Warbixin: Soo Jeedin Lagu Joojinayo Badeecooyinka Laga Heli Karo Dalka Gudahiisa Ee La Soo Dejiyo

Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo ka tirsan guddiga beeraha, horumarinta reer miyiga iyo kaluumeysiga ayaa golaha shacabka hor keenay mooshin la xiriira sharciyeynta in dalka Soomaaliya laga joojiyo in la soo dhoofiyo alaab iyo badeecooyin laga heli karo dalka gudahiisa ama ay soo saari karaan ganacsato Soomaaliyeed sida Cusbada, Kaluunka, Galeyda, Digirta, Caano boodhaha..kuwaas oo sida uu sheegay keenistooda leedahay Khasaare dhaqaale, mid caafimaad iyo deegaan sida qaadka iyo bacaha.

Xildhibaan Maareeye oo mooshinkan muhiimka ah sidoo kale ka saxiixay illaa 53 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka, waxaa uu xildhibaannada u soo gudbiyay waxyeellada arrinkan, waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa:

Mudanayaal iyo marwooyin, dawlad kasta oo adduunka ka jirta waxaa mas’uuliyadeeda 1aad tahay in ay dalkeeda iyo dadkeeda ka ilaaliso wax kasta oo u keeni kara dhibaato iyo xad gudub dhaqaale, caafimaad, amni, degenaanshiyo la’aan, maskax guur, faqri iyo wixii la mid ah.

Hadaba, maadaama aynu gacmaheena ku burburinay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, dalkeenuna noqday meel fowdo ah oo cid kasta oo kastaa keeni karto kana qaadan karto wixii ay doonto, waxaa dalkeenna iyo dadkeenna ku socda dhibaatooyin iyo xadgudubyo dhaqaale iyo caafimaad oo ay ka mid yihiin:

  • 1. Waxa dadkeennii laga dhigayaa dad maskaxda iyo muruqa curyaan ka ah oo aan waxba qabsan karin, waxna soo saran karin ee u baahan in weligood la quudiyo.

  • 2. Si taas loo xaqiijiyo waxaa dalka qiimo aad u jaban lagu keenayaa alaabooyin iyo badeecooyin tayadoodu aad u hoosayso, oo ay ku jiraan kuwii dadkeenu soo saari jireen ee Soomaaliya ka buuxay, si beeraleydii iyo ganacsatadii alaabtaas soo saara ama ka ganacsada ugu khasaaraan ama u joojiyaan. Wax is dhaafsi ah oo aan kula jirno dalalka inoo soo dhoofiya (2) Bacaha waxaa ay keenaan dhibaato deegaan, nabaadguur iyo roobab la’aan.

  • 3. Dhinaca qaadka iyo bacuhu waxaa ay dhibaato caafimaad, mid dhaqaale iyo deegaan ku hayaan dadkeena iyo dalkeena, tusaale ahaan(1) Qaadka oo lagu qiyaaso in ay maalintii Soomaaliya ku khasaarto USD 500,000,00 waa daroogo u xun caafimaadka iyo dhaqanka bulshadeenna oo aan wax faa’ido ah u laheyn dadkeena, isla markaana aaney jirin wax heshiis wax is dhaafsi ah oo aan kula jirno dalalka inoo soo dhoofiya (2) Bacaha waxaa ay keenaan dhibaato deegaan, nabaadguur iyo roobab la’aan.


Mudanayaal kuligeen waan xanaaqi laheyn haddii aan maqalno ciidamo ajnabi ayaa soo galay dalkeena Soomaaliya, laakin nasiib darro ama ma dareemayno dhibaatada ay dadkeena iyo dalkeena u leeyihiin in ay soo galaan cuntooyin iyo badeecooyin ajnebi ah oo aan wax Kontoroollo ah laheyn, kuwaas oo haddii aan la xakameyn inoo keeno kara khasaare la mid ah ama ka xun kana ay geysan karaan ciidamada ajnebi ah oo dalkaada soo gala.

Mudanayaal haddii aynaan wax ka qaban dhibaatooyinka dadkeena heysta ee dhinacyada bulshada, dhaqaalaha iyo caafimaadka kuma guuleysan karno kuwa siyaasadda iyo amni ee aynu xoogga badan gelinno, sidaasi awgeed waxaa soo jeedinayaa:
  • 1. In Baarlamaanka Soomaaliyeed ku amro wasaaradaha dowladda ee arrintani quseyso sida wasaaradda beeraha, xoolaha, kaluumeysiga in ay baarlamaanka horkeenaan daraasad muujineysa badeecadaha laga soo saaro ama laga soo saari karo dalka Soomaaliya iyo sida loo kala hor marin karo joojintooda, kadibna aynu soo saarno sharci mamnuucaya in dalkeena loo soo dhoofiyo cuntooyinka iyo badeecooyinkaas.


  • 2. In xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre la timaado siyaasad ku dhiirigelineysa ganacsatada Soomaaliyeed maalgeshiga wax soo saarka iyo warshadeynta dalka, waxna ka qabto qiimaha korontada oo dad badan u diidan iney warshado dalka keenaan.


  • 3. In dowladaha inoo soo dhoofiya qaadka lala galo heshiis ganacsi oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogaalanaya in ay dalkooda geeyaan cuntooyinka dalkeenna ka soo baxa sida kaluunka, xoolaha iyo wixii la midka ah si aynu uga kabanno dhiigbaxa dhaqaale ee qaadka inoo geysanayo maalin kasta.


Mooshinkan oo golaha shacabka la horkeenay ayaa lagu wadaa in uu wax badan ka badalo dhaqaalaha Soomaaliya, miisaaniyadda 2017-ka waxaa lagu sheegay in Soomaaliya soo dhoofsato badeecooyin badan oo dalka gudahiisa lagu sameyn karo.

Xukuumadda Xasan Kheyre oo ku aaday xilli ka jirto abaar, isla markaana aan heyn qorshe cad oo maaliyadeed ayaa laga sugayaan in ay qaadato tallooyinka mooshinka ku qoran.

W/Q: WADANI
Cabdi Cabdi Caziz Gurbiye





Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka