Boobka Kiinya Badda Soomaaliya

11 October 2015

by Qaranka editor|



Intaanan u guda qoramadan bal aan yare xuse Haweneey Nigeria ka dhigta Cilmiga Siyaasada Dibada ayaa buug ka qortay sida gumeysi dal ku qabsado. Waxay tiri islaantu intaanan marka hore gumeysi dal qabsan nin koox daciifa ayuu taageeraa oo yiraa adiga ama kooxdiina ayaa u aqoonsanahay inaad tihiin madaxweynihi iyo hagaamiyaashi dhabta ee dalka, gargaar saaxiibtinimana idisinayaa.

Kolkeey kuwii dhulka hogaaminayay ilaa dhulaan cidi hogaamin majiree ay damcaan iney iska qabtaan nimankan daciifkaa oo ciidan ama dad daafaca aan heysan, cid rabta niman daciifa iney xukun kula heshiidana aanan jirin, ayaa gumeysi yiraa waan arkaa iney xaaladu adagtahay, oo ay nimankan idi diidan aysan waxaan madaxiina aheyn aysan ku qanceynin, sidaas awgeed waa inaan iidii soo diro ciidamo idinka ilaaliya nimankan.

Cabdulaahi Yuusuf Amxaaro iyo Mareykan way ogaayiin inuusan haysan ciidan markuu Soomaaliya isagoo madaxweynaa ah tago difaaca, oo sida kaliya uu Soomaaliya madaxweyne isagoo ah ku tagi karana ay aheyd isagoo dalka soo geliya ciidamada Amxaarada.

Shiekh Shariif sidoo kale inuusan haysan ciidan markuu Soomaaliya isagoo madaxweynaa ah tago difaaca oo loo baaha doono ciidamada Ugaandheesoo calooshood u shaqeystaa u baahan doono QM, Mareykan iyo Ingiriis wey ogaayeen. Xasan Shiikh isna xaaladiisu sidoo kalee aheyd.

Iminka badda Soomaaliya wey tagtay cidina dacwo iyo hadal kuma soo celi karto. Iska ilow dacaayada QM baa dhex dhexaadineysa muranka badda Soomaaliya ee kiinya kala dhexeysa. Xitaa Kiinyaatiga ku leh, waxaan naftii wiilasheena u hurnay inaan Soomaaliya ka difaacno Al Shabaab. Dowlada Soomaaliya amaal ma leh, cadaaladna maaha iney maanta meesheey amaal gud (Badda Soomaaliya) naga sii laheyd ay badaas yar nagula muranto.

Hadaladan raqiiskaa waxa QM iyo Kiinya ula jeedaan iney Soomaalida tusaan iney dowlada Soomaaliya tahay dowlad difaaceysa dalka iyo ummadda si Soomaalidu aanan u kacdoomin oo heeryada gumeysiga iskaga tuurin.

Joornalka Talyaaniga ayaa ka qoray boobka Kiinya ku heyso dhulka Soomaaliya Artiikal cinwaankiisu ahaa sidatan: Soomaaliya dowlad daciifaa ka jirta, Kiinyana gobolka Jubooyinka ku sii fideysaa, marka waxa kaliya oo la dhowraa ama haray waa u saxiixi Kiinya badda iyo dhulka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaan halkan ku soo bandhigeynaa sawiro, Go'aankii iyo sida Qaaramada Midoobey ay sanadki hore qeybta ICJ Maxkamada Caalamka u badashay badda xadka u dhexeeya Chile iyo Peru kolkii ay xili dheer dhageysaneysay dacwada iyo muranka labada dal.

. Waxa QM u dhawaaqday in muranki dacwada badeed ee ka dhexaysay Chile iyo Peru in 27 Jan. 2014 oo Aaaga Gaarka Ganacsiga (Economic Exclusive Zone: EEZ) ee dalka Chile oo 200 mile ay u badashaay ay Maxkamada Dambiyada International Criminal Court (ICJ) ka dhigty 80 mile meesha awal ay ka ahayd 200 Miles, halka inta 200 mile ka hartay 120 mile dhul Badeed ka badan 38,000 sq. km. la siiyay Peru oo dacwadii Chile kaga guuleeysatay.

Soomaali badan oo dowladu ku jirto baa yiri Guul baan ka filaynaa dacwada badda Soomaaliya ee QM la horgeeyay. Soomaalidu waxay ku maahaahdaa kheyr wax kaama dibtee shar isku diyaari. Waxaan taas u leeyahay Sharciyada Caalamka u dagsan cadaalad kuma dhisna ee xog buu ku dhisanyahay. Sida Amisom aysan Midowga Afrika u xukumin laakiin magaca un laga isticmaalo ayaa QM u xukumin go'aanada ay gaarto oo magac ahaan umbaa loo isticmaalaa, oo go'aanka waxaa gaara dowladaha (Veto) Codka Qaadicada leh, marka laga hadlayo arrimaha Bariga Afrika waxaa dowladaha Veto leh u daayaan Mareykan iyo Ingiriis si kuwa kale Veto leh iyagana meela kale loogu daayo. Hase yeeshee dowladaha Vetoda leh badanaa way necebyihiin iney QM oofiso jabinta sharciyada ay iyagu sameeysteen maxaa yeelay iney beenlowyaal yihiin bay Caalamka tusinaysaa.laakiin Somalia haddii lagu xad gudbo maadaama ay daciif tahay, dowladaha Vetoda leh ceeb u keeni mayso sida falalka hore Somalia soo gaaray lagu arkay.

Soomaaliyana waxay ka mid ahayd Dowladahi 1972 Xeerkaas Xadaynta Xeebaha wax ka saxiixday (the Maritime Boundaries): AAGA GAARKA GANACSIGA ee xeebaha dunida (the Economic Exlusive Zone (EEZ) Sharci Baddeed International Law of Sea oo dhigaya in 200 mile kheyraadka ku jira iney dowladu xeebeedku leeyihiin ee UN-ka ku saxiixay,

Si kastaba ha ahaatee,waxaa haboon in aad loo darso xukunyadii ama go'aanada badaha ee UN-ka, maadaama ay Kiinya aad u darsayso si ay ugula dhaqato Soomaalida.

haddii UN-ku go'aan ka gaarto dacwada badda Soomaaliya ee Kiinya kala dhexaysa waxa u badantahay inuu u ekaado dacwo badeedkii u dhexeeyay Peru iyo Chile oo QM ka soo saartay go'aanada sawirdoodu hoos ku qoranyihiin.

Sida ICJ Maxkamada QM ee Haag, Holland ku taal sheegtay, go'aan waxay gaarteen kolkeey daristay heshisyadi iyo kulamadi labada dowlo dhexmaray. Waana taas in Kiinya isku howshay iney saxiix ka sameeysato niman dowlad Soomaali isku sheegaya laakiin mushaarkoodi uu baananka Kiinya ka yimaado

Waxaan filayaa sawiradan dadka Soomaalida iney waxyaabo badan oo ku saabsan khiyaamooyinka xadadka badaha ka baradoonaan.

Intaanan QM badalin xuduudka badda ee Chile iyo Peru sidan ayuu ahaa



Sida xadka labada dal ee ku muransan xadka badda u dhexeysa



waxaa yaaba meesha rinjiga buluuga oo dhan waxaa horay u sheega jirtay Chile. Waana sida hadda Kiinya hadda u sheeganayso.

Sida Kiinya badda Soomaaliya u boobayso





Sanadka labaad ciyaalka 5-sano jirka waxaa iskuulka lagu baraa Xagalka (Triangle) xariiqidiisa toosan iney tahay 90 derejo.

Ardagii ku qora xagalka derejo aan ahayn 90 derejo waxay u badantahay in sanadka dib loogu celiyo, haduuba xisaabti maado muhiima ku dhacay.

Nasiib wanaag caqliga cunug 5-jirka markiiba wuu fahmaa in xariiqada tuusan ee labo gees u dhexeysa yahay 90 derejo.

Waxaa yaab ah waxa cunug 5-jirka markiiba si fudud u fahmo ay dowlada Soomaaliya u fahmi la'dahay oo Kiinya hadba dacwo, hadba shir ugula fadhiisaneyso si xadka badda looga wada hadlo.



Bal fiiriya muranka Kiinya badda Soomaaliya galisay inu qalad cad yahay, marka dhulka buluuga lagu rinjiyay haddii Kiinya qaadato, Soomaaliya xeeb xagal ku jirto oo aan toosnayn baa usoo haraysa. sida qolada xadaynta iyo ilaalinta QM badaha dunida ugu qeybsan (UNCLOS) la yiraa waxaa u dhigan sharci xeebta labo dal inuu ahaado xariijin toosan 90 derajomid walba. Laakiin hadaad dhulka rabto Kiinya rabto iney Soomaaliya ka goosato waxaa Soomaaliya u soo haraya xariijin 60 derejo ah oo noqonaya xuduud xagak ku jirto oo aan toosanayn. Haddii muranka badda lagu murmaymeesha laga saaro, Soomaaliya waxaa u soo haraya darajo sax ah 90 degree.

Waa sida Peru ay Chile QM ku dacwaysay in xadka xeebteeda ay Chile la leedahay aysan toosnayn. Khubarada Kiinya ee xadka badda aad bay u darseen dacwada Chile iyo Peru ka dhaxeysa, maxaa yeelay bad la cabirayo waa sahal si laysku khiyaamo, oo cabiraada sida biyaha badda ayaa loo rogrogayaa.



Sawirkan dusha wuxuu aad ugu egyahay sida iminka Kiinya u rabto iney u boobto badda Soomaaliya. Kiinya waxay ku murmeysa in xariiqida buluuga ee dhulka ka baxda tahay xadka badda ee toosan oo Kiinya iyo Soomaaliya kala bara. Soomaaliyaan waxay leedahay Xariiqida gaduudan baa xadka saxda ah.

Waana sida hadda Kiinya rabto iney u boobto badda Soomaaliya sida sawirka hoose ku tusinayo

Kiinya waxey rabtaa iney qaadato badda ku sawiran rinjiga MADOW Triangle ama Xagalka iyo inta ka hooseysa Soomaalidana u reebto inta yar oo sawirka MADOW ka sareysa

Taasy waxey ka horimaaneysa Sharciga UNCLA ee xuduudka badda qoraya in xadka badda labada ahaado mid toosan 90 degree, si dowlad kasta u qaadato boqolkiiba 50%, oo xadka cadaalada.

Laakiin sida sawirada hoose ku tusinayaan muranka badda Chile iyo Peru, Chile waxey qaadatay boqolkiiba 120 degree Xagal ah, Peru-na waxaa la siiyay xad ah 60 degree ama boqolkiiba 30 badda labada dal u dhexeysa halka Chile ka qaadatatay boqolkiiba 70 ama 70%.

Waana qiyaanadaan sida hada Kiinya la rabto iney u boobto badda Soomaaliya, QM ugu dambeystii wey u ogalaadoonta sida Chile loogu ogolaaday in QM u sharciyeysay walow waa hore ay xalaaleysataty.

QM waxey ku dhisantahay cadaalad daro ama xoog. Dowlad xoog la timaada muujisana iney xoog dhul ku sii heysakarto QM waa ka raali ilaa iyadaa sidaas ku dhisane.

sida sawirka ku tusinayo Kiinya waxey rabtaa iney 120 degree Xagal ah qaadato Soomaalidana u reebto 60 degree Xagal.



labadan sawiree hoose waa sida xukunka QM u dhacay





Xariiqida gaduudan oo ay ku qorantahay kalabaraha ama xarafta equidistance equilibrium waa xuduudka saxda ah laakiin Kiinya rabtaa in xariiqida buluuga oo ay ku murmeyso iney sax tahay.





Xariiqida dhibca dhibcaha buluuga iyo tan kale buluuga ee ka sii baxda waa badda Peru la siiyay 200 miles Aaaga Gaarka Ganacsiga (nautical miles EEZ).

Waxaa la yiri Guusha Peru gaartay waa guul cayri caymo madiido ah maadaama xeebta xadkii horoo qaldanaa ilaa 80 mile oo Chile loo dhaafay uu yahay dhulka xeebta ku dhow oo Foosfaati (Carbonic) haraaga wixii hore noola sida saliida iyo macdanta laga helo, waxa ku jirana si sahala loola soo bixi karo. Badda 80 mile ka dib oo Peru la siiyay waa meesha badu ka qoto dheeraato, culimada kheyraatka bada baartana aysan haysan aysan sameeysan qalab gaara.

Author | Qaranka editor Ali E H NAALEEYE |

Contact: ahassannn@yahoo.com   © 2006 Qaranka