GUURKII RAAGE !!!



Waa gu’ badhtankii. Dhijaamaha, dooxooyinka iyo galalka biyo ayaa ka galac leh. Dooggu qof gaaban wuu qarinayay, carruurtunna way ku dhuumalaysanaayeen. Xooluhu meel fog uma foofaane, waa kambal daaq. Haweenkuna badh ciir lula, iyo qaar geedaha intay waabteen ayay ku samaynayeen caws, kebdo iyo agabyo aqallada lama huraan u ah. Duqayduna damallo waa weyn hoostood ayay doonyaysi jiq iska siiyeen iskuna xaal wareysanaayeen.

Raage farxadda dhulka taal mid baa u dheer. Waa curad reer u weyn, Da’diisu waa soddon iyo shan.Waa doob turuqyo waaweyn oo malaasan, midabkiisuna madow xigo. Macawista shullaha meel aan ahayn ma dhigo, farolaab si qurxoon loogu farayarestayna gacantiisa laga ma waayo, go’a shaal garabkiisa wuu cusleeyay. Wixii lagu yiqiinay maagane oo dhan wuu sitaa; muddaba jaal bay ahaayeen.



Sannadkan waa kii seddexaad ee uu guur u meer yahay. Cabsi kuma yara. Wuxuu ka baqay inuu kalkanna uu faro madhnaan ka joogsado qoys isagoon yagleenin. Raage ma dabeecad xuma hayeeshe, dhanka hadalka ayaanuu ku wanaagsanayn oo habaar kaga dhacay. Gashaatimaha uu u hasaawe tegay waxay ku xantaan inuu marka geel loo heeso uu isagu goroyo u durbaan tumo.

Waa curad reer u weyne Hooyaddii mar hore ayay aqalka u soo tuushay agabkii uu ku aqal geli lahaa. Nasiib xumo se wax faro kumuu dhigin. Cidda hawada guur intuu qori qaadka u noqday ba ku tirtirsiyi jirtay waa hooyadii. Markaste waxay ku tidhaahda “anigoo ubadkaaga arkin baan malaha xabaal geli”. Mooyi mid horeyn bee. Raage laba wiil iyo afar gabdhoodu ayuu la dhashay. Laba gaban midkood magaalada ayuu ka shaqaysta, kan kalena waa Guuleed oo shan da’ood u dhaxeeyaan isaga iyo raage.

Guuleed waa aftahan, si walba ka duwan walaalkii Raage. Ciyaarta aanu joogin waa mid gabbal baasi u dumay. Guuleed hooyadii waxay aad uga waanisaa inaanu guur haweysan inta Raage loo dhisaayo.

Goor casar liiq ah, ayuu isagoo daalan xaafaddii soo galay Guuleed. salaan ka dib hooyadii wax u sheegi bay halkii ka bilowday. Awal wuu dhagaysan jiray, hadalkeedna wuu qaadan jiray. Laakiin maanta ma danaynaayo. Iyana ma oga ninka ay waaninaysaa inuu caawa gabadh la ballamay oo uu la soo tagaayo.” Laba kala bari day kala warla’a”.

Guuleed iyo saaxiibkii waxay beegsadeen aqalkii reer Faarax dagaal qoor u dhaw oo ay isku ogaayen innay iskugu yimaaddeen guuleed iyo inantu rabo inuu la tago.

Faarax dagaal waa odayga degmada. Guuleed inanta ay is calmadeenna waa faarax inanta ugu weyn caruurtiisa. Waa barni oo ah gabadh maskax badan, dhabanna leh. Waa inan dhammaan dhallinta guur doonka ahi isha ku haysay. Soo gaadh goobti. La is bariidi. Dabadeed halkee bay iska raaceen. Hoygii dhuux oo ay aabbihii ilmaadeer dhaw ahaayeen ayuu hiirti waaberi keenay. Inkastuu canaan daran kala kulmay dhuux, haddana, xaaladdu way iska degtay.

Dhuux oo laba oday wata ayaa ku soo jarmaaday reer warsame geelle. Warsame oo garabdhiga aqalkiisa ku afuray ayay u soo galeen. Bariido ka dib Hawshii bay u sheegeen. arrinkay u la socdaan innuu arrin dhici jiray, dhicina doonna ayay u sheegeen. Daboolkay kollay uga qaadeen, qawlalada ayuu ka xunbeeyay. Caqli celin badan ka dibna in arrinka la dhammeeyo oo wiilka loo guuriyo ayaa la isla gartay.

Raage marku warkii gaadhay. Waxuu ba dhaar ku maray Guuleed in Naftiisa uu jaro. Garbaduub inta loo qabtay ayaa geed lagu tigtigay.

Arooskii kolku idlaaday ayaa la sii daayay Raage. Xaafaddii ba wuu ka go’ay ardaaga geellana muu soo dhaafi jirin. Barni oo garasho badnayd ayaa maalintii danbe u tegay goor arooryo hore ah. Way salaantay. Inkastaanu ka qaadin bariidadii, kamay niyad jabin.

Waxay sasabto oo ay hadallo beerlaxawsi ah ku tidhaada ba way maslaxday. Gurigeedana way keentay oo ay ka quraaci say. Inadeerteenda markii danbe uga minxiistay. Halkaasuuna raage qoys ku yeeshay.


Author | Ibraahin Xaaji Cabdi “Ibraahin-Tallaabo”|
| Xigasho Weedhsan.com


Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka