Xog-warran: Somalia ma ku dhici doontaa dabinka gumeystaha madow?

Waxa nasiib darro ah in konton iyo todobo sano kadib an maanta su’aal noocaasa is waydiino inagoo shaki galinayna mustaqbalka xorriyadeed ee Soomaaliya iyadoo dowladihii xorriyada inakaga dameeyey in jiritaankooda su’aal lagaliyo iska daaye ay maanta mustaqbalkeena waxka go’aaminayaan, waxaa see kasii ayaan daran in aanay wali soomaaliya isku howlin inay ka jawaabto su’aashan iyo kuwa lamidka ah iyadoo ay u muuqato in dadka soomaaliyeed ku mashquulsan yihiin arrimo dhexdooda ah kuna baraarugsanayn shirqoolada iyo dabinada loo maleegayo jiritaankooda.

Waxan qalinka u qaatay inan suaashaas ka jawaabo wax badana uga iftiimiyo dadkayga hurda oo an inaba libiqsanayn waxa hareerahooda ka dhacaya, jawaabta suaashasi waxay ku xiran tahay qodobo dhowr ah oo an hoos ku xusi doonaa.

1. CIIDAMA AMISOM:- Inta ciidamada amisom oo ay ku jiraan (Ethiopia iyo Kenya) ay joogaan Soomaaliya kuma tilmaami karno Soomaaliya dal xor ah oo go’aan ka gaari kara mustaqbalkiisa sidoo kalena qaadan kara go’aano masiiri ah, Amisom waa mashruuc ay ku hoos jirto gumeysi toos ah waxa soomaaliya jooga saraakiil iyo ciidamo aynaan tiradooda garanayn, sidoo kale aanay jirin cid shaqadooda kantaroosha, amisom waxay noqotay wado loogu dow galo si loogu xad gudbo madaxbanaa nideena taasina waa sababta dhalisay in uhuru Kenyatta intu gobolo Soomaaliya kamid ah amar la’aan ku tago kana sameeyo olole doorasho iyo dhoolatus ciidan isagoo shacabkiisa tusaya guulaha ay ka gaareen isbalaarinta Kenya ee soomaaliya oo ahayd hadaf ay in badan ku riyoonayeen balse hadda umuuqda mid u dhow inuu u romoobo.

Hadaba jawaabtaydu waxay tahay hadii ay amisom waqti dheer sii joogto “Haa Soomaaliya way galaysaa gacanta gumeysataha madow” waxay na noqon doontaa meel map ka aduunka laga tirtiro bal se hadii Soomaaliya ay is aaminto kana maaranto ciidanka shisheeyaha ee ujeedooyinka badan huwan ayna dhisato ciidan sugi kara amniga xuduudeheeda “markaas Maya ayay noqon doontoo jawaabtaydu”.

2. URURADA XAGJIRKA AH:- Dowladnimada Soomaaliya waxay muddo dheer u xayirnayd oo la hanaqaadi wayday laba caqabadood oo hadii an laga gudbin dowladnimo oomaaliya ka dhalataa mustaxiil tahay, labadaa caqabadood waxay ka faa’idaysteen burburka iyo dowlad la’aanta , waana dhibaatada ugu wayn ee dadkeenu dhibanaha u ahaa muddo ku dhow soddon sano walina u yahay.

Labadaa caqabadood waa hogaamiye kooxeed ama burcad barri hadba midkaa u taqaan iyo urur diimeedyo xagjir ah, labadaa qolo waxay ka macaasheen dhiiga dadkeena mudo tobanaan sano ah waxay dileen boqolaal kun oo bir magaydo ah sidoo kale waxay kufsadeen malaayiin gabdheheena ah waxay dheceen balaayiin lacag walina way sii rabaan inay joogaan boqolaal sano oo dame hadii an dadkaygu isku tashan iskana hor wareejin.

A) Ururada xagjir ka ah waa albaabka gumeystuhu kasoo galay dalkeena waana wadada looso mari doono hadiiba ay dhacdo in qarankani gacanta u galo gumeystaha madow ee horey dhulkeena qaar kamida gacanta ugu jireen.

Ururadan waa kuwii sababay duulaankii mareykanka iyo xulufadiisa ee sagaasha meeyadii, sababtoo ah dowlada maraykanku waxay cabsi ka qabtay ururki itixaad oo Soomaaliya qaybo kamida ka dagaalamayey inuu dalkan gacanta ku dhigo kana dhigo base maraykanka laga dhibaateeyo, mar kale ururadan oo magicii badashay waxay sababeen in caasimadii dalka oo 16 sano oo soomaali dagaalamaysay an waligeed Ethiopian iman inay cagta soo galiyaan iyagoo ku marmarsiyoonaya in khatar kaga soo wajahan tahay kooxahan oo ku goodiyay inay Adisababa ku tukan doonaan duniduna ku taageertay duulaanki xabashidu ku soo qaaday Soomaaliya iyagoo ku xasuuqay tobonaan kun oo dadkeena ah.

B) Ururadani waxay dadka soomaaliyeed u diyaarinayaan in lagumeysto sabab too ah dadka soomaaliyeed waxay ku caan ahaayeen dad kulul oo an gumeysiga aqbalin cid walba oo isku daydana ku guuldarreysatay.

Laakiin hadda waxa muuqata in dadkii noocaas ahaa maanta ay noqdeen kuwa an ficil lahayn oo mararka qaar qofka aabihiis ama walaalkiis oo hortiisa ay ku gawraceen niman afku u duuban yahay ay dhacdo inuu san ka falcelin una aargudin halka laga yaabo in markii hore hadii nin ay isku beel yihiin “Tol la’ayeey” dhoho inuu qorigiisa la boodi jiray.

Waxyaabaha an la yaabay waxa kamid ahaa odey beeleed qabiil dhan oo magaalooyin daggan horjooge u ah baa inta ururka alshabaab soo qabteen waxay u qawreceen sidii orgi xalaal ah iyadoo aysan wax ficil celin ah ka samayn magaalooyinkii marxuumkaasi odeyga u ahaa dadka halkaa lagaar siiyay oo hankii iyo damiirkii ba laga jabiyay makula tahay akhriste inuu barri gumeyste kusoo duuley iska xoreyn karo ama la dagaalami karo?? Aniga waxay ila tahay inuu gumeystaha soo dhoweyn doono sababtoo ah gumeystuhu xabbad ayay kugu dilayaan sidii qofkii ee kuma gowracayaan sidii neefkii.

Ugu damayn maanta wan ognahay mandate ka kaliya ee Ethiopia, Kenya iyo Amisom u joogto Soomaaliya waa la dagaalanka ururadaas, hadaba waxay arrintaasi ka markhaati kacaysa in qaranimada soomaaliya ay halista kowaad ku tahay jiritaanka ururadan hadii aysii jiraan oo ururadani iyo kuwa lamid ka ah mustaqbalka fog iyo kan dhow ba mar kaas jawaabtaydu waxay noqonaysaa “Haa Soomaaliya way galaysaa gacanta gumeystaha madow” laakiin hadii dad iyo dowlad is aaminaa u kacaan inay iska xoreeyaan dhiig miiratadan an waxba hambayn “markaas Maya ayay noqon doontoo jawaabtaydu”.

3. QABYAALADA:- Qabyaaladu waa furaha dhibaato walba oo Soomaaliya ku dhacday, Somali waxay isu laysay reer reer iyo jifo jifo wax natiijo ahna kama gaarin, qabiilada somalida markay kala adkaan waayeen waxay isu adeegsadeen cadowgooda oo mid walba oo filaayey inuu kan kale uga gargaaro laakiin taasi ma dhicin ee labadii dhinac ba hubkaa la isugu dhiibay si ay isu xasuuqaan, mudo soddon sano ah ayaa la isku diraayey si ay isu tirtiraan walina way isu sitaan hubka, hadii magaalo kamida dalkeena ay soo galaan ciidamo shisheeye waxa lagu soo dhoweeyaa marxabayn iyo sacab laakiin hadii ay soo galaan ciidan qabiil kale waxa lagu soo dhoweeya gumuca rasaasta, waxaa dhimatay walaalnimadii, is aaminaadii, isu tanaasulkii iyo midnimadii somalinimo hadana saas oo ay tahay majiro qabiil kaligiis sharaf helay oo maanta fakhri, colaad, abaar, gaajo iyo tahriib an ka cabanayn, majiro mid kaligii barwaaqoobay mid walbaaba kaligii ayuu keyn abaara isku xeerey hadii an sidaa sii ahaano na maalintuu mid walbaa tabar gabo kentiisaa bahalku ku cuni doonaa isagoo an heysan walaal garab taagan iyo daris ka naxa inta kale na way ku farxi doonaan.

Qormo uu qoray nin keenyaati ah oo an akhriyay ayan aad ula yaabay sida wanagsan ee cadawgeenu ugu faraxsan yahay waxa dhexdeena ka socda, qoraa gaasu wuxu Soomaaliya ku tilmaamay god madow oo ay ka buuxaan kheyraad aduunku u baahan yahay laakiin ay dagan yihiin waraabayaal aan iyaguna is cafinayn cid kalena cafinayn isagoo tusaale usoo qaatay Burcad badeedkii, bal se wuxu aad ugu faraxsan yahay in Kenya iyo Ethiopia meel fiican marinayaan xalka dhulkaas iyagoo si is le eg u qaybsan doona isagoo waliba kusoo gunaanaday in aduunku ku farxi doono hadi ay taasi dhacdo.

Hadaba hadii qabiilada soomaalida ee hada reer qansax iyo reer qurac isu haysta oo hadba kii xukunka qabta inta kale curyaamiso oo mid ba kan kale cadowga ka dhigtay cadowgiina saaxiib ka dhigtay, midiyaha iyo warmahana isu sita aadna moodo inay ku heshiiyeen in aanay waligood heshiin bogcadaa ay aduunka ka daganyihiin ina aanay waligeed dowladi ka dhalan iyaguna ay noqdaan umad fowdo kala dhaxasha dunida kale na ku biirisa qaxooti iyo qaxar markaas jawaabtaydu waxay noqonaysaa “Haa Soomaaliya way galaysaa gacanta gumeystaha madow” sababtoo ah qoomkii tashan waaya in loo taliyaa waa gar, ninkii waalana walaalkiis (Ethiopia iyo Kenya) u miyir qabo.

Laakiin hadii reer qansax, reer qurac iyo reer maygaag meel iska dhigaan buugii madooba ee shaydaanku ugu qoray sadarada dhiiga lagu xardhay ayna furtaan bog cad laguna qoro sadarro caano lagu xardhay oo ay ka buuxaan Nabad, Soomaalinimo, Is jacayl, Walaalnimo, Wax wada qabsi, iyo isu tanaasul ayna hal meel ugasoo wada jeestaan cid walba oo hagardaamo la gaadaysa “markaas Maya ayay noqon doontoo jawaabtaydu” somalidu waa inay kala barataa waxa kaa qabta qofka cadowgaaga ah iyo kan walaalkaa ah, carab iyo laba daan baa isugu dhow wayna is qaniinaan hadi ad walaalkaa is qaniintaan mar naba waa in aadan u kaashan cadowgaga allah haka raali noqdee markii labadii saxaabi ee mucaawiya binu abi sufyaan iyo cali binu abii daalib uu khilaafku dhex maray dhowr dagaalna dhex mareen ayaa boqorkii dowladda rooma ee kirishtaanka ahaa lasoo xiriiray oo warqad usoo diray mucaawiya isagoo leh waxan kuu soo dirayaa ciidan kaa caawiya in madaxa cali laguu keeno ayaa mucaawiya warqadii ugu jawaab celiyay “intan adiga kuu imaado oo ku dilo ban madaxaaga cali u keeni doonaa” halkaas ayuu ku quustay boqorkii wuxuuna ku guuldarreystay inuu kala furfuro dadkii muslimiinta ahaa sababtoo ah mucaawiya wuxu fahansanaa in hadii cali laga takhaluso isaguna ku xigi doono reer qansax iyo reer qurac na waa inay garashadaas yeeshaan.

Maanta soomaaliya xorriyad way haysataa laakiin dowladnimaa ka maqaan hadii maanta qabiilada soomaaliyeed ku midoobi waayaan raadinta dowladnimo xoogleh barri ayay ku midoobi doonaan raadinta xorriyadooda oo geed dheer laga saari doono.

4. DOWLADDA SOOMAALIYA:- Dowladda cusub shaqada ugu wayn oo hortaal waa xaqiijinta madax banaanida Soomaaliya, dowladihii ka horeeyey waxa umada soomaaliyeed shaki badan ka qabtay in amarada iyo go’aamada siyaasadeed meelo kale looga soo yeerin jiray, waxa sidoo kale shaki badan laga qabay mas’uuliyiin Ethiopian ah kuwaas oo an villa Soomaaliya marna kamaqnaan ujeedka ay ujoogaana illaa hadda aysan jirin dowlad caddaysay am ka hadashay.

Dowladda cusub waxa looga baahan yahay laba arrimood oo muhiim ah:-

A) Jihaynta bulshada:- dawladu waa inay bulshada soomaaliyeed u caddeysaa in jiritaankii soomaaliya ay khatar ku jirto ayna sabab u tahay arinkaas khilaafka dhexdooda ah, dowlad iyo dadkeedu hadii ay iska warqabaan xaalad kasta oo timaada ma guuldarreystaan, ma aha in madaxdeenu qarsato caqabadaha iyo jabka kahaysta dowladaha an dooneyn horumarkeena, waxa laga yaaba in qaarkiin ad u aragtaan inan khaldanahay oo waxyaabaha siyaasada ah aysan fiicnayn in la ogaysiiyo bulshada, laakiin waxad ilowsan tihiin in waxa shacab qaban karo aysan dowladi qaban Karin si walba oo ay xoog u lahaato tusaale waxa idiinku filan Afgambigii Turkiga ee fashilmay markii ugu horeysay ee madaxweynuhu maqlay talaabadii kowaad ee uu qaaday waxay noqotay inuu shacabkiisa wargaliyo una sheego caqabadan lasoo gudboonaatay, jawaabtii shacabka iyo garab istaagoodi na waxay noqotay mid dhagartii bilaha lasoo maleegayay ku burburisa saacado laakiin hadii madaxweynuhu ciidanka heegan galin lahaa oo awooda dowladda isku hallayn lahaa waxa suurto gal ahaan lahayd in dhagartaasi sidii la rabay u dhacdo.

Dowlada tabarta yar ee Soomaaliya hadii ay shacab keeda ka dhigto kuwa soo jeeda oo fahansiiso dabinada lala gaadayo waxay qalbiyada dadku u jihaysan lahaayeen hal meel, hal il bay na cadowgooda ku fiirin lahaayeen meesha maanta ay iyaga dhexdoodu is eeganayaan qof walbaa oo Soomaaliya wuxuu geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulaya siduu dalkiisa uga dhigi lahaa mid awood badan oo an la damcin.

B) Dhismaha ciidan qaran:- Hadii dadka soomaaliyeed u bislaadan dalkooda lana fahamsiiyo khataraha inaku soo fool leh waxay dowladu si buuxda u kasban doontaa quluubta shacabkeeda waxay na uga faaidaysan kartaa wax walba oo dan u ah dalkan, tusaala ahaan hadii dowladu sanduuq dhaqaale u furto ciidanka qaranka loona bixiyo “Badbaado Qaran” lana bilaabo olole lagu dhisayo ciidan qaran oo tayo leh hormuud na unoqoto dowlad iyo shacabkeed isku sir ah waxa mudo kooban lagu hirgalin karaa awood ciidan oo an kaga seexan karno difaaca dalkeena maanta baylah da ah.

Gabagabadii maqaalkan waxan kusoo gunaanadayaa Soomaaliya sida ay maanta tahay haday ku socoto ma aha si ay dunida kaga sii mid ahaan karto waxna kula qabsan karto somalidu waa inay hurdada ka kacdaa.

Oo heey somaalaay hurudooy

Cadow ku heeryee hurudooy

Halyeeyadaadii hurudooy

Haad baa cunaayee hurudooy

Haamaa la saraa hurudooy.

Hayyin sidiisii hurudooy La hogaaminaayaa

Dulli lama hilaabtee Aaway hanadadaadii.

Doqon baa habowsano Waligeed halaysane

Sidii xoolihii baa Xera nalagu hooyaa.



W/Q:
Abdullahi Nur Eid
Email: Seaman700@gmail.com




Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka