa Itoobiyoo biyo-xiratee jiritaankeedaa shaki galayaa.

Waa markii ugu horeeysay ee taariikhda qaarada Afrika dowlad Afrikaana isku daydo in biyo wabi u isticmaasho dal ku duulid, si ay u layso Genosiid ummad daris la ah.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Baroorto Orgiga ka Weyn. Gurida biyaha wabiga Shabeele waxaa ka dambeeya Mareykan oo fahmay in haddii Itoobiyaanka lacag la siiyo sameeynayaan mutawaxashnima kasta. Mareykan wuxuu ogyahay wabi inuu yahay hub casriya oo raqiisa oo dal lagu jabi karo iyadoo xabad la ridin.

In webiga Shabeelle Amxaaradu tijaabiso inay ka Soomaaliya ka xirato waxaa ka dambeeya Mareykan oo fahansan in xirintaanka wabiyada yahay dagaal qarsoon oo Soomaaliya lagu jabi karo, si uu uga aarguto Soomaaliya Askartii Marines Mareykan ee Xamar looga laayay, isagoo aan hal xabad ridin.

Kolkii madaxweyne Mursi Ciidamado inqilaab ku sameeyeen, inkastoo lacag 2 bilyan cawinaad sanadki Mareykan siiyo Masar, hadana ilamarkiibiiba hogaamiya inqilaabka Jeneraal Caziizi wuxuu u duulay Ruushka oo qalab ciidameed weydiistay. Mareykan 2 bilyan ee macaawin ciidamo ku jirto kama jarin.

Dhaqan ama caado Afrikaan maaha in dal dal kale biyo webi ka xirto

In Itoobiya ku dhiiranaato inay Masar oo ku dhowaad Hal milyan oo ciidana leh webiga Niil xoogaa biyihiisa ka leexsato waxaa ka dambeeya Mareykan.

21-kii nin ee Mareykan 9/11 qarxiyay waxaa isku dubariday oo hogaaminayay Moxamed Ato, oo ahaa nin Masriya. Marka si uu Masar uga aarguto qarxidaas ay ku halaagmeen oo ninka Masriga soo abaabulay ayeey u qaado, Itoobiya sirdoonkoodu ku dhiiri galiyay Itoobiya in Niil biyo-xireen ka dhistaan.

Anwar Sadat kolki uu Isreal heshiis nabadeed kala saxiixday ayaa wariye weydiiyay su'aashan: haddii Israel aad heshiideen, hadda kadib Masar dagaal galimeyso soo maahan?

Sadat wuxuu ku jawaabay: dagaal aan kan Niil ahayn, Masar gelimeyso? Taas oo uu ula jeeday ciddii Niil taabata waxay ku soo duushay Masar. Madaxweynihii hore Masar Jamaal Cabdi Naasir, oo Soomaalidu ku xusuusato usoo dirida macalimiin Masriya dalkeena baa yiri: Xalka wabiga Niil futo JININA waa ugu galeynaa.

Sababta ugu weyn ee Militariga Masar Inqilaab xukunka uga tuureen Madaxweyne Mursi, waxaa lagu tuhmaa iyagoo dareemeen in Niil, oo ah nolosha Masar uu Itoobiya ka difaaci waayay.

Hase ahatee, maalinti Ciidamadu xukunka qabsadeen Itoobiya miis walboo Niil looga hadlayo, Masar wayba uga horeeysaaba, oo heshiis baan rabnaa bay taagantahay, ilaa way fahansantahay in hal milyan oo ciidan Masar, oo ka taariikh dheer Mareykan, Ingiriis iyo Ruush iney 40 km u jiraan biya-xireenka Niil ee xadka Sudan-Itoobiya ka dhiseyso.

Soomaaliya Ilaah Mooyee, NAASIR iyo SAADAAT midna uma maqna.

Laakiin maadaama Masar ay maanta Soomaaliya aad ugu baahantahay, xiriir wacana la leedahay Ruushka, waxay fududeyn kartaa in Ruushku xagga ciidamada Soomaaliya ka gargaaro.

Waziirka arimaha dibada ee Ruushka Sergey Lavrov ka sheegay dhowaan shirkii QM Siiriya u qabatay, inuu dunida maanta ku soo laabtay Dagaalkii Qaboobaa COLD WAR, tahay mid abuuraysaa Soomaalida fursad qaaliya oo sida Masar iyadoo wali Mareykan saaxiib la, ay Ruushka xiriir iskaashi ciidameed la sameysatay si ay Niil Itoobiya uga difaacato.

Markuu Dagaalkii Labaad ee Dunida dhamaaday 1945 ayaa abaanduulihii ciidamada Mareykan iyo Ingiriis Jeneraal Dwight Eisenhower magaalada London kudbad uu guusha dagaalka uu Caalamka kaga warbinayay yiri hadalkan sida wargeyska Jarmalka SPIEGEL u qoray, "Unserem besten Waffen war der Fuhrer Hitler“.

Taasoo af-Soomaali macneheedu yahay: Hubkeena ugu qatarsanaa ee aan Jarmalka ku jabinay wuxuu ahaa Madaxweynaha Jarmalka Hitler. Taasoo uu ka waday hadaano Hitler jirin, Jarmalku wuu na qabsan lahaa, laakiin hogaamiyahoodi ayaa inooga hiiliyay Jarmalka, oo qalad kasta oo Dagaal Hogaamiye inuu ka dheeraado la rabay sameeyay.

Sidoo kale, maanta hubka ugu qatarsan ee Itoobiya, Kiinya iyo Mareykan ay Soomaaliya ku burburinayaan waa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh, oo haddii nin Soomaaliya oo wadaniya maanta madaxweyne Soomaaliya u ahaan ahaa, maanta dalka iyo dadka Soomaalidu Itoobiya iyo Kiinya gumaysi si sahala Soomaaliya uguma qabsadeen.

QM waa liiska Magacyada Safaaradaha Caalamka

Markaad maqashid QM sidaa sameeysay ama Qaraar ciidamo dal loo diray gaartay waa Dowladihi Dagaalka Labaad Dunida ku guuleystay: Mareykan, Ruush, Fransiis, iyo Ingiriis oo isku dhex qarinaya Liiska magacyada safaaradaha Caalamka, oo Jeneraaladi xiliyadi Gumaysiga maanta Golaha Amniga Amar Ciidan siinaya dowladaha dunida ee daciifay oo ciidanki daafici lahaa burburay.

Waligiin ma maqasheen Golaha Amniga (Security Council) ayaa ka shiray Itoobiya ama Masar? Laakiin maalin walba, waxaad maqleysaa Golaha Amniga Soomaaliya, Afgaanistaan, Siiriya,Maali, Liibiya, Ciraaq, Dowlada Dim. Congo, Afrikada Dhexe iyo Yemen ka shiray.

Markaad maqleysid QM Golaha Amniga (Security Council), waa Jeneraaladii dagaalka ee dalalkan dusha ku qoran oo (Veto) Amar Codka Qaadacaada siinaya dowladaha daciifay oo masiibooyin ku habsadeen.

Sanadkii 2006 ee QM dooneysay inay Dowladi Cabdullahi Yuusuf Baidoa ay Xamar uga soo rarto, ayaa Safiirka Fransiska ee QM kolki Golaha Amniga ka codsaneysay ciidamada dowladaha IGAD inay kaalmeeyaan dowlada Soomaaliya, yiri, intaanan Maxaakiimta lagu duulin waxaa roon in la soo ogaado meeqa Gantaal iyo Bomb ayey haystaan? Ma yihiin niman iska difaaci kara haddii lagu duulo?

QM Qaybta maamulka warqadaha Xogeeyaha Guud ee QM, waligood nimaan Diinta Masiixiga haysan jagada Xogeeyaha QM Secretary General, (ha ku jiro Butros Qaali oo Kobtik Masiixi ahaa) uma magacaabaan jagadaas.

QM iyagoo ku andacoonaya xuquuqda Qaxootiga dunida ayey Soomaalida Qaxootiga ah qaarkood sharci 2 sano ama 5 sano aqoonsinimo qaxooti siiyaan. Sidoo kale, Soomaalida Soomaaliya joogtana waxay siiyaan QM Golaha Amniga sharci aqoonsi inay dowlad yihiin 2 sano ama 4 sano, LAGA SOO BILAABO dowladi:

Cali Mahdi 1990, 2 sano warqad sharci aqoonsi inuu yahay madaxweynaha KM Dowlada Soomaaliya ayaa Golaha Amniga siiyay.

Dowladi Cabdi Qaasim Salaad 2 sano warqad sharci aqoonsi inuu yahay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa Golaha Amniga siiyay.

Cabdulaahi Yuusuf 4 sano warqad sharci aqoonsi inuu yahay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa Golaha Amniga siiyay.

Shiikh Shariif 2 sano warqad sharci aqoonsi inuu yahay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa Golaha Amniga siiyay.

Xasan Shiikh 4 sano warqad sharci aqoonsi inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Golaha Amniga siiyay.

Doorashada 2016 Golaha Amniga (Security Council) waxaa laga filayaa inay siiyaan 2 sano warqad sharci aqoonsi toos ah maamulo goboleedyada sida Puntland, Somaliland, Jubaland iwm., si 2 sano dabadeed loo yiraahdo waxay Federaal la sameeysteen Itoobiya iyo Kiinya.

Maxaa haray haddii Soomaalidii qaxootiga la leeyahay Qaraarka xaqa qaxootiga QM Geneva Convention 58 ayaa 2 sano ama 5 sano sharci dal ku joog idin siiyay. Soomaalidii dhulkoodi joogayna la leeyahay Qaraarka QM Golaha Amniga Resolution 71893, ayaa 4 sano sharci aqoonsi dowlada Soomaaliya siiday?

Waligiin ma maqasheen QM Golaha Amniga ayaa dowladaha Itoobiya ama Masar 2 sano ama 4 sano dowladahooda waqtiga ugu kordhiyay?

Dhibaatada Soomaaliya haysata Maahan QABIIL iyo 4.5.

Gabar Soomaaliya oo tuulo Yurub qaxooti ka ahayd baa maqashay tuulo u dhow baa qaxooti Soomaali la keenay, kolkaasey soo raadisay Soomaalidaas sidii geel ka dhumay oo kale.

Dhibka iyo xanuunka ku qasbay inaysan gabadhan Soomaali la'aan kaligeed noolaan karin waxay ku tusineysaa in Dhibka Soomaaliya ka jira uusan Colaad ama isnacayb qabiilo Soomaaliya ka dhexeeya ahayn, ee uu shisheeye labo kooxood u kala qaybshay: qayb wuxuu siiyay magaca dunida ugu fool xun: Argagixiso Alshabab Al Qaacido xulfo la ah, qaybta kalana wuxuu ku magacaabay magaca dunida ugu qurxoon: dowladda Soomaaliya Nabada wada, si markey qabiiladu islaayaan ama kala go'aan uu dhulkooda hodanka u dhexlo.

Meesha Soomaalida laga haysto waa Sirdoonka Itoobiya iyo Kiinya oo uwaaday inay dowlada Soomaaliya ku guuleystay inay jagooyin waa weyn ka helaan iyagoo isku dhex qariyaan, sheeganaya ama ku abtirsanaya inay yihiin Qabiilo Soomaaliya oo dega Soomaali Galbeed iyo Somali NFD, gobolada gumaystaan Itoobiya iyo Kiinya.

Itoobiya xoolo maahan oo ma seexanin

Arintan waxay bilaabatatay Xiligii kaligii taliyihi Ciidamada mar qura suuqa soo galiyeen inay kiciyaan dareenka Soomaalida ee Soomaaliweyn. Soomaali badan oo gumaysi ku jiray qaasatan Soomaali Galbeed oo u soo GURMADAY Soomaaliya si ay uga qayb qaataan gumaysi ka xureynta DHULKOODA HOOYO oo xitaa qaarkood Soomaaliya lug ku yimideen, waxaa dhacday maadaama Itoobiya ay Soomaali Galbeed maamuleysay xili dheer, waxay ku soo dhex qarsatay Sirdoono Itoobiyaan Oromo ah oo sheeganay kuna abtirsanaya inay yihiin Qabiilo Soomaaliya, qaasatan Ogaadeen.

Soomaali waxay ku maahmaahda badda hal malaaya uriya. Dowladdi Kacaanka nimankii Soomaali Galbeed ka yimid qaasatan Ogaadeen waxa ay ku tixday ama u dhiibtay jagooyin hogaano muhiima ay ku jiraan sida Waziiro, Jeneraalo iwm., waliba ay qaarkood aanan Soomaaliya usbuucyo joogin.

Nimankaas Jaansuusiinta Oromada Amxaarada ee isku dhex qarinayay qabiilada Soomaalida dega Soomaali Galbeed ee usbuucyo gudeheed ku hantay inay hogaanka dalka ummadda Soomaalida qabtaan waxay Dagaalkii Soomaaliya-Itoobiya 1977-78 sidey Ciidamada Soomaalida u wadeen waxay u geeyeen goobo ay ku sugayeen ciidamada Amxaarada, Ruushka, Cuba iyo Jarmalka Bari (East Germany). RIYADII SOOMAALIWEYNA HALKAAS AYEY KU DHAMAATAY.

ee usbuucyo gudeheed ku hantay inay hogaanka dalka ummadda Soomaalida qabtaan waxay Dagaalkii Soomaaliya-Itoobiya 1977-78 sidey Ciidamada Soomaalida u wadeen waxay u geeyeen goobo ay ku sugayeen ciidamada Amxaarada, Ruushka, Cuba iyo Jarmalka Bari (East Germany). RIYADII SOOMAALIWEYNA HALKAAS AYEY KU DHAMAATAY.

Waxayna ku soo doorsadeen Barlamaanka iyo dowlada Soomaalida oo bilowgeedi DHULKOODA ku soo dhiseen Xildhibaano waziiro, Jeneraalo iyo waziir ku xigeeno Itoobiyaan sheeganaya kuna abtirsanaya inay yihiin Qabiilo Soomaaliya ka yimid Soomaali Galbeed iyo NFD, laakiin runti ah Sirdoon Itoobiyaana Oromo ah, sirdoonkooda shacabka isku dhex qarinayana taa iskaba ilow.

Maanta Sirdoonka Amxaaradu waxay isku soo dhex qarinayaan Soomaalida degta Konfur Galbeed Maay Maay, Nimankaas Jaansuusiinta Amxaarada ee isku dhex qarinaya qabiilada Soomaalida dega, oo xitaa hadeysan wali hanan inay ka mid noqdaan dowlada Soomaali Konfur Galbeed waxay awoodaa inay Soomaali Konfur Galbeed u soo magacowda Xildhibaanada, Waziiro, Jeneraalo, iyaga Sirdoon u ah (Double Agent), ila iyagaa gobolkaas maamula oo ka taliye,si ay uga hortagaan dhismaha iyo doorashada dowlad Dhexe Tayo leh Soomaaliya yeelato.

Carab Mooye carabkiisa ku yiri: Itoobiya ma doonayaan inay arkaan Soomaaliya barwaaqaa oo dowlad dhexe xoog leh, si aysan u sheegeen dhulka ay sheegato ee iminka Itoobiya iyo kiinya ka mida ah.

Gunaanad:

Waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa Badda Hal Malaay baa Uriya.

Doorashada Madaxweyne aan Wadani ahayna Soomaali oo Dhan buu BURBURI Karaa.

Mareykanku kolkuu Madaxweyne 4-tii sanaba Mar Dooranayo, Inteeysan Dooran Madaxweynahaas, 2 sano ayeey ku xiraan inuu maalin walba Tv-ga ka Hor Tuso Dadka Sababti ay u Dooran lahaayeen, oo uu GOBOL Walbana Tago.

Soomaaliyey Doorasho Madaxweyne Maahan Dheel Dheel ee waa BURBURKIINA ama BARWAAQADIINA.

Doorasho Madaxweyne waa sida Aabaha Qoyska oo Kale. Haddii Aabuhu Jiradu ama Geeriyoodo Carruurta oo Korin, Reerku Ladnaan Ku Waarimaayo. Taa Weydiiya HOOYO Carruur Kaligeed soo Korisay.

Sidii Xasan Shiikh, Madaxweyne Aad Magaciisa TV-ga Caalamka ka Barataan, Mar Dambe Ha Yeelina in Madaxweyne Soomaali la Iidin Kugu soo Doorto:

. Hadaba, waxaa muhiima in ummadda Soomaalidu doorashada 2016 ay sameysato gudiyo ka madax banaan dowlada oo dabagala in Madaxweynaha, Xildhibaanada, iyo Waziirada la dooran doono aysan ku jirin Amxaaro isku dhex qarineysa kuna, abtirsaneysa qabiilada Soomaali Galbeed ama Koonfur Soomaali dega.

. Waxaa iyaduna loo baahanyahay in la joojiyo Tuugsiga Cawinaada Shisheeye. Dowlada iyo Ciidamada Soomaaliya waxaa ku filan kana badan kheyraadka Soomaaliya.

Bal arag EU-du Soomaaliya macaawino siin bay yiraahdaan, hadana Maraakiibta Spain Kaluun ay dadkoodu ku noolaadaan ayey si sharci daro ah Xeebta Soomaaliya ugu soo raadsataa ugalana baxdaa.

Dowladha Khaliijka Carabta waxay yiraahdaan Soomaaliya oo GAAJO ka jirto ayaan macaawino siin, hadana xoolaha Soomaaliya ayey ku noolyihiin.

Shisheeye markuu Soomaaliya kheyraadkeeda kala baxo 99%, ayuu 1% –iyada oo cawinaada Soomaaliya dib ugu soo celinayaa.

. Si Ummadda Soomaalida qabsashada GUMAYSI Qaasatan Amxaarada iyo Kiinyaatiga looga Badbaadiya sanadka 2016, Xiliga Kala Guurka, waxaa Ruux walboo Soomaaliya laga Rabaa inuu Kaalintiisa Badbaadada Dalkiisa Guto, oo uu Diido kuna KACDOOMO inaan Ruux SHISHEEYE wato loo Dooran Karin inuu Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya 2016.

. Waxaa kaloo daruuriya in la hubiyo Xildhibaanadu inay ku dhasheen Soomaaliya gudaheeda si loo badbaadiyo Dowlad Soomaaliya u dalata oo Soomaali kasta dantoodu ku jirto, si Sirdoono Amxaaro ama Kiinyaati ah aysan Dowlada Soomaaliya iskugu soo dhex qarin oo mar kale u burburin.

. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay in ruuxa Madaxweynaha Soomaaliya isku soo sharaxaya sharuudo wadinaya lagu xiro sida inuusan la soo shaqayn Hayadaha Shisheeye Samafalka maadaada ay 60% dadka hayadaha shisheeya u shaqeeya ay YIHIIN Sirdoono isku dhex qarinaya hayadahaas.

. Inaan loo OGOLAAN Nimankii 25-sano oo Soomaaliya BURBURAYSAY jagada Madaxweynaha Soomaaliya soo qabtay, inay mar Labaad Madaweyne Doorashada 2016 u soo istaagaan, ilaa haday Soomaali xal u hayaan maanta dhalinyarada Soomaalida badaha dunida kuma dhinteen, xerooyinka qaxootiga dunida ugu weyna kuma jireen, dalkana Amxaaro iyo Sawaaxili ma Gumaysteen.

. In la soo Hubiyo inuu ku Dhashay Soomaaliyada Xorta ah, ila 4-tiisi Awoowe la yaqaano, si aan Cadowga Soomaaliya Amxaaro Oromo iskugu soo dhex qarin, oo Soomaalidu mar kale u BURBURIN.

. In Miisaaniyada dowladda Soomaaliya ku shaqeeydoonto aanan dowlado Shisheeye bixin, ilaa waa Af Wax Cunay Xishooye.

. Inuusan u saxiixi karin kheyraadka dalka shirkada shisheeye, ilaa dowlad hal cod hal qof laga gaarayo, ama dowlad shacabku raali ka yahay oo cadaalada la helayo.

. Inuu ka Rarayo Safaaradaha Shisheeya Gobaha Halbowlaha ummadda Soomaalida sida agagaarka Xeebaha, Eriboorka, Dekeda iyo Xerooyinka Ciidamada.

. Inuu cadeeyo xiliga ciidamada Shisheeye ee dariska AMISOM CIIDA Soomaaliya uga saari lahaa.

. Inuu cadeeyo waxa dalkiisa oo 25 sano burbursana uu usoo qabtay.

. Inaanu lacagta uu isku sharaxayo aysan dalal Shisheeye uga imaanin.

. Inuu ka dheeraado maadaama Itoobiya iyo Kiinya dad Soomaaliya gumaysi ku haystaan, hadalada walaalo Soomaali oo gumaysi ku jira u damqasho la'aantooda sida Itoobiya waa walaalaheen garab ina siinaya iwm.

. Sanadka Koowaad inuusan dibada u dhoofi karin oo 24 saac dadkiisa u adeego iwm.

W/Q:
Qaranka editor|
|Ali E H Naaleeye|

Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka